Akhri Wararka Wargeyska Warsugan ee Cadadkii 196aad kana soo baxay Hargeysa 20.09.2016

0
43

Dawladda Somaliland Oo Iclaamisay Inay Kharashka Doorashada Bixin Karto Haddii Qaadhaan Bixiyeyaashu Maalgalin Waayaan

Hargeysa(Warsugan) Dawladda Somaliland ayaa markii u horaysay sheegtay inay ka maarmi karto caawimada dawladdaha isugu yeedha beesha Caalamka, haddii ay go’aansadaan inay maalgalin waayaan doorashada Wakiillada Somaliland. dawladda ayaa sheegtay in bulshada Somaliland iyo xukumadda oo iskaashaday bixin karaan dhaqaalaha beesha caalamku ku caawiso doorashooyinka Somaliland.

Dhawaaqan ayaa ka dambeeyay markii beesha caalamku soo jeedisay in madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland mudane Axmed Maxamed Siilaanyo ka noqdo go’aanka uu dib ugu dhigayo doorashada Wakiillada. Waxay sheegeen haddii go’aankaasi laga noqon waayo inaanay wax kharash ah ku bixin doonin doorashada wakiillada, qorshahooduna yahay inay maalgaliyaan kaliya haddii ay qabsoomayso March, 2017-ka.

Wasiirka arrimaha dibadda Dr Sacad Cali Shire oo shalay u waramayay Wariye Badri Koosar oo ka tirsan telefishanka Star ayaa arrintaasi iclaamiyay “Haddiiba ay dhacdo in caalamku inaga caawin waayo doorashada labaad( doorashada Wakiilada) sida ay yidhaahdeen, inkasta oo aan wali qabo inay inaga caawin doonaan, haddana waa wax aynu inagu ku filan nahay,” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Sida aynu ognahay Miisaaniyadda Somaliland waxa weeye ilaa saddex boqol oo milyan oo doolar, kharashka doorashada ku baxayaa lagama yaabo inuu ka bato lix ilaa 8 milyan oo doolar, markaa waynu bixin karnaa, xataa haddaynaan Kharashka dawladda ka goyn dadkeena ayaaba bixin kara ba, wax sidaas u sii weyn oo buuran runtii maaha, mana aha inaynu ka cabsanno ee waynu ku guulaysan karnaa, markaa haddii la inaga caawiyana wanaagsan haddii kalena inagaa qabsan karna” ayuu yidhi Wasiirku.

Geesta kale wasiirka arrimaha dibadu wuxuu sheegay in doorashada madaxweynuhu dhici doonto wakhtigeeda sida qorshaysan, sidoo kalena ta Wakiilladu ku qabsoomayso wakhtiga loo qorsheeyo, isagoo meesha ka saaray cabsida laga qabo dib u dhac dambe.Waxa kale oo uu difaacay go’aanka madaxweynuhu ku kala qaaday doorashadda wakiillada iyo ta madaxtooyada, isagoo sheegay in loo cuskaday qodobo dastuuri ah, duruufo iyo kalsoonidii hoggaamiyeyaasha saddexda xisbi madaxweynaha ugu gudbiyeen inuu ka talo bixiyo saamiq aybsiga wakiillada, islamarkaana talo kasta oo uu soo jeediyo ay la qaadan doonaan.

Maayarka Burco Oo Wacad Ku Maray inay Maxakamadda Ku Kala Calaf Qaadayaan Xildhibaanno Eedeeyay Iyo Booliska Oo Soo Qabtay 4 Eedaysane

Hargeysa(Warsugan)Masuuliyiinta Gobolka Togdheer iyo Degmada Burco oo ay weheliyaan guddida ammaanka ayaa shalay shaaciyay inay soo qabteen 4 nin oo degaanka Gorgorka ku dilay marxuum Marxuum Axmed Hurre, kuwaasi oo maalmihii u dambeeyay ciidamo ay hoggaaminayaan Gashaanle dhexe Guutaale iyo Xildhibaan Bidhi ku raad joogeen kuna guulaysteen soo qabashadooda.

Shir ay shalay wada jir u qabteen Badhasaabka gobolka Togdheer Mudane Qabo, maayarka Burco Mudane Maxamed Muraad, Xildhibaan Bidhi, guddida nabad galyada iyo saraakiisha ciidamadu ayaa lagu sheegay in afartaas nin ku eedaysan yihiin dilka dhawaan dhacay, islamarkaana la baadhi doono siday hawshaasi ugu kala lug lahaayeen.

Guddoomiyaha golaha degaanka Burco Maxamed Muraad, ayaa sheegay in xildhibaanno golihiisa degaanka ka mid ahi ku eedeeyeen inuu ku lug lahaa dalka loo gaystay Marxuum Axmed Hurre, waxaanu sheegay inaanu arrintaas shaqo ku lahayn nimanka xildhibaannada ahna uu dacwadooda xeer ilaalinta u gudbiyay kuwaasi oo uu si adag u sheegay inay caddaaladda horteeda iskula daalayaan.

“Alle ha u naxariisto Marxuum Axmed Hurre, ehelkiisana Samir iyo iimaan ha ka siiyo. Haddii masiibadan oo kale dhacdo faraaro badan bay yeelataa oo meelo badan ayaa laga yaabaa in xaq darro loogu kufo oo tuhun badani galo, markaa masiibo kasta intay leeg tahay ayay yeelanaysaa faraqyo culayskooda leh, oo laga yaabo in dadka qaarba wax yidhaa oo qaar Tv-yada ka hadlaan” ayuu yidhi Mudane Muraad oo sheegay inay hawsha ugu culus ee soo qabashada eedaysaneyaasha lahayd dawladda hoose ee Burco.

