Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 183aad ee Maanta Ka soo Baxay Hargeysa

0
345

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Deyr, Muxuu ka Yidhi Xilka Afhayeenimo ee Madaxweynuhu U Igmaday Mar Kale.

“Dhinaca kale, beddelkaygu salka kuma hayo saluug xil-gudasho la’aan ama dhalliilo xaggayga ka jira. Laakiin, duruufaha siyaasiga ah ee ka jira dalkeenu waxay u baahan yihiin maarayn, tanaasul iyo dulqaad. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in adiga lagugu ciiro”.. Deyr,

Hargeysa(Warsugan)Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idinku salaamayaa Salaanta Islaamka, waxaanan idiinka mahad-celinayaa ka soo qaybgalka Xafladdan Xil-wareejinta.

Ugu horraan waxaan M/weynaha Jam. Somaliland Mudane Ahmed Maxamed (Silaanyo) si mug iyo maamuusba leh ugaga mahad-naqayaa kalsoonida uu i siiyey ee uu mar kale iigu magacaabay Xilka Afhayeenka Madaxtooyada.

Mudanayaal iyo Marwooyin; sida aad la socotaan, muddo gaaban gudaheed waxa la iga bedelay Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga waxana la igu soo celiyey Xilka Afhayeenka Madaxtooyada. Taa macneheedu maaha casilaad ama hoos-u-dhigid, aniguna qof ahaana sidaa uma arko. Dhinaca kale, beddelkaygu salka kuma hayo saluug, xil-gudasho la’aan ama dhalliilo xaggayga ka jira. Laakiin, duruufaha siyaasiga ah ee ka jira dalkeenu waxay u baahan yihiin maarayn, tanaasul iyo dulqaad. Haddii ay lagama maarmaan noqoto in adiga lagugu ciiro, taasina ay ku jirto danta Qaranka iyo maslaxadda ummaddu, dabcan waxa wacan inaad muujiso bisayl iyo go’aan qaadasho siyaasi ah oo aad dan-wadareedka Qaranka kaga hor marinayso dantaada gaarka ah iyo hanka siyaasiga ah ee aad leedahay.

Mudanayaal iyo Marwooyin; Hadafka iyo himilooyinka siyaasiga ah ee aniga i hagaa kuma salaysna Kursi doon iyo Kala jeclaysi aan ku kala xulanayo masuuliyadaha Qaranka. Madaxweynuhu isagaa hore iigu magacaabay Xilka Af-hayeenka Madaxtooyada, isagaa ii gartay inaan noqdo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga, haatana (wada-tashi iyo talo gelin uu Madaxweynuhu ii soo bandhigay kaddib) isagaa ii soo jeediyey inaan dulqaato, isagaana lagama maarmaan u arkay inaan noqdo Af-hayeenkiisa oo aan mar labaad ku soo noqdo Xarunta Madaxtooyada oo ah halbowlaha ugu muhiimsan ee laga hago hawlaha baaxadda leh ee Qarankeena. Waxaan jecelahay inaan halkan ka xuso oo aan ka iftiimiyo, ka hor intii aanay soo bixin isku-shaandhayntu, Madaxweynuhu wuu ila tashaday, waxaanan u arkaa in uu i qiimeeyey oo uu i sharfay. Sidaa darteed, Madaxweynaha waxaan si milgo iyo qadarinba leh  mar kale ugaga mahad-naqayaa kalsoonida iyo karaamada uu i siiyey ee uu dib iigu magacaabay inaan noqdo Af-hayeenkiisa. Waxaan leeyahay: “Madaxweyne si  kalsooni leh ayaan ugu qanacsanahay talada aad ii soo jeedisay, si niyadsami leh ayaanan kaaga mahad-celinayaa fursadda aad i siisay inaan qayb ka noqdo legecy-gaaga iyo dhaxalka taariikhiga ah ee aad ummaaddaada uga tagayso.”

Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada iyo Muhimadda uu Qaranka u leeyahay Gudbinta dareenka, farriimaha iyo aragtiyaha Hoggaamiyaha Qaranka iyo Madaxda kale ee Xukuumaddu waa arrin muhiim ah oo u baahan in si qoto dheer oo miisaaman loo qorsheeyo loona gudbiyo. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyadu waa waax muhiim ah oo ka mid ah Xafiiska M /weynaha JSL. Waa barta laga hago isla markaana laga gudbiyo Xogaha iyo Farriimaha muhiimka ah ee ay Xukuumaddu hayso ee ay u gudbinayso bulshada, gudaha iyo dibeddaba. Xafiiska Af-hayayeenka Madaxtooyada waxa la odhan karaa waa Codka Rasmiga ah ee ku Hadli kara Afka Xukuumadda, wuxuuna laf-dhabar u yahay gudbinta iyo hirgelinta wararka muhiimka u ah hawlaha Qaranka.

Haddaba, marka la eego baahiyaha waaweyn ee uu Qaranku u qabo in la helo Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada oo tayo leh, waxa daruuri iyo lagama maarmaanba ah in dib-u-qiimayn, dib-u-habayn iyo dayactir dhammaystiranba lagu sameeyo qaab-dhismeedka iyo hannaanka hawl gal ee Xafiiska War-baahinta Madaxtooyada (xag maamul, shaqaale iyo xagga qalabkaba). Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo dib-u-habayn lagu sameeyo tayadiisana la horumariyo, waxaan aaminsanahay inay horseedi karto:

  1. In Xukuumaddu ay si sahal ah u gudbin karto himilooyinkeeda iyo hadafkeeda siyaasadeed.
  2. In Xukuumaddu ay si kalsooni leh u difaaci karto guulaha iyo wax-qabadka ay ku tallaabsatay, bulshadana ay ugu fasiri karto si fudud oo ay fahmi karaan.
  3. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu abuuri karaa jawi ku dhisan is-fahan iyo xidhiidh wanaagsan oo u dhexeeya Xukuumadda, Shacabka iyo Saxaafadda, taasina waxay kor u qaadi kartaa kalsoonida ay shacabku ku qabaan Xukuumada iyo nidaamka Dawliga ah.
  4. Xafiiska Af-hayeenka iyo Warbaahinta Madaxweynaha oo la tayeeyo wuxuu Xukuumadda u sahli karaa inay gudbin karto xog urursan oo tayo leh oo dhinac u wada jeeda, oo aan lahayn hadallo is-burinaya, taasina waxay soo af-jari kartaa wararka been abuurka ah iyo dacaayadaha laga fidiyo Xukuumadda.
  5. Xafiiska Af-hayeenka/ Warbaahinta Madaxweynaha oo la hagaajiyo wuxuu suurto galin karaa in la ururiyo oo la isu-dubarido taariikh nololeedka mugga weyn leh, raad-raaca himilooyinka iyo aragtiyaha siyaasadeed ee Hoggaamiyaha, si dabadeed loo sameeyo kayd-taariikhi ah oo dhammaystiran oo ummaddeena u noqon kara dhaxal waara iyo bar-tilmaameedba.

Mudanayaal iyo Marwooyin; xilka iyo masuuliyaddu heer kasta oo ay yihiinba, maaha kuwa dhaliya ama keena isbeddelka loo baahan yahay!! Qofka xilka loo igmado ayaa ah ka la yimaadda isbeddelka looga baahan yahay in laga hirgeliyo hawshaa masuulka looga dhigay.

Guntii iyo geba-gabadii, anigoo isku xidhaya gar-gaarka ALLAH, waxaan ballan qaadayaa in aan Xilkaa uu Madaxweynuhu ii igmaday aan u gudan doono sida ugu haboon. Waxa kale oo aan ballan qaadayaa inaan ku shaqayn doono isla markaana aan fulin doono hadafka iyo himilada ay leedahay Xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay M/weyne Ahmed Silaanyo taasoo ah in masuul kasta oo xil loo magaacabay, heer kasta oouu yahayba, uu la yimaado qorshe iyo jaangooyo cad oo uu ku beegsanayso horumar la taaban karo oo ummadda faa’iido u leh”. ALLAA MAHAD IYO MUDNAANBA LEH,

 Madaxweynaha Somaliland Iyo Safiirka Ingiriiska Ee Somaliland Iyo Soomaaliya Oo Arrimaha Doorashada iyo Cilaaqaadka ka wada hadlay

Hargeysa(Warsugan) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha  dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Somalia Miss Harriet Mathews. Madaxweynaha waxaa kulanka ku wehelinayay wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Maxamuud Faratoon, wasiir xigeenka arrimaha dibada Axmed-Keyse, wasiirka warfaafinta mudane Caddaani,  iyo wasiirka macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale.

Markii kulankaasi dhammaaday waxaa saxaafadda uga warbixiyay wasiirka arrimaha gudaha mudane Faratoon iyo afhayeenka madaxweynaha Xuseen Aadan Cige (Deyr), waxaanay sheegeen in arrimihii lagu wada hadlay noqdeen kuwa midho dhalay oo la isku afgartay.Arrimaha doorashooyinka, ammaanka, iyo xidhiidhka Somaliland iyo boqortooyada Ingiriiska ayaa ka mid ahaa arrimaha laga wada hadlay.

Afhayeenka madaxweynaha mudane Xuseen Deyr ayaa ugu horayn sharaxay qodobada la isla soo qaaday “Madaxweynaha waxa soo bookhday safiirka dawladda Ingiriiska, guud ahaana waxaa laga wada hadlay arrimo qaranka u muhiim ah oo ay ka mid yihiin arrimaha diwaangalinta iyo doorashooyinka, wada hadalkaasna wuxuu ku dhammaaday is afgarad iyo guul. Waxaa la isku afgartay in laga wada shaqeeyo ammaan iyo doorashooyinka hadday ta madaxtooyada tahay iyo hadday wakiillada tahayba, guulna wuu ku dhammaaday,” ayuu yidhi afhayeenku.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane Yaasiin Faratoon, ayaa sheegay in arrimaha laga wada hadlay is fahan laga gaadhay, balse dhammaan wixii la iska yidhi qodobadaasi tafaasiishooda la bixin doono xilliga ku haboon, wasiirku wax faahfaahin ah kama bixin arrimaha la isla soo qaaday balse wuxuu tilmaamay in dib laga sheegi doono wixii faahfaahin ah eek u saabsan arrimaha madaxweynaha iyo danjiruhu isla garteen.

Dawladda Ingiriiska ayaa ka mid ah dalalka daneeya arrimaha doorashooyinka Somaliland, waxaanay ka digaan dib u dhacyada.Waxaanay dhiiri galiyaan in doorashada xilligeeda lagu qabto, hase ahaatee Somaliland ayaa arrimaheeda u madax bannaan kuna salaysa duruufaheeda iyo hadba siday suuro gal u tahay.Diyaar garowga doorashada madaxweynaha ayaa haatan u muuqata mid dhan, balse wakiillada ayaan wali xal laga gaadhin xeerka lagu dooranayo.

Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada ahna Ku simaha Wasiirka Madaxtooyada Ayaa Xilkii Afhayeenimo U Kala Wareejiyey Afhayeenka Cusub iyo Afhayeenkii hore.

