Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 174-aad ee Maanta ka soo baxay Caasimada Somaliland Hargeysa

0
375

Sool: “Dib U Dhac Baa Innagu Dhacay Deggaannadii Iyo Umaddii Waynu Ka Dhacnay Waxaa La Doonayaa Inaynu Soo Gaadhno” Wasiir Faratoon

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo Qaybaha Bulshada Reer Sool Oo Wasiirka Si Weyn U Soo Dhaweeyay

Laascaanood(Warsugan) Wasiirka Madaxweynaha Somaliland u magacaabay wasaaradda arrimaha gudaha mudane Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, ayaa bulshada deggaannada Gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood kala kulmay soo dhaweyn uu la mabsuuday, taasi oo muujinaysa sida bulshada deggaannadaasi ula dhacsan yihiin xilka loo magacaabay siyaasigan ka soo jeeda gobolka Sool.

Wasiir Faratoon iyo weftiga uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay deggaannada jidka ku teedsan ee uu sii maray oo ay ka mid yihiin Caynaba, Oog, Guumays, Yagoori, Adhi-caddeeye, Tuulo Samakaab iyo Canjiid. Deggaanka Adhi-caddeeye ayaa si gaar ah loogu soo dhaweeyay, waxaanay waxgaradka deggaanku boggaadiyeen jawaabta degdegga ah ee xukumadda Somaliland ka bixisay kulamo dhexmaray dadka deggaanadaasi iyo Xukumadda.Waxay sidoo kale u mahadceliyeen wasiirka biyaha Baashe Cali Jaamac ka mid ahaa dadka isu soo dhaweynta bulshada reer Sool iyo xukumadda ka mid ahaa.

Wasiirka ayaa dadweyne tiro badan kula hadlay magaalada Laascaanood, waxaanu sheegay in dareenka bulshada ka muuqdaa yahay mid loo qaadanayo rabitaanka bulshada ee ah inay mushtamaca Somaliland wax la qaybsadaan “Sidaad u muujiseen afkaartiina iyo siyaasaddiina, kalmada aan odhanayaa waxa weeye “Waxaan ubateeyaba tolkay ooda soo jabiye,” soo dhaweyntan, qaabilaadan, farxaddan iyo niyad samidan idinka muuqata waxaan u turjumanayaa sidaad u aaminsan tihiin iyo sidaa u taageersan tihiin siyaasadaha iyo isbedellada socda ood u hiilinaysaan,” ayuu yidhi wasiir Faratoon.

Wasiirku wuxuu sheegay in bulshada deggaannada gobolka Sool ka hadheen horumarka Somaliland ka socda, loona baahan yahay in loo diyaar garoobo sidii degdeg loogu gaadhi  lahaa heerka qaybaha kale ee dalku marayo “ Dib u dhac baa innagu dhacay, deggaannadii iyo umaddii waynu ka dhacnay, waxaa la doonayaa inaynu muddo gaaban ku soo gaadhno,” ayuu yidhi Wasiirku.

Waxa uu sheegay in xukumaddu u heelan tahay soo dhaweynta bulshada reer Sool, loona baahan yahay in laga faa’iidaysto lagana qayb galo diwaangalinta “Waxaan salaam idiinka sidaa madaxweynaha Somaliland iyo xukumaddiisa.Sida xukumadda dalka ka talisa haddu ugu heelan tahay inay dadkan iyo deggaankan siyaasad cusub oo ay ku soo dhaweynayso oo siyaasadda kaga qayb galinayso ku wajahdo ugu diyaarka tahay, waxaa loo baahan yahay inaynu diwaangalinta ka qayb galno.Waa in diwaangalinta loo diyaar garoobo oo fadhiga laga kaco,” ayuu yidhi wasiirka daakhiliga Somaliland.

Xukumadda Somaliland ayaa kulamo ay la yeelatay beelaha dega gobolka Sool kadib waxaa digreetadii madaxweynaha loogu magacaabay xilal wasiirka arrimaha guduhu ugu culus yahay, waxaana la rajaynayaa in gobolka Sool iyo Buuhoodle diwaangalintu ka qabsoonto dhawaan, taasi oo qayb ka ah nidaamka bulshadaasi kaga qayb galayso siyaasadda Somaliland oo ay muddo dib uga taagnaayeen inay si toos ah wax ula qaybsadaan qaybaha kale ee Somaliland.

