Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 173-aad ee Maanta oo Arbaca ah ka soo baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa

0
754

“Madaxweyne Kun Iyo Sideed Boqol Oo Cisho Kadib Waxa Aad I Soo Celisay Aniga Oo Shalay Shaqo Doon Ahaa Maanta Shaqo Bixiyaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland” Gudoomye Geelle

“madaxweynuhu intuu madaxtooyadda igu soo dhex tabobaray ayuu ummada ii soo diray inaan u shaqeeyo”

“Saddex Ayeynu Isku Ognahay Sarayn Aan Sinji Ku Dhisnayn, Qalin Aan Qabiil Ku Dhisnayn Iyo Cadaalad Aan Ciil Lahayn” Gudoomiye Sharmaake Geelle

Boorama (Warsugan) Gudoomiyaha cusub ee hay’adda shaqaalaha Somaliland Sharmaake Geelle oo ka hadlayey munaasibad loo sameeyey arday ka qalin jabisay jaamacada Caamuud ee Boorama ayaa si qoto dheer uga hadlay fikirka uu ka qabo madaxweynaha Somaliland iyo aragtiisa la xidhiidha haldoorka wanaagsan.

Sharmaake Geelle oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magaacabay gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda ayaa mudo shan sano ka hor ah waxa uu ka mid ahaa ardaydii uu madaxweynaha Somaliland xiligan xiligeedii abaal marinta u siiyey abaal gudka. Gudoomiye Geelle oo ka hadlay arrintaas ayaa yidhi “Mudane, Madaxweyne 1819 cisho ka hor oo ku siman shan sano ka hor halkan ayaan taagnaa aniga oo arday ah. kun iyo sideedaa boqol ee cisho ka hor mudo shan sano ku beegan ka hor halkan waxa aan isa soo taagay aniga oo Ab iyo abtirsiin iyo suldaan midna odhan, madaxweyne kun iyo sideedaa boqol ee cisho ka hor waxa aad tidhi ardaygaas (Sharmaake) aniga ayaa qaatay oo qalin ku qaatay, madaxweyne kun iyo sideed boqol oo cisho kadib waxa aad i soo celisay aniga oo shalay shaqo doon ahaa maanta shaqo bixiyaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ugu sareeya aniga oo ah. Waa tirsi iyo taariikh, waa tilmaam iyo hagid, waa abuurid han iyo himilo, haddii madaxweynayaashu markay jaamacadaha imanay hadyad u keenaan maanta madaxweynaha hadyadiisu waa han, hankuu sidayda waa aniga”

“Mudane, madaxweyne haddii shalay la hadal hayey inaad ummada bartay adiga oo nool inaad kursiga uga degto oo aad barto sida hogaaminta loo qabto oo shalay soo layliday mudane Muuse Biixi Cabdi shan sano kadibna waxa aad qasrigaaga ku dhex layliday shaqada laga cabanayo ciilka ummada haya sinaan la’aanta iyo cadaalada ay ax ka lahaayeen inaad qasrigaaga ku soo dhex tabobartay ayaad shalayna fulisay. Mudane madaxweyne laba habeen ka hor madaxweynuhu marka uu i magacaabay aniga farriin ayey ii soo gudbisay dareenkiisu afka igamuu odhan laakiin dareenkiisa ayaa farriin saddexa ii soo gudbiyey, madaxweynuhu wuxuu ii soo gudbiyey ‘Sharmaakow qaabkii aan kuu xushay ummada u xulo, oday iima kaa keenin ab iyo abtirsiina magacaaga labaad ma aqoon hadana waxa aan ku dhiiraday qasriga inaan ku geeyo’ madaxweyne waxaad tidhi ‘qaabkii aan kuu soo tabobaray adiguna dadka u taageer, madaxweyne igumaad aaminin meel dhaw inaan ku soo tabobar qaato ee waxa aad i dhex gaysay qasrigaaga madaxtooyadda habeen walba iyo dharaar walba waxa aan arki jiray qaabka aad wax u hogaamiso; alaylee layga cabsan maayo ummad aad xil iigu dhiibtay inaan u xaqsoorin”

