Akhri Wararka Maanta ee Wargeyska Warsugan Media Group

0
442

“Somaliland Wax Loo Reebay Ma Jirto, Mucaawinooyinkii Waa Laga Joogiyey, Fidmooyinna Dhexdeeda Waa Laga Abuuray………”Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

 

Muqdisho, 06 October 2019 (Warsugan)-Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay kulanka Madaxweyne Farmaajo la qaatay Tuke oo Somaliland dambiyo ka gaystay iyo falalka xukuumadda Muqdisho kula kacdo Somaliland. Islamarkaanna wuxuu sheegay in Somaliland maalin walba la dhawaacayo oo god lagu sii riddayo.

 

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadda-jiri wuxuu sidda ku sheegay waraysi uu siiyey telefishinka Horn Cable Tv, waxaannu carrabka ku dhuftay inay dawladda Muqdisho waddo fidmo inay ka dhex abuurto deegaanno Somaliland ka mid ah.

 

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo arrimaha ka hadlayaa wuxuu yidhi“Siday nimankan taladda dalka u yimaadeen, waxay qabaan caqli-darro yar oo leh dalka gacanta ku wadda dhigga, haddii aydaan ku wadda dhiggi karinna awooda yar ee dawladdu leedahay isticmaalaa oo u isticmaal dadkaas. Somaliland wax loo reebtay ma leh, annigu dadkii ugu horreeyey ee ka qayliyey ahaa oo mucaawinnadii baa laga joogiyey, oo fidnimo inta la abaabulay ayaa dhexdooda laga soo kiciyey oo dad dawladda Soomaaliya ahi intay deegeen (Somaliland), intay tageen fidno ka soo kiciyeen.”Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdishakuur

 

Sidoo kale, wuxuu wax laga xummaado ku tilmaamay in Madaxweyne farmaajo Sawir la soo gallo, dad xasuuq u geystay Somaliland Waxa ugu dambeeyey Tuke oo dhibaato ka geystay Somaliland in Madaxweyne Farmaajo isla soo sawiray oo xafladda wax ka maamulayaa iyadoo Maxkamadaha Maraykanka laga dacweeyey. Marka Somaliland maalin walba waa la dhaawacayaa oo waa la sii fogaynayaa oo god-baa lagu sii ridayaa.”Sidaa ayuu yidhi Cabdishakuur

 

 

Xildhibaanno Iyo Xisbiga Waddani Oo Saluug Ka Muujiyay Ka Qayb-galka Caleemmo-Saarka Jubbaland

 

“Arrinta Ka Qayb-gelku Waxay Muujinaysa Inay Somaliland Tahay Maamul-goboleed…”Marwo Faadumo Siciid

 

“Ninka Caleemo Saarka Jubaland Ka Qayb Galaya Waxaan u Qabaa Danbiile Qaran”Xildhibaan Dayib Xasan Axmed

 

“Haddii Aad Caleemmo-saarka Jubbaland Ka Qayb-galaysaan Waxa Ka Dhaw Inaad Madaxweyne Farmaajo U Tagtaan…..” Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud

 

Hargeysa, 06 October 2019 (Warsugan)-Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud iyo Xildhibaan Dayib Xasan Axmed oo ka mid ah xildhibaanadda Baarlamaanka iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda Xisbiga Waddani, Faadumo Siciid Ibraahim, ayaa walaac ka muujiyay ka qaybgalka caleemmo saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Islamarkaanna waxay sheegeen   in dhabbar-jab wayn ku tahay qarannimadda Somaliland.

 

Xildhibaanaddan iyo Xoghayaha Waddani ee arrimaha dibaddu waxay yidhaahdeen iyagoo arrimaha iska dabba-maray “Gollaha Guurtidda iyo Golaha Baarlamaanku, waa labadda gurri ee ugu sarreeya Somaliland. Waa labadda gurri ee distuurku siisay awoodii ugu waynay ee goleyaal yeelan karro, ama xil ka xayuubinta Madaxweynaha, marka waxay ku muujinaysa labadda gurri sidda uu u wayn yahay xilkooddu.”Ayay tidhi Faadumo Siciid waxayna hadalkeeddii sii raacisay“Marka maanta waxay labaddii gurri isu-raaceen oo ay yidhaaheen waxaannu ka qayb-galaynaa maamul-goboleed caleemmo-saarkeed, waxa weeye dhabbar-jab aad iyo aad u xun oo Somaliland ku timi. Su’aasha la is-waydiinayaa waxa weeye ma waxay leeyihiin oo ay taasi muujinaysaa Somaliland inay tahay maamul goboleed.”

