Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 175aad ee Maanta Oo Sabti ahayd ka Soo Baxay Caasimada Somaliland ee Hargeysa

0
355

Sool: “Waxaan Aaminsanahay In Beelaha Iyo Bulshada Somaliland Yihiin Kuwo Siman Oo Leh Xaq Iyo Xurmo Isku Mid Ah” Madaxweyne siilaanyo

 

“Waxaan Ugu Baaqayaa Mar Labaad Gogol Wada Hadal Oo Rasmi Ah Dhammaan Garaadada, Cuqaasha Iyo Siyaasiyiinta Deegaannada Sool, Xaysimo Iyo Buuhoodle” …..”Waxaan garwaaq-sanahay in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago” : M. Siilaanyo

Laascaanood (Warsugan) Madaxweynaha Somaliland iyo wefti uu hogaaminaayo oo gaadhay gobolka Soola ayaa ka hadlay tabashooyinka degaanada Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo. Madaxweynaha ayaa si qoto dheer uga hadlay doorka nabada ee wada noolaanshaha beelaha Somaliland iyo isku duubnidu u leedahay qaranimada.

War-saxaafadeed ka soo baxay socdaalka madaxweynaha oo ayaa lagu yidhi “Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ee ku sugnaa gobolka Saraar ayaa maanta oo taariikhdu tahay 19/08/2016, uga si gudbay gobolka Sool, gaar ahaan degmada Adhi-cadeeye oo si aan hore loo arag, miisaan leh oon loo kala hadhin loogu soo dhaweeyey.

Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay soo dhawayntii ugu balaadhnayd kala kulmeen shacbiga deegaamada Guumays, Yagoori, Tuulada Samakaab iyo Degmada cusub ee Adhi-cadeeye. Waxanay shacbiga ku dhaqan halkaasi ay subaxnimadii hore jidadka iyo koonayaasha magaalada ku qaabileen kuna soo dhaweeyeen caleemo qoyan iyo sawaxan qiiro iyo kalgacal ka muuqdo, taasoo ay hoggaaminayeen, garaadada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, masuuliyiinta deegaamadaasi, aqoonyahanka, waxgaradka iyo bulshada qaybeheeda kala duwan.

Madaxweynuhu intii uu ku guda jiray safarka waxa uu ku degayey goob kasta oo ay ku sugnaayeen shacbigaasi isugu soo baxay soo dhawaynta madaxweynaha iyo weftigiisa, Sidoo kalena waxa uu dhagax- dhigay Madaxweynuhu waddo laami ah oo isku xidhi-doonta Degmada Adhi-cadeeye iyo Degmada Xudun, taasoo dhererkeedu noqon doono 85 Km, iyo mid dayactir ah oo dhererkeedu dhan yahay 1.3 Km. Ka dibna waxa madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey, goob boqran oo maamuus iyo milgo leh looguna talo-galay, in si rasmi ah loogu qabto shir muhiim ah oo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, isi-mada dhaqanka iyo bulshada qaybeheeda kala duwan oo ka soo kicitimay sadexda gobol ee Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo, kaasoo lagu gorfeeyey sidii Shacbiga goboladaas iyo xukuumada Somaliland ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen masiirka ummadda walaalaha ah ee reer Somaliland, meelna isula dhigi lahaayeen, una midoobi lahaayeen, si ay u meel mariyaan himiladooda iyo wada jirkooda dal ahaan iyo dad ahaanba. Shirkan ay ujeedadiisi guud ahayd sii ambo qaadida gogoshii nabadeed ee madaxweynuhu fidiyey markii uu hoggaanka dalka qabtay, marar badana la sii hinjiyey geedi gelintooda, isagoo shirkan adhi-cadeeye ee maantu uu ahaa kii ugu luxdanaa ee ilaa hadda qabsooma dad tiro intaa leeg oo ka socda saddexdaa gobol ee Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo.

Markii shirku furmay waxa hadalo halkaa ka jeediyey Wasiiro, Madaxda dhaqanka ee halkaa ku sugnaa tiradooduna ay aad u badnayd lana odhan karo umay kala hadhin maanta gogoshaa wada hadalka ee uu madaxweynaha qaranka Somaliland u fidiyey bulshada saddexdaa gobol ku dhaqan.

Waxa khudbad taariikhi ah halkaa ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo soo jiidatay quluubta shacbiga goboladaasi ee ku sugnaa goobta. Khudbada Madaxweynaha waxa xuddun u ahayd, isagoo iclaamiyey in shirkii ugu baaxda weynaa ee gogasha nabada ee gobolada bariga lagu qaban doono magaalada burco 25/10/2016, taasoo waayeelka goboladaasi markii ay ka dareen celinayeen, ee ay khudbadaha jeedinayeen ay si buuxda u soo dhaweeyeen una aqbaleen, halkaana ay ka cadeeyeen inay wadar ahaan uga soo qaybgeli doonaan gogoshaasi.