Hargeysa(Warsugan)Munaasibad Balaadhan oo lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay xilka kula kala wareegeen Afhayeenkii hore ee Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) iyo Afhayeenka Madaxtooyada JSL, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr) una kala wareejiyey Wasiiru-dawlaha Madaxtooyada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda Wershedaha Shucayb Maxamed Muuse, oo halkaasi hadallo ka jeediyey ayaa ku dheeraaday aqoonta iyo kartida ay labadaa afhayeen ee isbedelay u leeyihiin shaqada Afhayeenimo, sidoo kale waxa halkaasi ka hadlay Agaasimaha habmaamuuska Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Ibraahim (Saqadhi) iyo Agaasimaha Maamulka Shaqaalaha Madaxtooyada, Saacid Cabdi Ciise, waxanay iyaguna iska daba maray wada shaqaynta ay hore ula soo yeesheen labadan afhayeen ee xilka kula kala wareegayey maanta.

Afhayeenkii hore ee Madaxtooyadda Cabdiraxmaan Sh. Cilmi Faahiye (Shamax) oo khudbad ka jeediyey munaasibada xil wareejinta waxa ka mid ahaa hadaladiisa” Waxaa xafiiskan la yidhaahdaa xafiiska saxaafada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, xafiiska uu afhayeenku madaxda ka yahay waa kaa, ma jiro haba yaraatee shaqo saxaafadeed oo ka baaqatay muddoa 7-bilood ahayd oonn anigu joogay  haday habeen, gelin danbe iyo haday  gelin hore soo dhacdo wax shaqo ahi waanad nagula xisaabtami kartaa, saxaafaduna waxay ku fiican tahay hal qodoboo iyadu dheriga ay kariso saxaafadu iyo shaqada ay qabato makhraati bay leedahoo hadaad igu tidhaahdo bishii saddexaad aad joogtay jaraa’idkii soo baxay soo saar si aan u garto inaad shaqaynayseen waan soo saarayaa markaa shaqo nagu baaqatay haba yaraatee ma jirto waana kaydsan yihiin qoraal iyo codba habeen iyo dharaar way kaydsanyihiin si mihnadaysan oo (Professional) ah, Afhayeenka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland, sidaa uu madaxweynuhu yidhi afhayeenka madaxtooyada JSL,  baa la yidhaahdaa anigu waxan ku shaqaynayey intaan halkan joogay inaan noqdo afhayeenka madaxtooyada somaliland, Waxan annagu shaqaynay oo aan ku faanaynaa waa laga yaabaa shamax ma guuluu sheeganayaa maya gidaaro maanu dhisin annagu diyaaradana maanu kicin doonyana maanu kaxaynin, laakiin shaqadayadii uun baan ku faanaynaa in aan qabanay”

“Madaxweynaha JSL wufuud baa u timaada dibada ka timada xafiiska afhayeenka oo waliba afhayeenka ayaa awood u leh shirka madaxweynuhu la gelayo diblumaasiyiinta shisheeeye waanu la geli jirnay waan kasoo warami jirnay warkaasna dadka annagaa gaadhsiin jirnay oo awood u lahayn keligayo hadaanu nahay xafiiska afhayeenka, waxa u danbeeyey masuulkii agaasimaha guud ee Inter Peace ahaa”.

“Waxaan ka qeyb qaadanay oo aanu iyadana caan ku noqonay heshiiskii ay dawladdu la gashay shirkada DP World, ayuu xafiisku aad uga shaqeeyey  ilaa nin masuuliyiinteena ka tirsan oo halkan joogaa igu yidhi maalin markaan xasuusto DP World iyo heshiiska dhexmaray dawladeena xafiiska afhayeenkuna maskaxdayda wuu kusoo dhacaa sidaad wax uga qorteen taasna aad baan uga shaqaynay, waxa kale oo aan noqonay annagu halka war laga helo  maadaama halkani halkii dalka ugu saraysay ay tahay meesha war laga helo ee ugu caansan dalka ayaan noqonay, Waxa kale oo noo hirgalay xidhiidh wanaagsan oo aanu la yeelano saxaafadda oo noo hirgashay oo saxaafadu ma dhib yar, Insha Allaah waxaan rajaynayaa inaan noqonay kuwii xafiiskaa wax kusoo kordhiyey, siyaalaha aad xafiiska wax ugu soo kordhin karto waxaa ka mida waa inaad dadka shaqaalahaaga ah aad wax la raadsataa sidoo Capacty-ga iyo meesha loo dhisi lahaa hay’adda la yidhaahdo ASI tababaro ayey na siisay shaqaalahayaga ayey tababaro siisay afhayeenka xafiiska ayey tababar siisay waxana noo balan ahaa in tababaradaasi noo sii socdaan aadna waan ugu mahad naqayaa idinka hortiina”

“Shaqada xafiiska afhayeenka waa afar iyo labaatanka saacadoodba tobadaba cishabada way shaqeeyaan goor walba waa lagu yeedhaya, goor walba shaqaa taala shaqadu aad iyo aad bay u badan tahay, shaqada xafiiska afhayeenku arrin kalena way leedahoo waa shaqo aad u xaasaasi ah ama madaxtooyadii ku diratay ayaa shaqaday kuu diratay ka gaabinaysa dabadeedna halkaa waxaa kaga soo kordhaysa culays ama Axsaabta mucaaridka ah dhinacooda culays kaga imanayaa oo kaa eed sheegan kara ama saxaafadda ayaa kaa eed sheegan karta, xafiiska afhayeenku  madaxtooyadu waa meel markaan qiimeeyey  anigu  aad iyo aad u xaasaasi ah, dadbaa had iyo jeer jecel baan is idhi inay xafiiska ka hawl galaan laakiin waxaan ogaaday war la’aan baa col hoddee xafiiska shaqada taalla ayaanay ka warhaynin “.