Gabo gabadiina Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo soo dhaweynta wasiirka qayb ka ahaa ayaa soo dhaweeyay magacaabista wasiirka, bulshadana ugu baaqay inay la shaqeeyaan wasiirka arrimaha gudaha “Anigoo ku hadlaya afka dhammaan deggaanka oo aan Garaadkoodii ahay, waxaan idinku soo dhaweynaynaa gacmo furan, ku soo dhawoow wasiir deggaankaagii, deggaankii aad wasiirka u ahayd, aad iyo aadna waxaanu ugu faraxsanahay oo ugu hambalyaynaynaa madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo anigoo ku hadlaya afka waxgaradka reer Somaliland xilka uu u magacaabay wasiir Yaasiin Maxamuud Xiir,” ayuu yidhi Garaadku.

Madaxweyne Xigeenka Somaliland Oo Furay Mashruuc Kor Loogu Qaaday Dhaqaalaha 12 Kun Oo Qays Oo Dan Yar Ah Iyo Aragtida Haweenka Ka Faa’iidaystay

Madaxweyne Xigeenka Oo Sheegay Inay Aqoonsadeen Muhiimada Uu Dhaqaalaha Dalka U Leeyahay Barnaamijkani

Hargeysa(Warsugan) Madaxweyne xigeenka Somaliland iyo xubno ka mid ah golaha xukumadda iyo xisbiga Kulmiye ayaa shalay goob joog ka ahaa madal lagu daahfuray barnaamij kor loogu qaadayo dhaqaalaha danyarta, islamarkaana fikrado iyo talooyin dadku wax ku qabsadaan lagu siinayo. Barnaamijka oo ay dallada waddaniga ah ee Nafis Network iyo ururada hoos tagaa ka wadeen Burco iyo Hargeysa muddo saddex sanno ah ayaa hadda ka baxay tijaabada loona arkay mid midha dhalaya oo dadku iskood wax u qabsan karaan. Waxaa munaasibadda daahfurka ka qayb galay laba kun oo haween  barnaamijka ka faa’iidaystay ah.

Ururada Dan-wadaag oo wada mashruucan Hanaanka shaqo abuurka iyo kobcinta dhaqaalaha danyarta ayaa shalay rasmi ahaan loo daahfuray waxaanay xukumaddu balanqaaday inay kaalin ka qaadan doonto. Cabdiraxmaan Cismaan Gaas, agaasimaha daladda Nafis Network oo mashruucan gacanta ku haysay ayaa sheegay in mashruucan kor loogu qaadayo dhaqaalaha dadka hayntoodu yar tahay yahay mid loo marayo hab cusub.Qoysaska ayaa loo abaabulayaa in 20-kii dumar ahba isku darsadaan lacag kadibna hadba qoys lagu caawiyo, iyadoo fikrado ganacsi iyo talooyinka barmaamijkana ay bixinayaan dalladda Nafis Network.

Farax Maxamed Xasan “ Mashruucan waxaa maamusha oo gacanta ku haysa Nafis Network, waxaana kala shaqeeya 11 urur oo dalladaasi ku midaysan. Waxa maanta halkan jooga laba kun oo haween ah, dumarka mashruucan ka faa’iidayna waa 12 kun oo haween ah. 12-ka kun ee haween ah waxay bilaabeen ganacsiyo, kuwii hore ganacsiga u lahaana ganacsiyadooda ayay ku horumariyeen. Dhammaantood dhaqaalahooda ayay kor u qaadeen,”

Waxa ay tilmaantay habka ay mashruucan uga shaqeeyaan Nafis iyo ururada la shaqeeya “ Waxaanu tagnaa xaafadaha oo bookhadasha qoyska wax la yidhaa ayaanu samaynaa, dabeedna 20 haween ah ee jaar ahba waanu isku keenaa, waxaanu qorshaynaa inay todobaad walba isu yimaadaan, kadibna samaystaan dhigaal, kaas oo ah intay awoodi karaan, markay isu keenaan dhigaalkaas waxay ku wareejiyaan gabadh ganacsi ku samaysata ama ku horumarisa ganacsigeeda, waxa kale oo ay samaystaan lacag gargaar la yidhaa oo bishii ay iska ururiyaan, taas oo lagu taakuleeyo gabadhii dhib ku yimaado amacid ka xanuunsato,” ayay tidhi Marwadu.

