Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 170-aad ee Maanta Oo Sabti ah

0
442

Cali Khaliif, Faysal Cali Waraabe iyo Siyaasiyiinta Xamar U Shaqo Tagay Oo Isku Mawqif Ka Istaagay Nidaamka Xamar

“Horta anigu waxaan u arkaa guud ahaan sheekada ka socota Somalia mid been ah oo aan xaqiiq ku taagnayn” Eng Faysal Cali Waraabe,

“waxaa Xamar ka socdana kama qayb galayno, wixii dantayadu tahay meeshii aanu ka heli karno ayaanu la raadsan ” Pro Galaydh

Waxaa dhacday in dadkayagii midnimo doonka ahaa caddaalad darrada aan marnaba nalaga dabcin bilaw ilaa dhammaad” xildhibaan ka soo jeeda somaliland oo baarlamaanka Soomaaliya ka mida

Hargeysa(Warsugan) Somaliland, kooxda Cali Khaliif iyo Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Xamar u xilal doonta ayaa markii u horaysay mawqif isku mid ah iska taagay aragtida dawladda Muqdisho ee ku aaddan Somaliland. Siyaasiyiinta ayaa saluugay saamiga laga siiyay nidaamka ay kuraasta kaga heli jireen Somalia iyagoo sheegan jiray inay metelaan beelaha Somaliland islamarkaana raadinayaan midnimo. Sidoo kalena Cali Khaliif Galaydh oo sannadadii u dambeeyay gacan saar la lahaa xukumadda Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay quus ka taagan yihiin habka Somalia ula macaamisho bulshada uu ka soo jeedo.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha iyo qaybsiga Muqdisho yahay mid khiyaali ah oo aan xaqiiqo ku salaysnayn “Horta anigu waxaan u arkaa guud ahaan sheekada ka socota Somalia mid been ah oo aan xaqiiq ku taagnayn, markaa waxay saamayn nagu leedahay ma jirto. Waxa meesha ka muuqata in qolada Garoowe siyaasadda Muqdisho ka socota iyagu siday doonaan u wadwadaan, oo waxay doonaan ba ku hadlayaan laakiin, anaga wax micno ay nala leedahay ma jirto,” ayuu yidhi Eng Faysal oo qayb ka ahaa barnaamij idaacadda VOA ku falanqaynaysay nidaamka doorashada Somalia ee sanadkan.

Sidoo kale Prof Cali Khaliif Galaydh ayaa meel adag iska taagay siyaasadda Muqdisho ka socota, isagoo sidoo kale waxaanay qaadan Karin ku tilmaamay xubnaha maqaar saarka ah ee baarlamaanka Somalia u metelaya bulshada Dhulbahante iyo Warsangeli oo la siiyay maamulka Puntland inay soo xulaan “Waa arrin khalad ah, waa mid lagu duudsiyayo dadka Sool, Sanaag iyo Buuhoodle, haddii maamulka Xamar joogaa u arkay inuu cid kale na hoos geeyo waa nasiib darro, waxaanu leenahay ma istaahilno arrintaas, ma ogolaanayno, waxaa Xamar ka socdana kama qayb galayno, wixii dantayadu tahay meeshii aanu ka heli karno ayaanu la raadsan, waxaanu leenahay nama khuseeyo kama qayb galayno, go’aankaasina waa mid aanan cidna uga marti noqonayn,” ayuu yidhi Prof Galaydh.

Sidoo kale tan iyo markii uu soo baxay go’aanka doorashada Somalia lagu galayo oo muujinayo nidaamka saami qaybsiga ayay guud ahaan siyaasiyiinta iyo odayaasha Somaliland inay metelaan Xamar ka sheegta waxay sida fiinta uga qayliyeen habka Xukumadda Muqdisho ku siisay maamulka Puntland xubnihii Beelo Somaliland ka mid ah ku meteli jiray baarlamaanka Somalia, kuwaasi oo Maamulka Puntland maroorsado inuu soo xulayo dadka metelayo bulshada degta Bariga Sanaag, Sool iyo Buuhoodle oo aanu maamulkoodu lug ku lahayn balse Somaliland ka tirsan. Waxay sheegeen inaanay ka qayb galayn nidaamka kana noqonayaan mabada’oodii ahaa soomaali weyn.