“Madaxweyne Jaamacada camuud waa halbeega hogaamiyaasha qaranka waxa hogaamiya Prof. Saleebaan Axmed Guuleed oo maalinba dhinbiil iyo qof cusub dadka u soo saara. Ugu danbayn madaxweyne haddii aad dadka bartay in arrintu qori isku dhiib tahay oo qofba qofka ka danbeeya soo barbaariyo, haddii aad tidhi qaabkii aan wax u soo xushay u qora aniga oo isticmaalaya awooda madaxweynuhu i siiyey ee dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ii ogol yahay waxa aan qaadanaya aradaygii iigu horeeyey aniga oo awoodayda iyo fulinta madaxweynaha isticmaalaya waxa aan halkan uga yeedhaya ardaygii shan sano ka hor halka aan taagnaa imika taagan oo aan ku casuumayo qasriga madaxtooyadda Somaliland. Maanta cashar intaas ayaa ugu filan intaas ayaa is dhul dhig iyo tusaale ugu filan, intaas ayaa awood bixin ugu filan, aniguna dadku markay xilka hayaan madaxtooyadda ayey yar eegaan oo waxa ay is yidhaahdaan armaa halkaa lagaa soo canaantaa waxase aan ku farax-sanahay madaxweynuhu intuu madaxtooyadda igu soo dhex tabobaray ayuu ummada ii soo diray inaan u shaqeeyo markaas ayey marinkiisa iyo maruyaadiisu wasiirka madaxtooyadda tahay xog hayntiisuna aniga walaalkay yahay wax alaale iyo waxa aan qabto awood ayaan u haystaa, ha cabsan, ha  baqan qalinkaaga dib u qaado, adiga kula hadli maayo ardayga maanta uulo la qorayo ayaan la hadlayaa. Saddex ayeynu isku ognahay sarayn aan sinji ku dhisnayn, qalin aan qabiil ku dhisnayn iyo cadaalad aan ciil lahayn”

 

“Xamar Ayaanu Tagnay Wixii Naga Gaadhay Illaahay Ayaa Ogaa Kamaanan Soo Noqone Waanu Ku Adkaysanay” Muuse Biixi Cabdi

 

“Maalintii Axmed Siilaanyo La Dhaariyey Ciidankeenu Muu Kala Sarayn, Wax Kow Noqotay In Ciidanka La Dhiso”  Murrashax Muuse Biixi Cabdi

 

Boorama (Warsugan) Murrashaxa xisbiga KULMIYE mudane, Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayey xaflad loo sameeyey arday ka baxday jaamacada Camuud ee Boorama ayaa ka hadlay arrimo la xidhiidha maal-gashiga iyo laba qodob oo Somaliland ku fashilintay.

 

Murrashax Muuse Biixi Cabdi ayaa ugu horayn madaxweynaha Somaliland ku tilmaamay nin wax badan qaranka u qabtay marka loo eego xukumadihii hore ee soo maray qaranka Somaliland. Muuse Biixi ayaa yidhi “Waynu ogayn ciidamadeena maalintii uu KULMIYE yimi, maalintii Axmed Siilaanyo la dhaariyey ciidankeenu muu kala sarayn, wax kow noqotay in ciidanka la dhiso ciidanku muxuu ka dhismaa? waxay ahayd hawsha ugu adag ee madaxweyne hore ka baqday, ee nin walba ku adkaan lahayd ee uu Siilaanyo u badheedhay oo uu sameeyo ciidan aynu u ayno oo garaado iyo kala danbayn leh”

 

Gudoomiye Muuse Biixi ayaa isaga oo ka hadlayey mashaariicda lagu fashilmay iyo kuwa lagu guulaystay oo u tusaale u soo qaatay sahamintii shidaalka, wershadda sibidhka ee Berbera iyo kan u danbeeyey ee DP World ayaa yidhi “Waynu kari waynay in aynu mashruuc qudha fulino dabeeto caalamka ayeynu u qayshanay in aynu maal-gashi u doonano tii ugu horaysay waxa aynu isku daynay in aynu dalka gudihiisa dhaqaale ka soo saarno nasiib daro inaga oo aan lacag u waayin talo xumo ayuu inooga fashilmay wershadii sibidhka ayey ahayd waa inagu ceeb dalkeena oo wada buur ah oo meel kasta sibidh yaalo in aynu dalalka aynu jaarka nahay sibidh u doonano. Ku labaad ayeynu isku qaadnay sahimin shidaal ayeynu galnay hawl badan ayaa inaga raacday dalkeena lama ictiraafsana isguna mar labaad farsamo xuma dhexdeena ah ayuu u shaqayn waayey. Tii saddexaad waxa ay noqotay maanta taa aynu hayno wadadii hore ayeynu ka baydhnay Dubai World ayaa maanta lala sameeyey iskaashi afar boqol oo milyan ayey soo dhigtay waxa aynu bilawnay in aynu wado dawladeed ku shaqayno oo aynu marino golayaasha qaranka ee baarlamaanka iyo shicibka oo arrintaa nagu taageeray isaga oo ka xun farsamo xumada kuwii hore inagaga dhacday, maxay kuwii hore u fashilmeen, maxay meesha uga baxeen, waa aqoon; dad aqoon leh ayeynu u baahanay aqoontu maaha in aynu jaamac uun ka baxno”

Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa kale oo uu ka hadlay sababaha keena is-aaminad la’aanta iyo qaabka looga bixi karo waxana uu yidhi “Waxay wax u socon waayeen waa maxay? waa is aaminaad la’aanta, waa kala qoqobnaanta. Maxay maal-gashiga gudaheenu u socon wayday lacag waynu haynaa wali waxa inagu jirta 25 sano ka hor dhibaatadii dalka ka dhacday iyo qolo qoladii iyo dagaaladii soo baxay ayaa ni waliba wuxuu aaminaya reerkoodii iyo gobolkoodii” Gudoomiyaha KULMIYE ayaa aqoon yahanka ka dalbaday inay taas badalkeeda keenaan oo ay sameeyaan isbadal aqooneed, isla markaana u baahan aqoontooda iyo waayo aragnimadooda, waxaanu intaas ku daray inay noqdaan kuwo dadka is dhex galiya

ugu danbayntii Muuse Biixi Cabdi isaga oo dhiiri gelinaya  ardayda iyo hadafka sida looga dhabeeyo waxa uu yidhi “Halkan ayaanu ka tagnay Saleebaan ayaa na maca-salaameeyey oo noo sii duceeyey Xamar ayaanu tagnay wixii naga gaadhay illaahay ayaa ogaa kamaanan soo noqone waanu ku adkaysanay, markaa ma Burco iyo Laascaanood iyo Boorama ayuu u soo adkaysan kari waayayaa hadaad jaamiciyiinta yihiin?

Madaxweyne Axmed Siilaanyo Oo Ka Qayb Galay Dufcadii 15aad Ee Ka Qalin Jabisa Jaamacadda Camuud Ee Boorama Oo Dhan 682

 

Boorama(Warsugan) Madaxweynaha Somaliland Mudane, Axmed Siilaanyo ayaa shalay ka qayb galay munaasibad ay jaamacada Camuud u samaysay lix boqol iyo laba iyo sideetan arday (682) ayaa ka hadlay munaasibad

lagu qabtay hoolka jaamacada Camuud.

 

Madaxtooyadda ayaa qoraal ka soo saartay ka qayb galka madaxweynaha ee jaamacada Camuud, waxana lagu yidhi “Madaxweynaha oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey gobolka Awdal ayaa markii uu gaadhay hoolka xalfadu ka dhacaysay waxa si balaadhan u soo dhaweeyey Ardaydii ku sugnayd halkaasi oo dareen farxadeed ku qaabiley madaxweynahooda soo sharfay soona karaameeyey Ardayda u dabaaldegaysay qalinjebintooda.

 

Xaflada ay ka soo qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan, hoggaanka dhaqanka iyo waalidiin tiro badan, ayaa socotay wakhti dheer iyadoo ay halkaa hadalo dardaaran u badnaa kasoo jeediyeen, qaar ka mid ah waalidiintii ku sugnayd halkaas, maamulka Jaamacada oo uu ugu horeeyo Prof Saleebaan Cabdi Guuleed, Gudoomiyaha ahna Murashaxa Xisbiga Kulmiye, Mudane Muuse Biixi Cabdi, Xubno ku hadlaayey Afka Ardayda Jaamacada iyo Gudoomiyaha Cusub ee Hay’adda Shaqaalaha oo isagu halkaasi ka jeediyey khudbad ay la dhaceen Ummaddii halkaasi ku sugnayd, isagoo gudoomiyuhu Ardaygii Gudoomiyaha u ahaa Ardayda Baxday Sanadkan ka shaqaalaysiiyey Madaxtooyada Somaliland, Xusayna in Shan Sanno ka hor isaga uu Madaxweynuhu ka qaatay Isla jaamacadaasi isagoo ahaa gudoomiyihii Ardaydii wakhtigaasi baxday, balse uu maanta ku soo noqday isagoo ah Gudoomiyaha Hay’da ugu saraysa dalka marka laga hadlaayo dhinaca shaqaalaysiinta dalka iyo xuquuqda shaqaalahaba, taa abaalkeediina uu ku gudi doono daacadnimo iyo cadaalad uu u sameeyo da’a yarta iyo dadka tirsanaya in ay cadaalad daro ku waayeen aqoontooda ay soo barteen.

 

Madaxweynaha Qaranka Somaliland oo halkaasi ka hadlay soona afmeeray xaflada shahaadooyinna gudoonsiiyey Ardaydii ka qalinjebisay Jaamacada Camuud ayaa yidhi “Farxad weyn ayey ii tahay in aan xafladan qalinjebinta ardayda intaa tirada leeg in aan idin kala soo qaybgalo ee Jaamacada Camuud, Waxan hambalyo balaadhan u dirayaa oon leeyahay Hambalyo Macalimiinta, Ardayda Qalinjebinaysa, Waalidkood iyo dhamaan shaqaalaha Jaamacada ee ku hawlanayd soo saarista Ardaydan qiimaha badan waxanan leeyahay aad iyo aad ayaan idinku hambalyeynayaa. Jaamacada Camuud waxa yaalaha ay qabatay  waa waxyaabo dadkeena iyo dalkuba ku wada faanayo oo aynu gidigeen kuwada faanayno oo aynu markhaati uga nahay inay qiimo weyn iyo magac weyn iyo sharaf weyn qaranka u tahay, Annagana waxa weyn bay noo tahay waxa aanu jidkaa u soo marnay waa taa Ilaahay waxan ka baryayaa inuu sanadkan sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, Waxanan idin leeyahay mar kale Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ilaahay garabkiina ha galo, guushana ha idin waafajiyo”. sidaasi ayuu madaxweynuhu ka yidhi munaasibadii loo qabtay Ardaydii ka baxday Jaamacada Camuud. Ka dibna waxa uu madaxweynuhu Shahaadooyin gudoonsiiyey Ardaydii dhamaystay waxbarashadii jaamacada.