Safiya Cabdi Siciid oo ka mid ah haweenka barnaamijkan ka faa’iidaystay ayaa sidan u sharaxday qaabta uu wax ugu taray barnaamijkani “ Waxaan ka mid ahay dadka iska danyarta ah ee magaalada, waxaan haystaa carruur agoon ah. anigoo gurigayga iska jooga ayay ii yimaadeen wiil iyo gabadh, anigu waxna ma baran oo barigii hore reerkayaga ayaan xoolaha u raaci jiray, waxay igu yidhaahdeen “Hooyo waxaanu rabnaa inaanu haweenka dariska isku kiin gayno oo wax qabsataan ee maxay kula tahay,” wallaahi cidii wax I taraysa waan ku rayn baan idhi; waxa la isugu kaayo keenay 20 dumar ah, waxaanu dhiganay lacag yar oo laba laba kun iyo saddex saddex kun aanu isugu gaysanay; waxay noqotay lacag laba boqol iyo konton kun ah; anigaa la ii hor siiyay, illaahay mahaddii Sariibada ayaan hilibleh kaga noqday bishii u horaysayba inankaygii dugsiga sare marayay ee lacag la’aanta uga hadhay iskuulka ayaan ku celiyay intii kalena masruufkoodii waan uga helay, sideed carruur ah ayaa laba sanno kadib wax ii barta” ayay tidhi hooyo Safiya.

Xaawa Gaas Maxamed oo iyana ka mid ah haweenka mashruucan ka qayb galay ayaa sidan uga hadashay faa’iidadiisa “Talada nala siiyay waxay ahayd in 20-kii dumar ah koox noqono, midawno, wax wada qabsanno, todoba kun ilaa toban kun lacagtayada ka bilawno dabeedna markaanu ururino kolba qofka sii jilicsan ku wareejinno, markaa in mashruucani guulaysta waxaa kuu caddaynaysa waxaanu haysannaa maanta laba boqol iyo sideetan milyan oo shilinka Somaliland,” ayay tidhi Hooyo Xaawa.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici ayaa madasha ka qiray inay aqoonsadeen habka barmaamijkani kor ugu qaadayo dhaqaalaha dalka, islamarkaana ay gaynayaan golaha wasiirada iyo hay’addaha ay khusayso si xukumaddu doorkeeda uga qaadato “Waxaan hortiina ka balanqaadayaa inaanu hawshaa aqoonsanay inay hawshaasi hawl qaran tahay oo dhaqaalihii waddanka wax ka bedeshay. Sidii wax la idiinla qaban lahaana waxay khusaysaa wasaaraddaha kala ah Ganacsiga, arrimaha bulshada iyo Qorshaynta, waxaanu amraynaa inay soo darsan, kadibna ilaa halka xukumadda looga taliyo ee golaha wasiirada in lagaga doodo sidii arrintaas loo xoojin lahaa ee ay u noqon lahayd mid midho dhasha oo gaadha halkaynu doonaynay,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenku.

Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Oo Beeniyey Warar Sheegay Inuu Xilka iska Casilay

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha gobolka Togdheer Maxamed Ibraahim Aadan (Qabyo-tire) ayaa ka hadlay warar shalay warbaahinta qaar ka baahisay oo sheegayey inuu xilka gudoomiyenimo iska casilay. Gudoomiyaha oo la hadlayey warbaahinta qaar ayaa arrintaas beeniyey.

“Waad mahadsantihiin warbaahintinan ila soo xidhiidhay lakiin waa nasiibdaro in warbaahinta qarkood ay faafiyaan warar been abuur ah oo aan sal iyo ratoona lahayn oo waxa mar dhawayd dhagahayga ku soo dulayay in warbaahinta qarkood qoreen inaan istaqalad aan u gudbiyay madaxwaynaha somaliland taasina ma jiraan warbaahinta daabacaysa taasi waxaan leeyahay waxay u tahay warbaahinta Somaliland dhabarjab wararkaasi been abuurka ah” Sidaasi waxaa yidhi gudoomiye Maxamed Ibraahin Aadan (Qabyo-tire)

Gudoomiyaha oo ka sii hadlayey beeninta warkaas ayaa intaas ku daray “Anigu duudmo kaga maqni magalada Burco ee waxaan ku maqanay hawlo shaqo oo aan ujooga magalada hargaysa xogahana cusubna insha allah waana loo kale wareejindoona markaan”

Wasiirka Beeraha Oo Ka Jawaabay Cabasho Ka Soo Yeedhay Qaar Shaqaalihiisa Ka Mid Ah

Hargeysa(Warsugan) Dr Maxamed Aw Daahir Ibraahin, wasiirka wasaaradda Beeraha Somaliland ayaa ka jawaabay dhalliilo maalmihii u dambeeyay ay soo jeedinayeen qaarka mid ah shaqaalaha wasaaradda, kuwaasi oo sheegay in la musuqmaasuqay mushaharkooda muddo 5 bilood ah, islamarkaana shaqo ka joojin loogu goodiyay. Waxa uu sheegay inaanay wax gef ah ku samayn wasaaradda beeruhu, balse shaqaalahaasi yihiin kuwo qayb ahaan hoos taga mashruuca horumarinta Somaliland ee SDF, islamarkaana sanduuqaasi wado tababar ay ku jiraan xilligan.

