Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 185aad ee Maanta Oo Sabti ah ka Soo Baxay Hargeysa

0
450

-Xukuumadda Oo Sheegtay Inaanay Naxariis U Geli Doonin Cid Kasta Oo Ku Xadgudubta Nabadda iyo Wada Noolaanshaha Shacabka

“Ciidamada Qalabka Sida Waxa Aan Ugu Baaqaya Beelaha Halkaas Degan Inaanay Wax Hub Ah La Ag Marin” Wasiir Cadaani

Hargeysa (Warsugan) Wasiirka warfaafinta Somaliland Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo la hadlayey warbaahinta ayaa si adag u sheegay in xukuumadda Somaliland ay go’aan ka qaadatay cid kasta oo samaystay kooxo iyo beelo meel isku uruursada.

Wasiirka ayaa ugu horayn ka hadlay masuuliyiida xukuumada ka saaran sugida amniga iyo ilaalinta beelaha walaalaha ah nabadooda, waxana uu yidhi “Waxa qudha ee madaxweynaha Somaliland iyo dawladiisu saarani waxa weeye sugida iyo ilaalinta shicibka Jahuuriyada Somaliland nabadooda cid ale cida ku xad gudubta qof ale qofka uu doono ha ahaado wax naxariisa oo ay dawladani u galaysa ma jirto”

Madax dhaqameedka iyo ganacsada ayuu wasiirku ugu baaqay inay kala shaqeeyaan oo ay ilaaliyaan nabada shacabka, waxana uu yidhi “Madax dhaqameedka, culima awdiinka, waxgaradka, baayac-mushtarka inay ka shaqeeyaan sidii nabada loo sugi lahaa, sidii beelaha walaalaha ah ee is dhalay ee isu abtiga ah ee meel ilaahay ku wada abuuray sidii loo walaalayn lahaa”

Ugu danbayntii wasiirku waxa uu ugu baaqay cid kasta oo kooxo iyo beelo isku uruursata inay dib ugu laabtaan guryahooda, waxana uu yidhi “Ciidamada qalabka sida waxa aan ugu baaqaya beelaha halkaas degan inaanay wax hub ah la ag marin cid kooxaysan oo meel ku uruursana aan la ogolayn, waxa ay dawladu iyo madaxweynuhu amar ku bixinaynaan nin waliba inuu reerkiisii qabto”

Badhasaabka Gobolka Hawd Oo Soo Jeediyey In La Sameeyo Maxkamad Lagu Xukumo Cid Kasta Oo Xasuuq Ka Gaystay Somaliland

“Waxa Aan Leeyahay Xasuuqaa Loo Gaystay Dadkeena Waxay Ku Haboon Tahay In Maxkamad Somaliland Ay Samayso” Gudoomiye Ibraahin Cali Xasan

Baligubale (Warsugan” Gudoomiyaha gobolka Hawd Ibraahim Cali Xasan ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay munaasibad lagu taageeray wasiirkii hore ee gaashandhiga Soomaaliya oo munaasibad xus ah  loogu qabtay Xamar.

Badhasaabka oo ka hadlay xafalad lagu qabtay gobolka Hawd ayaa yidhi “Xaflad oo runtii xaflad lagu sheegay oo wasiirkii hore ee gaashandhiga ee runtii gumaadka ka gaystay wadankeena oo xaflad Xamar looga dhigayo oo waliba madaxweynaha Soomaaliya uu leeyahay waxba muu gaysan aad iyo aadna uu dabada uga riixayo aanad moodayso in inaga laynagu bahdilayo oo laynagu garaacayo”