Khudbadii Madaxweynuhu jeediyey ayuu ku yidhi”Garaadada, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Haweenka Sharafta leh ee Madashan milgaha iyo maamuuska leh fadhiya dhamaantiin “Asalamu Calaykum Wa Raxmatullaahi Wa Barakaatu”.

Salaan ka dib, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf weyn ayey ii tahay inaan ka soo qayb galo Golahan iyo gogoshan Gobeed ee ay goob jooga ka yihiin haldoorkii hoggaamiyayaashii dhaqanka ee bulshada Gobolka Sool.

Walaalayaal, waxaan jecelahay inaan si kooban isku dul taago qodobo muhiim ah oo ay ka mid yihiin:

  • Tabashooyinka Deegaanada Sool,Xaysimo iyo Buuhoodle
  • Midnimada iyo wadajirka Ummadda
  • Diiwaangalinta
  • Adkaynta Nabadgalyadda
  • Horumarka

Tabashada  Bulshada Gobolada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle

Waxaan xogogaal u ahay in hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo dhaqanka ee deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle ay ka qabaan Qawad iyo Tabasho qaabka awood qaybsiga talada Dalka.

  • Waxaan aaminsanahay in cadaaladdu tahay waxa kaliya ee ummadi ku walaaloobi karto.
  • Waxaan aaminsanahay in beelaha iyo bulshada Somaliland yihiin kuwo siman oo leh xaq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan leeyahay sidii ninkii yidhi “Dadku waa wada Ciise oo midna mid Caaro Ma dheera”.
  • Waxaan aaminsanahay in la qaybsado hawsha, halabadda iyo hantida qarankan yagleesha ah.
  • Waxaan garwaaq-sanahay in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef la wadaago.

Walaalayaal,

Waxaan gar u arkaa in wixii qaldamay la saxo. Waxaan gar u arkaa in la dheeli-tiro awood-qaybsiga talada Dalka. Waxaan ku qanacsanahay in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo saami-qaybsiga kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.

Walaalayaal, waxaanu diyaar u nahay in aanu idinka tirrno tabashada iyo turxaan kasta oo aad  tirsanaysaan.

Ma nihin dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee waxaynu nahay Dad isku dan ah oo isku Dal ah.

Walaalayaal, waxaan leeyahay aan wada tashanno, oo aan isku tashanno, oo aan is aaminno.

Hoggaaminta dalka waa loo siman yahay, kootana cid gaar ah uguma xidhna, xilkiisuna, magan alle, waa meerto, oo maalinba ninbaa madax ka ah.  Maanta anigaa Madaxwayne ka ah Somaliland, Shalayna waxaa  Madaxwayne ka ahaa Daahir Riyaale oo ka soo  jeeda Gobolka  Awdal, berritana nin reer Sool ah ayaa Madax ka noqon kara.

Walaalayaal,

Xaq baad u leedihiin in aad maalintiina Haaneedaan hoggaaminta dalka,  mana jiro wax idinka hortaagan ee hareerta qabsada, kana qayb qaata diiwaangelinta iyo nidaamka doorashooyinka ee axsaabta badan.

Haddaba, si Ummad ahaan aynu u kala bogsanno, isla markaana si mug iyo miisaan leh u falanqayno arrimahaas  iyo wax kasta oo khuseeya danaheena guud, waxaan ugu baaqayaa mar labaad gogol wada hadal oo rasmi ah dhammaan Garaadada, Cuqaasha iyo siyaasiyiinta deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle. Waxaan idinku martiqaadaya 25/10/2016 magaalada Burco oo shirkaasi ka dhici doono.

Si uu u xoogaysto isfahanka, isdhexgalka, nabad kuwada noolaanshaha bulshada, waxay Xukuumadaydu ka qayb qaadatay shirar doceedyo aad u qiimo badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Magaalada Awr-boogays, oo aan jecelahay in aan halkan ku hambalyeeyo haldoorkii isugu yimid shir waynahaas.

Waxaan soo dhawaynayaa go’aanadii shirka Awr-boogays ka soo baxay.

Waxaan soo dhawaynayaa dhammaan heshiisyadii iskaashiga iyo wax wada qabsiga ahaa ee ku dhex maray Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle iyo Cabdiraxmaan Harti. Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa shirkii dhawaan ka dhacay magaalada Caynabo.

Waxaan soo dhawaynayaa natiijadii Shirkaa ka soo baxday ee salka ku haysay bilowga nabad iyo wada hadal dhex mara Xukuumada Somaliland iyo Khaatumo.

Waxaan soo dhawaynayaa is-fahanka hor-dhaca ah iyo wada hadalka noo socda aniga iyo saxiibkay Cali Khaliif Galaydh. Labadayada iyo ragga kale ee nala ayniga ah maanta naloogama fadhiyo in aannu colaad beerro, ee waxaa nalooga fadhiyaa in aanu dadka u horseedno horumar iyo himilooyin gun dheer, Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Cimri tegay ceeb laguma sagootiyo”. Ilaahayna waxaan ka baryaya in uu dhammaanteen tubta toosan inagu hanuuniyo, tawfiiqdana ina waafajiyo.