 

dhinaca kale waxa uu madaxweynuhu xadhiga ka jaray dhisme balaadhan oo ay wasaaradda Maaliyadu ka dhistay gobolka Awdal gaar ahaan magaalada Boorama, halkaasoo noqon doonta xarunta wasaaradda maaliyada ee gobolka Awdal.

Wa Bilaahi Taw-fiiq

 

 “Jaamacada Camuud waa meesha ay ka soo baxeen Madaxweynaha  Somaliland iyo Gudoomiyaha KULMIYE.’’ Wasiir Maxamuud Xaashi

Boorama ( Warsugan) Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa balan qaaday in Xukuumad ahaan ay wax maariic horumarineed ka fulin doonaan Jaamacada Camuud.

Wasiir Xaashi oo ka mid ahaa wafti uu hogaaminayo Madaxweyne Siilaanyo oo maanta magaalada Boorama ka qayb galay munaasibada qalinjabinta dufcada 15-aad ee Jaamacada Camuud oo ay ku qablin jabiyeen arday gaadhaya 682 arday oo kala diyaariyey shahaadadaha heerka koowaad iyo heerk labaad ee waxbarashada sare. Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay inay Xukuumad ahaan xadayn doonaan dhulka jaamacaasi oo magaaladii ku fiday.

 

Mudane Maxamuud Xaashi ayaa arimahaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Facebook isaga oo ku sugan magaalada Boorma waxaanu ugu horayn hambalyo u diray Ardaydaasi ka qalinjabisay waxaanu yidhi “ Wafti uu hogaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta magaalada Boorama kaga qayb galay munaasibada qalin jabinta dufcada 15-aad ee Jaamacada Camuud oo ay ka qalin jabiyeen arday aad u faro badan, dhamaantayo waxay noo tahay farxad aad u wayn, waxaanu leeyahay dhamaan ardayda ka qalin jabisay ee isugu jiray heerka Diploma-da, Degree-da iyo Master-ta, dhamaan waxaanu leenahay hambalyo.”

 

Wasiir Xaashi ayaa geesta kalena ka hadlay taariikhda Jaamacada Camuud waxaanu yidhi “ Jaamacada Camuud waa meel aqooni taalo, waa manbaca iyo beerta ay ka soo baxaan haldoorada iyo hogaamiyeyaasha qarankani, waa meesha uu ka soo baxay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waa meesha uu ka soo baxay Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, iyo rag farabadan oo caan ka ah saaxada siyaasada Somaliland.”

 

“ Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu Jaamacada Camuud u balan qaaday oo Wasaarada madaxtooyada ee aan madaxda ka ahay ay fulin doontaa wadooyinka Jaamacada dhexdeeda in la dhiso oo marmar qurux badan lagu sameeyo, waxa kale oo aanu gacan weyn ka gaysan doonaa wadada Jaamacada Camuud tagta qaybta aan laamiga ahayn ee go’an sidii loo samayn lahaa, Madaxtooyo ahaan gacan wayn ayaanu ka gaysan doonaa. maaha markii ugu horaysay ee tan iyo intii madaxweyne Siilaanyo uu talada dalka haaneeday Jaamacada Camuud mashaariic badan ayaa laga fuliyey, Xukuumaddu gacan qabasho wayn ayey u gaysatay, waanan sii wadi doonaa taageeradeeda iyo jaamacada kale ee dalka.”

 

Wasiirka Madaxtooyada ayaa geesta kalena balan qaaday in Xukuumad ahaan ay xadayn doonaan dhulka Jaamacada oo in dadweynuhu ay ku fidaan looga walaac qabo waxaanu yidhi “ Waxa kale oo aanu Xukuumad ahaan samayn doonaa oo aanu balan qaadaynaa in dhulka Jaamacada Camuud la ilaaliyo, maadaama ay magaaladii ku soo dhawaanayso markii horena ay aad ugu fogayd, waxa naga go’an in badka dhulkeeda la ilaaliyo oo uu Madaxweynuhu digreeto ku soo saaro, marka golaha deegaanka iyo maayarka magaaladu ay noo soo gudbiyaan Madaxweynuhu wuxuu ku soo saari doonaa wareegto sugan sida uu ugu soo saaray xayn-daabka madaarada dalka oo kale ayaa loogu soo saari doonaa’’ ayuu yidhi Wasiir Xaashi.

