Agaasimahii Hore ee Cashuuraha Beriga Oo Sheegay in Is-bedel Fiican ay Gaadhay Wasaarada Maaliyadu Waqtigan

0
378

Agaasimahii Hore ee Cashuuraha Beriga Oo Sheegay in Is-bedel Fiican ay Gaadhay Wasaarada Maaliyadu Waqtigan

Hargeysa (Warsugannews)Agaasimihii hore ee Cashuuraha Bariga Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, ayaa sheegay in isbeddel fiican lagu sameeyey Wasaaradda Maaliyada, gaar ahaan dhinaca cashuuraha bariga iyo kastamada dalka.
Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, ayaa sheegay in nidaamka cashuuraha bariga iyo kastamahada wax weyn laga beddelin markay xilka Wasiirka Maaliyada qabsatay Marwo Samsam Cabdi Aadan oo ku ku tilmaamay in ay horumar la taaban karo gaadhsiisay Wasaaradda muddaday xilka haysay.

“Horta Runtii waad ogatahay adiga laftaada weriye inay aabaha iyo hooyadu kala naxariis badan yihiin, waxa wasaarada iska bedelay wax weyn oo ay ugu horeyso dakhligii oo aad la socotaan inuu hahda sare aad ugu kacay. Kharashkii mcno la’aanta iyo siyaasada ku bixi jiray oo aan hada jirin iyo shaqaalihii dhinaca ka rarnaa ee maalin walba la qori jiray oo aan hada iyana jirin

Waxaa la hayaa iyadoo saxeexan oo tacrifadiisa lagu dhimayo xiligii Samaale,hadeerna ma jirto waxaasi oo meesha way ka baxeen oo berigaas wixii doonaa laga dhaafi jiray tacriifta,” ayuu yidhi Agaasimihii hore ee Cashuuraha Beriga.

Mr. Cabdiraxmaan waxa uu sheegay in Wasaaradda Maaliyadu horumar gaadhsiisay gobollada dalka bari iyo galbeedba, waxaannu yidhi; “Anigoo tixraacaya maqaal ku qornaa shabakada wararka ee Oodweynenews.com kuna taariikhaysnaa 29/03/2016 isla markaana lagu sheegay in qofka waxaas sheegay yahay goob-jooge lagu eedeeyey Wasaarada Maaliyada Somaliland oo lagu sheegay inay qabyaaladi ka jirto, isagoo weliba qofkaasi abaaray Wasiirka maaliyada Marwo Samsam Cabdi Adan waa Marwo Qaali ah oo Qarankan ugu jira kaal miisaan leh, bulshada reer Somaliland indhahoodu way qabanayaan wax qabadka muuqda ee maaliyada bari iyo galbeed. Waxaa kaliya oo aan horumarkaasi arkaynin kuwa ku nool inay cunaan hantida ummadda ama lasiiyo lacag baad ah, waxaan u sheegayaa inaan loo joojinaynin. “

Agaasimaha Hore ee Cashuuraha Beriga Mr. Cabdiraxmaan Jibriil Cabsiiye, waxa uu intaas ku daray; “Haddaba, khaladaadka keliya ee ka jira Wasaarada Maaliyadu waa wixii uu kaga tagay Samaale , taasina Marwo Samsam Cabdi Adan way ka badali doontaa markay haboonaato waana isku bedelka Agaasimayaasha iyo maamulada gobollada iyo degmooyinka waxaanan qabaa anigu kolay qaarna wixii loo diray way kasoo bixi doonaan, qaarna waxay yeelanayaan dhaliil, qofkii kasoo baxa shaqadiisana waa in la siiyaa abaal-marin iyo dalacaad, kuwa kalena waa in lagu bedelaa qaar kale waana sunnaha wasaarada maaliyada Somaliland u yaala.”