“ Sida aanu meesha ku joogno iyo sida dadka aanu ka soo jeedno kala yihiin waad ogtihiin, adduunkuna waa ogyahay. Anagu  waxaanu ku nimid, waxaanu diidnay gooni isku taaga, waxaanu is nidhi waxaa ka haboon oo ka dhaw midnimadii Soomaaliyeed in la helo, Soomaalinimadii aanu doonaynay sidii aanu u joognay ayaa iyadii sii noqotay intaas oo dawladdood oo yaryar. Waxaa dhacday in dadkayagii midnimo doonka ahaa caddaalad darrada aan marnaba nalaga dabcin bilaw ilaa dhammaad, oo mar walba caddaalad darro tii u waynayd nagu dhacdo. Waxa jirta in dadkan koonfurtu noo qaataan dad iska yimid meesha oo dalxiis u jooga, intaaba mabda’a ayaanu u adkaysanaynay oo aanu lahayn ka midho dhaliya, hase yeeshee maanta way soo ururtayoo koonfurtii ayaa intaas oo dawlado yaryar ah noqotay iyagaana isku mashquulay,” ayuu yidhi Xildhibaan Xiis Muuse Cawl oo ka soo jeeda Somaliland kana tirsan Baarlamaanka Somalia.

Sidoo kale Xildhibaan Cabdalle oo ka soo jeeda Somaliland oo shalay qayb ka ahaa dood BBC-du arrintan ku lafo guraysay ayaa sheegay in nidaamka dawlad goboleedyada ee Somalia ka jiraa hadda meesha ka saaray hammigoodii, islamarkaana Somaliland looga arko Muqdisho Maamul goboleed ka mid ah kuwa hadda jira, taasina ay curyaamisay nidaamkii Koonfur iyo waqooyi ee ay kuraasta ku heli jireen dadka Somaliland u dhashay ee Muqdisho dhuumashada ku taga. Waa markii u horaysay ee ay quustaasi istaagaan odayaasha iyo siyaasiyiinta Xamar isugu cumaamada kuna afgobaadsada raadinta midnimo Soomaaliyeed, sidoo kalena Cali Khaliif ayaa taagan quus taasi la mid ah.

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Oo Ka Jawaabay Eedo Uga Yimid Agaasimaha Guud Ee Shaqada Laga Joojiyay

“Abiibow, Ama sharciga dalka iyo garashada ayaa ku qaban ama sidaad ku celceliso waxaad noqon nin beeshiisu haysato xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo aan la loodin karin” – Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan

Hargeysa (Warsugan) Afhayeenka wasaaradda waxabrashadda ee Somaliland Cabdilaahi Ibraahim X Xasan ayaa markii ugu horaysay ka hadlay khilaafka dhawaan ka dhex dilaacay wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaaradda waxabrashadda.

Afhayeen Cabdilaahi Ibraahim X. Xasan ayaa qoraal uu soo saaray si qoto dheer uga hadlay khilaafka wasiirka iyo agaasimaha, waxa uu qoraalkiisa ku bilaabay “Maan jeclayn inaan ka dhex muuqdo, waxna ka yidhaahdo, ismaandhaafka maamul ee ka aloosan Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, maadaama oo uu doorkaygu ahaa odaynimo, dhexdhexaadnimo iyo wax-isku-soo-dhoweyn. Waxa se igu kallifay inaan hadlo ereyo xanaf iyo xajiin leh oo igaga yimid Agaasimaha Guud ee shaqada laga joojiyay”

“Halkii ay ahayd in haddii uu jawaab ka fursan waayay uu ku koobnaado eedaha Wasiirku shaqada kaga joojiyay, wuu qardo-jeexay waxaanu uu isku qaaday meelo kale, isaga oo igu eedeeyay inaan saxaafadda u qaybiyay wareegtada shaqo-joojintiisa. Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanay jirin meel aan warbaahinta wareegtada ugu qaybiyay iyo meel Wasiirka Waxbarashadu arrintaa iigu xilsaaray toonna. Waa halkii Hadraawi’e, aan idhaahdo: “Afartaa xan durugtiyo, Danni jira wax-sheeggii!”