Gudoomiye Ibraahim Cali Xasan ayaa soo jeediyey in la sameeyo maxkamad Somaliland leedahay oo lagu qaadayo danbiyada xasuuqa ah oo lagu xukumo cid kasta oo lagu helo danbi ah inay Somaliland xasuuq ka gaystay, gudoomiyaha ayaa yidhi “Aniga oo runtii ka hadlay xaruntii laga xoreeyey wadanka Somaliland oo nasiib u yeeshay inaan badhasaab ka noqdo waxa aan leeyahay xasuuqaa loo gaystay dadkeena waxay ku haboon tahay in maxkamad Somaliland ay samayso, maxkamadaas oo lagu qaadayo dadka xasuuqa ka gaystay oo garyaqaanada Somaliland, xeer ilaaliyaha guud ee qaranka, maxkamadaha iyo garsoorka Somaliland iyaga oo Hay’addaha kale ee caalamiga ah la tashanaya waxa aan soo jeedin lahaa aniga oo runtii gobolkayga iyo dadkayga oo xarunta runtii hooyadood ah waxa aan leeyahay Xasan Sheekh iyo ragga kale ee gacanta siinaya ee taageersan wixii danbi ay ku yeeshaan in lagu qaado oo maxkamad Somaliland samayso lagu qaado, maaha in aynu xabaalo maalin walba soo saarno waa in si toos ah aynu uga hawl galnaa oo la maxkamadeeya dadkii ka danbeeyey xasuuqaa

“Anigoo ah Wasiir ka soo jeeda Burco Barrigeeda, waxaan go’aansaday inaan Laascaanood iska diiwaangeliyo, si dadka Awdal ugu cibraqaataan..”

Wasiiru-dawlaha Caafimaadka Mr. Maxamuud Adan Jaamac Galaal

Laascaanood (Warsugan) Wasiiru-dawlaha Wasaarada Caafimaadka Mr. Maxamuud Adan Jaamac Galaal oo iska diiwaangeliyey degmada Laascaanood ayaa shaaca ka qaaday inuu talaabadan u qaaday si uu bulshada Somaliland ugu bayaamiyo inaan dalka la kala lahayn.

Wasiir Galaal oo ka hadlayey ujeedada uu magaalada Laascaanood u yimi, sababta ku kaliftay inuu iska diiwaangeliyo ayaa yidhi,

“Waxaan magaalada Laascaanood u nimi waa kormeerida goobaha diiwaangelintu ka socoto gobolka Sool. Diiwaangelintu waa xaq muwaadin kasta leeyahay, waxaan bulshada ugu baaqayaa inay is-diiwaangeliyaan siday u doortaan qofkii u qalma doorashada Madaxtooyada iyo Wakiiladaba.

Wasiiru-dawlaha wasaarada Caafimaadka Mr. Maxamuud Adan Jaamac Galaal oo ka hadlayey sababta ku kaliftay inuu iska diiwaangeliyo magaalada Laascaanood ayaa yidhi,

“Anigoo ah Wasiir ka soo jeeda Burco Barrigeeda, waxaan go’aansaday inaan Laascaanood iska diiwaangeliyo, si dadka Awdal ugu cibraqaataan, guud ahaan Somaliland u arkaan isku-dhafnaanta iyo wadajirka bulshada, annaguna u noqono sunne iyo tusaale wanaagsan.

“Waxaan ku wada soconaa laba masuul oo dawlada ka tirsan, kana soo jeeda Burco, anniga iyo Agaasimaha Waaxda Qorsheynta ee Wasaarada Caafimaadka Fa’isa Xaaji Axmed, oo hawlo wasaarada Caafimaadka iyo arrinka diiwaangelinta u yimi Laascaanood.

Wasiiru-Dawlaha Caafimaadka Mr. Galaal ayaa sheegay in fariinta ay gudbinayso diiwaangelinta uu ka galay Laascaanood, isagoo ah Wasiir ka soo jeeda deegaanka Burco tahay in bulshada Somaliland ogaato in qof walba iska diiwaangelin karo gobolada dalka midkuu doono, wax u diidayana aanu jirin, waxaanu yidhi,

“Fariinta ay gudbinayso diiwaangelintayda Laascaanood waa inaan bulshada Somaliland u sheego in qof walba halkuu doono iska diiwaangelin karo, dalkana aan la kala lahayn, shacabka gobolka Awdal waxaan leeyahay ku cibraqaata, arrinka xasaasiyadda laga abuurayo lix goobood waxaan qabaa inay ka dambeeyaan dad ka soo horjeeda xasiloonida iyo wadajirka Somaliland.