Shirarkan goo-gooska ah ee kala danbeeya ugama jeedno in aanu ku qaybino ama ku kala qoqobno wax garadka bulshada ku dhaqan dhulkan. Hasa-yeeshe waxaanu uga goleenahay:

  1. In la xoojiyo nabadgelyada
  2. In la abuuro jawi isfahan iyo wax wada qabsi
  3. In la ururiyo, lana mideeyo aragtiyaha kala duwan ee degaanadan.
  4. In loo gogol xaadho shir wayne balaadhan oo ay kuwada xaajoodaan Somaliland iyo wax-garadka deegannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle kaas oo ah, ka aan maanta, madasha ka muddeeyay.

Wadajirka iyo Midnimada Ummadda

Midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliland waa mid ku fadhida muhiimad weyn oo marnaba aan madmadow la gelin Karin, Soomalidu waxay ku maahmaahdaa “LABA ILAAH BAA U DAAWO QAADAY, LABANA IYAGAA DAAWO QAATAY”,  waxaan leeyahay ummada Somaliland  ILAAHAY ayaa u daawo qaaday oo waa kuwo wadaaga Dal, Dad, Daaq, Degaan, Diin iyo Dhaqan soo jireen ah oo durugsan. Sidaa daraadeed, waxay ka dhigan yihiin hal ku dhiga ah “SAKAARO LABA TUN OO LA KALA QALO MA LEH”.

Haddaba, siyaasada xukumadda aan gadhwadeenka ka ahay, waxaa udub dhexaad u ah ururinta iyo midaynta shacbi waynaha Somaliland.  Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan ahay oday ruug cadaa ah oo Ummad u arriminaayay in ka badan (40) sanno, uma aqaan siyaasadda hoggaamiyaha hagaagsan Dulmi, Dirsooc iyo Dad la kala qaybiyo.

Sidaa daraadeed,  waxaa iga go’an in aan ka tago dal iyo dad midaysan oo leh daareen kaliya, waxaan diyaar u ahay in aan  galiyo  Maal, Maskax iyo Muruq badan dhamaystirka dib u heshiisiinta  Dadkayga iyo Dalkayga.

Walaalayaal,

Waxaan idin leeyahay shan nin oo isku talo ah hal shansho ayaa ka go’da, shan nin oo kala talo ahna shan shansho ayaa ka go’da, waxaan diyaar u ahay inaan qaado talaabo kasta oo suurto gal noqon karta, taas oo lagu meel marinaayo midnimada qaranka iyo mataanaynta muwaadiniintiisa ku abtirsada.

Diiwaangalinta

Dawladda Somaliland waxay gudoonsatay inay Diiwaangaliso dhammaan dadka muwaadiniinta u dhashay Jamhuuriyada Somaliland, si ay u helaan jinsiyad iyo aqoonsi muujinaaya isir Raacooda. EEBBE mahaddii, mashruucaasi wuu socdaa, waxaana la meel mariyay 60%, inta hadhayna waxaa la qabyo-tiri doonaa sannadka 2017. Dhinaca kale, waxay Xukumadda Jamhuuriyada  Somaliland iyo Dalalka Deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay iska kaashanayaan hirgelinta Diiwaangalinta Codbixiyayaasha, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in si sax ah oo hufnaan sugan leh loo diiwaan galiyo dadka leh xaq codbixineed ama awood sharci u leh inay ka qayb qaataan Doorashooyinka Qorshaysan 2017.

Qaran ahaan waxaynu si fiican ugu guulaysannay xaqiijinta mashruucan oo sidii loogu talo galay uga hirgalay Gobollada Togdheer, Awdal, Saaxil, Maroodi-jeex iyo Sanaag.

Gobolkan Sool ee aynu maanta Joognana, idam Eebbe waxay ka bilaabi doontaa Maalinta Salaasada ee 23/08/2016. Anigoo fursadan iyo fagaarahan ka faa’idaysanaya,  waxaan jecelahay inaan farta ugu fiiqo Bulshada  ku nool Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay Diiwaangalintu tahay muhiim, isla markaana saamayn weyn ku leedahay Tiirarka Aasaaska u ah nolosha gaar ahaan siyaasadda, nabadda iyo horumarka.

Sidaa daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan Dadwaynaha ku dhaqan Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay isu diiwaangaliyaan si xikmad, xasilooni iyo xamaasad leh. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa Garaadada, Cuqaasha, Culima-awadiinka, Wax-garadka, Haldoorka iyo haweenka Deegaannadan inay door weyn ka qaataan tisqaadka iyo taabba-gelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha.

