Akhri Wararka Wargeyska Warsugan Qoray Maanta Oo Axad ah

0
497

Burco: Xog-warranka Hooyo Inanteeda Dhibaato Ka Soo Gaadhay Dadka Wax Sirxa Iyo Walaaca Sixirka Oo Somaliland Ku Soo Badanaya

“Wali alaan sidii ayay koomo ugu jirtaa, saddex irbadoodna way ku yaallan oo lagu muday, isdhaafna way bixinaysa; yaan la I qalaneey! Waa la I qalanayaa ee yaan la I qalineey’ intaas uun hadalkeedu weeye maskaxdeeduna wali caadi maaha,” ayay tidhi Deeqa

Burco(Warsugan) Gabadh  dhalinyaro ah ayaa magaalada Burco muddo lagu qafaashay waxaana la rumaysan yahay in ay kaxaysteen dadka Wax sirxa sida ay sheegtay Hooyadeed Deeqa Cismaan oo Telefishanka Star la hadashay. Hooyada ayaa sheegtay in Inanteeda oo qaangaadh ah muddo saacado ah la la’aa ilaa haddana ay isdhaaf ku jirto ama koome ku jirto.

Hooyo Deeqa ayaa sidan uga sheekaysay sidii wax u dhaceen “Inantu Duhurkii markii Salaadda Duhur laga baxay ayay baxday oo inan bay maryo u doonatay, Salaaddii casar markii aan waayay reerkii baan garaacay waxay yidhaahdeen ‘maanan arag” xaafad kale ayaan ka soo eegay, telefoonkeedii baan garaacay isna guriga ayuu yaallay telefoon kalena kama hayn, meel kale oo aan u doonana ma garanayn oo dadkii aan u malaynayay waan soo wada dhammeeyay,” ayay tidho hooyada inanta dhashay

Sidoo kalena hooyo Deeqa ayaa ka sheekaysay sidii inanta loo helay”Makhribkii anigoo aan wali waxba hayn oo gaadhigii baafinta markaa diyaarsanaya baa la igu yidhi ‘Inantaadii oo mayd ah ayaa halkan taalla’ Salaadda Makhrib baa lagu jiray oo saddex qof baa arkyay gabadh riyo xaraynaysay, gabadh ilmo yar oo ay dukaan u diratay sugaysay iyo ilmo yar, gaadhigu Tagsi cad buu ahaa gabadh iyo nin baa saarna, xagga dambe ayaa laga tuuray oo xashiish baanu moodaynay ayay yidhaahdeen, dabeedna markay cabaar isla maqnayd ayay qaylisay oo lagu soo yaacay, markaas baa la gartay oo aniga telefoon la ii soo diray sidaas baanan ku soo qaaday,” ayay tidho Hooyo Deeqa.

Hooyada ayaa sheegtay in marar inantu soo miirayowday ay ku hadashay hadallo isdhaaf ah u muuqda inay sas ka qaaday meesha la geeyay “Wali alaan sidii ayay koomo ugu jirtaa, saddex irbadoodna way ku yaallan oo lagu muday, isdhaafna way bixinaysa; yaan la I qalaneey! Waa la I qalanayaa ee yaan la I qalineey’ intaas uun hadalkeedu weeye maskaxdeeduna wali caadi maaha,” ayay tidhi Deeqa

Geesta kale inanta ayaa xog kooban ka bixisay cidda kaxaysatay iyo meesha la geeyay “Mar bay hadashay oo waxay tidhi ‘ anigoo xaafaddii ku sii socda ayuu nin I salaamay oo I yidhi ‘adeer gurigii hebel meey?’ dabeedna ninkii ayaan raacay’ intaas markay na tidhi ayay koomo dib u gashay, xageed qabatay markaanu nidhi meeshii la igu qalayay ayaan tagay oo waata la I qalayo ayay tidhi oo isdhaaf ayay bixisay,” ayay tidhi Hooyo Deeqa

Geesta kale Taliyaha booliska gobolka Togdheer Cabdi Muuse oo arrintan wax laga waydiiyay ayaa ku jawaabay “Arrintaasi dalkeena way ku badan tahay sixirkaasna waa la sheega, boolisku baadhis badan buu sameeyay ilaa haddana waanu ku daba jirna wixii ka soo baxana natiijadeeda waanu sheegi doona laakiin, ilaa imika waxaan ka sii hordhaca ma jiro. Cabashada maaddaama aanu ciidanka amniga nahay xil baa naga saaran baadhis badana waanu ku samayn. Dadweynaha ay arrimaha noocan ahi ku dhacaan waa inay booliska la soo xidhiidhan oo haggaan wixii ay ka og yihiin.”