“Haduu Shamax afhayeen wanaagsan ahaa nimankaa yar yar  ee uu madaxda u yahay Naasir,  waxaanu ahayn team aad iyo aad u fiican oo is fahmay, inta badan shaqaale iska yara masuul baan ahaan jiray waax baan xukumi jiray madaxtooyada horteed maan arag meel markaan soo galaba la yidhaahdo mudane ama (Sir), wada shaqayn fiican oo midnimo ah ayaa naga dhaxaysay runtii, shaqaalahaan wareejinayaa waa 13-qof kuwaasoo ka hawlgala xafiiska afhayeenka, waxa kale oo aan wareejinayaa saddex xafiis, hal gaadhi oo Laanguruuser (Land cruiser)ah  ayaan wareejinayaa gaadhigaa waliba waan ku dhaadanayaa, waxaan imi iyadoo aan xafiisku gaadhi lahayn waxaan idhi gaadhigaa hala keeno sababtoo ah suuro gal may ahayn in shaqaalahayagu marka ay baxayaan madaxweyanaha raacayaan ama madaxweyne ku xigeenka inay gawaadhida kale raacaan” Af-hayeenkii hore ee Madaxtooyada JSL.

Ugu dambayn waxa halkaasi ka hadlay soona Xidhay munaasibada xilalkiina u kala wareejiyey labadaasi masuul wasiiru-dawlaha madaxtooyada ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Mudane Maxamed Muuse Abees, waxa hadaladiisi ka mid ahaa “Masuuliyiinta uu ugu horeeyo wasiirka wershadaha Mudane Shucayb iyo masuuliyiinta kale ee ka soo qaybgalay munaasibada xilwareejinta iyo Agaasimeyaasha Madaxtooyada dhamaantiinba waxa aan idin leeyahay Alle Xafladan haynooga dhigo mid khayr keeda leh, Intaa ka dib maanta munaasibadani maaha sagootis ee waa soo dhawayn oo labaduba madaxtooyadii uunbay ka tirsan yihiin meel kale oo ay inaga tageena ma jirto ee hawshii uunbaa sidan laysugu kala bedelay, Deyr hadaan ku noqdo labadii xil ee uu marna afhayeenka ahaa marna Wasiirka ahaa, waxa ka weynaa xil kale oo aanu ku magacawnayn balse uu madaxtooyada uun la hayey kaasoo ahaa qoraa buu ahaa ninkani, saxaafadda caalamka mid dibadeed iyo mid gudeedba hawl adag ayuu halkaa ka hayn jiray oo aan anigu weliba qabo inuu kaga wada firfircoonaa labada masuuliyadood ee uu hayeyna oo nin ka muuqanayey uu ahaa, hawlahaa la aajigeed waa kuwa keenay maqaankan uu maanta taagan yahay uu yimaado, xuseen wuu ilaaway ee annagaa u xasuusinayna. Shamax Annagu waanu soo wada shaqaynay halkan uun kamaanu soo wada shaqayn uun aniga iyo Maxamuud Xaashi Cabdi wasiirka Madaxtooyada annagoo niman dhalin yaro ah Baarlamaanka goodirka ayuu shamaxna saxaafadda joogay waa dhawr iyo toban sano ka hor markaanu xildhibaanada ahayn, wuxuu ahaa weriyeyaashii ugu firfircoonaa (Active)sanaa ee nala shaqaynayey wakhtigaa oo xaaladuhuna aad u adkaayeen colaado sakeeyana ay hurayeen oo ay hawshu adkayd, raggii nagala shaqaynayey ee saxaafada ugu dhiiranaa ee sida saxa ah u dhigayey wararka ayuu ahaa, Maanta Kow ima ah shaqadan maanta uu hayeyna nin aad u degan oo oday ah oo qiimi leh oo sidaa uu isaguba sheegay shaqaaluhu ay soo dhaweeyeen qof walibana waxa uu ku hawlgalaa dabcigiisa, wixii uu la yimaado ayuunbay dadkuna ku qiimeeyeen oo ay kula socdaan.

Goobtan aynu joognaa waa madaxtooyadii waxanan uga faaiidaysanayaa kelmed aan shaqaalaha dhamaantiiba leeyahay madaxtooyadu waa halkii dalkaba looga talinaayey Inanka iyo Innanta ka shaqeeyaa, shaqaalaha kale waxbay ka duwan yihiin waxay ka duwan yihiin haybad, sir wax la yidhaahna way ka duwan yihiin waana inay ogaadaan inay haybadii qaranka sitaan talaabadeedii iyo codkeedii in laga helaa meesha ayey ku jirtaa weliba waxan kula talinayaa goobaha ay marayaan iyo socdaalada ay soconayaan markaad madaxtooyada ka tagtaan waxad tihiin bartilmaameed la higsanayo, duruufaha siyaasadeed way wada adag yihiin waxa lagaa doonayaa inaad meel walba oo aad tegaysaa ku baydhsanaato oo ay qiimigeeda ku yeelato, sababtoo ah (For Security) ayaan anigu taa idinku sheegayaa.

Intaa ka dib waxan leeyahay wasaaraddan Madaxtooyadu deyrow kuguma cusuba, shamaxna waxa uu inoo tegay dhinaca sharciga oo uu muddo badanba uu ku jiray hadana uu master tii dhamaynaayo, afhayeenka cusubna waxan leeyahay xafiisku waa xafiiskaagi horena waad u soo maamushay maanta waad la wareegtay sidaa awgeed wakhtigu waa wakhti adag wixii xafiiskaaga ka dhiman waanu dhamaystiraynaa insha Allaa ”

Dhinaca kale wasiiru dawluhu waxa uu shahaado sharaf ay ugu tallo galeen shaqaalaha Xafiiska Afhayeenku afhayeenkii hore ee xilka wareejiyey Mudane Shamax uu gudoonsiiyey.

