Akhri: Khudbad Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu u Jeediyey Boqolaal Ka Mid Ah Shacabka Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag

0
633

Akhri: Khudbad Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu u Jeediyey Boqolaal Ka Mid Ah Shacabka Ceerigaabo ee Gobalka Sanaag

Hordhac: Mahad-naq

cEERIGAABO(Warsugannews)Shacabka degmada Ceerigaabo aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa, waxaana aan uga mahad-naqayaa soo dhaweynta aan hore loo arag ee aad soo dhaweyseen weftigii SAMA-WADE Sanaag, walaaleyaal dadka orda midba rikoodh buu dhigaa, deedna marka uu mid dhigo rikoodh cusub, waxa la yidhaahdaa hebel rikoodhkii buu jabiyey. Marka Sanaag soo dhaweynahii Somaliland oo dhan bay jabisay rikoodhkoodii, aad iyo aad baanu idiin ka mahadnaqeynaa, waxaana aan idin sheegayaa in aanay taasi ahayn soo dhaweyn, waxa ay ahayd dareenka shacabka oo aad ka turjunteen halka aad taagan tihiin, waxa aad muujiseen in gobalka aad diyaar u tihiin in isbedel ka dhaco Somaliland, isbedel nabaddeed, isbedel nololeed iyo isbedel dimuqraadiyaddeed na, aad iyo aad baana aan idiin ku mahad naqayaa.

Ujeedka Socdaalka Weftiga WADDANI iyo Guubaabada Diiwaan-gelinta

Walaaleyaal halkan u maanaan iman olole, waxa aanu u nimi in aanu shacabka Sanaag oo ah shacabka ugu ballaadhan jamhuuriyadda Somaliland oo 40% ah in aanu kala qeyb-galno wacyi-gelinta, dardar-gelinta iyo u kuur-galka xaaladda gobalka iyo diiwaan-gelintu sida ay u socoto, waxa aanu ugu baaqeynaa shacabka gobalka Sanaag iyo dhammaan degmooyinkiisa oo runtii uu gobalkani yahay gobalka ugu degmooyinka badan in shacabku ay is-diiwaan-geliyaan, waxaana aanu ka codsanaynaa xukuumadda inay sugto dhammaan ba amniga goobaha diiwaan-gelinta oo la gaadhsiiyo goob kasta iyo muwaadin kasta oo xaq u leh oo raba in uu isdiiwaan-geliyo, waxaana caddaatay in shacabka reer Sanaag dhammaantii, Dhahar, Badhan, Laas-qoray, Ceerigaabo iyo Gar-adag ba ay rabbaan in ay isdiiwaan-geliyaan.

Waxa gaar ahaan aan u baaqayaa oo aan cod dheer u dirayaa in ay maanta tartan tahay sida la sheegay na gobalka Sanaag uu dalka ka yahay 40%, shacbigu na haddii uu adeeg helo ama gaadiid ha noqoto ama waddo ha noqoto, waxa aan is lee yahay in 40% wuu noqonayaa, marka waxa aan idiin sheegayaa waa la tartamayaa, waxaana aan jeclahay in aad tartanka aad kaalinta 1aad ka gashaan haddii Illaahay ka dhigo.

Barnaamijyada Wax-qabad ee Xisbigu u hayo Gobalka Sanaag.

Gobalka Sanaag, waxa uu nagu lee yahay abaal aanan guddi karin, xisbigu wuxu gobalkan ka ahaa kaalinta 1aad xilliyaddii ugu dambeeyey ee goleyaasha deegaanka, marka sannadkanna waxa aad sii xaqiijiseen in uu noqonaayo +1. Gobalkani, waa gobalka ugu soo dururgsan ee goballada Somaliland, wuxu ka qatan yahay dhammaan ba kaabeyaasha dhaqaalaha, wuxu ka qatan yahay dhammaan adeegyada bulshada iyo caafimaadka. Barnaamijka siyaasiga ah ee xisbiga na waxa ugu horreeya in goballada bariga la’ la simo oo laga siiyo qasnadda qaranka waxa ay qaranka ku lee yihiin, ama kaalmo dhaqaale ha noqoto oo waddooyin ha noqoto e’. Waxaana aan madaxweynaha Somaliland ee qaranka Md.Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ku hambalyeynayaa ku dhaca uu ku dhaqaaqay in uu billaabo wadada Ceerigaabo, qaadhaankii ugu horreeyey ee wadada Ceerigaabo, waxa aanu xisbi ahaan bixinay markii aanu ururka ahayn, waxaana aanu idiin balan qaadaynaa in wadadaas inta uu Siilaanyo ka qabto mooyaane aanu inta kale annagu dhammeystirno, weliba mid aan kadh kadh lahayn. Waxa aanu ballan qaadeynaa in aanu iyagana wax ka qabano kaabeyaasha kale ee dhaqaale maadaama oo uu gobalku kala fog yahay oo waddooyinku xun yihiin haddii ay Badhan tahay, haday Laas-qoray tahay,Fiqi fuliye, ama dekado ha noqoto oo ay Meydh ka mid tahay, Laas-qoray iyo Xiis ba, waxa aanu jecel nahay in dhammaanba adeegyaddaas kaabeyaasha dhaqaalaha aanu wax ka qabano oo iskuulo ka mid yihiin, sida oo kalena ay jaamacadahu iyaguna ka mid yihiin iyo weliba biyaha oo iyaguna nolosha aas aasi u ah. Isha Allah, haddii Alle qadaro na mashaariic waaweyn ayaa barnaamijka xisbiga noogu jira siddii loo horumarin lahaa gobalka, siyaasadda xisbigana meel fog bay kaga jirtaa.

Xisbiga n,waxa uu diyaar u yahay oo ay mabaadiidiisu tahay, in uu yahay xisbi raba in qarankan loo sinnaado, oo goballaduu sinnaadaan oo kheyraadka loo sinnaado, oo shaqada loo sinnaado oo adeegyada loo sinnaado oo kuraasida loo sinnaado, waxa aanu jecel nahay in kalsooni buuxda aad ku qabtaan in xisbigani uu rabbo in qarankan Somaliland uu rabo in uu ka dhigo mid qudha, in uu umad qudha ka dhigo, in uu shacbi qudha ka dhigo, waxaana aanu jecel nahay in Sanaag na ay naga qaadato siyaasaddaas oo ay noqoto siyaasaddaas oo aanay Sanaag noqonin Afar beelood ama Lix beelood laakiin ay isku noqoto beel kaliya.

DHAMMAAD

Waaxda Warfaafinta WADDANI

Ceerigaabo/Somaliland

© 2016 Microsoft Terms Privacy & cookies Developers English (United States)