 

Siddoo kale, waxay Xoghayaha xisbiga Waddani carrabka ku adkaysay in shirarka immika lagu qabto muqdisho innoogu dambeeyeen Xukuumaddii Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin“Wasaaradda Qorshayntu dhabbar-jab aad iyo aad u wayn bay ku haysaa qarrannimadda Somaliland. Maalintii dhawayd shirwaynihii lagu qabtay Muqdisho oo caalamka oo dhammi ka soo qayb-geleen, inaggu waynnu lahaan jirayn oo shir sidda u wayn waxa innoogu dambeeyey xukuumaddii Daahir Rayaale.Maanta waxaynnu taaggannay in Soomaaliya inoo saxeexdo wax alle iyo wixii caawimmo ah ee aynnu helaynay.”

 

Sidoo kale, Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtidda, Xildhibaan Dayib Xasan Axmed ayaa sheegay in cidda ka qayb-gasha caleemmo-saarka Jubbaland tahay dembiile qarran“Anniga ilma ahaa, manna dhici karto nin xildhibaan ah oo ka tirsan labadda golle inuu ka qayb-gallo, cid ka soo horjeedda midnimadda iyo dawladnimadda Jamhuuriyadda Somaliland oo waliba ah cidda koowaad ee aynnu is-haynno. Marka ninka ka qayb-galayaa annigu waxaan u qabaa inuu dembiile qaran yahay.”Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Dayib

Dhinaca kale, Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan golaha Wakiiladda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay xildhibaan ay isu-golle yihiin “Shir way ka qayb-geli karaan oo dhib ma’aha masuuliyiintu. Marka haddii ay caleemmo-saarka Jubbaland ka qaybgalayaan waxa dhawayd inay Madaxweyne Farmaajo u tagaan. Waayo taladda dalku maanta meel bay ka go’daa, laakiin inay meel yar oo luuq ah gallaan. Laakiin Madaxweyne aan beeshii caalamka isugu dubbo-dhacsanayn. Waxa jiray xeer labadda golle ansixiyeen oo inaan Soomaaliweyn waxba lagala hadlin, laakiin mar dambe ayaa xeer la jideeyey in siyaasadda la gala hadli karro oo taasi dhib ma leh. Laakiin marka aad yool iyo himilo leedahay dee yoolkaaga iyo himiladdaada meesha ku habboon raadi-baan ku leeyahay.”

 

Xildhibaan Naasir Xaaji Cali Shire ayaa sheegay in ku dhawaad tobaneeyo masuuliyiin reer Somaliland ah iyo kuwo xilka soo qabtayba ay ka qaybgali doonaan caleema saarka madaxweynaha maamul gobaleedka Jubalaan Axmed Madoobe oo bishan sagaalkeeda lagu caleema saarayo magaalada Kismaayo.

 

Wasiirkii Horre Ee Madaxtooyaddu Muxuu Ka Yidhi Xaaladda Dalka

 

“Ma qabyo li’in Laakiin horumarka iyo wanaaga qabsoomay baa badan…”Maxamuud Xaashi

Burco, 06 October 2019 (Warsugan)-Wasiirkii Madaxtooyadda ee Xukuumadii Siilaanyo Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa wax ma garato ku tilmaamay dadka saluuga ka muujiya in aanay Somaliland waxba ka faa’iidin gooni isu-taaga. Islamarkaanna wuxuu sheegay in dadka qaarkood tashuush ku furaan horumarka qaranka Somaliland gaadhay oo ka dhiga in aynaan waxba ka korodhsan ama guul ka gaadhin gooni isu-taaga.

 

Maxamuud Xaashi, ayaa ku dooday in Somaliland ay horumar balaadhan oo dhinac walba leh ka gaadhay, inkastoo ay jiri karaan gol-daloolooyin iyo qabyo weligoodna ay jirayaan.

 

Balse horumarka iyo wanaaga qabsoomay ay ka badan yihiin qabyadda jirta mudadda 28-ka sanadood ah ee ay Somaliland jirtay.