Nabadgelyada

Nabaddu waa aasaaska nolosha. Xukummadda aan madaxda ka ahay, waxay xoog saartay, xoolo badanna u hurtay adkaynta nabadgelyada guud ahaan Gobolka Sool. Si gaara, waxaan u xoojinnay ammaanka magaalada Laascaanood oo dilal is dabajoog ah, isla markaana tiro badani ka dhici jireen xilliyadii hore, taas oo sababtay in laga barakaco iyo in uu qofku ka werwero cawo-bariga naftiisa. Alleheenna weyn baa mahad iska leh ee innagu mannaystay nabadda aynu haysanno iyo nimcooyinkiisa kale ee faraha badan.

Dhinaca kale, labadii sanno u danbeeyey, waxa gobolka ka dhacay dhibaatooyin dhex maray beelo walaala ah, sida shaqaaqooyinkii ka dhacay Taleex, Xuddun iyo Dharkayn.

Deegaannadaa kor ku xusan, waxaanu ka samaynay hawlgallo laxaad leh oo isugu jira nabad ilaalin iyo dhex-dhexaadin. Waxaan jecelahay inaan halkan ka bogaadiyo Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo dedaal weyn ka geystay xallinta dhibaatooyinkaa.

Mar labaad, waxaan u ducaynayaa duqaydii iyo waayeelkii dhex-dhexaadinta ka waday magaalada Dhumay. Waxaan EEBE uga baryayaa in uu ku guuleeyo dedaalka ay wadaan iyo in uu miisaanka xasanaadkooda ugu biiriyo camalka wanaagsan ee ay wadaan.

Waxaan u caddaynayaa Garaadada iyo madax-dhaqameedyada hawsha dhex-dhexaadinta labad beelood ee walaalaha ah u guntaday in aan si buuxda u garab taaganahy.

Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee Faarax Cali iyo Samakaab Cali in ay ka heshiiyaan dhibaatooyinkii dhex maray.

Sidoo kale, waxaan ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee Maxamed Garaad iyo Cabdi Garaad in ay joojiyaan colaadda dhexdooda. Waxaan leeyahay walaalayaal, colaad wiil baa ku dhinta ee kuma dhasho. Waxaan leeyahay walaalayaal, waxa maanta talo inooga baahan dadka inta nool, talo inoogama baahna nin dhintay. Waxa kale oo aan ku guubaabinaya in ay u hoggaansamaan talooyinka iyo go’aammada ka soo baxa Guurtida dhex-dhexaadinaysa iyo ciidammada nabad ilaalinta ee hadh iyo habeen heeganka u ah.

Horumarka

Xisbiga Kulmiye markii uu talada dalka ku guulaystay, muddo yar ka dib, waxa Xukuumadaydu guddoonsatay in Gobolka Sool laga hirgaliyo horumar laxaad leh, maadaama oo ka jiro dib-u-dhac weyn oo saameeyey adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale.

Waxaa hubaal ah in muddadii 6-da sannadood ee aan dalkan Madaxweyne ka ahaa, wax badan iska beddaleen hourmarka Gobolka Sool, gaar ahaan tayeynta iyo kor-u-qaadidda tirada adeegyada bulshada. Tusaale koobaan, waxaan u soo qaadan kara dhinaca waxbarashada oo dib u dhac weyn ka jiray xilligii hore.

Waxaanu ka hirgalinay Gobolka Sool 50 School ama dugsi oo isugu jira noocyada kala duwan Hoose, Dhexe iyo Sare. Waxaanu ka hawlgalinnay 203 macalin oo cusub.

Waxaanu dhisnay Jaamacadda Nuugaal oo ay ka qalin jabiyeen aqoonyahanno badan oo dalka iyo dadka wax ku soo kordhiyay.

Waxaanu qodnay ceelal biyood tiro badan

Si gaara markan isu-dul-taago magaala madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, waxaan Xukuumad ahaan ka samaynay kawaanka hilibka, sariibadda khudradda iyo waddooyin dhan 7 kilometer, iyo 6 kilometer oo hadda gacanta lagu hayo.

Waxaanu samaynay garoon kubbadeed oo hadda roog casriya la dhigayo.

Waxa hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hooy dugsi cusub iyo dib u dhiska schoolkii hore ee dumay. Iyada oo lagu qalabayn doono agab waxbarasho oo casirya iyo macalimiin tayo leh.

Dhinaca kale, waxa hadda la bilaabay dayac-tirka iyo dib-u-dhiska Cisbitaalka weyn ee Magaalada Laascaanood, iyada oo lagu soo kordhin doono qalab cusub oo casriya, daawo bilaasha iyo 3 dhakhtar oo si joogta ah uga hawlgala. Mashaariicdaa hadda bilaabmay ee laga maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxa ku baxay lacag dhan $7 Milyan oo Dollar.

Dhinaca kale, waxaanu gacanta ku haynaa mashaariic horumarineed oo aan ka wadno qaar ka mida degmooyinka Gobolka Sool, sida Xuddun, Awr-boogays iyo Kala-baydh.