Waxa kale oo uu Abiib ii aflegaaddeeyay si shakhsi ah, isaga oo si qaawan oo anshax-darro iyo cunfi ka muuqdo iigu sheegay “Afhayeen yar oo daydanimo reeraysan ku curyaamay”. Ugu horrayn, luqadda aad ku hadashay ee liidata tu la mid ah kuuguma jawaabi karo, waayo, waxa taa ii diidaya damiirka xalan iyo garashada suubban. Waxa kale oo muuqata in muhmal kaga jiro xilkayga oo aan ahayn afhayeenka Wasiirka, balse ah Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada oo ay masuuliyaddiisu dhex tahay guud ahaan Wasaaradda.

Waxa uu yidhi “…daydaynimo reeraysan ku cuuryaamay…” Anigu reernimo kuma dhaawacmin, qaddiyadda dhaawacayguna waa mid 15 jirsatay oo ku beegnayd August 23, 2001. Sidaas darteed, waa qaddiyad qaangaadh ah oo aan bulshada ka qarsoonayn.

Haddaba, aniga oo aan ku talax tagayn waxa aan si guudmar ah u sawirayaa dhawr dhacdo oo dareen gaar ah mudan. Tiraba dhawr shir oo aynnu ka wada qaybgalnay waxaad ku tiraabtay“miyaanay wax layaab leh ahayn in aniga oo Kulmiye ahaa uu qof UDUB ahaan jiray ii taliyo” adiga oo u jeeda Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada.

Waxa hadalladaadaas iiga muuqatay in aad moog tahay in Madaxweynaha Jsl Md. Axmed Maxamed Siilaanyo uu Madaxweyne yahay UDUB, Kulmiye, UCID iyo Waddani intaba, isla markaana hawlshan aynnu haynaa tahay tu qaranka oo dhami leeyahay ee aanay ahayn hawl kooxeed iyo mid xisbi toona.

Waxa kale oo aad mooggan tahay in Wasiirka aad eedaynaysaa uu 25 sanno ku hawlanaa nabadaynta iyo dibuheshiisiinta qaran ee Somaliland, isla markaana uu xuquuq taada ka weyn ku leeyahay guud ahaan dalka iyo dadka.

Waxa kale oo aad mooggan tahay in Madaxweynaha Jsl Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, iska dhaaf xisbiyada ku tartamaya talada Somaliland’e, uu hadh iyo habeen ku hawlan yahay soo-xero-galinta Somalilanders-ka ka soo horjeeda qaddiyadda Somaliland sida Awdal State iyo Khaatumo, maadaama ay masuuliyaddiisa ugu mudani tahay hoggaaminta, isku-wadista iyo ilaalinta midnimada guud ee shacabka Somaliland, oo aanu beesha dhexe iyo Xisbiga Kulmiye oo qudha ah Madaxweyne u ahayn. Haddii se aad adigu fikirkaaga qabto, waxaan kaa leeyahay ereyadii AHN Abwaan Cabdi Iidaan Faarax: “Adigiyo intii kula qabtaa, qaraf ma goysaan!”

Waxa qaranka ceeb ku ah in lagugu abaalmariyay eygii Wajaale ee calanka UDUB aad sudhay, iyada oo ay shareecadu bannaysay in qofka ey taabtaa ku daahiri karo uun toddoba goor oo ciid ah iyo hal mar oo biyo ah. Illeen intaas oo goor baad Wasaarado soo qastay oo waxaad maraysaa digreetadii shanaad ee khilaaf meel lagaaga kaxaynayo e, waxaan is idhi ma xukuumadda ayaa arrinkaas iska bedaysa oo xilalkani badani waa daahirinta nijaastii eyga? Mise xisbiga ayay dantiisu ku jirtaa in la dhiirrigaliyo hab-dhaqankaaga silloon ee dawladnimada liddiga ku ah?

Waxaad dhawr jeer si dadan iyo si daalacanba u tidhi cid kasta oo ay isir wadaagaan Xuseen Axmed Caydiid waan ka murugoodaa, maadaama uu si xun shaqada iiga joojiyay. Anigu se luqaddaa kugulama hadlayo oo kuuma arko nin beel, qoys iyo xisbi midna metali kara. Waxa  dhab ah in ay calaamad-su’aal saaran tahay in aad xataa si sharaf leh u meteli karto shakhsiyaddaada qof ahaaneed.

Haddii aad u aragto inaad xuquuqo dheeraad ah ku helayso ahaanshahaaga beesha dhexe iyo xisbiga Kulmiye, oo aad ku celceliso in Wasiirku reer Awdal yahay oo UDUB ahaa, taasi ma aha mid qarannimada u adeegaysa oo socon karaysa.