 

Guddoomiyaha Bangiga Dhexe Oo Golaha Wakiillada U Sharaxay Xeer Muhiimad U Leh Sii Shaqaynta Bangiga Dhexe iyo Xawaaladaha Soomaalida

 

Hargeysa(Warsugan) Golaha wakiillada Somaliland ayaa la horgeeyay xeer lagaga hor tagayo lacagaha ku dhaca gacmaha dadka aan la ogolayn ee argagixisada iyo budhcad badeedu ka mid tahay. Guddoomiyaha bangiga dhexe oo shalay mudaneyaasha warbixin siinayay ayaa sheegay in xeerkaasi muhiim u yahay dalka, islamarkaana la’aantii bangiga dhexe iyo xawaaladuhu aanay shaqayn doonin.Waxa uu sheegay in xeerkan oo ka kooban sodomeeyo qodob lagu maamulayo lacagaha dibada laga soo diraa sidii ay ugu dhici lahaayeen gacmaha dad la aqoonsan yahay, islamarkaana looga hor tagi lahaa in dad la diidan yahay helaan lacagaha xawaaladaha iyo bangiyadu qaadaan.

Guddoomiyaha oo sharaxayay  baahida keentay sharcigan ayaa tilmaamay in tan iyo 2012-kii culays weyni soo fuulay xawaaladaha Soomaalida kadib markii laga shakiyay in lacagaha dibadaha laga soo diraa ku dhacaan gacmaha ururo argagixiso ah iyo kuwa budhcad badeed ah. arrintaasi ayaa keentay in la adkeeyo shuruucda meelaha lacagaha loo diro maadaama Somalia dawlad la’aani ka jirto, taasi oo Somaliland na saamaysay “Anagu bangi ahaan xidhiidh baanu la leenahay bangiyada qaarkood, sanadkan waxaa la ii soo diray su’aalo (questionnaire) toban bog ka kooban oo wax badan ku qoran yihiin. Haddii aanad su’aalahaas soo buuxin(Shuruudaha) sharcigiinana aydaan dhammaystirin anagu xisaabaadkiina waanu xidhaynaa ayaa laygu leeyahay oo idin lama shaqaynayno,” ayuu yidhi guddoomiyaha bangigu.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in dunidu ka midaysan tahay in dal walba yeesho sharcigaasi ka hor tagaya lacagaha sida sharciga baalmarsan la isugu gudbiyo “ Sharcigaa aduunyada oo dhan way ka midaysan tahay, dadkii aan sharcigaa lahayna lacagina uma gudbi karto, lacagna ma gudbin karaan. Muhiimad buu leeyahay sharcigani gaar ah, taas oo ah in dalku sharcigan yeesho oo aynu dunida la jaanqaadno, haddii kalena ma shaqayn karayno oo xisaabaheena waa la xidhayaa,” ayuu yidhi Guddoomiyuhu.

Wuxuu sheegay in wasaaradda maaliyadda, bangiga dhexe, xawaaladaha iyo dhinacyada kale ee uu khuseeyo xeerkani iska kaashanayeen ila 2014-kii, loona gudbiyay golaha wasiirada oo dad ka yeeshay. Waxa uu sheegay in xisaabaadka bangiga iyo xawaaladaha soomaalida uga furan bangiyada dibadu ku xidhan yihiin in la yidhaa nidaamka ha laga saaro xisaabahooda maadaama aanay lahayn sharcigan sugaya cidda lacagta ay diraan qaadanaysa, sidaasi darteedna sii shaqaynta xisaabaadkaasi ku jirto gacanta golaha wakiillada Somaliland.

Cali Sandulle“Beesha Dhexe Kolba Qaybaa La Soo Xareeyay Ee Haddana Ha La Soo Xareeyo Beelaha Bariga”

Hargeysa(Warsugan) Wasiirkii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada Somaliland, Cali Maxamuud Axmed (Sandulle) ayaa sheegay inuu aqbalay xilka qaadista madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay, islamarkaana la shaqaynayo xukumadda iyo xisbiga Kulmiye. Waxa uu sheegay in xilka qaadistiisu beesha uu ka soo jeedo u dhashay xil ka sareeya kii uu hayay oo ah wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland oo loo magacaabay Faratoon oo ka soo jeeda gobolka Sool.

Mudane Cali Sandulle oo shalay saxaafadda u waramay ayaa madaxweynaha u mahadceliyay “Oday weyni hadduu meel ka tago ama la bedelo waa inuu dareenkiisa cabiraa oo aan la odhan tolow muxuu wadaa, xaggee wax ka jiraan. Marka hore waxaan u hambalyaynayaa madaxweynaha Somaliland, anigoo ku hambalyaynaya bedelka uu I bedelay oo ah sunnaha dawladnimo, aad iyo aad baan ugu faraxsanahay, waxaanan leeyahay madaxweynaha hambalyo,” ayuu yidhi Mudane Sandulle.