Isagoo sii hadlaya waxa uu tilmaamay in sababta ugu weyn ee uu uga hawl galay dilkaasi ahayd sidii ammaanka loo sugi lahaa “Laba arrimood baa ugu weynaa sababta aan isku xilsaaray; ta koobaad waxaa degmada ka dhacay inaanu soo afjaro, iyo inaan dadka aan maskaxda qaangaadhka ka ahayn ee laga yaabo inay falkaas aniga ii tuhmeen idaacadana ka hadleen aan soo afjaro oo inaan ka dambeeyay iyo inaan wax ka qabanayo aan kala caddeeyo,” ayuu yidhi maayarku.

Wuxuu tilmaamay in xildhibaanno la xidhiidhiyeen masuuliyadda dilka dhacay “Arrintaas niman badan oo xildhibaanno ah ayaa ka hadlay, Guddoomiye(Qabo) dacwadooda xeer ilaalinta ayaan u gudbiyay, ogaysiinteedana waaniga hadda kula socodsiinaya Xildhibaanka ka hadlay TV-ga ee yidhi Maayarka ka dambeeyay. Hay’addahaa sharciga ayaanu iskula daalaynaa, adiga iyo wasiirka arrimaha gudahana waan idin ogaysiinayaa, kamana dambayno dhiig qof bani’aadam ah, dhiigna waxaa iigu dambeysay xabaddii aan afarta sanno ridayay ee SNM, dagaalkii Habar-habarta ee Burco ka dhacayna kama qayb galin, maantana anigoo umadda masuul ka ah mid yar oo hoose hurin maayo,” ayuu yidhi Muraad.

Isagoo sii hadlaya waxa uu sheegay in dadka caadiga ah uu ugu dulqaadanayo ku sheekaysiga eeda loo jeediyay balse aanu ugu dulqaadanayn xildhibaanka arrintaasi ka hadlay “Dadka aan qaangaadhka ahayni waxaa ha ku sheekaysteen laakiin, ragga ila darajada ah ee waxaa ku hadlay sharciga ayaanu ku kala hadhaynaa,” ayuu yidhi.

Guddoomiyaha Guurtida “ Doorashada La Kala Qaaday Marka La I Hor Keeno Ayaan Ka Arriminayaa.”

Hargeysa(Warsugan) Guddoomiyaha golaha guurtida Somaliland, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa ka gaws adaygay inuu talo ka dhiibto doorashada wakiillada ee dib loo dhigay, taas oo la filayo in dhawaan loo gudbiyo golaha guurtida oo muddo kordhin u samaynaya golaha wakiillada. Waxa uu sheegay inaanu ka hordhacayn, islamarkaana marka golihiisa la keeno uu ka arriminayo.

Isagoo ka hadlaya arragtidiisa waxa uu yidhi “Hadda iima joogto, way I hor iman doontaa, markaas ayaan ka talin doonaa,” ayuu yidhi guddoomiye Saleebaan, iyadoo saxaafaddu sii waydisay sida uu u arkana wuxuu ku jawaabay “ wakhti ha iska lumin, wuu I hor iman go’aankeedu, markaas baan ka talin ee iga daa waxaad walaaqayso, dhure dheer soo qaado dharigayga guntiisa gaadhi mayside,” ayuu yidhi mudane Saleebaan.

Guddoomiyaha Guurtida ayaa sidoo kale wax laga waydiiyay beesha caalamka oo madaxweynaha ugu baaqday inuu ka noqdo kala qaadista doorashada wakiillada iyo Madaxtooyada “Waar aniga caalamkaas afka ha ii galine Somaliland baa nala yidhaahda, Somaliland dan bay leedahay, danteedana iyadaa og,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan.

Waddamada isku magacaabay beesha caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa dhawaan luuqad adag kula hadlay madaxweyne Siilaanyo, kuna booriyay inuu ka noqdo doorashada wakiillada ee uu dib u dhigay wakhti aan cayinayn.Waxay sheegeen inay maalgalin culus ku sameeyaan doorashada iyo hannaanka dimuqraadiyadda Somaliland islamarkaana aanay u baahnayn in la curyaamiyo dadaalkooda.Arrintan ayaa soo bandhigtay aragti ah in Somaliland isku filaansho ka gaadho dhinaca doorashada islamarkaana ay qorshayso dhaqaalaha ku baxaya si ay uga maaranto dawladdaha shisheeye.

Xukumadda Oo Xisbiga Waddani Ku Eedaysay Inuu Beesha Caalamka U Gudbiyay Qoraallo

Ka Dhan Ah Madaxweynaha Somaliland

Hargeysa(Warsugan)Xukumadda Madaxweyne Siilaanyo ayaa iska fogaysay eedo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani u jeediyay oo ku saabsan dib u dhigista doorashada wakiillada Somaliland. xisbiga Waddani ayaa si kulul uga soo horjeesta go’aanka madaxweynuhu ku gaadhay in dib loo dhigo doorashada Wakiillada, inkasta oo aanu wali guddoomiye Cirro go’aan cad ka qaadan. Waddani wuxuu go’aankaasi ku tilmaamay mid u muuqda in masuuliyiinta xukumaddu ku dhiiri galisay madaxweynaha balse aanu iskii u qaadan, hase ahaatee xukumadda ayaa arrinaasi si kulul u beenisay.