Wasiirku wuxuu sheegay inaanay wasaaraddu kaalin maamul ku lahayn mashruuca SDF “Maalmahan waxaa maqlayseen ama ku arkayseen baraha warbaahinta iyo telefishannada cabashooyin iyo eedayn ay soo jeedinayeen qaar ka tirsan shaqaalaha wasaaradda beeraha Somaliland.waxyaabaha shaqaalahaasi soo jeediyay waxaa ka mid ahaa in mushaharkoodii laga musuqmaasuqay 5 bilood iyo in loo qoray warqad shaqada lagaga joojiyay. Hadaba shaqaalahan waxay ka mid ahaayeen 20 qof oo loo tababarayay inay mustaqbalka ka shaqeeyaan xarunta cilmi baadhista beeraha ee Abu-riin, waxaana maalgalinaya sanduuqa horumarinta Somaliland(SDF) islamarkaana gacanta ku hayo. Kaalinta wasaaraddu ku leedahay waa kormeer iyo in hawluhu u socdaan sidii loo qorsheeyay,” ayuu ku yidhi qoraal wasiirku soo saaray.

Waxa uu tilmaamay inaan mashaariicda ay waddo SDF ee shaqaalahaasina ku jiraan aan lacagtooda wasaaradda la soo marin“Guud ahaan mashaariicda SDF waddo lama soo mariyo wasaaradda iyo hay’addaha la shaqeeya wax lacag ah, balse iyaga oo SDF ah ayaa fuliya, waxaanuna raali ka nahay mashaariicda ay wasaaradda la wadaan iyo qaabka ay u socdaan. Hadaba shaqaalahan waxaa tababar loogu bilaabay  xarunta wasaaradda ee Hargeysa inta loo diyaarinayo Hoyga, qalabka iyo maacuunka lagu isticmaalayo, waxaana gunno loo siinayay saddex boqol oo doolar, markii loo dhammaystirayna waxaa loo raray Abu-riin halkaana waxay ku qaadanayeen mushaharkoodii oo rasmi ah iyo nolol maalmeedkooda, sidaasi awgeedna ma jiraan wax gef ah oo ay ka gashay wasaaradda beeruhu, eedahaasna waxaanu u aragnaa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,” ayuu yidhi Wasiirku.

Guddida Doorashooyinka iyo Asxaabta Qaranka Oo Bulshada Sool Ku Booriyay Inay Is Diiwaangaliyaan

Hargeysa(Warsugan) Guddida doorashooyinka Somaliland iyo saddexda xisbi ayaa ka wada hadlay sidii diwaangalinta gobolka Sool iyo Buuhoodle si habsami leh looga wada qayb qaadan lahaa. Guddida ayaa xisbiyada ku war galisay inaan olole siyaasadeed la dhexmarsan diwaangalinta gobolka Sool iyo Buuhoodle ka bilaamaysa 23-ka bishan, waxaana arrintaasi aqbalay asxaabta. Sidoo kalena xisbiyada iyo komishanku waxay bulshada ugu baaqeen in dadweynuhu is diwaangaliyaan soona dhaweeyaan shaqaalaha diwaangalinta.

Cabdiraxmaan Aadan Maxamed, oo ka hadlay afka guddida anshaxa ee komishanka doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay inay xubnaha saddexda xisbi metelaya ee komishanka kala shaqeeya arrimaha diwaangalinta isla eegeen sidii wada jir loogu wajihi lahaa diwaangalinta gobolka Sool, islamarkaana arrimaha siyaasadda iyo haddimaynta diwaangalinta looga taxadari lahaa.Waxa uu sheegay inay isla qaateen sidii hannaan taxadar leh loogu wajihi lahaa diwaangalinta.