 

Maxamuud Xaashi Cabdi, waxa uu sidan ka sheegay hadal uu shalay  ka jeediyay munaasibad loo qabtay dufcadii labaad ee arday ka qalin jebisay jaamacadda Al-Najaax, ee magaaladda Burco.

 

Maxamuud Xaashi oo arrimaha ka hadlay wuxuu yidhi “Waxaanu tusaale u soo qaatay horumarka dhinacyadda badan ee Somaliland ay ku guulaysatay wixii ka danbeeyay markii ay Soomaaliya ka go’day magaaladda Burco oo ay imika ka jiraan 16 dusgi sare iyo 9 jaamacadood. Horumar qarankanni gaadhay weeye intii aynnu xorriyadeenna la soo noqonay, waxaan arkaa dad fara-ku-tiris ah oo tushuushadeeya horumarka Qaranka oo ka dhiga in aynu waxba kororsan ama aynu guulaysan.”Ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

 

Sidoo kale, wuxuu Maxamuud Xaashi shacabka ugu baaqay in midnimadda iyo waddajirka ummadda meel looga soo wadda jeesto “Waxa fiican in aynu ilaashanno midnimadeenna iyo wadda-jireenna, muhiim ma’aha in aynnu ummad ahaan wax walba ku midownno, balse waxa muhiim ah in aynnu wax walba isu-khilaafin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xaashi

 

Guddoomiyihii Golaha Dhexe Ee Kulmiye Iyo Wariye Cabdisalaan Hereri Oo Ka Badbaaday Daad Halis Galiyey

 

Hargeysa, 06 October 2019 (Warsugan)-Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa iyo laba iyo toban nin oo la socday ayaa deegaanadda biyo kulule oo qiyaastii u jirta 12 Km magaaladda Berbera uu ku qaaday daad ku soo rogmay buuralaydda dooxa Biyo Guurre, waxaannu dooxa ku soo rogmaday biyo guure qaaday gaadhigii wariye Cabdisalaan Hereri oo markii horre galay dooxa islamarkaanna laga saarayay cidda uu galay gaadhiggu.

 

Wariye Cabdisalaan Hereri iyo Guddoomiye Maxamuud Jaamac Warfaa oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dooxa soo rogmaday helis galiyey nafahoodda iyo nafihii kale ee la socday.

 

Wariye Cabdisalaan Hereri oo sidday wax ku dheceen sharraxay wuxuu yidhi “Rag badan oo aannu asxaabnahay baannu wadda soconay, shalay ilaa tobankii markii ay ahayd baannu ka baxnay magaaladda Berbera, oo dooxa Biyo guurre oo dhawr iyo toban kiilmo-mitir u jiraa ayaannu tagnay, xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo rag kale oo badan baannu ahayn, labba gaadhi baannu waddanay. Kadibna roobab farra-badan baa ka da’ay dhulka buuraha, dabadeedna werwer badan baa jiray inay daad soo rogmaddaan, annaga laftigayaggu taa waannu ka warqabnay oo gaadhigayga ayaa meesha naga galay oo markii dambe waxaa na soo galay daadkii, oo waxaannu ka fuulay qaarkayo buuraha, qaarna gaadhigii kale ee aannu waddanay.”  Ayuu yidhi Cabdisalaan.

 

Sidoo kale, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga muxaafidka ah ee Kulmiye Maxamuud Jaamac Warfaa ayaa sheegay inuu alle u bixiyey saddex nin oo u soo gurmad tagay“Runtii waannu arkaynay in meesha roob ka da’ayo. Laakiin waannu ka taxadir qabnay oo gaadhigii Cabdisalaan baa meeshii naga galay. Markaas dadkii deegaanka oo yaacaya noo yimi oo annagu yidhi waar meesha ka yaaca daadbaa soo socdee. Horta nasiib wannaag gaadhigga haddii aannu gaadhiga kale ku xidhno la isma-arkeen. Midda kale haddii aanay saddexda nin noo bixin nalama arkeen.”Ayuu yidhi Maxamuud Jaamac Warfaa.

 

 

 

Madaxweyne Ku Baaqay In Ardayda La Gawraco

Madaxweynaha dalka Tanzania John Magafuli, ayaa ammaan kala dul dhacay macallin garaacay ardayda rabshadaha badan.