Shukri Xariir Ismaaciilwasiir kuxigeenka warfaafinta oo shalay shir jaraa’id qabatay ayaa ku dooday in hoggaamiyaha Waddani qayb ka ahaa kulamaddii lagu darsay arrinta saami qaybsiga “Xisbiga Waddani waxay yidhaahdeen “Madaxweynaha miyaa la hoos dhigay,” waxaan leeyahay mayee Waddaniyow idinkaa hawaawi kacay, waxaa fadhideen shirkii xisbiyadu kaga hadlayeen saami qaybsiga, waxaa idinkoo xisbiyada ah isla garateen in madaxweynaha arrintaas loo daayo, inuu ka taliyo, in madaxweynuhu wuxuu soo saaro ku wada kalsoontihiin oo kuwada raaci doontaan. Madaxweynuhu waa siyaasi ruug caddaa ah oo wuxuu gartay in la isku joojiyo, Somaliland la odhan maayo la isu joojin maayee, waxaanu leenahay Somaliland way isu joojinaysaa, wax bay wada qabsanaysaa oo way wada tashanaysaa ayaynu leenahay, kala tagi mayno ee waynu iska lulanaynaa, waxaynu leenahay kala tagi mayno ee qof walba halkiisa ayaa lagu qancinayaa, madaxweynuhuna tuu ka duulay waa taas

“Waxaa la yaab leh oo aad iyo aad iyaduna fajac u ah, Haddii aynu halkan kuwada hadalno oo aynu bulshada reer Somaliland nahay iyo haddaynu nahay madaxda Somaliland ee taladu ka go’aysay ee masiirka umadda gacanta ku haya ee Xukumad leh ee Xisbiyo leh ee Komishan leh oo aynu wada hadalnay oo umaddeena masiirkeeda isla meel dhignay, haddana inaynu waraaqo kala qorno oo nidhaa kumaanan jirin waa wax laga xishoodo. Bulshadu inaga yeeli mayso, xukumaddana ka yeeli mayso, xisbiyadana ka yeeli mayso oo dadku caqligooda ayay qabaan. Waar waad wada fadhiisateen idinkoo xisbiyadii ah oo go’aan baad gaadheen, haddana waraaqo ayaad qoraysaan oo waxaad leedihiin shisheeyow na soo gaadha. Shisheeyuhu ma waddankeena ayuu inala leeyahay?Ma waxbuu kuu hagaajin karaa? Ma qof gurigiisa hagaajisan kari waayay ayay cidi u hagaajisaa? Waxaan leeyahay arrintaasi waa qadaf,” ayay tidhi Marwo Shukri.

Ugu dambeyna waxay difaacday go’aanka madaxweynuhu ku kala qaaday doorashada wakiillada iyo madaxtooyada “Madaxweynaha waanu ku hambalyaynaynaa go’aankaas uu qaatay umadda Somaliland-na way ku hambalyaynaysaa, ninka kaas diidana waxaan u malayn inuu jiritaanka Somaliland diidi doono oo madmadow galin doono oo odhan doono malaha barigii ayay khalad ahayd,” ayay tidhi Marwo Shukri.

Madaxweynaha Somaliland ayaa had iyo jeer go’aammada ku saabsan mustaqbalka doorashada waxa uu qayb ka siiyaa hoggaamiyeyaasha asxaabta oo ka talo bixiya, hase ahaatee arrinta saami qaybsiga ayay saddexda hoggaamiye xisbi ku guul daraystaan inay ka tala bixiyaan, waxaanay ku soo celiyeen madaxweynaha oo ay kalsooni buuxda siiyeen.

Wasaaradda Waxbarashada Oo Digniin U Dirtay Macalimiinta iyo Ardayda 19 Dugsi Oo Muddo Xidhan

Ceerigaabo(Warsugan) Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa ardayda iyo macalimiinta 19 iskuul oo hoos taga degmada Ceelafweyn ee gobolka Sanaag, kuwaasi oo ay saamaysay shaqaaqo laba beelood ku dhexmartay degaannadaasi. Masuuliyiintu waxay macalimiinta iyo ardayda uga digeen inay ku milmaan ismaan dhaafka beelaha walaalaha ah u dhexeeya.

Aniis Saalax Xaaji Xasan, isu duwaha gobolka Sanaag ayaa sheegay inay talaabo cad ka qaadi doonaan macalimiinta iyo ardayda 19-ka dugsi ee xidhan haddii ay caddaato inay qayb ka yihiin shaqaaqada labada beelood “ Wasaaradda waxbarashada ee gobolka Sanaag, waxaanu aad uga xunnahay iyadoo ay maanta naga xidhan yihiin 19 dugsi oo degmada Sanaag hoos taga oo ay saamaysay shaqaaqadii dhacday. Intii dhimatay iyo inta dhaawacaba Alle ayaanu u baryaynaa inuu dadka Samir iyo iimaan kala siiyo,” ayuu yidhi isu duwaha.

Isagoo sii hadlaya waxa uu yidhi “Waxaanu halkan ka ogaysiinaynaa macalimiinta iyo ardaydaba inaanay ku dhex qasmin falalka noocaas ah, sababtoo ah rabshad kasta waxaa ka dambeysa waa la heshiiyay, maadaama oo la heshiin doono waxaanu faraynaa macalimiinta inaanay ka hawl galin rabshadahaas,”ayuu yidhi isu duwuhu.

Waxa uu sheegay in degmada Ceelafweyn ay hoos tagaan 31 iskuul balse ay hadda furmeen 9 iskuul kadib markii la darsay arrimaha ammaanka “Markaanu arrimaha nabad galyada hubsanay ee badhasaabka la tashanay degmada Ceelafweyn oo 31 dugsi ahayd waxaa noo shaqeeyay 9 dugsi, intii kale waxay u xidhan yihiin rabshadda dhacday,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay in guud ahaan macalimiinta gobolka la kormeeri doono sida ay hawshooda u wataan, ciddii shaqadeeda ka maqana aanay shaqayn doonin.