 

Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland Oo Dhaliilo U Jeediyey Wasiirka Warfaafinta

 Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto)

Hargeysa (Warsugan) Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac (Xuuto) ayaa dhaliilo u soo jeediyey wasiirka warfaafinta oo sheegay in saxaafadu aanay buunbuunin arrimaha beelaha, isla markaana ay hore saxaafada heshiis kula galeen inaan la baahin wararka beelaysan.

Gudoomiye Xuuto ayaa hadalkiisa ku bilaabay mar uu la hadlayey Start Tv “runtii waxa aad moodaa wasiirka warfaafintu inaanu ku wacyi gashanayn ama aanu warba ka hayn ama is lahayn masuuilyiid ayaa idinka saaran dunuubta iyo dhibaatooyinka ay iyagu samaynayaan ee ah inay wixii lagu heshiiyey ay ka baxayaan. Runtii waxa aanu ognahay in maalintii ilaa maanta arrimaha beelaha ee la leeyahay mar walba warbaahinta yaan laga sii daynin inaanay warbaahintu diyaar u ahayn runtii oo warbaahintu  dhulka dhigto intooda badan waxyaabaha xajiinta leh, laakiin waxa aad mooda mar wal oo lagu wada hadlo haday noqoto dawlad iyo haday noqoto warbaahinta in arrimahaas dhulka la dhigo inay ka murkacado oo arrintaas ay ka baxdo dhinaca xukuumada”

Gudoomiyaha SOLJA oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas ku daray “Waxa aanu ognahay in mar kasta oo arrini timaado in xukuumado beelo abaabusho, in xukuumadu dad aan ehel u ahayn ay tidhaahdo difaac, arrintaas waxa aan u arkaa arrinta nasiib darada keenaysa mar walba. Wasiirku inuu ka dul dhaco markay ay dhacdo timaado ee arrimuhu faraha ka baxaan”

Xuuto ayaa intaas ku daray in saxaafadda Somaliland mar kasta ay heegan ugu jirto ilaalinta iyo xasiloonida Somaliland, waxana uu yidhi “Wasiir ururka SOLJA iyo saxaafada Somalilandba heegan waxa ay u tahay inay ilaaliso qaranimada anaga ayaana ka xun qof kasta oo suxufi ah oo runtii dhibaato dalkan wax yeelaysa ku kaca. Runtii waa ayaan darro in mar walba eeda saxaafadda la saaro iyada oo eeda ay leeyihiin masuuliyiin xukuumadda ka tirsan qaarkood, gaar ahaan wasiirka Wasaaradda  War-Faafinta waad arkayseen in daraad warbaahin caalamiya oo si sharci ah dalka ku yimi uu ugu hanjabay saxaafadda Somaliland iyo Hay’addihii dawladda runtii ee uu isagu ka tirsanaa inaanay keenin saxafiyiinta

Xildhibaano Xukuumadda Ku Taageray Diiwaangelinta Goobaha Lixda Ah Ee Waqooyiga Gobolka Maroodi-Jeex

Hargeysa (Warsugan) Xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada Somaliland ayaa xukuumadda ku taageeray fulinta ay diiwaangelinta goobaha lixda ee waqooyiga Hargeysa.

Xildhibaanada oo saxaafadda la hadlayey ayaa xusay inay xukuumadu ku dhiiratay fulinta diiwaangelinta goobaha waqooyiga Hargeysa, waxana xildhibaanadaas ka mid ahaa Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel, Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige iyo xildhibaan Maxamed Xaaji Maxamuud Cumar.

Xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel oo ka hadlayey go’aanka xukuumadda ee ah in diiwaangelin laga fuliyo degaanadaas ayaa yidhi  “Awaamiir ayey dawladu bixisay in sanaadiiqdii la geeyo goobihii degmadda Hargeysi ka koobnaan jirtay kana kooban tahay ilaa imika iyada oo aan cuskanayno xeerka lamber 23/2002 xeerka ismaamulka goboladda iyo degmooyinka sida ku cad isaga oo ka soo dheegtay qodobada dastuurka ee arrintaas ka hadlaya lixdii degmo ee hore in sidoodii loo daayo; waxa weeyaan arrintaa xukuumadu jidaysay waanu soo dhaweynaynaa waanan ku hablayeynaynaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo go’aanka xalaasha ah ee cadaaladda ah ee uu qaatay oo in badan laalaaday oo xaqdaro iyo dulmi ku laalaaday sida xaqiiqda ah” Sidaasi waxa yidhi xildhibaan Cabdikariin Aw Cali Shabeel

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo ka mida mudanayaasha golaha wakiilada oo isna ka hadlay lixda goobeed ee lagu maransan yahay ee gobolada Awdal iyo Maroodi-jeex ayaa yidhi “Lixda goobeed ee waqooyiga Hargeysa oo in mudo ahba xuquuq ay lahaayeen dadka degaankaasi ay ahayd mid ka maqnayd maanta markii la iskugu wada yimina ee dawladan hada jirtaa u yeedhay xubnaha dadka halkaa degan ee golayaasha kaga jira, xisbiyada iyo intii matalaysaba waxa la isla qaatay in lixdaa goobood laga qabto diiwaangelin”

“Dawladda maanta joogta ee xukuumadda ee uu ka yahay madaxweynaha Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud wax badan ayey ku dhiiratay; waxa ay ku dhiiratay inay darajadii samayso ciidanka ay darajo u samayso maanta waxa ay ku dhiiratay intii la’laalayey meeshaa inay tidhaahdo horta waa la diiwaangelinaya waanu ku hambalyeynaynaa. Waxa aanu leenahay xukuumadda waliba dadka waa layska hor keenaya iyada oo lix gobol ah ayaa qaar kale lagu daray iyada oo intaas oo degmo ah ayaa boqol degmo lagu daray idinku ha noqonina kuwa sii kordhaya ee dadka iska hor keena ee waxaad yeeshaan kala xadeeya ummaddan maamul ahaan si aanay iskaga hor iman” Sidaasi waxaa yidhi xildhibaan Maxamed Xaaji  Maxamuud Cumar oo ka hadlay goobaha lixda ee hore muranku uga taagnaa

Siyaasi Ka Soo Jeediyey In Xukuumadda Mudo Kordhin Loo Sameeyo, Wasiirka Madaxtooyaddana Ka Difaacayo Dhaliilo Loo Jeediyey

Baligubadle (Warsugan) Cabdikariin Maxamed Cali oo ka mida masuuliyiinta gobolka Hawd, gaar ahaana xafiiska xisaabaadka ee gobolka ayaa ka hadlay hankiisa siyaasi, isla markaana ka difaacay wasiirka madaxtooyadda dhaliilo uu sheegay in loo jeediyey.

Cabdikariin Maxamed Cali ayaa ugu horayn ka hadlay horumar uu sheegay in laga gaadhay gobolada bariga iyo arrimo la xidhiidha diiwaangelinta iyo isku soo dhaweynta shacabka reer Somaliland. Waxanu yidhi “Waxa jira dhaqdhaqaayo laga samaynayo dhanka siyaasada arrimaha bariga oo meel wanaagsan maraya, is-raacsanaantii dhuleed oo meel wanaagsan soo maraysa, is-qabsigii bulshadda Somaliland oo meel wanaagsan soo maraya, diiwaangelintii iyo doorashooyinkii oo soo dhaw; markaa maadama oo aan siyaasadda ku cusubahay horta waxa aan soo jeedinayaa inta aan diyaar garoobayo in mudada xukuumadda la yar kordhiyo, waxa aan soo jeedinayaa marka aanu wax walba qiimaynay inay haboon tahay in xukuumadda uu maanta hogaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo loo kordhiyo mudo”