Ugu dambayn, Abiibow, Ama sharciga iyo garashada ayaa ku qaban ama sidaad ku celceliso waxaad noqon nin beeshiisu haysato xukuumadda iyo xisbiga Kulmiye oo aan cidi loodin karin. Waxaynnu ka dhursugaynaa go’aanka ay Madaxtooyada ku qaabisho qaladaadkaaga tirobeelka ah.

“Gurracnaanta qiil lagu saxoo loo gudbaa jira’e

Gudboonaantu way daalisaa ruuxa meel gurrane

Nin hadduu go’aankiyo sharciga gawrac ugu jiido

Hadba goondhabaaliyo hadduu gooddi-furan keeno

Gacalnimo hal loo yidhi hadduu gubasho sii beero

Guudaan haddii uu ku liqo ereyga geedeysan

Runta wuxu u guul-guulayaa way gun-dheer tahaye

Goldaloolo qudha maaha iyo goonnidaa taliye

Ged aan loo filayn baa jirtiyo geel-la-daaq kale!” – GUDGUDE, Hadraawi.

Cabdillaahi Ibraahin X. Xasan

Afhayeenka Wasaaradda Waxbarashada Somaliland

 

Komishanka Doorashooyinka Somaliland Oo Ka Hadlay Cabashooyin Diiwaangalinta Gobolka Soolna Dib U Dhigay

 

Laascaanood(Warsugan) Wefti ka socda guddida doorashooyinka Somaliland ayaa shalay gaadhay magaalada Laascaanood oo la filayo in dabayaaqada bishan ay ka bilaamato diwaangalinta codbixiyeyaasha. Weftiga ayaa u kuur galaya habsami u socodka tabaabushaha diwaangalinta iyo tababarada u socda shaqaalaha dadweynaha diwaangalin doono oo lagu sii carbinayo nidaamka diwaangalinta iyo farsamada ay adeegsan doonaan.

Guddoomiye xigeenka guddida doorashooyinka iyo Maxamed Jaamac oo ka tirsan xubnaha guddida doorashada ayaa kormeeray tababar magaalada Laascaanood ugu soo dhammaaday shaqaalaha diwaangalinta ka shaqayn doona, kuwaasi oo ku guulaystay imtixaanadkii laga qaaday shaqaalaha, islamarkaana goobtii diwaangalineedba ilaa afar qof la gayn doono.

Sidoo kalena hawl wadeennada guddida doorashada ayaa sheegay in tabashooyin bulshada gobolka Sool qabto ay sababtay dib u dhaca diwaangalinta oo ku beegnayd Sabtida maanta inay bilaamato, taasi oo dib loo riixay ilaa 23-ka bishan. Waxgaradka iyo siyaasiyiinta gobolka Sool ayaa dalbanaya in wacyi galin dheeraad ah loo sameeyo bulshada ka hor diwaangalinta, in la kordhiyo wakhtiga diwaangalinta iyo goobaha la iska diwaangalinayo “Qorshuhu wuxuu ahaa 13-ka bishan in diwaangalintu bilaamato laakiin, cabashooyin gobolkan ka tagay, odayaashiisa, waxgaradkiisa iyo dadka siyaasadda ugu jira gobolkan ayaa dib u dhigay,” ayuu yidhi guddoomiyaha Komishanka u qaabilsan gobolka Sool.

Waxa uu intaasi raaciyay in Komishanka iyo dadka deggaanku ka wada hadleen arrimaha ay tabanayaan balse aanu wali Komishanku go’aansan wax ka duwan qorshihiisa hore “Axaddii la soo dhaafay Komishanka shir baa ka dhacay, waxay komishanku la kulmeen dad badan oo siyaasiyiin ah oo gobolkan ka soo jeeda, arrimaha ay kala hadleen waxaa ka mid ah goobaha diwaangalinta oo la kordhiyo, muddada oo la kordhiyo, wacyi galin dheeraad ah oo Komishanku bulshada u sameeyo; markaa sidaad og tihiin gobolkani waa kii u dambeeyay ee diwaangalintu ka qabsoonto, xeer aan gobolladii hore lagu dhaqi jirina lagu dhaqi maayee wuxuu la xeer yahay gobolladii hore,” ayuu yidhi Cabdillaahi Labagole