Waxa kale oo uu sheegay in macalimiinta dugsiyada xeebaha ku yaalla uu ka xanniban yahay mushaharkii, sidaasi darteedna ay hay’addaha waxbarashada kala shaqeeya ugu baaqayaan in la fuliyo ballamo loo sameeyay macalimiinta, isagoo ammaanay hay’adda Care oo uu sheegay inay si fiican ula shaqayso.

Axmed Yuusuf YaasiinOo Habsanka Xeerka Saami Qaybsiga Dusha U Saaray Wakiillada iyo Xukumaddihii Kala Dambeeyay

 

Hargeysa(Warsugan) Madaxweyne xigeenkii hore ee Somaliland mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ayaa sheegay in dawladdoodii UDUB, Xukumaddan Kulmiye iyo golaha wakiillada ee hadda fadhiyaa ka gaabiyeen wax ka qabashada cabashada saami qaybsiga golaha Wakiillada. Waxa kale oo uu tilmaamay in diwaangalin Qaran oo la sameeyaa xallinayso saami qaybsiga taas oo aan hore u qabsoomin haddana wakhti badan qaadan karta.

Madaxweyne xigeenka hore oo shalay u waramayay saxaafadda waxa uu sheegay in cabashada saami qaysbigu soo taagnayd muddo dheer oo 14 sanno ku siman “Wax walba taariikh bay leeyihiin, arrinkani maanta uun muu qalloocan ee wuxuu qalloocday muddo dheer ka hor. Arrintan saami qaybsiga waxaa la isku qabsaday sanadkii 2002-dii markii la doonayay in la qabto doorashada Wakiillada ee 2003 qabsoomi lahayd, dabeedna waa tii xalka la gaadhay ee sidan hadda lagu fadhiyo loo qaybiyay,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka hore.

Isagoo arrintan ka sii hadlaya wuxuu tilmaamay cidda leh eedda habsanka xeerka saami qaybsiga “ Muddada arrintani taagnayd waxaa laga joogaa dhawr iyo toban sanno, saddex qolana khaladka way leeyihiin; golahan wakiillada ee hadda fadhiyaa waxay ahayd inay muddadaas dheer ka shaqeeyaan arrintan, labadii maamul ee kala dambeeyay taayadii iyo tanbana khaladka way leeyihiin oo waxay ahayd in hore loo galo arrintan oo tira koobkii qaranka la sameeyo muddadaas dheerayd may se dhicin,” ayuu yidhi mudane Axmed Yuusuf.

Waxa uu taageeray go’aanka madaxweynuhu dib ugu dhigay doorashada wakiillada, inkasta oo uu tilmaamay inay ahayd inuu toos ugu gudbiyo maxakamadda sare ee dastuuriga ah “Madaxweynuhu hadda go’aan buu gaadhay, astaanta u saraysa uguna dambeysa qarankuna waa madaxweynaha, waxayse ahayd inuu halkii wakiillada uu uga gudbiyay uu toos ugu gudbiyo maxakamadda sare si maxakamadda sarena u laasho ama u ayido,” ayuu yidhi.

Waxa kale oo uu ku taliyay in sida kaliya ee lagu xallin karo saami qaybsiga wakiilladu tahay tira koob qaran oo la sameeyo, kadibna gobol walba dadka iska diwaangaliyay loogu salleeyo inta xildhibaan ee ay helayaan, arrintaasi oo uu tilmaamay inay wakhti dheer qaadanayso. Waxa kale oo uu sheegay in beesha caalamku 2015-tii doorashadii wakiillada soo dhexgashay Somaliland islamarkaana bixisay lacagtii u horaysay “Aftidii dastuurka inagaa bixinay 20011-dii, doorashadii 2002-diina waynu bixinay, tii 2003-diina waynu bixinay laakiin, 2005 doorashii wakiillada ayay beesha caalamku ina soo gashay oo bilawday inay lacag bixiso,” ayuu yidhi madaxweyne xigeenka hore waxaanu xukumadda ku booriyay inay diyaariso kharashka ku baxaya doorashada ee hadda qaadhaan bixiyeyaashu bixiyaan.

Warbixin: Sharci Yaqaan Faaqiday Dacwad Xisbiga Waddani U Gudbiyey Maxkamada Dastuuriga Ah

 “Waxa habboonaan lahayd in Waddani u fahmo dawladnimada sida ay tahay, oo aannu u fahmin sida ay isaga kaliya la noqoto..” Maxamed X. Maxamuud

“Waxa habboonaan lahayd in Waddani u fahmo dawladnimada sida ay tahay, oo aannu u fahmin sida ay isaga kaliya la noqoto..” Maxamed X. Maxamuud

London- Maxamed Xaaji Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inaanu xisbiga Waddani sharciyan xaq u lahayn dacwad uu ka gudbiyo xukuumada iyo Baarlamaanka, isla markaana tilmaamayso aqoondarada madaxda xisbiga ka haysata nidaamka maamulka dalka.

Maxamed X. Maxamuud oo  culuunta siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga adduunka ka bartay jaamacada Warwick, ee carriga Ingiriiska ayaa warbixin dheer oo u faahfaahin kaga bixinayo sharci-darada dacwada xisbiga Waddani iyo qaabka hay’adaha dawlada u wada shaqeeyaan iyo dacwadaha Maxkamada Dastuuriga loo gudbiyo ku bilaabay:

Xisbiga Waddani dacwad ka dhan ah doorashada la kala qaaday ayuu u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah shalay. xisbigu dacwadda uu gudbinnayo kama gudbinnayo xisbi kale, amabase Guddida Doorashooyinka Qaranka oo dhexdhexaad u ah axsaabta, oo uu xaq u leeyahay in uu ka gudbiyo dacwaddo.