 

Albert Chalimilan waa masuul dawladeed oo sarre, wuxuuna mas’uul ka yahay mid ka mid gobollada dalkaasi.

 

Haddaba, waxaa baraha bulshada lagu baahiyey muuqaal muujinaya Mr Albert oo meel taagan arday aad u badanna bogga ay u jiifaan si aad ahna loo garaacaya.

 

Wasiir ka tirsan Tanzania ayaa Chalimilan hore ugu eedeeyey inuu macallimiinta ku dhiirrageliyo inay ardayda dhibka badan ay garaacaan sidaana ay ku edbiyaan.

Madaxweyne Magafuli ayaa sheegay in loo baahan yahay ardayda in la qanjiidhiyo haddii ay intaa ku waantoobi waayaana la garaaco, isaga oo macallimiinta kula taliyey iney ardayda edebta daran aad u garaacaan.

 

Wuxuuna madaxweynaha sheegay sharciga waxbarashada ee sheegaya xilliga ardayda la garaaci karo laga dhigo mid furan.

 

Sharciga horay dalkaasi uga jiray ayaan macallimiinta iyo maamullada dugsiyada waxbarashada dalkaasi u oggolaaneyn iney ardayda garaacaan.

 

Macallinka doonaya inuu arday ciqaabana looga baahnaa inuu la yimaaddo xujo cad oo garaaca looga oggolaan karo, marka loo ogggolaadana afar jeer oo keli ah uu ul ku dhufan karo.

 

Madaxweyne Magafuli wuxuuba shaqada ka eryey macallimiin sheegtay ardayda in la garaaco ay tahay xad gudub loo geysanayo xuquuqda ardayga”Mas’uul Chamilan waan la hadlay, si fiican ayuu sameeyey ficilka uu sameeyeyna aad ayaan ugu ammaanayaa” ayuu yidhi madaxweynuhu.

 

“Weliba waxaa wanaagsaneyd inuu si aad ah uu u garaaco, ciddi aaminsan ardayda khaldan oo garaaco iney tahay xadgudub bani aadaminimo waa iney bixiyaan kharashka dhismaha ay ardayda galayeen ee ay qaar ka mid ah ardayda dabka qabadsiiyeen. Dhismayaasha iyo hantida qasaartayana waxaa lagu dhisay cashuur laga qaaday dadka saboolka ah ee dalkaasi.” ayuuna sii raaciyey.

 

 

 

 

 

Ugaadhsiga Lagu Hayo Haadka Oo Ku Faafay Gobolka Sool

 

Laascaanood, 06 October 2019 (Warsugan)-Dagaal lagula jiro haadka noocyada hilibka cuna, ayaa ku sii fidaya guud ahaan gobolka Sool.

 

Deegaanka Kalabaydh oo dhaca galbeedka magaalada Laascaanood ayaa lugu dilay Gorgor kaas oo la sheegay in uu ahaa mid duulaan ah.

 

Sidoo kale deegaanno ka tirsan Oog oo waqooyi kaga quman Laascaanood dhawr goobood ayaa laga soo sheegayaa in lagu laayey haadka.

 

“Dadka waxaa ku qufullan Gorgor dadka cunaya, taas oo keentay in ili aragtay dableyda loogu tilmaamo haadka oo aan ka maarmin meesha ay raqtaalo”Ayuu yidhi Axmed Cali Faarax oo hawl wadeenada degmada Xuddun ka tirsan.

 

Axmed waxa uu intaas ku daray in ay dadaal ugu jiraan sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayeen in waxa la sheegayo ay yihiin waxaan waxba ka jirin, waxase uu sheegay in ay adag tahay sida looga dhaadhiciyo.

Arrinta dagaalka ka dhanka ah haadka iyo shimbiraha qaarkood ayaa bilaabmay markii warbaahinta lagu buunbuuniyey dhacdooyin la sheegay in ay geysteen gorgor.

Haadka la laayey oo aan loo kala aabayeelin ayaa ay ka mid yihiin Gorgor,Baqalye, Coomaade, Haad ka adag, Xuunsho, Galaydh  iyo dhamaan waxa hilibka cuna oo qaar shinbiraha hayb ku raacaan sida Guumeysta.