“Waxaanu bayaaminaynaa tababar u soo xidhmay shaqaalaha diwaangalinta gobolka Sool oo dhan Saddex boqol iyo shan qof.Shaqada diwaangalinta waxaa gobolkan uga tartamay inka badan sideed boqol oo ardayda jaamacadaha gobolka Sool ah, lambarka shaqada loo rabayna wuxuu ahaa 305 qof.Waxaan hambalyaynayaa shaqaalaha tababarka loo xidhay. Waxaan kula dardaarmayaa shaqadani shaqo fudud maaha, waa shaqo culus, dhul adag bay tagayaan, caddaalad baa laga doonayaa, wakhti badan bay maqnaanayaan, waxaa loo baahan yahay dulqaadkeedii iyo samirkii shaqada inay yeeshaan,” ayuu yidhi guddoomiyaha komishanka ee Sool.

Gobolka Sool ayaa noqonaya kii u dambeeyay ee diwaangalinta codbixiyeyaasha laga hirgallinayo, iyadoo ay socdaan dadaallo xukumaddu ku doonayso in dadweynaha loo diyaar gareeyo ka qayb qaadashada diwaangalinta iyo doorashooyinka inagu soo foolleh oo hore dadka deggaannadaasi uga qatanaayeen.

Isbahaysiga  Oo Kale Jabay Iyo Xubno  Ka Tirsan Oo Socdaal Kadis Ah Ku Tagay Dubai Iyo wadahadalo la filayo inay La Yeeshaan Xubno Sare Oo Ka Tirsan WADDANI

 

Hargeysa(Warsugan) Xubnaha isbahaysiga KULMIYE ee isbedel doonka ahaa ayaa waxa soo waajahay burbur iyo kale qaybsanaan dhexdooda ah ka dib markii xubno ka mid ahi si dhuumasho ah ku tageen dalka Imaraadka carab,halkaasi oo wadahadalo qarsoodi ah ay kula yeelan doonaan masuuliyiin sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI .

Xubnahan isbahaysiga ee Dubai soo gaadhay waxa ka mid yihiin wasiiradii hore ee madaxtooyada iyo hawlka guud, Xersi Cali Xaaji xasan iyo Cabdirisaaq Khaliif oo uu weheliyo agaasimihii guud ee hore Wasaarada Warshadaha Mawliid Weris. Sida ilo xogogaal ahi sheegeena waxa lagu wadaa in ay halkaasi kula kulmaan wasiirkii hore ee arrimaha guddaha Maxamed Nuur Caraale Duur oo ka mid ah siyaasiyiinta ugu miisaanka culus xisbiga WADDANI, ganacsade Maxamed Baarjeex iyo xubno kale oo xisbiga ka tirsan.

Haddaba waxa wadda-hadalada aan wax sidaasa kale socon xubno muhiima oo ka tirsan isbahaysiga oo ay ka mid yihiin wasiirkii hore ee arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, wasiirkii hore ee Wasaarada Cadaalada Xuseen Axmed Ceydiid iyo xubno kale, oo aan la ogeyn mowqif ay ka qaadan doonaan wada-hadaladan qarsoodiga ah ee xubno isbahaysigooda ka midka ahi dib ula bilaabeen xibiga WADDANI.

 

Wefti Ka Socda Midawga Jaamacadaha Carabta Oo Somaliland U yimid Qiimaynta Heerka Tacliinta Sare

 

Hargeysa(Warsugan) Wefti balaadhan oo ka socda jaamacadaha carabta ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa, kuwaasi oo u socda qiimaynta heerka waxbarashada jaamacadaha Somaliland. madaxda wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare oo qaabishay weftigan ayaa sheegay in jaamacadaha buuxiya qiimaynta weftigan ay bahwadaag la noqon doonaan midawga jaamacadaha carabta.

Weftiga ayaa qiimaynaya jaamacadaha kala ah Jaamacadda Camuud, Jaamacadda Burco, Jaamacadda Nugaal iyo jaamacadda Najax iyo sidoo kale kuwii kale ee wakhtigu u saamaxo muddo 4 cisho ah oo ay joogi doonaan dalka. Weftiga oo afar bilood ka hor yimid Somaliland ayaa socdaalkoodii labaad oo rasmi ah ku yimid dalka, taasi oo muujinaysa siday uga go’an tahay eegista waaqica cilmiga ee tacliinta sare ee Somaliland.