Xisbigu kama gudbinnayo dacwadda dhexdiisa, oo is qabsi siyaasi ah ama sharci ahi kama dhex jiro! Laakiin xisbigu waxa uu dacwadda ka gudbinnayaa saddexda dhadhaar ee qaranka laba ka mid ah. Haddaba inta aynaan dacwadda qallooceeda sharci u galin bal marka hore aynnu sharaxno saddexda dhadhaar ee qaranka iyo nooca dawladnimo ee Somaliland.

Somaliland waa dal Madaxtooyo (presidential system of governance), oo leh miisaan isku dheeli tiran oo u samaysan in ay xisaabtamaan. Miisaanka dawladnimo ee siman waxa ay kala yihiin:-

  1. Gollaha Fulinta (Executive Organ/Branch), gollahan waxa hoggaaminaya Madaxweynaha oo ka masuul ah hay’aadka fulinta ee dalka oo dhan, sida gollaha wasiirrada oo u qaabilsan siyaasadda, arrimaha bulshada iyo dajinta qorshaynta dhaqaalaha.Sidoo kale waxa Gollaha Fulintu hoos yimaada ciidanka, hay,aadka dawliga ah ee lacagta, ganacsiga, amniga iyo socdaalka.
  2. Gollaha Sharci Dajinta (Legislative Organ/ Branch), gollahani waa gollaha shuruucda dalka lagu dhaqayo oo dhan lagu sameeyo. Sharci aan iyaga ka soo fulin oo aaney ogolaan ama aaney sameyn ma aha ansax. Sidoo kale miisaaniyadda qaranka, ansixinta saraakiisha dawladda, xilka xayuubinta Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa wakhtiyada hawl-gudasho la’aan ama khayaano qaran.

Sidoo kale ansixinta Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah shaqo ka caydhintiisa iyo magacaabistiisa, ogolaanshiyaha istiqaalladda Madaxweynaha iyo ku Xigeenkiisa, ansixinta heshiisyada caalamiga ah intaba iyaga ayaa u xilsaaran awood ahaan.

  1. Gollaha Sharciga (Judiciary Organ/ Branch), waa gollaha u xilsaaran tafrsiirka shuruucda dawladda iyo dalka ee dastuuriga ah (interpretation), isla markaana ku waajibbiya hay’aadka dawladda in ay sharciga dabbaqaan. Waxa kale oo uu xalliyaa dhamaan murannada sharciga ah iyo khilaafaadka dawladda iyo dalka intiisa kale.

Marka ay sidaa yihiin saddexda dhadhaar ee dawladdu, waxa ay su’aasha weyni tahay sidee ayey u wada shaqeeyaan ee ay qaranka ugu wada hawl-galaan?

Waxa ay u wada shaqeeyaan hab siman oo isku dheeli tiran (Checks and Balance), waxa kale oo ay leeyihiin awood qaybsan oo midba kaalintiisa in uu ka soo baxo ay tahay (Separation of Powers). Waxa ay u wada shaqeeyaan sida tan:-

Gollaha Fulintu waxa uu soo gudbiyaa wax la yidhaa ‘’bill of laws’’ waana qawaaniin aan wali ansax noqon oo ay rabto in ay dawladdu ku shaqeyso, si ay hawsha qaran ee saarran u fuliso. Shuruucdaasi waxa ay maraan aqalka hoose ee Wakiillada, haddii uu ka ansaxmo waxa ay u gudbaan aqalka sare ee Guurtida, si wax ka beddel iyo kaabis loogu sameeyo.

Marka uu halkaa ka gudbo ‘’bills of laws’’ waxa ay noqdaan sharci iyo xeerar awood u siinaya dawladdu in ay hawl maalmeedka shaqo u adeegsato. Sidoo kale xeerar laga dheegay dastuurka oo inta badan ka madaxbannaan xukuumadda ayaa ay sameeyaan Wakiilladu marka loo baahdo. Si la mid ah sidii hore aqalka sare ee Guurtida ayey maraan, waxa se ay u baahan yihiin in madaxweynuhu saxeexo (ratification of the president).

Si ka duwan sidaa ay u wada shaqeeyaan labadaa golle sharci iyo kan fulinneed ayey Maxmadda Sare ee Dastuuriga ahi ula shaqeysaa labada golle ee dhiggeeda ah. Maxkamaddu waxa ay kaliya ammuurahooda sharci ay soo faro-gashan kartaa marka ay hawlahani soo food-saaraan kaliya:-

Haddii khilaaf sharci hawleed soo dhex galo gollayaasha qaranka ee sharciga iyo fulinta, Maxkamaddu iyada oo awooddeeda dastuuriga ah adeegsaneysa waxa ay tafsiir ka bixisaa sharciga keenay khilaafka. Sida ayaaney ku kala hulleelaan labada golle iyaga oo u hoggaansan tafsiirka sharci ee Maxkamaddu go’aamisay.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu tafsiir iyo go’aamo sharci ka soo saartaa, wax kasta oo kale oo labada golle midkood ama si wada-jir ah ugu gudbiyaan ka dib marka ay u arkaan in tafsiir ama go’aan sharci ah oo dastuuri ah loo baahan yahay. Hawl aan intaa ahayn Maxkamaduu kuma leh gollayaasha qaranka oo iyadu sharcina ma sameyso, fulinna dastuurku uma waajib yeelin.

Haddaba haddii ay sidaa tahay waa maxay dacwaddan uu Xisbiga Waddani u gudbiyey Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah? Ma tahay dacwad sharci ah oo uu qiil u leeyahay? Ma habboon tahay se in uu xisbigu fahamsanaado nidaamka dawliga ah ee dalka uu ka rabo in uu xukunka hoggaaminta u qabto?