 

Lama saadaalin karo mustaqbalka haadda wadanka ku noolayd waxaase lagama maarmaan u noqon doonto in ay aadaan meel ay naftooda ku badbaadiyaan sidii ay ugaadhii kaleba u haajirtey.

 

Iran Oo Lagu Eedeeyay Inay Weerar Inter-net-ka Ah Ku Qaaday Ololaha Doorashada Mareykanka

 

Tehraan, 06 October 2019 (Warsugan)-Koox jabsata internetka oo la rumaysan yahay inay xidhiidh la leeyihiin dowladda Iran ayaa waxay bartilmaameedsadeen doorashada Madaxwaynnimada Mareykanka ee 2020, waxaa sidaasi shaacisay shirkadda dhanka tiknoolajiyada ee Microsoft.

Kooxdan ayaa weerar ku qaaday in ka badan 200 oo email oo qaarkood ay iska lahaayeen dad gacan saar la leh “ololaha doorashada Mareykanka “,sida ay shirkadu sheegtay.

Bartilmaameedka kooxdan burcadda ee jabsata internet-ka ayaa ahaa ololaha dib u soo doorashada Madaxwayne Trump, sida ila wareedyo ay ka soo xigatay waakalada wararka ee Reuters.

Ilaa iyo imika dowladda Iran kama aysan hadlin eedeeynta loo soo jeediyay.

Afhayeen u hadlay kooxda ololaha Trump ayaa waxay sheegeen in aysan wali hayn caddeyn ku saabsan in la bartilmaameedsaday.

“Maanta waxaan idinla wadaagaynaa in aan aragnay dhaqdhaqaaq dhanka internet-ka ah oo ay wadaan koox lagu magacaabo Phosphorus, oo la rumaysan yahay inay xidhiidh la leeyihiin dowladda Iran,” ayaa lagu yidhi bayaan ay soo saartay shirkadda Microsoft.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxdani ay saameeyen in ka badan 2,700 oo isku day ah oo ay ku xaqiijinayeen cinwaanada emailada iyo cidda iska leh.

Markaas ka dib ayaa waxay kooxdan qaadeen weerar ay la bartilmaameedsadeen 241 cinwaanada emailo ah.

 

Diin Da’diisu Tahay 344-Jir Oo Aad Looga Qaddarin Jiray Nigeria Oo Geeriyooday

 

Abuuja, 06 October 2019 (Warsugan)-Guri boqortooyo oo ku yaal dalka Nigeria ayaa shaaca ka qaaday in Diin ku noolaa halkaas uu ku dhintay da’da 344 jir. Diinkan oo la odhan jiray Alagba oo micnaheedu yahay ‘Kii da’da weynaa’ wuxuu ku noola guriga boqortooyada ee Ogbomoso ee gobolka Oyo ee waddankaas.

Diinkan waxaa bil kasta dhaqaalayn jiray laba shaqaale oo hawshoodu ahayd inay cunto siiyaan.

Dadweynaha waxay rumaysanaayeen inuu lahaa awood dabiici ah uu wax ku daweyn karo isla markaasna waxaa looga soo daawasho tegi jiray deegaanno fog fog.

Noolahan wuxuu ahaa mid si weyn loo qaddarin jiray, waxaana guriga boqortoyada keenay boqorkii saddexaad ee maamulkaas soo maro sannadihii 1770 iyo 1797.

Khuburrada sayniska waxay su’aal geliyeen da’da Diinka halka kuwo kalena ay sheegeen in aysan suurogal aheyn in 344 uu jiray Diinku.

Tim Skelton oo ka howlgala xarun duur joog oo ku taal Bristol ee dalka Ingiriiska wuxuu sheegay in Diinka uu noolan karo 200 sanno balse arrintaas ay tahay mid dhif iyo naadir ah.

Diinka Jonathan oo ku nool dalka Seychelles ayaa la rumeysan yahay inuu yahay mid ugu da’da weyn dunida

Diinkan abid ugu cimriga dheera dunnida waxaa da’diisa lagu sheegay 187.

Boqorkii saddexaad ee ka arrimiyo gobolka Oyo ee Isan Okumoyede ayaa Diinkan keenay qarsiga madaxtooyada kaddib 200 sanno ka hor xilliggaas uu guulo ka soo hoyiyay dagaal halkaas ka dhacay.