Sidoo kale, waxaanu iyana mashaariic ka fulin doonna Degmada Adhi-caddeeye, Taleex, Yagoori, Dharkeeyn iyo Laasa-curdin.

Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idiin caddaynaya in ay Xukuumaddayda ka go’an tahay in xoog la saaro horumarka Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, si loogu sameeyo is beddel weyn nolasha bulshada deegaanadaa. Waxaa noo qorshaysan in horumarka deegaannada loo sameeyo qorshe fog iyo mid dhaw, kuwaas oo sannadka dabayaaqadiisa ka muuqan doona buugga Qorshaha Dheer ee Qarankan.

Ugu dambayn, ka sokow masuuliyadda ballaadan ee aan Qarankan u wada hayo, waxaan idiin caddaynayaa in aan si gaara isaga xil saarayo dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada gobolkan.

Guntii iyo gabogabadii, waxaan leeyahay amba faydniye waxba ha i farin.

Ilaahay waxaan ka baryayaa in boggeenna iyo beerkeenna burcad isu mariyo.

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu midnimadeenna iyo wada jirkeenna adkeeyo.

Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu balaayo oo dhan ina hareer mariyo, baladkeenana aamin ka dhigo”.

Markii kulankaasi u soo afmeermay waxa weftigii madaxweynaha loo gelbiyey magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, oo ay weftiga Madaxweynuhu hoggaaminaayey caawa u hoydeen kuna sugnaan doonaan, taasoo taariikhda gobolka ku suntanaan doonta, marka loo eego intii uu jiray gobolka sool oo aanu weligeed Madaxweyne u hooyan, isagoo madaxweynuhu taariikhdaas mid la mid ah ka dhigay gobolka markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo safaro kala duwan ku yimid magaalada kana fuliyey mashaariico dhawr.

Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Oo Madaxweynaha Hortiisa Ka Muujiyay Sida Bulshada Reer Sool Ugu Midaysan Tahay Wax La Qaybsiga Somaliland

Laascaabood(Warsugan) Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale oo ka mid ah madaxda dhaqanka gobolka Sool, ayaa shalay munaasibad balaadhan oo madaxweynaha Somaliland fadhiyay ka sheegay baaxadda madaxda dhaqanka ee isaga timid deggaannada kala duwan ee gobolka Xaysimo, Sool iyo Buuhoodle. Waxa uu tilmaamay in bulshada degaannadaasi hadda diyaar u yihiin sidii ay Somaliland inteeda kale wax ula qaybsan lahaayeen Somaliland inteeda kale. Waxa uu xukumadda ku boorriyay in la sii kordhiyo xilalka dhawaan loo kordhiyay deggaannadaasi.

“Mudane madaxweyne waxaa maanta halkan fadhida  shacab weynaha gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle qayb ka mid ah oo ilaa Widh-widh ah cuqaashoodii iyo guurtidoodii. Ilaa xalay way soo guuraynayeen, waxaan ka tiriyay inta goobta inala joogta 49 caaqil oo caaqiladii ugu waaweynaa ee Ingiriiskii ka mid yihiin. Waxaad nasiib u yeelatay oo wax badan aad raadinaysay nabad iyo in gobollada Sanaag, Sool iyo Buuhoodle guurtidoodu isu timaaddo laakiin, inaad maanta madashan quruxda badan kula hadashay waa nasiib aad dheer tahay madaxweyneyaashii kaa horeeyay,” ayuu yidhi Garaadku.

Garaadka oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inay cadahay rabitaanka madaxweynaha ee ku wajahan wax ka qabashada gobollada bariga “ Way caddahay inaad doonayso inaad ka tagto taariikh. Way caddahay gobolkan waxaad ka qabatay iyo waxa aad diyaar u tahay, iyo inaad doonayso inaad ka ambabaxdo, dadkii iyo dalkii oo midaysan.Taas waan kaaga mahad celin, waana nasiib Illaahay kuu gartay,” ayuu yidhi Garaadku.

Waxa uu sidoo kale hogo-tusaaleeyay siday bulshadu diyaar ugu tahay ka soo qayb galka shir balaadhan oo bulshada deggaannadaasi iyo xukumaddu ku wada xaajoon doonaan bisha October “Waxgaradkii iyo cuqaashii halkan ka hadlay waxay caddeeyeen gogosha aad 25-ka October ku dhawaaaqday inay ka soo qayb galayaan.Haddaanu salaadiinta nahay anigoo afkooda ku hadlaya waanu la qaadanay waanuna ka soo qayb galaynaa. Beelaha halkan fadhiyaa waxa weeye beelaha Dhulbahante, beelaha Fuqishinni iyo beelaha Cabdiraxmaan Harti, mar haddii cuqaashii iyo guurtidii isku raacday anana waa aqbalay oo waa ka soo qayb galaynaa,” ayuu yidhi garaadku.