Yuusuf Axmed Cali, agaasimaha waaxda tacliinta sare ee wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa sharaxay ujeedka socdaalka weftiga“Waxaa jirtay in ururka jaamacadaha carabtu uu halkan inoogu yimid sanadkan bilawgiisii isagoo raba inuu u kuur galo siday tahay tacliinta waddankeenu. Dadaal badan oo aanu hawshaa  u galnay kadib waxaa mar kale inoo yimid weftigii, iyadoo doorkan qiimayn lagu samayn doono jaamacadaha dalkeena oo kuwii u qalma lagu dari doono jaamacadaha Carabta. Waxay walaalaheen caalamka carabta la qaybsan doonaa wixii ay qabaan, islamarkaana aqoonta iyo macalimiinta is dhaafsan doono, waayo aragnimada iyo cilmi baadhista is dhaafsan doono,” ayuu yidhi agaasime waaxeedka tacliinta sare.

Wasiiru dawlaha wasaaradda waxbarashada Maxamed Xaaji Aadan Cilmi ayaa sharaxay heerka weftiga ka socda jaamacadaha Carabta “Waxaa inoo farxad ah inay inoo yimaadeen wefti culus oo ka socda jaamacadaha Carabta oo uu hoggaaminayo madaxii jaamacadaha Carabta Suldaan Alcadwaani iyo madaxa jaamacadda weyn ee qaaliga ah ee caalamka Carabta laga yaqaan ee Sharqi Awsad Dr Mahir Asaliim iyo wefti kale oo jaamacadaha Carabta ka socda. Waa markii labaad ee bookhasho rasmi ah oo wasiirka wasaaradda waxbarashadu u fidiyay ay ku yimaadeen halkan.Waxay bookhan doonaan afar jaamacadood iyagoo qiimayn doona halkaynu uga baahanahay inaynu waxbarashadeena ka tayayn doono,” ayuu yidhi wasiiru dawluhu.

Ugu dambeyna xoghayaha jaamacadaha Carabta ayaa si balaadhan uga mahadceliyay soo dhaweynta masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada, isagoo tilmaamay in socdaalkoodu salka ku hayo bookhashada dhawr jaamacadood oo la eegi doono heerka waaqica waxbarashada Somaliland wakhtigan marayo.

 

Laalays Interior: Xarun Ganacsiyeed Nooceedu Ku Cusub yahay Dalka Oo Laga Furay Caasimadda Hargeysa

 

Hargeysa(Warsugan) Waxaa Magaalada Hargeysa ee Caasimadda somaliland laga furay Xarun ganacsiyeed lagu iibin doono Alaabta qurxinta guryaha oo si toos ah looga heli doono, Munaasibad  balaadhan oo xaruntaasi lagu daah furaayey ayaa lagu qabtay  Laalays Cofee  ee Caasimadda Hargeysa waxaana ka soo qeyb galay  Dadweyne kala duwan oo madashaasi goob jood ka ahaa.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay  masuuliyiinta Xarun ganacsiyeedkan loogu magac daray Laalays Interior  waxaana hadaloodii ka mid ahaa ”  Laalays Interior waxaa loogu talo galay sharaxaadaha gurayaha iyo waxyaabihii kale ee ay macaamiishu ka dalbadaan ayey keeni doonaan imika waa bilow waxaana la rajayn doonaa in dukaanku dunaak kan weyn noqdo insha allaah dabadeedna uu dad badan raali geliyo, waxyaabaha yaala waa waxyaabo yaala qaarna loogu galay dalab in la dalbado dukaan kani waa furan yahay todobada cishaba maalinta jimcaha uun buu xidhan yahay gelinka hore waa furan yahay  inta laalays Cafee furan tahay”

Maxamed Yuusuf Jaamac (Hini) oo isaguna ka mida masuuliyiinta Laalays Interior islamarkaana xafladaasi ka hadlay ayaa yidhi ” Ganacsatada Somaliland waa isku daydaan laakiin kani waa wax ka duwan oo guryaheena anfici doona, dadka macmiishaan ahna waan kusoo dhaweynayaa inay meeshan  oo kale yimaadaan anigu waxaan jeclahay inuu gurigaygu qurux bato wadankayguna qurux bato waa dhisayn cusub oo wadanka kusoo biiray”

Waxaa iyaguna halkaasi ka hadlay qaar kamida dadkii kala duwanaa ee kasoo qeyb galay xafaldaasi kuwaasi oo soo dhaweeyey meheradaasi cusub islamarkana ku amaanay maamulka xaruntaasi ganacsiga cusub ee ay soo kordhiyeen iyagoo sheegay inay ahayd wax loo baahnaa .