Ka hor inta aanan su’aallahan ka jawaabbin, marka hore Maxkamaddu yey u garnaqdaa? Maxkamaddu waxa ay u gar naqdaa gollayaasha baarlamaanka iyo gollaha xukuumadda. Sidoo kale maxkaddu waxa ay u garniqi kartaa axsaabta qaranka sida dacwadda UCID ee hadda la taal.

Waxa kale oo ay Maxkamaddu ka garniqi kartaa dacwaddaha nooc walba leh ee ganacsiga, go.aamada dilalka iyo kuwa dadweynaha ama shariikadaha dhex yaal. Maxkamaddu uma garniqi karto xisbi qaran iyo gollayaal qaran. Waddani se waxa uu rabaa in ay isaga oo xisbi ah iyo Wakiillada iyo Madaxweynaha oo dhan ah loo garnaqo, eesh calaa xisbi.

Aan u soo noqdo jawaabbaha su’aallaha kor ku xusan. Xisbiga Waddani waxa uu gudbiyey dacwad aan nooceeda hore loo arag oo ku socota dawladda Somaliland oo wada jirta (Wakiillo iyo Madaxtooyo). Dawladnimada ayaa nidaam xisbiyo ah innoo sameysay, shuruucda dalka iyo kuwa xisbiyada ay ku jiraan dawladnimada ayaa sameysay.

Marka ay sidaa tahay, waxa ay la mid tahay abuur ka dacwoonaya ciddii abuurtay. Waxa habboonaan lahayd in Waddani u fahmo dawladnimada sida ay tahay, ee aannu u fahmin sida ay isaga kaliya la noqoto. Madaxweynuhu labada doorasho ee uu kala qaaday waxa uu u maray sifo sharci ah.

Waxa uu qabtay codsi axsaabta uga yimid oo kalsooni ku siinaya in uu go’aan rasmi ah oo kama dambeys ah ka gaadho sida xal loogu heli karo saami-qaybsiga Wakiillada. Go’aanka uu ku kala qaaday waxa uu ku sababbeeyey waxa kalifaya in uu sida tan yeelo. Isla markaana, waxa uu u maray sidii sharcigu dhigayey oo Gollahii Wakiillada ayuu u gudbiyey.

Hadda go’aanku ma aha go’aan Madaxweyne ku kali ah ee waa go’aan laba golle oo sharci ah oo dalka saddexdiisa dhadhaar ka mid ahi isku waafaqeen. Sida muuqatana dadweynuhu aaney si guud uga hor iman. Maxkamaddu shaqo sifo sharci ah u meel martay ma daa’dafayn kartaa? Waa intaa inta uu garan kari la’yahay Waddani.

Suura-gal ma aha in ay Maxkamaddu ka hor iman karto hay’addo sharci, iyada oo tix-galinneysa xisbgi hay’addaha sharcigu abuurreen oo si aan sharci ahayn u dacwoonaya. Waxa aan u soo jeedin lahaa axsaabteena qaranka in masuulliyiintiisu bartaan habka dawladnimadu u shaqeyso, haddii kale adduunyada balaadhan ee aynnu ka midka nahay ayaa aad innoogu qosli. Haddaba ha barteen masuulliyiinta dacwadda gudbiyey e, go’aan baarlamaan kaliya laba jeer ayaa laga hor iman karaa:-

in Madaxweynuhu diiddo oo uu daa’dafeeyo isaga oo isticmaallaya awoodda diidmo (Veto) ee dastuuriga ah, oo uu la kaashanayo Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah. Arrintani hore ayey innoo soo martay 2005 oo Madaxweyne Rayaale ayaa sameeyey oo ku kala diray Gollihii Wakiilladdii ka dib markii ay Maxkamddu ku waafaqday.

Marka labaad ee laga hor iman karo go’aan baarlamaan waa marka ay shacabku si baaxad weyn uga hor yimaadaan oo ay muddaharaaddo waaweyni is qabsadaan. Hadda se labadaa midna ma hayno, waliba waxa intaa dheer in xaalku aannu ahayn golle barlamaan e, uu madaxtooyadduna ay ku wada socdaan. Waddani oo guddoomiyihiisu yahay hor-jooggaha aqalka Wakiillada, waa uu og yahay runta iyo xaal sida uu yahay e, waa uun la is yeelyeellayaa.

Soomaali Ayuu Ahaa Ninkii Dadka Ku Tooriyeeyay Minnesota

Nin mindi ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo ku yaalla gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu ahaa Daahir Adan oo ahaa 22 jir arday ah.

Aabihii Axmed Aadan ayaa wargeyska Minneapolis ka soo baxa ee Star Tribune u sheegay in Dahir oo ahaa wiil Soomaali ah uu ku dhashay Kenya balse 15-kii sano ee la soo dhaafay uu ku noolaa Maraykanka.

Wuxuu sheegay in waligii uusan ku tuhmin in uu ku lug lahaa falal xag-jirnimo.

Booliiska ayaa ku wargeliyay Axmed in wiilkiisa la toogtay, kaddib markuu tooriyeeyay sagaal qof.

Ma jirto wax caddaynaya sababtii ku qaaday in uu dadka ku tooriyeeyo magaalada St. Cloud oo 100 km u jirta magaalada Minneapolis.

Kooxda la magac baxday Dowladda Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna intaas ku dartay in mid ka mid ah askartooda uu weerarkaasi geystay.

Ilaa iyo hadda masuuliyiinta si rasmi ah umaanay xaqiijinin aqoonsiga shaqsigii weerarka gaystay.

Minnesota waxay hooy u tahay Soomaalida ugu badan ee ku nool dalka Maraykanka, Bulshada Soomaalid ayaa si weyn u cambaareeyay falka uu ku kacay Daahir.