Geesta kale wuxuu madaxweynaha ku bogaadiyay in kursigiisa mid ka darajo sareeya inuu siiyay beesha uu ka soo jeedo “Waxa kale oo aan madaxweynaha ku hambalyaynayaa kursigaygii inuu dhalay kursi weyn oo ah wasaaradda arrimaha gudaha, wasiirka loo dhiibay ee Yaasiin Maxamuud Xiir-na waan u hambalyaynayaa, madaxweynahana waa ku hambalyaynayaa kursiga uu reerka iyo guud ahaan deggaanka Sool u soo kordhiyay, waxaanan leeyahay madaxweyne waa halkaas oo aad ka sii waddo, aniguna sidaydii iyo si ka sii weyn baan kuula shaqayn, xisbigaygii Kulmiye sidii baan u ahay isaga ayaanan u ololaynayaa, waanan kaaga mahad celinayaa inaad I nasiso,” ayuu yidhi wasiirka hore.

Waxa uu sidoo kale arrin muhiim ah ku tilmaamay wada hadalka u socda Somaliland iyo kooxda Cali Khaliif hoggaamiyo, sidoo kalena shirarka beelaha gobollada bari iyo xukumadda u socda ayuu tilmaamay inay ku yimaadeen gogol madaxweynuhu fidiyay “Waad ogtihiin deggaannada beesha aan ka soo jeedo ama Beesha Dhulbahante, tabashooyin baa ka jiray, madaxweynuhuna hore ayuu gogol u fidiyay, way soo socotay oo marba meel bay soo baaxa degaysay; shirarka hadda socday iyo kuwa socda ee Khaatumo intuba waxay ahaayeen kuwo is daba socda iyo in Beesha la soo gaadhsiiyo deggaanka, Somaliland-na si buuxda uga soo qayb galaan, wayna socotaa, aadna way u fiican tahay, inay wax wanaagsan tahayna waa u arkaa,” ayuu yidhi Cali Sandulle.

Cali Sandulle wuxuu dadaallada gobollada Barigu gaadhsiinayo dawladnimada la maseeyay dadaalladii hub ka dhigista ee Somaliland soo martay bacda 1991-kii “Aniga waxaa iga lilaahi ah inaan Somaliland ahay, dadka inta aan Somaliland ahayna waa la Somaliland-garaynayaa, waa la soo wada maray waxan, marka qayb baynu soo xaraynay beesha dhexe, kolba isbaaro ayaanu idinka dulqaadnay, waxaas oo dhan waanu idinla wadnay, idinkana waxaa la idinka rabaa inaan la daalin ee la wado oo la soo wada xareeyo dadka, ajanabi ma baadi doonayno ee waa dadkeenii ee hala soo xareeyo,” ayuu yidhi Cali Sandulle.

Ugu dambeyna wuxuu madaxweynaha Somaliland uga mahadceliyay xilalka uu u kordhiyay gobollada Bariga, isagoo hambalyeeyay madaxda cusub, islamarkaana tilmaamay inuu qaybtiisa ka qaadanayo dadaallada loogu jiro sidii dadka gobollada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag Bari uga qayb gali lahaayeen dawladnimada Somaliland.

Eng Faysal Cali Waraabe Oo Soo Dhaweeyay Xilalka U Kordhay Beelaha Bariga Somaliland, Kuna Taliyay In Beesha Dhexe Kuraasta Bannayso

Hargeysa(Warsugan)Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa soo dhaweeyay xilalka u kordhay beelaha Bariga Somaliland, isagoo ku taliyay in beesha dhexe kuraasta ka kacdo si loo gaadho heer saami qaybsiga beelaha oo dhammi ku qancaan. Waxa uu sheegay in arrintani fure u tahay wada lahaanshaha iyo midnimada Somalilad, isagoo soo dhaweeyay wada hadalka kooxda Cali Khaliif hoggaaminayo iyo shirarkii u dhexeeyay xukumadda iyo beelaha gobolka Sool.

“Waa tii ballanteenu ahayd, haddii la doonayo in Somaliland mid noqoto waa in Beelaha reer  Sheekh Isaxaaq kuraasida badh ka kacaan oo la yeesho saami fiican oo umadda wada raali galiya, markaa isku shaandhayntani taas ayay daba joogtay. Waxay ahayd in la muujiyo calaamad fiican iyo tallaabo hor leh oo la tuso in diyaar loo yahay in kuraasta la isku dheeli tiro, oo beelihii aan hore uga qayb galin saamigooda la siiyo.Waxaan idhaa Somaliland waxaa kuraasta loo kala badsaday sidii loo kala hor iimaansaday, Diinta islaamkana sidaad aragteen marka qolo cusub soo gasho waa la soo dhaweeyaa oo kuraasida ayay uga kacayeen, Nabiguna CSW waxaa qaniimada loo badin jiray dadka markaa soo galay,” ayuu yidhi Eng Faysal oo shalay la hadlay telefishanka Star.