Magacyada Wasiiro U Maxaafsi Tegay Xamar Kana Soo Jeeda Somaliland Oo Ku Dhaawacmay Qarax Ka Dhacay Muqdisho Iyo Magacyadooda

Muqdisho(Warsugan) Inka badan 20 qof ayaa ku dhintay qarax shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee xarunta xukumadda Somalia, waxaana ku dhaawacmay ugu yaraan 30 qof. Dadka dhintay waxaa ku jira ciidamo boolis ah iyo dad shacab ah, halka dhaawaca ay ka mid yihiin wasiiro, xildhibaanno, agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale.

Badiba wasiirada dhaawacmay waa kuwo ka soo jeeda Somaliland oo xilal ka haya xukumadda Xasan Sheekh Maxamuud, sidoo kalena xildhibaannada qaarkood ayaa Somaliland ka soo jeeda.Waxaa la sheegay in dhaawacyadoodu ka dhasheen burbur soo gaadhay dhismaha iyo muraayadaha oo qaraxu daadiyay kadib markii gidaarka hotelka SYL oo ka soo horjeeda madaxtooyada Somalia lagu dhuftay baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Wasiirka warfaafinta ayaa sheegay in hotelka lagu qabanayay shir wasaaraddiisu wadday oo wariyeyaal badani qayb ka ahaayeen. Sidoo kalena kulan lagaga hadlayay ammaanka Somalia lagu qabanayay hotelka, kaas oo wasiiro, xildhibaanno iyo laamaha ammaanku kaga arrinsanayeen hawlaha amniga, balse gaadhiga oo ilaa shanboqol oo tallaabo rasaas lala dhacayay khasab ku soo gaadhay gidaarka hotelka, kaas oo gaystay dhaawaca kala duwan.

Waxaa qaraxa ku dhaawacmay dhawr masuul oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, waxaanay kala yihiin: Nuur Faarax Xirsi Wasiirka Wasaaradda Dekedaha & Gaadiidka Badda Somalia oo ka soo jeeda degaanka Galbeedka Burco, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka Warfafinta oo ka soo jeeda degaanka Bariga Burco iyo Maxamed Cali Xagaa Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Gaashaandhigga oo ka soo jeeda degaanka Saylac.

Sidoo kalena wasiirka ciyaaraha Somalia Maxamed Cabdillaahi Xasan (Nuux) iyo xildhibaanno kale ayaa ku dhaawacmay “Aniga waxba ima gaadhin, aadbaan u shaqeeyay markii aan arkay inaanan waxba qabin, waxaanu ururinay wariyeyaasha oo aanu meel ammaan ah ka bixinay oo cisbitaal baanu wada gaynay.cid aan ogahay oo qabta dhaawac ka badan muraayad ma jiro,” ayuu yidhi wasiir Maareeye oo sharaxayay dhaawacyada soo gaadhay masuuliyiinta iyo saxafiyiinta.

Qaraxa waxaa sheegtay kooxda Al-shabaab oo inta badan qaraxyo gaysata.Masuuliyiinta Muqdisho ayaa sheegay in ilaa habeennimadii la sii ogaa baabuurta qaraxa fulinaysa balse aan lagu guulaysan in laga hor tago si loo baajiyo khasaaraha laxaadka leh ee uu gaystay.

 

Wasiirka Warfaafinta Oo Go’aan Ka Soo Saaray Wariyeyaasha Shisheeye Ee Dalka Soo Gala Iyagoon Fasax Ka Haysan Wasaaradda

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka warfaafinta Jamhuuriyadda Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxardiid, ayaa sheegay inaanay dalka soo gali Karin wariyeyaal ajaanib ah oo aan ogolaansho ka haysan wasaaraddiisa, arrintaasi oo uu ku sababeeyay inay dhacday wariyeyaal goobo xasaasi ah galay ama warbixino ka sameeyay goobo aan loo fasixin. Waxa uu hay’adda socdaalka, ururada iyo hay’addaha dawladda ku wargeliyay inay wasaaraddiisa la soo socodsiiyaan cidii suxufiyiin ah ee ay dalka keenayaan.

“ Waxaa marar badan dhacda in wariyeyaal shisheeye dalka la soo galiyo iyadoon la soo marin nidaamkii iyo habkii sharciga ahaa, waxaana la geeyaa meelo badan oo aan la isla sii eegin ama goobo xaasaasi ah oo aan la isla sii ogolaan.Suxufiyiintaas waxaa inta badan dalka soo galiyo ururo dalka gudihiisa ama dibada degan, shakhsiyaad muwaadiniin ah hay’addaha dawladda qaarkood,” ayuu wasiirku ku sheegay bayaankiisa.

Waxa uu sheegay in iska imaanshaha saxafiyiintu waxyeelayso amniga qaranka ama ammaanka saxafiyiinta socotada ah.waxa uu sidoo kale tilmaamay in suxufiyiintaasi la siin karo xogo khaldan oo aan sugnayn “Dhammaan ururada iyo hay’addaha ay ku socoto waraaqdani waa in suxufiyiintaasi nooc kasta oo ay yihiin inta aan dalka la soo galin, waa in la soo mariyo habka sharciga ee wasaaradda warfaafinta. Waa in wasaaradda loo keeno codsi qoraal ah iyo faahfaahinta  suxufiyiintaasi, siiba sawiradooda, basaboorada, shaqada ay dalka u imanayaan, hay’adda ay u shaqeeyaan iyo hay’adda ay u imanayaan iyo meelaha ay doonayaan inay ka hawl galaan markay dalka Somaliland yimaadaan,” ayuu yidhi wasiiru.