Si Kastaba ha ahaatee xarun ganacsiyeedkan Laalays Interior ayaa ah xarun lagu iibin doono qalabka qurxin guryaha, taasi oo wax weyn ka tari doonta baahiyaha quryaha ee dhanka quruxinta, waxaana yaala agab badan oo loogu talao galay sharaxaada iyo quruxda guryaha taasi oo noqon doonta mid si weyn looga faaidaysan doono.

 

Guddoomiyaha Diiwaanka Sekedda Oo Ka Hadlay Xeerka Saxaafadda iyo Qorshe La’aanta Xisbiyada Siyaasadda

Hargeysa(Warsugan) Sheekh Siciid Maxamed Faarax, guddoomiyaha hay’adda diwaanka sekeda Somaliland, kana mid ah culimada waaweyn ee Somaliland ayaa khudbadiisii Jimcaha ee Shalay wuxuu kaga hadlay muhiimada ay leedahay in asxaabta siyaasaddu samaysato qorsheyaal wax qabad oo lagu doorto, balse aanay bulshadu noqon kuwo caydh ka ah nidaamka siyaasadda.

Dr Siciid ayaa sidoo kale khudbadiisa Masjidka Cumar Cismaan Cabdillaahi ee magaalada Hargeysa wuxuu ku soo hadal qaaday cawaaqib xumada ka dhalanaysa sheegista wararka beenta ah ee guud ahaan bulshada, gaar ahaana saxaafadda oo uu soo jeediyay in la ansixiyo xeerka saxaafadda Somaliland oo muddo dheer horyaallada golaha wakiillada, kaasi oo uu tilmaamay inuu xakamayn lahaa saxaafadda.

Sheekha oo khudbadiisa ku eekeeya hadba mawduucyada arrimaha bulshada saamaynta ku leh ayaa ugu horeyn soo jeediyay in asxaabta tartamaysaa lahaato qorshe waxqabad oo lagu doorto, si aanu dalku ugu xidhnaan wuxuu ugu yeedhay afmiishaarro tira yar oo aan dejin Karin ajandaha siyaasadda ee lagu hagayo bulshada iyo guud ahaan dalka.

“Waxaa loo baahan yahay manhaj, waxaa loo baahan yahay waxyaabo lagu kala baxo, waxaa loo baahan yahay buugaag la qoro oo la yidhaahdo tacliinta waxaas baanu ka qaban, caafimaadka waxaas baanu ka qaban, amiga waxaas baanu ka qaban,, taas baa loo baahan yahay oo lagu kala baxayaa laakiin, dad bilaa manhaj ah, qof aan buug ba qorin, qof aan maanofeestaba lahayn ayaa doonaya doorasho inuu galo. Waxa weeye saboolinimada; siyaasiyan baynu sabool nahay, Diin ahaan baynu sabool nahay, dhibaatooyin fara badan baa umaddan haysta, in umaddu noqoto mid u xidhan afar afmiishaan oo waxay doonaan suuqa galinaya oo ciday doonaan caayaya oo ciday doonaan aflagaadaynaya oo cid allaale iyo cid xukuntaa aanay jirin waa mushkilad,” ayuu yidhi Sheekh.

Dr Siciid oo aqoon u leh Diinta islaamka iyo cilmiga maadiga ah gaar ahaana arrimaha sharciga ayaa tusaale u soo qaatay in muddo dheer xeerka saxaafaddu iska hor yaallo golaha wakiillada, kaasi oo kala xakamayn lahaa saxaafadda iyo qaybaha kale ee bulshada “Imika waxaa jira qaanuunkii saxaafadda, intaas oo sannadood buu yaallay golaha wakiillada; lama ansixinayo, lamana doonayo in la ansixiyo, haddii la ansixin lahaa, qofka suxufiga ah masuuliyad baa saaran, waxaana loo caddayn lahaa wuxuu baahinayo, waxa kale oo loo caddayn lahaa aflagaadadan iyo caydan intuu cidduu doono caayo gurigiisii iskaga hoyanayo,” ayuu yidhi sheekhu.