Kenya Oo Sheegtay In Maxkamada Ka Garnaqaysa Sohdimaha Badda Aanay Xaq U Lahayn

Kenya ayaa maxkamadda Caddaaladda Dunida ka hor sheegtay in maxkamdaasi oo fadhigeedu yahay magaalada Hague aanay  daw u lahayn qaadista dacawadda la xidhiidha soohdinta badda ee kala dhaxeyso Soomaaliya.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa maanta dhageysanayay sababta Kenya ay u diidan tahay in dacawddan ay maxkamadda dhageysato.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muigai ayaa maxkamadda u sheegay inay jiraan laba siyaabood oo aan dawcadda ahayn oo lagu xalin karo murankan sida in la raaco heshiiskii is afgaradka ee Soomaaliya iyo Kenya ay kala saxiixdeen sanaddii 2009-kii amaba in loo maro heshiiska caalamiga ah ee xadaynta badaha ee Qaramada Midoobay.

Dhagaysiga ayaa khuseeya oo kaliya diidmada ka timid dhinaca Kenya oo ku doodeysa in maxkamaddan aanay awood u lahayn in ay xaliso murankan.

Soomaaliya ayaa berrito jawaabi celin ka sameyn doonto doodaha ay soo gudbisay Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dacwaddan geysay maxkmaddan oo ah waax garsoor o ka tirsan Qaramada Midoobay sanaddii 2014-kii.

Labada dalba waxay sheeganayaan lahaanshaha dhul badeed bedkiisu uu gaarayo 142 kun oo km, waxayna sidaasi darteed Soomaaliya ka dalbatay maxkamadda inay xadeyso xaduuda badda ee labada dal si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.

Balse dawladda Kenya ayaa su’aal galisay awoodda ay maxkamadda u leedahay in ay qaado dacwaddan oo ay sheegtay inay ka baxsantahay xeer-xeyndaabkeeda.

Maxkamadda Isbuucan

Maxkamadda waxay sheegtay in isbuucan ay dhageysan doonto dooda Kenya ay ku diidantahay in maxkmadda ay gasho dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay iyadoo dawladda Soomaaliyana fursad loo siin doono inay jawaab-celin ka sameyso doodda Kenya.

 Waxaa jiri doona labo wareeg oo dhageysiga dacwaddan ah, waxaana la soo gabagabeyn doonaa Jimcaha soo socdo.

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya, Dr. Axmed Cali Daahir, ayaa BBC-da u sheegay in Soomaaliya ay ka go’antahay in doodda muranka soohdinta lagu soo afjaro maxkamadda caalamiga ah ee Caddaaladda.

Maxaa xiga dhgeysiga

Maxkamadda ayaa marka ay dhageysato doodan labada dhinac waxay go’aan ka soo saari doontaa dalabka Kenya ee ah in maxkmaddu aanay qaadi karin doodan iyo in kale.

Dr. Axmed ayaa sheegay in garsoorayaasha maxkamadda ay go’aan ku gaari doonaan muddo seddax bilood gudahood ah.

Haddii garsoorayaasha maxkamadda ay u arkaan in dacwaddan ay tahay mid maxkamadda xeer ahaan u taalla waxay ku amri doonaan dawladda Kenya inay ka soo jawaabto dacwadda laga soo gudbiyay oo sidaasi ay ku billaabato dhageysiga dacwadda ay Soomaaliya soo gudbisay.

Go’aannada ay gaarto maxkamaddan racfaan lagama qaadan karo, waxayna dhinacyada ku khasbanyihiin inay fuliyaan.

Shidaalka badda lagu mursanyahay

Waxaa la rumeysan yahay in badda ay ku muransan yihiin Kenya iyo Soomaaliya uu hoos ceegaago keyd shidaal.

Dowladda Kenya ayaa dacwadda ka hor heshiis kula gashay shirkado caalami ah inay aag-badeedka lagu muransnyahay ay shidaal ka baaraan. Balse markii ay Soomaaliya dacwadda gudbisay laba sano ka hor qaar ka mid ah shirkadaasi ayaa billaabay in ay hakiyaan hawlihii ay halkaa ka wadeen halka kuwa kalana ay wali sii wadaan.

Wasaaradda Arrimaha Debadda ee Kenya waxay hadda ka hor ka digtay in haddii ay Soomaaliya ku guuleysato dacwadda ay suurta gal tahay in Kenya ay ku dhacdo bad la’aan.

Kashmiir: Ciidamada India oo 17 askari lagaga dilay weerar ka dhacay Xaduuda

Maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kooxaha u dagaalama madax banaanida gobalka Kashmiir ee India maamusho ayaa weerar ku qaaday Saldhiga Ciidamada India ku leeyihiin magaalada Uri ee saaran xadka u dhaxeeya deegaanada ay ka kala taliyaan India iyo Pakistaan ee Kashmiir.

Weerarkan ayaa la sheegay inay fuliyeen afar dagaalyahan kuwaasi oo aroornimadii shalay subax gudaha u galay saldhiga Militariga India xili ay askarta intooda badan hurdeen, waxayna qaraxyo la beegsadeen goobaha ay askarta seexato ee saldhigaasi oo qeyb kamid ah dab la qabadsiiyey.

Kadib waxaa halkaasi ka bilowday iska horimaad muddo saacado ah socday, Taliska Ciidanka India ayaa xaqiijiyey in weerarkan ay uga dhinteen 17 askari, waana weerarkii ugu cuslaa ee ciidamada India lagu qaado in dhawaale.

Gobalka Kashmiir oo u qeybsan labo qeybood ayey kala maamulaan India iyo Pakistaan, gobalkaasi oo dadka degen u badan yihiin muslimiin ayaa in badan oo kamid ah dooneysaa inay helaan madax banaani. Xukuumada India ayaa ku eedaysay dowlada Pakistan inay ka danbeyso abaabulka maleeshiyaadka weerarka kusoo qaaday.