Waxa uu sheegay in marka la helo xogahaasi la isla eegi doono in la ogolaado safarka suxufiyiintaasi. Waxa uu sheegay inaanay suxufiyiin aan nidaamkaasi marin ayna dalka wax shaqo ah ka qaban Karin “ Ma diri karaan wax filimaan ah, Maqal ama muuqaal midnaba, sawiro, qoraal iyo warbixin ku saabsan ujeedada ay u yimaadeen,” ayuu yidhi wasiir Caddaani.

Warbaahinta caalamiga ah ayaa marar badan suxufiyiin u soo dirata dalka Somaliland si ay warbixino uga sameeyaan gudaha Somaliland.warbaahinta ayaa baahisa qaddiyadda Somaliland iyo xaaladaha ku soo kordha, balse wasiirku ma sheegin wax dhib ah oo wariyeyaasha shisheeye ka gaysteen Somaliland.

 Ucid iyo Kulmiye Oo Taageeray Go’aanka Xukumaddu Diwaangalinta Kaga Hirgalinayso Degaannada Xeebta

Hargeysa(Warsugan) Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid iyo xisbi xaakimka Kulmiye ayaa aragtiyo isku dhaw ka bixiyay go’aanka xukumaddu diwaangalinta kaga qabanayso degaannada lixda ah ee xeebta ku yaalla, kuwaasi oo bulshada degaanku ku muransan yihiin gobolka ay ka tirsan yihiin. Xukumadda ayaa go’aamisay in doorashada madaxweynaha laga qabto deggaannadaasi oo aan waligood ka qayb galin doorashooyinkii dalka ka qabsoomin, waxaana dib loo dhigay doorashada wakiillada iyo degaanka maadaama bulshadu ku muransan tahay gobollada Awdal, Saaxil iyo Maroodijeex midka ay raacayaan.

Yuusuf Ibraahin Jaamac (Googooye), xoghayaha guud ee xisbiga Ucid ayaa sheegay inay habboonayd in xukumaddu go’aankeeda ka talo galiso dhinacyada daneeya doorashooyinka” Waxay ahayd xukumaddu intii aanay go’aanka gaadhin inay isugu yeedho saddexda xisbi iyo Komishanka oo ay talo waydiiso maadaama arrintu xasaasi tahay laakiin, ka xisbi ahaan waxaanu leenahay marka hore dadkaasi xaq waxay u leeyihiin inay kaadhka diwaangalinta qaataan, si ay u gutaan xaqooda ah inay waxna dooran karaan lana dooran karo, taasna lama duudsin karo,” ayuu yidhi Mr Googooye oo telefishanka Somcable u waramayay

Waxa uu sidoo kale tilmaamay inay muhiim tahay in dawladdu xil iska saarto sidii ay u fulin lahayd sidii dadka degaannadaasi u codayn lahaayeen, una heli lahaayeen xaqooda iyo sida ay ku niyadsan yihiin “Arrintaas dawladda ayay masuuliyadi ka saaran tahay sidii ay hawshaa u fulin lahayd.Waa in la eegaa rabitaanka dadka iyo xuquuqdooda, dawladduna waa inay masuuliyadaas ay leedahay gudataa,” ayuu yidhi Xoghayuhu.

Geesta kalena guddoomiyaha golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel oo Startv la hadlay ayaa sheegay in xisbiga Kulmiye ku garab taagan yahay xukumadda go’aanka lagu qabanayo diwaangalinta lixda goobood.Waxa uu sheegay in la gaadhi xilligii dadkaasi xaqooda gudan lahaayeen “Lixdan goobood waxaa waajib ahayd in dadkooda la diwaangaliyo.Dalka intaas oo doorasho oo ka dhacday midna kamay qayb galin. Xaq dastuuri ah ayay u leeyihiin, waxaase duudsiyay  xuquuqdooda dad dano siyaasadeed wata. Waxa weeye in dadkaasi helaan xuquuqdooda oo kaadhadhka qaataan.Doorashada madaxweynuhu waa waddanka oo dhan oo gobol iyo degmo ma kala laha,” ayuu yidhi mudane Jaamac Shabeel.

Degaannada waxaa wada dega bulsho ka soo kala jeeda gobollada Awdal, Maroodijeex iyo Saaxil kuwaasi oo qolaba door bidayso dhinac.Waxa uu Jaamac Shabeel sheegay in wasaaradda daakhiligu gabtay hawsheeda ah hirgalinta xeerka dalka oo dhigaya in doorashada lagu qabto sidii xuduudaha degmooyinku ahaayeen xilligii Ingiriiska.Bulshada reer Awdal ayaa si xooggan ugu doodaysa in diwaangalinta lagu saleeyo xuduudka lixdankii halka bulshada kalena danaynayso gobollada kale.

Siyaasi Cali Baashe Maxamuud Oo Xukumadda Ku Booriyay In La Fuliyo Heshiisyadii Bulshada Sool

Ceerigaabo(Warsugan) Siyaasiga Ruug caddaaga ah ee Cali Baashe Maxamuud oo ka mid ah xubnaha ka shaqeeyay in bulshada reer Sool ka qayb qaataan siyaasadda Somaliland ayaa xukumadda ku booriyay inay ku dedaasho hirgalinta heshiisyadii ka dhashay shirarkii Awr Boogays iyo Adhicadeeye ee xukumadda iyo beelaha Sool halkaasi ku dhexmaray. Waxa uu sheegay in fulinta heshiisyadaasi qayb ka yihiin soo dhawaanshaha bulshada oo muddo laga shaqaynayay soo jeedinta quluubtooda.