Eng Faysal Wuxuu sheegay in wali loo baahan yahay isu dheeli tirka kuraasta ee beelaha Somaliland.waxa uu tilmaamay inay habboon tahay sii kordhinta kuraasta beelaha Barigu “Tani waa kicistii hore ee waxaa loo baahan yahay tu labaad, in si fiican oo caddaalad ah la isugu dheeli tiro. Waxaynu haysanno haddii aynu caddaalad ku qaybsanno dadkoo dhammi raali buu ka noqon doonaa, markaa waan hambalyaynayaa wasiirada cusub ee wasiirka arrimaha guduhu ka mid yahay, waxayna ahayd tallaabo fiican oo caddaalad ah oo ah in kuraastii dib loo eego,” ayuu yidhi Eng Faysal.

Geesta kale wuxuu sheegay in safarkii uu dhawaan gobollada Bariga Somaliland ku soo maray ee uu u bixiyay midaynta iyo nabada Somaliland uu fure u noqday midnimada dalka “Safarkaygii ayuu Illaahay ka dhigay furihii Somaliland isku soo ururinayay, waxaan aad iyo aad u hambalyaynayaa beelihii ku shiray Awr-boogays, haddana ku shiray Adhi-cadeeye, waxaan hambalyaynayaa Cali Khaliif iyo saaxiibadii oo Illaahay qalbigoodii naxariis iyo wanaag ku dhaliyay,” ayuu yidhi mudane Faysal.

Ugu dambeyna wuxuu hambalyo u diray ardayda shalay ka qalin jabisay jaamacadda Camuud ee magaalada Boorama, taasi oo uu sheegay inuu ka mid ahaa dadkii bilawgeeda ka qayb galay. Waxa uu xukumadda Siilaanyo ku dhalliilay inaanay jaamacadaha ku casuumin mucaaradka “ Sidii dawladda Kulmiye u timid anaga nalama casuumo laakiin, dawladdii Riyaale dadka oo dhan way casuumi jirtay. Waanu iska barbar hadli jirnay, xisbi walba aragtidiisa ayuu sheegi jiray, markaa waan hambalyaynayaa,” ayuu yidhi Eng Faysal oo intaasi raaciyay inay waxbarashadu kor u kacayso loona baahan yahay maalgalin shaqo abuur samaysa.

Xasan Sheekh Maxamuud Oo Laga QariyayTabashada Siyaasiyiinta Somaliland Ee Xamar Jooga

 

Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Xukumadda Muqdisho  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaanu war ka hayn cabashada ay qabaan siyaasiyiinta iyo madaxdhaqameedka Somaliland ka soo jeeda ee Muqdisho u xilal doontay. Waxa uu sheegay inaanay hay’addaha wax u sheegaa la socodsiin arrintaasi, balse loo sheegay cafiska Somaliland u fidisay siyaasiyiintaasi.

Todobaadkii la soo dhaafay ayaa siyaasiyiinta xukumaddiisa iyo baarlamaanka ugu jira beelaha Somaliland iyo madaxdooda dhaqanku shir jaraa’id oo ay ku qabteen Muqdisho waxay kaga cawdeen saamigooda oo badh la siiyay Puntland waxaanay xukumaddiisa u direen codsi ah in la siiyo diyaarado ku celiya deggaannada Somaliland ee ay dhalasho ahaan ka soo jeedaan.Cabashadooda ayaa salka ku haysay in loola dhaqmay sida maamul goboleedada islamarkaana meel lagaga dhacay xaqooda iyo rabitaankoodii la xidhiidhay midnimo raadin.

Hase ahaatee Xasan Sheekh oo shalay u waramayay telefishanka Horn Cable ayaa wax laga waydiiyay aragtidiisa ku aadan cabashadaasi wuxuuna u sheegay wariyeyaasha inaanu ogayn cabashada islamarkaana iyaga uun uu ka maqlayo. Arrintan ay dadeen laamaha uu warka ka qaato Xasan Sheekh ayaa muujinaysa sida uu u moog yahay waxyaabaha ka jiray magaalada Muqdisho iyo sida aanay siyaasiyiinta Somaliland ee Xamar u shaqo tagay u lahayn awood ay cabashadooda ugu gudbiyaan Xasan Sheekh.