Xalka Saami-Qaybsiga Kuraasta Wakiilada

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

dooda saami qaybsiga ayaa ah mida ugu weyn ee Somaliland wakhtigan haysata, caqabadna ku noqon kara hanaanka diimuqraadiyadeed ee bilaabmay 2001 dibna ugu celin kara nidaamkii beeleed.

mushkilada salkeedu wuxuu yahay is dhex galka dhaqanka iyo siyaasada, oo dhinaca dhaqanka markaynu ka eegno beel kastaaba waxay kuraasta baarlamaanka u aragtaa mid ka turjumaysa cududeeda iyo sharafteeda isla markaana noqonaya waxay ku faanto beeshaasi, oo haddi ay kuraasi yar hesho amaba ay waydo waxay beeshaasi isku arkaysaa mid aan waxbaba ku lahayn Somaliland, maadaama cid iyaga ahi aanuu meesha ugu jirin.

halka nidaamka dawladnimo uu xildhibaanada u arko inay yihiin kuwo lagu soo doorto mabaadii iyo afkaarta ay xambaarsan yihiin, oo ma jirto beel guulaysanaysa iyo beel guul darraysanaysa, balse waxa jiraaya fikrad guulaysanaysa iyo mid guuldarraysanaysa oo ay shacabku diidaayaan.

markaa caqabada ugu horraysa ee ugu weyn ee ina hor taalla waxay tahay, Ma reero ayeynu tartansiinaa mise afkaar iyo mabaadii?

maadaama aynu ognahay dabeeceena soomaaliyeed ee saldhig u yahay faanka iyo isla-weynida ku salaysan qabiilka iyo reernimada, sidaa daraadeed way adag tahay in aynu reer ka dhaadhicino (waad tiro yar tahay) ama waxaad tahay laan gaab, sidaa awgeed tartansiinta qabaayilku wuxuu u eekaanayaa dagaal sokeeye oo lagu dagaalamayo warqad halkii lagu dagaalami lahaa xabad.

sidaa awgeed waxaan soo jeedinayaa in lagu soo noqdo nidaamkii dawladeed ee aynu qaadanay ama in aynu ka run sheegno nidaamka reereed oo aynu iska dayno muuqaalada beenta ah ee dawladnimada, anigu shakhsiyanna waxaan jecelahay ka hore, maadaama uu yahay ka inoogu haboon aragtidayda.

xalka aan hayaa wuxuu yahay, in doorashada wakiilada lagu galo hal liisto oo qudha oo ka dhaxaysa dhamaan Somaliland oo ay Somaliland oo dhami noqoto hal degmo-doorasho (constituency) oo musharaxiinta aan gobolo loo kala saarin, oo murashax walba looga codayn karo meel kasta oo Somaliland ah, tusaale ahaan: qofka ka sharaxan Hargeysa looga codayn karo ceerigaabo iyo meel kastaaba oo sanduuq codayni yaallo.

waxa sidoo kale taasi la raacinayaa in qofka ku guulaysanaaya doorashada uu noqdo murashaxa gobal kastaaa ka hela boqolkiiba 20%, si aanay doorashadu u noqon mid ay ku tartamaan reero, taasoo u eeg habka axsaabta loo kala saaray, oo reer cayimani inta badan wuxuu awood ku leeyahay gobol kaliya ama lababa, laakiin haddii uu shardi noqdo inuu Somaliland oo dhan murashaxu uu cod ka helo waxa xaqiiq ah inuu inoo qabsoomaayo tartan ka korran qabyaalad oo ku salaysan afkaar iyo mabaadii, taasoo uu ka dhalanaayo baarlaaan Somaliland hormar gaadhsiiya, iyadoo ay muhiim tahayna in la adkeeyo shuruudaha murashaxiinta si ay marka horeba tartanka u soo galaan dad xul ah.

arrintani beelna ka cadhaysiin mayso, cid gaaar ahna ka farxin mayso, ee kaliya culayska kaliya ee ay leedahay waxay tahay daabacaada waraaqaha ay ku qoran yihiin 246 murashax ee Somaliland oo dhan ka tartamaaya ee la dhigaayo goob kasta oo doorasho iyo culayska wacyigalinta muwaadiniinta ee kala saarista astaamaha murashaxiinta.

Ugu dambayn is ma lihi fikradan fudud waa ay madaxtooyadu garan wayday, ama ay saddexda xisbi siyaasadeed ee dalku curin karin waayeen, ama labada aqal ee sharci dajin (wakiilada+guurtidu) ay soo bandhi kari waayeen, balse waxaan hubaa inay dhamaantood fahansan yihiin xalkan fudud, haddii aanay aqoontoodu gaadhsiisnayna inay xalkan fudud curiyaan waxaan aaminsanahay inay masiibo weyn ay tahay inay xilka fadhiyaan, shacabkana ay arrintaasi fadeexad ku tahay.

iyadoo xalalkani jiro iyo xalal kale oo badan oo wanaaga aynu ku gaadhi karno, waa arrin aad looga xumaado inay Somaliland jarato tikidhka diyaarada gaynaaya qaran duminta, diyaaradaasi oo ku socota xawaaro aan la qiyaasi karin.

Waan ogahay in Somaliland dhaaftay marxaladii talooyinka la soo jeedinaayay oo ay marayso marxaladii ducada loo badin lahaa in Ilaahay madaxdeena iyo shacabkeenaba garansiiyo dantooda aduunyo iyo mid aakhiro, laakiin kaliya waxaan iska ridaayay waajib aan is idhi aqoonyahan ahaan waa mid xil kaa saaran yahay ummadaada inaad fikirka la wadaagtid.