Waxa uu sheegay in shirarkaasi shaqo  badan laga soo qabtay islamarkaana lagu guulaystay “ Iskamay dhicine waxay ahaayeen shirar laga soo shaqeeyay oo rag aan ka mid ahaa ka soo shaqeeyeen. Dadkaanu wacyi galinay, tusaalaynay, taladii xumaatay ee ahayd mar Puntland baynu nahay, mar Khaatumo ayaynu nahay, mar Somaliland ayaynu nahay ee dadku kala daadsanaa muddo saddex sanno ah ayaanu ururinaynay, waa laga soo shaqeeyay, shirarkaasi iskama dhaceen haddaan rag u bixin, runtii rag fiican oo caqli keenay ayaa u baxay,” ayuu yidhi Mr Cali Baashe oo Ceerigaabo ugu waramay HCTV.

Waxa uu sidoo kale ammaanay go’aammada nuxurkoodu ahaa saami qaybsiga iyo ka mid noqoshaha Somaliland ee kulamadaasi ka soo baxay “Go’aammo fiican baa ka soo baxay go’aammo la wada saxeexday baa ka soo baxay oo maqal iyo muuqaal ahaa oo makhraati ma doon ah, waxaa ka soo baxay kuwo dib loo dhigtay oo qorshaha fog ah oo aan filayo inay ka mid tahay gogosha madaxweynuhu dhigay 25-ka October,” ayuu yidhi Cali Baashe.

Wuxuu xukumadda ku booriyay hirgalinta heshiisyadaasi “Waxaan ka digayaa oo aan waliba aad uga digayaa oo cod dheer ku sheegayaa, wixii heshiiskaas ku soo baxay ee la wada gaadhay ee la wada saxeexday oo waliba aan ragga qaarkii ku idhi ha saxeexina haddaydaan filinayn, markaa waa in la fuliyo, haddii aan la fulin waxay noqonaysaa niyad jab weyn oo ku dhaca dadka degaanka, waxay noqonaysaa meeshii laga soo celiyay meel ka fog in laga doono. Waxa la doonayaa in siyaasiyiintu dadka raacaan oo meesha ay u sahmiyeen wixii ka soo baxa midhaheeda dadku arkaan,” ayuu yidhi Siyaasigu.

Waxa kale oo uu sheegay in bulshadu ku barbar taagan tahay siyaasiga Cali Khaliif inuu Somaliland la midoobo, taasna siyaasadda ku soo celinayso“Odaygii hoggaaminayay Khaatumo oo oday aad noogu weyn ah oo siyaasi ruug caddaaya ah oo mutacalimiintii hore ah oo ah dadkii hore ee qayrkii dalka hoggaaminayo sida madaxweynaha oo kale, hadduu maanta nala gartay in dantu ku jirto in degaankayagu noqdo Somaliland aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay , anna waxaan go’aansaday inaan siyaasaddii si buuxda ugu soo noqdo,” ayuu yidhi Mr Cali Baashe.

 Dawladda Masar Oo Somaliland Ka Taageeraysa Waxbarashada iyo Caafimaadka

Qaahira(Warsugan)wefdigii uu hogaaminayay wasiirka arrimaha dibedda JSL Dr. Sacad Ali Shire oo  si heer sare ah  loogu qaabilay dalka masar , ayaa waxay la kulmeen wasiirka khaarijiga dalka Masar Dr.Samix Shukri , kulanka labada wasiir ayaa waxaa u ka dhacay xarunta wasaaradda Arrimaha dibedda Masar, gaar ahaan  xafiiska wasiirka khaaarajiga.

Waxay labada wasiir  waxay ka wada hadleen sii xoojinta iyo joogteynta  xidhiidhka labada dal . waxayna isku af garteen  siddii dalka masaru taageeri lahayd dhanka  ka qeyb qaadashada wada hadalada Somaliland iyo Somaliya,  kordhinta deeqaha waxbarashada somaliland la siiyo ,iskaashiga dhanka Ganacsiga iyo amaanka  labada dal. Wasiirka arrimaha dibedda dalka masar Dr. Samix Shukri ayaa Somaliland ku bogaadiyay nabadgelyada iyo dimuqraadayda ka hirgashay Somaliland.

Waxa kaloo wefdiga ka socday Somalilnad la kulmeen xubno ka tirsan golaha wasiirada ee dalka masar oo uu ka mid yahay wasiirka tacliinta sare Prof. Dr. Ashref. Kulankaasi oo qabsoomay xarunta wasaarada tacliinta sare dalka masar waxay labada dhinac isku afgarteen in Somaliland si gooni ah  loo  siiyo sanad walba  50  deeq waxbarasho jamcadeed ah.  Taageerida jamacadaha  Somaliland dhanka Cilmi baadhista iyo tabobarada maclimiinta Jamacadaha. Waxa kaloo wasiirka tacliinta sare masar balanqaaday dhameystirka  Xaruntii dhaqanka  masar –Maktabada Masar.

 Waxa kaloo wefdi Somaliland la kulmeen wasiir-ku xigeenka Tacliinta Prof. Dr. Ahmed Elgeushey waxaana kulnakaasi ka soo baxay qodobadan:

  • Khorninta maclimiinta Masaarida ee dhiga iskuulada somaliland, waxaana  lagu kordhiyay 100 maclin oo kale. Taageerida jamacadaha Somaliland  gaar ahaan kuliyadaha waxbarashada (Faculty Education) in ay ka caawiyaan in ay jeeshaan Xarumaha tabobarada Maclimiinta.
  • Taageerida wasaarada tacliinta masar dhanka tabobarka farsamada ee Jamacada Culuumta  Bada ee Berbera .
  • Taageerida dhanka tobobarada maclimiinta iskuulada Somaliland
  • In ay masar u soo dirto Somaliland wefdi khubor  dhanka waxbarashada Farsamda (Technical Education)  si ay u darsaan baahiyaha dhanka waxbarasha farsamdaee Iskuulada Somaliland.