Siyaasi Cabdikariin oo hadalka sii wata ayaa intaas ku daray “Waxa maalmahan iska soo daba dhacayey eedo iyo dhaliilo loo jeedinayo wasiirka wasaaradda madaxtooyadda runtii arrimahaas qaar waa laga badbadiyey qaarna ibnu-aadan ayaa loo yahay oo ninku haduu xil qabto dhaliil ma waayo, laakiin waxa aan uga mahad celinayaa wasiirka inaanu layli lahayn ee uu yahay nin degan oo kalmada la yidhaahdo isna warbaahinta soo fadhiisan oo aan ka jawaabin; anigu wali ma odhan xisbigaas ayaan ahay maan la tashan dadkaygii laakiin waan la tashan doonaa, laakiin waxa aan leeyahay wasiirka runtii halaga daayo xag-xagashada wasiirku shaqo wanaagsan ayuu qaranka u hayaa uu dadaalaya halkana waynu ku kulanay wax qabad ayuu inoo balan qaaday”

isna inuu Madaxweyen ku xigeen u noqdo, laakiin isagaa qawaday oo diiday markaa anigu Cali Khaliif”

Madaxweyne Venezuela  Oo Shaaciyey Inuu Ka Hortagay Afgambi

Madaxweynaha dalka Venezuela Nicolas Maduro, ayaa sheegaya in dowladdiisa ay ka hortagtay isku day uu mucaaradka dalkaasi ay doonayeen in ay ku abuuraan rabshado iyo burbur hantiyeed.

Magaala madaxda dalkaasi ee Caracas ayaa waxa shalay ka dhacay dibad baxyo isdiidan oo ay dhigayaan boqolaal kun oo qof oo qaarna ay taageerayaan dowladda madaxweyne Maduro qaarna ay ka soo horjeedaan.

Hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa sheegaya in ay isu soo bexeen in kabadan hal milyan oo qof, arrintaa oo noqonaysa isu soo bixii ugu ballaarnaa muddo labo sano ah.

Madaxweyne Maduro ayaa sheegay in dibad baxani uu qayb ka ahaa isku day lagu doonayay in lagu afgambinayo dowladiisa

Kooxaha mucaardka ayaa doonaya in dalkaasi ay ka dhacdo afti lagu soo afjarayo xukunka madaxweyne Maduro, waxa ayna ku eedeynayaan madaxweynaha dhibaatada dhaqaale ee dalkaasi ka jirto.

Haseyeeshee taageerayaashiisa ayaa sidoo kale gudaha magaalada caasimadda ah ee Caracas waxa ay ka dhigeen dibad baxy weyn oo ay isaga ku taageerayaan.

Wafti ka Socda Golaha Ammaanka Oo bookhasho Ku Tagaya Suudaanta Koonfureed

Wafti ka socda Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa in uu maanta booqdo caasimadda dalka Suudaanta Koonfureed ee Juba si ay ugu qanciyaan dawladda inay aqbasho ciidammo ka socdo gobalka oo dalkaas la geeyo.

Danjirayaal ka socda 15-ka xubnood ee uu Goluhu ka koobanyahay ayaa lagu wadaa inay la kulmaan madaxweyne Salva Kiir.

Kiir ayaa mar hore diiday in ciidammo gaaraya 4,000 oo ka socdo gobalka la geeyo dalkiisa, si ay u taageeraan hawlgalka Qaramada Midoobay ee Koofurta Sudan.

Waxaa laga yaabaa in dalkaasi la saaro cunaqabatayn dhinaca hubka ah haddii ay ku gacansayro dalabka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Dawladda Suudaanta Koonfureed ayaa sheegtay inay marka hore doonayso inay wax badan ka ogaato waajibaadka shaqo ee ay yeelan doonaan ciidammdaasi.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bishii la soo dhaafay meelmariyay in la geeyo dalka Suudaanta Koonfureed ciidammo nabad ilaalineed oo dheeraad ah oo ka socda waddamada gobolka oo gaaraya ilaa 4000 oo askari.