Waxa kale oo uu ku taliyay in xukumaddu sii kordhiso xilalka bulshada gobollada Bari “Madaxweyne xilakaas aad magacowday iyo isku shaandhaynta aad samaysay waa intaas oo aad kala sii dhawaata uun, taasna waxaan u malayn in marka la isu yimaaddo uun laga wada hadlayo.Aad iyo aad baanu ugu faraxnay una soo dhaweynaynaa wada hadalka Khaatumo iyo Somaliland eed madaxweyne ku dhiiratay.Dadkani waa Khaatumo, waanan kugu raacsanahay waanan kugu hambalyaynaynaa, shirarkii aad taageertayna waa kugu hambalyaynaynaa, waanan ku soo dhaweynaynaa,” ayuu yidhi Garaadku.

Safiirnimada Cali Warancadde Oo Ka Marag Furaysa Weedho Daahir Riyaale Horey Hankiisa Ugu Cabiray

Hargeysa(Warsugan)Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamaac (Cabdiraxmaan Xoog), oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa xaqiijiyay in danjire Cali Maxamed Warancadde ku niyadsan yahay safiirnimada Itoobiya. Waxa uu sheegay in wada hadal labadooda dhex maray arrintaasi kaga xaqiijiyay sidaasi darteedna aan loo baahnayn guuxa bulshada dhexdeeda ah ee ku saabsan in wasiirka hore ee arrimaha gudaha Somaliland ku gacansaydhay safiirnimada loo magacaabay dhawaan.

Danjire Cali Maxamed Warancadde ayaan wali ka hadal mawqifkiisa ku aadan in laga qaado xilkii wasiirka arrimaha gudaha loona magacaabo Safiirka Itoobiya ee Somaliland.warar soo baxayay ayaa tilmaamay in deggaannada uu ka soo jeeda diidan yihiin xilka loo igmaday Warancadde hase ahaatee Xildhibaan Xoog ayaa sheegay inay khalad tahay isku xoqidda bulshada ehelka ah ee ay ka soo kala jeedaan Cali Warancadde iyo wasiirka cusub ee duulista.

“Waxaa suuqa la soo galiyay Cali muu qaadan safaaraddii Itoobiya, anigu waan la hadlay oo telefoon baan u diray, waxaan waydiiyay inuu xilkaas qaatay, Cali waa nin aanu saaxiib nahay oo wax walba isku nahay, markaa waxba igama qariyo, waan la hadlay oo waxaan idhi bal ka waran, wuxuu igu yidhi “Waan qaatay oo anigaaba ka codsaday inaan halkaas ku nasto,” markaa wasiirkan duulista la geeyayna wuu taageeray oo anigaa raali ka ah buu yidhi, anigaa idhi inankaas halkaa geeya,” ayuu yidhi Xildhibaan Xoog.

Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay inaan loo baahnayn in la isku dhufto labada jufo ee Cali Warancadde iyo wasiirka duulistu ka soo kala jeedaan “Dadka wax ka hurinaya ee leh; qoyska Cali Warancadde waxay sameeyeen muddaharaad, qoyska kalena la leeyahay Cali Wuxuu diidan yahay wasiirka Duuliska loo magacaabay waxba kama jiraan. Wasiirka hore (Cali Warancadde) wuxuu ii caddeeyay inuu isagu wasiirka cusub meesha geeyay, markaa halkaas yaan waxba laga xoqin reerkana la isku dhufan.Anigaa labada qoysba xildhibaankooda ah, waanay isu hanneeyeen,” ayuu yidhi Mr Xoog.

Inkasta oo masuuliyiinta xilka laga qaaday qaarkood caddeeyeen mawqifkooda wali Cali Warancadde oo bulshadu si weyn indhaha ugu haysay saxaafadda lama hadal, hase ahaatee xogo wargeyska Warsugan ka helay dad ka ag dhaw ayaa tilmaamaya inuu badheedhihiisa ka dhiiban doono munaasibadda uu xilka ku wareejin doono. Waxaana la rumaysan yahay inuu ku niyadsan yahay inuu qaato safiirnimada Somaliland ee Itoobiya.

Bulshada Somaliland ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho iyo goobaha la isugu yimaado si weyn ugu falanqeeyay magacaabista safiirnimo ee Cali Warancadde iyo ka saarista golaha wasiirada.Dad badan ayaa rumaysan in xilkaasi yahay mid meeqaamkiisa hoos loogu dhigay, maadaama uu hore xisbigii Udub isaga sharaxay madaxweyne, mansabkanna yahay mid hankiisa siyaasiga ah ee Madaxweynenimo iyo heer wasiir ka sii hooseeya.