Waxa kaloo wefdigu la kulmeen wasiir-kuxigeenka Wasaaradda Caafimaadka Masar  MarwoDr. Maissa Shawky. Kulnanka waxay labada dhinac isku afgarteen sii xoojinta iskaasha labada dale e dhanka caafimaadka waxay isku af garteen:

  • In dalka masar joogteeyo soona diraan sanad walba  Dhakhaatiir somaliland kafulisa qaliino bilaasha ah oo wata dawooyinkoodii.
  • In dalka Somaliland  la siiyo Deeq waxbarasho takhasus ah 5 Dakhtar sanad walba.
  • In somaliland la siiyo deeqo dawooyin ah , loona soo diro doono dawooyinkaas ka dib marka wasaarada caafimada somaliland ay soo dirto Liiska dawooyinka loogu baahida badan yahay dalka.
  • Dhameystirika Heshiishka is af-garad ee Labada Wasaaradood eeCaafimaadka labada dal.

Wefdiga Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire  waxaa ku weheliyay Danjire  Cali Maxamed Axmed,Wakiilka Somaliland ee Yemen Mr. Abdiqani Ahmed  Goole- Agaasimaha Waaxda Siyaasadda Wasaaradda Arr. Dibedda Somaliland  iyo Fahmi Qaasim Mohamed – Madax Bariga Dhexe iyo Aasiya ee Wasaarada Arr. Dibedda Somaliland

Garyaqaanka Guud Oo Ka Hadlay Xeerka Kala Xadaynta Nidaamka Xukumadda

Hargeysa(Warsugan)Cabdisamad Cumar Maal, garyaqaanka guud ee qaranka Somaliland ayaa sharaxaad ka bixiyay hawlaha xafiiskiisu u qaabilsan yahay qaranka, sidoo kalena wuxuu tilmaamay in xeerka kala xadaynta awoodda xukumadda iyo hay’adduhu yahay mid aan meelaha qaar faahfaahin bixinayn, kaas oo dib u eegis iyo wax ku daris lagu samayn doono marka la dhaqan galiyo.

Waxa uu sheegay in xafiiskiisu xukumadda u qaabilsan yahay La talinta dhinaca sharciga ee xukumadda, diyaarinta qabyo qoraalka shuruucda iyo qodobo kale, kuwaasi oo ay dawladda dhexe, dawladaha hoose ilaa maamulada gobollada ay kala shaqeeyaan, una tafsiiraan xeerarka iyo nimaadka loo adeegsanayo.

“Xeerka kala xadaynta  nidaamka xukumadda iyo hay’addaha madaxa bannaan, wuxuuna soo baxay sanadkan bishiisii labaad, inkasta oo xeerkaasi tilmaamay xilka iyo waajibaadka ay leedahay, sidoo kalena wuxuu wax ka tilmaamayaa masuuliyadda masuuliyiinta wasaaradeed, sida wasiir, wasiir xigeen iyo agaasime guud, wax way jiraan oo wax wuu tilmaamayaa xeerku, meelaha qaarkood waxaa laga yaabaa inaanu faahaahin bixinaynayn laakiin, markuu xeerku dhaqan galo ee laba sanno joogo ayaa wax lagu daraa oo kaabis iyo wax ka bedel lagu sameeyaa,” ayuu yidhi.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in xafiiskiisu abuuri doono shuruucda, islamarkaana qaadan doono door uu ku sameeyo xeerarka loo baahan yahay una gudbin doono golaha wasiirada oo u sii gudbin doona wakiillada.Waxa uu tilmaamay inaanay shaqadoodu ku eekaan doonin la talinta sharci ee hay’addaha dawladda balse xeerka loo baahan yahay ay samayntooda door ka qaadan doonaan.

 Warsaxaafadeed: Wasiirka Cusub ee Duulista oo La kulmay Safiirrka Ingirisska u Qaabilsan Somaliya, iyo Somaliland

Hargaysa (Warsugan) Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Iyo Gaadiidka Cirka Farxaan Aadan Haybe oo uu wehelinaayo Wasiir Kuxigeenka Wasaaradaasi Guleed Maxamed Shire, ayaa kulan la qaatay Safiirka Dawlada Ingiriiska u qaabilsan Somaliya iyo Somaliland Harriet Mathews oo ay wehelinayso Ku Xigeenka Siyaasada u qaabisan Safaarada Ingiriiska ee Itoobiya Miss. Lizzie Lovett oo Dalka booqasho ku joogay galinkii danbe ee Maantana dib uga laabatay Dalka.

Labada dhinaca ayaa waxa kulankoodan kaga wada hadleen sii xoojinta xidhiidhka Labada Dal ee Somaliland iyo Ingiriiska oo ah mid taariikhi ah oo qoto dheer.
Wasiirka Duulistu waxa uu warbixin ka siiyey Safiirka Amaanka Madaarada Wadanka, waxana uu ka codsaday in ay kordhiyaan taageeradii ay siin jireen Madaarada Somaliland.

Dhinaca kale Safiirka Dalka Ingiriiska u qaabisan Somaliya iyo Somaliland Ms. Harriet Mathews ayaa balan qaaday in ay Dawladeedu sii wadidoonto taageeradii ay siin jirtay Madaarada Somalialand.
Dawlada Ingiriiska ayaa sida laga war qabo saaxiib dhaw la ah Dawlada Somaliland, waxaanay Wasaarada Duulista ka caawiyaan Tababarada Shaqaalaha iyo Qalabka Amaanka Madaarada .

Allaa Mahad Leh

Ismaaciil Cali Axmed
Afhayeenka Wasaarada Duulista
Hawada Iyo Gaadiidka Cirka