Muxumed Aw Cabdi  oo ku hadlayay afka xisbiga Kulmiye ayaa tilmaamay inay asxaabtu u hoggaansamayso awaamiirta komishanka iyo xeerka anshaxa ee u dhexeeya xisbiyada iyo komishanka “ Waxaanu wada galnay shir, waxaanu isla afgaranay sida fiican ee loo wada wadi lahaa diwaangalinta. Haddaanu xisbiyada nahay gaar ahaana xisbiga Kulmiye ee aan metelayo waxaanu u hoggaansami doonaa sharciga anshaxa,” ayuu yidhi Muxumed.

Xoghayaha xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa isna bulshada reer Sool u diray baaq ubucdiisu tahay ka qayb galka diwaangalinta “Waxaanu doonaynaa inaanu reer Sool iyo Buuhoodle oo diwaangalintu hadda ka bilaamayso inaanu gaadhsiino farriintii aanu gaadhsiinay gobollada kale iyo tu ka sii xoog badan taasi oo ah inay diwaangalinta si mugleh oo xoog leh ay uga qayb galaan. Waa in Sool iyo Buuhoodle muujiyaan awoodooda ay ku leeyihiin qarankan,” ayuu yidhi mudane Uurcadde

Jiir Cali Madoobe oo afka xisbiga Ucid ku hadlayay  ayaa bulshada ku booriyay soo dhaweynta shaqaalaha diwaangalinta “Farriintayga ku wajahan gobolka Sool waxa weeye; walaalayaal waxaa idinku soo wajahan gaadiid iyo shaqaale badan oo dhalinyaro ah, oo ehel ah, ilmaadeeradiin iyo ilmaabtiyadiin ah, ama aad waalid u tihiin, waxaa la idinku yaqaan sooryada iyo nabad galyada, markaa waa in dadkaa idinku soo wajahan ugu talo gashaan meeshay seexan lahaayeen iyo waxaa siin lahaydba

Marwada Iyo Xubno Wasiiro Ah Oo Ka Qeyb Galay Munaasibada Loo Sameeyey Arday Dhamaysatay Farsamada Gacanta

 Hargeysa(Warsugan) Marwada Madaxweynaha Somalialnd iyo qaar kamida golaha sasiirada ayaa ka qeyb galay munaasibad  si heer sare ah loo soo agaasimay islamarkaana loo sameeyey  qalin jabinta Arday dhamaysatay Machadka Farsamada gacanta ee Xarunta Kuwaytiga ee Caasimadda Hargeysa, waxaana munaasibadaasi kasoo qeyb galay marti sharaf  badan oo kala duwan .

Ibraahim Guure oo isagu ah Madax Hay’adda Xaruntaasi hirgelisay ayaa sharaxaad ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee Dugsigu soo maray,   heerka ay gaadhsiisan tahay xirfadoodu, sidoo kale waxa uu mahad naq usoo jeediyey Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inaan la’aantii aanay mashaariicdaa horumarineed hir galeen.

Qaar kamida Xubnaha Golaha  Wasiirada oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa si weyn usoo dhaweeyey ardayda wax baratay, waxaana ay sheegeen in loo baahnaa in la helo arday muwaadiniin ah islamarkaana aqoonta intaa leeg leh, waxaana ay soo dhaweeyeen maxadka Farsamada ee Xarunta Kuwaitiga kaasi oo ay ku tilmaameen inuu soo saarayo ubax wanaagsan oo dalka anfacaaya.

Marwada kood ee Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Aamina Waris Sheekh Maxamed Jirde  oo halkaasi ka hadashay ayaa ayaa sheegtay inay ardaydu mudan yihiin in loo hambalyeeyo sidoo kalena ay yihiin kuwo mustaqbalkooda iyo ka dalkan wax ka bedelaaya iyadoo marwadu sheegtay in cilmiga ay barteen ardaydu uu isagoo makhraatiya hor yaalo waxaana hadaladeedii ka mid ahaa sidan ” Dhalinyaradii maanta halkan ka qalin jabisay ee makhraatiga hawsha weyn ee ay qabteen na hortaalo waxaa sharafta leh soo saaray , dalkeenana mustaqbalkooda wax ka bedelaaya waxaa muhiimad leh Dawladda Kuwait iyo Hay’addahooda sama falka ee inoo maalgelisay mashruucan aad iyo aadka u quruxda badan xarumaha ugu quruxda badan magaalada hargeysa ee farta lagu wada fiiqo”

Ugu danbayntiina waxaa halkaasi shahaadoyin lagu gudonsiiyey ardaydii ka qalin jabisay Xirfada gacanta, kuwaasi oo bandhigay qalab ay ku muujiyeen xirfadooda shaqo ee ay barteen iyadoo qalabkaasina hadyad loo siiyey qaar kamida dadkii madashaasi kasoo qeyb galay