Weedhihii Daahir Riyaale

Madaxweynihii hore ee Somaliland, ahaana hoggaamiyihii xisbigii UDUB mudane Daahir Riyaale Kaahin ayaa bishii June ee sanadkii 2015-kii mar wax laga waydiiyay hankiisa dambe ee siyaasadeed wuxuu sheegay inuu ka qoomamaynayo xisbigii Udub inuu musharax uga dhigay Cali Maxamed Warancadde isagoo arrintaas ka hadlayana wuxuu yidhi “Waxaan doonayaa inaan raali galin ka bixiyo, xisbigaygii UDUB, inaan u dhiibay nin aanu hankiisu gaadhsiisnayn Madaxweyne, ee uu yahay wasiir, waa Cali oo ku faanayay jeebkaan ku ritay xisbigii Udub. Nimankii hankoodu ahaa madaxweynaha, ilaa kuxigeenkaygii iyo bahweyntii xisbiga UDUB iyo nimankii hankoodu madaxweynaha iyo madaxweyne xigeenka ahaa ee Jamaal Cali Xuseen iyo Cabdirashiid ee soo dalbaday, raalli galin baan ka siinayaa inaan iyaga baal maray oo aan ninkaa hankiisu yahay wasiirka iyo wax ka hooseeya aan xisbigii u dhiibay,” ayuu yidhi mudane Daahir Riyaale.

Cali Maxamed Warancadde ayaa hadda u muuqda mid ka marag furay weedhahaas Daahir Riyaale hankiisa ku cabiray ee ah wasiir iyo wax ka hooseeya. Inkasta oo danjiruhu yahay meeqaam muhiim ah, haddana waa mid hoos tagaya wasiirka arrimaha dibada Somaliland, sidoo kalena ay jirto inaanay safiirada Somaliland haysan sumcad iyo shaqada laga rabo safiirada, maadaama wali Somaliland aanay citiraaf ka helin beesha caalamka.

Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Oo Ka Jawaabay Dhalliilo Mucaaradka Uga Yimid

Boorama(Warsugan) Guddoomiyaha Jaamacadda facaweyn ee Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed, ayaa jawaab ka bixiyay weedho xisbiyada mucaaradka ahi maalmihii u dambeeyay ku sheegeen in lagu soo casuumi waayay munaasibada qalinjabinta ardayda jaamacadda oo madaxweynaha Somaliland iyo hoggaanka Kulmiye ka qayb galeen, haseyeeshee wuxuu sheegay inaanay Jaamacad ahaan casuumad rasmi ah siin madaxda saddexda xisbi, islamarkaana hoggaanka Kulmiye ka mid ahaa weftiga madaxweynaha la socday.Waxa uu sheegay inay jaamacadda oo ah mid facweyn u dhexayso dadweynaha guud ahaan iyo dhammaan asxaabta qaranka.

Waxa uu sharaxay habka ay dadka ugu casuumaan munaasibadaha Jaamacadda ee qalin jabinta ardayda “Barigii hore ee Jaamacaddu iska bilawga ahayd, dalkana jaamacaduhu ku yaraayeen Hargeysa iyo Boorama-ba dadka waanu casuumi jiray, in dhawayd jaamacaddii way balaadhatay, ardaydii way badatay, markaa hadda markaanu qalin jabinayno waxaanu war galinaa kaliya waalidiinta iyo wasiirka waxbarashada oo ujeedku yahay inuu rasmi ahaan shahaadada u guddoonsiiyo ardayda ama cid qaranka ka tirsan oo badanaaba madaxweynaha ah inuu yimaado oo guddoonsiiyo, siyaasiyiin kale oo aanu casuunnaa maba jirto,” ayuu yidho Prof Saleebaan oo telefishanka Star u waramayay shalay.

Waxa uu intaasi raaciyay inaanay shaqaale dawladeed iyo madax midna casuumin marka laga reebo dadka madaxda dhaqanka iyo haldoorka kale ah ee Boorama jooga kuwaas oo danaynaya farxadda ardayda “Asxaabta wakiilladooda Boorama jooga kaadhadhka waanu siinaa oo dadweynaha ayay ka mid yihiin laakiin, asxaabta madaxdooda sare ma casuunno, wasiirka waxbarashada uun baanu u sheegnaa ee walaa guddoomiyaha Kulmiye maanu casuumin ee weftiga dawladda ayuun buu ka mid ahaa, markaa cidna kama eexanno, cidna uma eexanno, walibana Faysal Cali Waraabe taageerayaasha waaweyn ee jaamacadda ayuu ka mid yahay, mararka qaar iyadoon cidna casuumin buu ila soo hadlaa markuu Kalabaydh marayo oo yidhaa inaan jaamacadda ka hadlo ayaan rabaa ana waa u sii diyaariyaa uun, imikana way u furan tahay qalin jabin iyo qalin jabin la’aanba,” ayuu yidhi Prof-ku.

Waxa uu sheegay in munaasibada qalin jabinta abaabulkoodu hoos u soo dhacayso, mustaqbalka dhawna ay iman doonto in isaga uuni ardayda guddoonsiiyo shahaadada, meeshana laga saaro casuumida wasiirka waxbarashada, madaxtooyada iyo ciddii kaleba “Anigu jaamacadda Darajo uma joogo, dhaqaalena uma joogo oo qolada maamulka anigaa ugu lacag yar, waxaan ka qaataa gunno yar oo 700 doolar ah, intaasna ardayda ayay dib ugu noqotaa, markaa ogolaansho uun baan ku joogaa, inta naftu kugu simaysana nala joog ayaa la I leeyahay,” ayuu yidhi Prof.ka oo la waydiiyay sababta uu muddada dheer hoggaamiyaha uga yahay Jaamacadda.