Ciidammadan dheeraadka ah ayaa qeyb libaax leh ka qaadan doona sugidda amniga caasimadda Juba, si ay u illaaliyaan gegida diyaaradaha iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Waxayna ammar u haystaan inay tallaabo ka qaadan koox walba oo weerar ku qaada xarumaha Qaramada Midoobay, ha’yadaha gargaarka iyo dadka rayidka ah.

Kummanaan qof ayaa lagu dilay dalkaasi, malaayiin qofna way ku barakaceen tan iyo markii colaadda ay ka billaabatay dalkaasi sanaddii 2013-kii.

10 Ruux Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Wadanka Pakistan

Booliiska dalka Pakistan ayaa sheegay in ugu yaraan 10 qof lagu dilay qarax ka dhacay maxkamad ku taalla waqooyiga dalkaasi.

Warar hordhac ayaa sheegaya in dad badan ay ku dhaawacmeen weerarkaasi oo ka dhacay degmada Mardin.

Dhinaca kale, afar ka tirsan dagaalamayaasha Taalibaan ah ayaa galinkii hore eemaanta weerar ku qaaday meel ay daganyihiin dadka masiixiga ee magaalada Peshwar.

Afhayeen u hadlay milatariga ayaa sheegay in afar ka tirsan mintidiintii weerarka soo qaaday la dilay.

Jamaacatil Ahraar, oo ah garab ka tirsan Taalibaanka Pakistan ayaa sheegtay inay ka dambeysay weerarkaasi.

Shirkadda Samsung oo Amartay in Lasoo Celiyo Taleefonka Note 7

Shirkadda Samsung ayaa maanta hakisay iibinta taleefon gacmeedkeeda Galaxy Note 7, laba toddobaad kadib un markii ay billowday, kadib markii la ogaaday in qaar mid ah ay qarxeen ayaga oo la kaarikeynayo.

Koh Dong-jin, oo ah madaxweynaha qeybta taleefon gacmeedka ee Samsung ayaa sheegay in macaamiisha horey u iibsaday taleefonkan loogu beddeli doono taleefono kale.

Samsung ayaa soo saartay amarkan lagu soo celinayo dhammaan taleefonada Note 7, kadib markii ay awoodi weysay inay kala soocdo qaarka cilladda qaba iyo kuwa kale.

Taleefonka Note 7 ayaa waxaa laga saari doonaa suuqyada toban dal oo Mareykanka uu ku jiro.

Koh ayaa sheegay in baaritaan ay Samsung sameysay ay ku ogaadeen in batariga oo ay u sameysay shirkad kale uu dab qabsanayo marka la kaarikeynayo, taasi oo sababeysa qaraxa.

Jimciyada Quruumaha Ka Dhaxaysa Oo xasilooni Ugu Baaqday Dalka Gabon

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in deganaansho lagu soo celiyo dalka Gabon, halkaasi oo uu rabshado ka qarxeen, kaddib doorashadii uu maranku ka dhashay ee sabtidii dhacday.

Golahani ayaa ka codsaday musharrixiinta iyo taageerayaashooda in ay ka fogaadaan daandaansiga, ayna khilaafkooda ku xalliyaan si waafaqsan sharciga.

Laamaha ammaanka dalkaasi ayaa xabsiga u taxaabay dad kor u dhaafaya kun qof, iaydoo maalintii labaad ay dalkaasi ka dhacayeen dibadbaxyo.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyey madaxweyne Ali Bongo in uu ku shubtay doorashada.

Saddex qof ayaa ku dhimatay magaala madaxda dalkaasi ee Libreville.

Madaxweyne Bongo ayaa doorashadaasi ay guul u ahayd shacabka dalkiisa, waxa uuna intaasi ku daray in koox yar ay dooneyso in ay xukunka dalka awood kula wareegto.