Wefti Xukumadda Ka Socda iyo Shirkado Dhisme Oo Soo Kormeeray Dekedda Maydh Oo La Dhisi Doono

Maydh(Warsugan) Wefti uu hoggaaminayo agaasimihii hore wasaaradda Kalluumaysiga iyo badhasaabka gobolka Sanaag ayaa gaadhay magaalo xeebeeda qadiimiga ah ee Maydh ee gobolka Sanaag, halkaasi oo dib loo dhisi doonno dekedda Maydh. Shirkaddo dhismaha dekedda tartan u galaya iyo sanduuqa horumarinta Somaliland oo maalgalinaya dhismaha dekedda ayaa weftiga wehelinayay kuwaasi oo soo indho indhaynaya hawsha ay u baahan tahay in laga qabto dekeddu.

Maayarka degmada Maydh Xuseen Cabdiraxmaan Sheekh Siciid Maydh, ayaa weftiga ku soo dhaweeyay marsada Maydh. Sidoo kalena agaasimaha Sanaag ee wasaaradda kalluumaysiga ayaa sheegay in degmada Maydh heshay mashruuc balaadhan oo ka yimid sanduuqa horumarinta SDF “ Gobolka Sanaag marka la eego , boqolkiiba sideetan waxaa heshay degmada Maydh,” ayuu yidhi isuduwuhu.

Mustafe Maxamed Cabdillaahi oo ka socda sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF ayaa sheegay in shirkaddaha qandaraaska dhismaha ku tartamayaa soo qiyaasayeen baaxadda dekedda la binaynayo “Ujeedada aanu u nimid waxa weeye in qolooyinkii(Shirkaddihii) tartamayay ay soo eegaan shaqadii ay bilaabi lahaayeen oo ah dhismaha dekedda Maydh, si ay tartanka u galaan iyagoo arkay waxa meesha yaal, shaqadu intay leeg tahay, baaxaddeeda iyo qalabka meesha ay ka heli karaan,” ayuu yidhi Mustafe.

Masuuliyiinta ka socday shirkaddaha dhismaha ee Daryeel iyo Uneco, kuwaasi oo sheegay inay ku rajo weyn yihiin inay ku guulaystaan qandaraaska lagu binaynayo dekedda Maydh oo ay ku tilmaameen mid facweyn leh loona baahan yahay inay degmooyinka dhigeeda ah la tartanto. Waxay tilmaameen inay deked qiimo leh ka yagleeli doonaan hadba cidda ku guulaysataa.

Eng Jaamac Maxamed Odowaa, agaasimaha hore wasaaradda Kalluumaysiga ayaa isna tilmaamay in dhismaha dekeda Maydh labaynayso dekedda Berbera “ Waa mashruuc muhiim u ah dalka oo inoo labayn doona dekedda Berbera oo u soo kordhay gobolka Sanaag, loona baahan yahay in taxadar dheeraad ah loo sameeyo, si loo helo ciddii tayada lahayd ee ku guulaysan lahayd qandaraaskan,” ayuu yidhi agaasimuhu

Ugu dambeyna guddoomiyaha gobolka Sanaag Axmed Cabdi falay ayaa madasha ka hadlay ayaa shirkaddaha tartamaya ku booriyay inay ku qancaan cidda ku guulaysta qandaraaska, taas oo dhisi doonta dekedda degmada Maydh .waxa uu tilmaamay inay calafkooda ka qaadi doonaan islamarkaana cidda guulaysata loo hannayn doono.

Madaxweyne Siilaanyo Oo Tacsi U Diray Ehelada Marxuum Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur

Hargeysa (Warsugan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo Isagoo ku hadlaya magaciisa, kan dawladda iyo ka shacbiga Somalilandba waxa uu tacsi u dirayaa, garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, Golayaasha Qaranka, Guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Ugaas Cabdilaahi Ciise Nuur oo ku geeriyooday 17/08/2016 dalka Turkiga, oo uu xaalad caafimaad u jiifay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey waayeel waayo arag ah oo hoggaamiye dhaqameed ruug cadaaya, muddo dheerna ku hawlana horumarka iyo isku duubnida shacbiga Somaliland ku dhaqan.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo garaadada, ugaasyada, boqorada, salaadiinta, cuqaasha, golayaasha qaranka, guurtida, waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, Qoysaskii, Qaraabadii, Eheladii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

                 Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha Xafiiska Saxaafada eee Madaxtooyada  JSL.

 

warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com