Saylac: Dadka Milixda Soo Saara Oo Ka Cawday Milix Shiinaha Laga Soo Waariday

Saylac(Warsugan) Mulkiileyaasha ceelasha milixda laga soo saaro ee degmada Toqoshi oo ka tirsan gobolka Salal ayaa cabasho ka muujiyay Milix laga keenay dalka Shiinaha oo suuqa ku cidhiidhiday. Waxay sheegeen in marka horeba suuqu wax soo saarkooda cidhiidhi ku ahaa, haddana aanay habboonayn in wax soo saar shisheeye la keeno dalka. Milixda ay ka cawdeen ayay sheegeen in muwaadin reer Somaliland ah oo ka soo jeeda gobolka Awdal uu ka soo dejiyay soo dhoofiyay dalka Shiinaha.

Xildhibaan Cabdikariin Indho Gorayle oo ka mid ah mudaneyaasha degmada Saylac ayaa tilmaamay in aanay suuro gal ahayn in wax soo saarka maxalliga ah uu suuqa ku cidhiidhyo waxyaabo laga keenay dalalka shisheeye “Madaxweyne anagoo og in ganacsigu xor yahay, haddana wixii dalka laga waayo ama ku fillaan waaya in dibada laga keeno xaq baa loo leeyahay oo waa ogolnahay laakiin, anagooy nagu baaryayso in dibada laga dalbado macquul iyo wax dhici kara midna maaha,” ayuu yidhi mudanuhu.

Haydh tuulaha ToqoshiYuusuf Dhursug ayaa tilmaamay in degaanka laga helo Milix dalka ku filan “Milixdani waxay ka timid Shiinaha, anagoo hayna Milix Dalka ku filan, milixdayadu dhulka Soomaalidu degto oo dhan way ku filan tahay.Anagoo milixdeenii hayna ayay ganacsato reer Somaliland ahi Shiinaha u dooneen,” ayaa ka mid ahaa hadalka masuuliyiintaasi.

Haweenka iyo waxgaradka deggaanka ayaa xukumadda ugu baaqay in la joojiyo milixda la soo waariday, maadaama dhaqaalaha bulshadaasi ku xidhan yahay khayraadka dalka ee ay la soo baxaan, taas badalkeedana la maalgaliyo dadkaasi soo saaraya Milixda si ay wax soo saar ku filan dalka u sameeyaan. Waxay walaac ka muujiyeen in shaqo la’aani soo wajahayso haddii Milixdaasi dibada ka timid suuqa la wadaagto, iyagoo cabashadooda la beegsaday madaxda dawladda.

Masuuliyiinta Degmada Saylac Oo Ka Hadlay Khasaare Ka Dhashay Roob Dabayl Xooggan Watay

Saylac(Warsugan)Masuuliyiinta degmada Saylac ee xarunta gobolka Salal ayaa sheegay in khasaare maal oo aan badnayn ka dhashay roob watay dabaylo xooggan oo habeen hore ka da’ay degaannada Saylac. Waxay sheegeen in ilaa 30 guri oo isugu jira xarumaha dawladda iyo guryaha dadweynaha uu waxyeello gaadhsiisay roob dufaan wata oo muddo hal saac ah da’ayay balse aan la ogayn khasaare nafeed oo ka dhashay roobkaasi.

Sacad Daahir Cige, ku simaha maayarka magaalada Saylac ayaa sharaxay miisaanka roobka dabaysha watay “Waxaa degmadan ka dhacay dabaylo aad iyo aad u xoog badan, oo duufaan la moodo, waxay ka soo kaceen xagga badda waqooyi. Dufaantaasi waxay u socotay si aad ah, xawaaraheeduna aad buu u dheeraynayay, waxayna socotay muddo hal saac ah.waxaa ku burburay guryo 30 gaadhaya oo Jiingadoodii baabaday

Dhamme Axmed Cabdillaahi Kaahin, taliyaha hawlgalinta ciidanka booliska gobolka Salal ayaa tilmaamay inay gurmad ka galeen waxyeellada roobka  “Waxaa xagga badda ka yimid roob aad u weyn oo ilaa tobankii habbeennimo soo hillaacayay, markii uu halkan soo gaadhayna duufaan ama dabayl xooggan ayuu watay  oo runtii gariirka iyo sanqadha ka yeedhaysa aad yaabto, Illaahay baa mahad leh. Dadweyne iyo ciidanba waxaanu iska kaashanay inaanu khasaaraha tiro koobno, ama wixii aanu qaban karo ee jiingado celin karno, intaaba gurmadku wuu jiray,” ayuu yidhi taliyuhu