Sheekhu wuxuu bulshada uga digay inay faafiyaan beenta, iyadoo xilliyada soo socda oo doorashooyin soo foolleeyihiina uu tilmaamay in beenta iyo arrimaha ololuhu badan doono “Aynu is asturno, kii xumaanta la yimid Illaahay baa la xisaabtami oo warkii xumaa buu qoray ee yaynaan sii faafin oo aynu fadeexadda muslimka ka ilaalinno. Nabigu wuxuu yidhi SCW qofka walaalkii oo Muslim ah astura Illaahay baa aduunka iyo aakhiraba astura. Nabigu wuxuu odhan jiray maxay koox ama qof sidaas iyo sidaas u samaynayaan, isagoo garanaya haddana magac muu sheegi jirin.Waa in la iska ilaaliyo magacyada la sheegayo ee shirarka jaraa’id loo qabsanayo.War kasta oo aad maqasho waa inaad iska ilaaliso, haddii sheeko wal ood maqasho sii faafiso waa waxyaabaha xumaanta sii faafinaya,” ayuu yidhi Sheekhu.

Diyaaradda Air Jabuuti Oo La Soo Degtay Diyaarad Sanadkan Xujaajta Ku Qaadaysa Boqol Dollar Oo Kaliya

 Jabuuti(Warsugan) Dawladda Jabuuti ayaa hawl galinaysa hay’addeeda diyaaraddaha ee qaranka, taasi oo durba shaacisay tartanka ay la galayso shirkaddaha diyaaradaha ee xashka geeya muslimiinta waajibaadka gudanaysa. Dawladda Jabuuti oo yeelatay diyaaradaha waaweyn ee magacoodu yahay Boeing 737 ayaa sidoo kale sheegtay inay bilaha soo socda soo gaadhi doonaan diyaarado dhawr ah oo kiro ah.

“Diyaaradda timid waxa weeye Boenig 737, waa diyaaraddii u horaysay, laga bilaabo imikana bishii kastaba waxaa noo imanaysa diyaarad cusub, 15-ka September diyaarad cusub ayaa noo imanaysa, October mid baa noo imanaysa, December na mid ayaa noo imanaysa. Diyaaradahan 737-ka waxaa leh Jabuuti, kuwa kalena waa kiro.Waa talaabo aanu ku hawlgalinayno Air Jabuuti, taas oo sannadaha soo socda si joogta ah u shaqaynaysa, saddex bilood oo aanu gobolka ka shaqayn doono kadib waxaanu ku talo jirnaa inaanu qaarada Yurub iyo Aasiya u duulno,” ayuu yidhi Abubakar Cumar Xaddi, maareeyaha Air Jabuuti, ahna madaxa dekeddaha.

Maareeyaha ayaa sheegay in madaxweynaha Jabuuti amray in sanadkan dadka xujaajta ah lagu qaado boqol doolar halkii awal kun doolar laga qaadi jiray diyaaraddaha gaarka loo leeyahay “Qiimihii xashka lagu tagi jiray waa la og yahay oo ilaa Kun doolar ayuu ahaa, waxaanu ka dhignay boqol doolar, waana talaabo wanaagsan oo aanu doonayno in xujaajtu  kaga faa’iidaystaan duulimaadyada u horeeya ee Air Jabuuti, waxaana amarkaas bixiyay madaxweynaha oo amray inaanu qiimaha dhigno, islamarkaana qiimihii ay ahaan jirtay aanu 10% ka dhigno, halkii kun ay ahaan jirtayna aanu boqol ka dhigno,” ayuu yidhi mareeye Abubakar.

Waxa uu sheegay in qiimahan aadka u hooseeyaa ku eeg yahay sanadkan balse wixii dambe ay rajaynayaan in kor loo qaado iyagoo ka jabnaan doona  heerka shirkaddaha diyaaradaha, taasi oo looga golleeyahay tartan shirkaddu u soo jiidanayso macaamiisha. Waxa uu tilmaamay in xagga qaadista alaabooyinka iyo adeegyada diyaaraddaha suuq balaadhan ka jiro gobolkan, islamarkaana ay ka jawaabi doonaan baahida dhinaca alaabooyinka iyo tan dadka labadaba.