Xasan Sheekh Maxamuud oo waraysiga Horn Cable kula yeeshay xaruntiisa madaxtooyada wax lagaga waydiiyay tabashada dhinaca awood qaybsiga ee ay qabaan siyaasiyiinta iyo odayaasha Somaliland ka soo jeeda waxa uu ku jawaabay “ Warka aad sheegayso oo ah diyaarado ha naloo soo diro ayay yidhaahdeen anigu ma hayo, Somaliland baa laga yidhi waan maqlayay sida hay’addaha wax ii sheegaa iigu sheegeen in Somaliland tidhi diyaarado iyo maraakiib ayaanu dad u soo diraynaa iyo cafis baanu u fidinaynaa, dee Somaliland waligeed bay wax dhihi jirtay, siyaasadda Somalia iyo meeshan go’aammadeeda laguma saleeyo Hargeysa waxa laga leeyahay,” ayaa ka mid ahaa hadalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Arrintan ayaa marka la isku soo wada duubo muujinaysa in xubnaha xukumaddiisa ka tirsan iyo kuwa baarlamaanka ee sheegta inay metelaan Beelaha Somaliland wax saamayn ah ku lahayn Muqdisho islamarkaana aanay galaan gal u lahayn Xasan Sheekh, maadaama loo sheegay warka Somaliland ka soo baxay eek u saabsan cafiska siyaasiyiintaasi loo fidiyay balse aan loo sheegin cabashadooda ay gudaha Muqdisho ka bayaamiyeen sida uu hadalka u dhigay. Dawladda Somaliland oo khilaafka siyaasiyiinta iyo xukumadda Xasan Sheekh ka faa’iidaysanaysa ayaa dhawaan sheegtay inay cafis u fidisay siyaasiyiintaasi cida jecel inay soo noqotana ay siinayso gargaar dhinaca gaadiidka ah.

Duqa Caasimada Oo Casuumay Wasiirka Cusub Ee Arrimaha Gudaha Iyo Weedhihii Laga Yidhi Munaasibada

Hargeysa(Warsugan)Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Soltelco, ayaa shalay casuumad u sameeyay wasiirka cusub ee arrimaha gudaha iyo xubno kale oo ku cusub xukumadda. Masuuliyiin xukumadda ka tirsan, xildhibaanno, madax dhaqameed iyo marti sharaf kale oo qaybaha bulshada ah ayaa ka qayb galay munaasibada lagu soo dhaweynayay masuuliyiinta cusub. Maayarka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin wasiirka cusub ee loo soo magacaabay wasaaradda daakhiliga oo ay wada shaqayn leeyihiin dawladdaha hoose ee dalka.

Wasiirka cusub ee arrimaha gudaha Yaasiin Maxamuur Xiir Faratoon ayaa tilmaamay in munaasibada lagu soo dhaweynayaa saarayso masuuliyad “Munaasibadani intay leeg tahay waxaan u turjumanayaa inay tahay mid wax weyn la igaga filanayo, taasina baqdin badan bay I galinaysaa, aad ayay ii baqdin galinaysaa, markaa inta ka soo qayb gashay munaasibada ee kala ah Xukumaddii, xisbiyadii, xildhibaanno, madaxdhaqameed iyo heer kasta oo mushtamaceena ah aad iyo aad baan idiinku mahadnaqayaa, anigoo ka wakiil ah xubnaha cusub ee xilalka loo dhiibay,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan wakiillada kana soo jeeda gobollada Bariga ayaa sheegay inaanay wali cid beesha dhexe ka baxsan qaban taliyaha ciidanka qaranka iyo wasiirka arrimaha gudaha balse ay hadda beeshiisu gacanta ku hayso wasiiru daakhiligii “Labada jago ee aan makhraatiga ka ahayn aan nin beesha dhexe ah mooyee cid kale qaban waa taliyaha ciidanka qaranka iyo wasiirka arrimaha gudaha. Maanta waxaa gacantayada ku jira wasiirkii arrimaha gudaha,” ayaa ka mid ahaa hadalka xildhibaanka.

Wasiirka biyaha Somaliland Baashe Cali Jaamac, ayaa isna ka mahadceliyay magacaabista wasiirka arrimaha gudaha “Waxaan madaxweynaha ku hambalyaynayaa inuu wasiirka arrimaha gudaha u magacaabay Yaasiin Maxamuud Xiir oo aan isleeyahay wax weyn buu ka tari doonaa wixii dhiman gobollada Bariga. Wasiirka daakhiliga waxaan leeyahay xil culus baa ku fuulay, xil qaran baa ku fuulay, Somaliland oo dhan baad wasiir u tahay laakiin, xagga Barigana si gaar ah ayaad ugu tahay, markaa Alle ha kuu fududeeyo xilka,” ayuu yidhi wasiir Baashe.

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland  Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir , wasiirka diinta iyo awqaafta Sheekh khaliil Cabdillaahi Axmed iyo xubno kale oo madasha ka hadlay ayaa wasiirka cusub ee arrimaha gudaha u rajeeyay in Alle xilka ku asturo islamarkaana gobollada bariga ku guulaysto sidii nabad looga dhalin lahaa, islamarkaana ay bulshadaasi qayb uga noqon lahayd nidaamka dawladnimo ee Somaliland ka hirgalay.

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/ Somaliland/Office