 

Golaha Guurtida Oo Kor U Qaaday Xaraarada Muddo Kordhinta Iyo  Guddi 21 Mudane Ah Oo Loo Saaray Ka Talo Bixinta Qabsoomida Doorashooyinka

Xisbiga Waddani Oo Ku Gacan-saydhay Guddida La Magacaabay Iyo Guurtida Oo Ballanqaaday In Isniinta La Soo Saarayo Go’aan Qiimayntooda Ku Salaysan + Magacyada Guddida Loo Saaray Arrintaas

Hargeysa(Warsugan) Golaha Guurtida Somaliland ayaa magacaabay guddi qiimaysa muddada ugu macquulsan ee loo kordhin karo xukumadda Madaxweyne Siilaanyo, Goleyaasha Degaanka iyo Baarlamaanka. Golaha waxaa horyaallay muddo todoba bilood ah oo saddexda xisbi, xukumadda iyo komishanku isku raacay in loo kordhiyo xukumadda, islamarkaana goleyaasha degaanka iyo wakiillada dib loogu riixo bisha Oktoobar ee sanadka 2018-ka laakiin, Guurtida ayaa daaqada ka tuuray qiimayntaasi islamarkaana iclaamiyay inay qiimayntooda ku salaynayaan muddo kordhimaha loo samaynayo Xukumadda, Goleyaasha Degaanka iyo Wakiillada oo wakhtiyadoodu dhammaad yihiin.

Fadhigii shalay ee golaha oo laga filayay in muddo kordhin lagu sameeyo ayaa waji kale yeeshay kadib markii guddoomiyaha guurtidu iclaamiyay guddi talo bixineed oo muddo laba cisho ah darista wakhtiga loo kordhin karo xukumadda iyo goleyaasha kale “Talo wanaagsan oo wax ku ool ah oo sharciyad loo eegay oo umaddu ku faraxdo ayay soo saari doonta guddidu. Taladooda ayaa la bandhigi doona, maaddaama guddida la badiyay oo ilaa guddoomiyahooda 22 laga dhigay, islamarkaana ay yihiin xubnihii ugu waayo aragsanaa una soo joogay kordhimo hore oo noocan oo kale ah waxa laga sugaya talo umaddu ku faraxdo,” xoghayaha guud ee Golaha Guurtida oo ka hadlayay sababta guddida loo saaray.

Xoghayaha guud ee Guurtida Mudane  Cabdinaasir Aadan Beegsi sidoo kalena ah la taliyaha dhinaca sharciga ee golaha ayaa mawqifkii xukumadda iyo xisbiyadu golaha u soo gudbiyeen ku tilmaamay mid la mid ah Qoraalladii madaxdu waligeedba u soo gudbin jirtay golaha “Taasi waa talo Madaxweynuhu soo jeediyay, iyadoo madaxweyneyaashii ka horeeyayna sidaas u soo qori jireen, Madaxweynaha uu horeba u soo qoray haddana talo kasta oo la soo jeediyo sharcigu wuxuu qabo uun baa la eegaya, goluhuna dhaafi maayo wixii sharcigu yahay,” ayuu yidhi Mudane Beegsi.

Xoghayaha ayaa intaasi ku daray in marka ay Sabti iyo Axad guddidu qiimayso xaaladda muddo kordhinta la samayn doono isniinta “Insha Allah maalinta Isniinta war lagu farxo ayaa ka soo bixi doona golaha,” ayuu yidhi Mudane Beegsi

Xisbiga Waddani Oo Qaadacay Guddida

Saddexda Xisbi, Xukumadda iyo Komishanku Muddo kordhinta Mabda ahaan ayay isla qaateen in muddo 7 bilood ah lagu daro doorashada Madaxtooyada. Waxay ahayd markii u horaysay ee mucaaradku soo jeediyo muddo kordhin laakiin, hadda waxay u muuqata in xisbiyadu dareemayaan warwar ah in Guurtidu kordhiso muddo ka badan 7 bilood.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa xukumadda ku eedeeyay in ay ay Guurtida ku qalqaalisay muddo kordhinta dheeraadka ah “Arrinka meesha yaalla waa mid Qaranku ka heshiiyay, wixii intaas ka duwan ee lala yimaaddana Qaranka ayaa la iska horkeenaya. Guurtida ayaa awood u leh inay kordhiso laakiin, waxay ku xidhan tahay baahida dalka iyo dadka iyo wixii umaddu diyaar u tahay, umaddu mawqifkeeda way caddaysay oo saddexda xisbi, Madaxweynaha iyo Komishanka intuba way isku raaceen muddada qoraalna waa loogu gudbiyay, wixii intaa loo dhaafo waxaanu u aragnaa ballan hoose oo xukumaddu la gashay Golaha Guurtida, aqbali mayno, yeelina mayno haddaanu xisbiga Waddani nahay,” ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga Waddani.

Xoghaye Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, ayaa intaasi raaciyay in markii u horaysay mucaaradku muddo kordhin dalbaday iyadoo ka naxaya abaaraha dadkooda ku habsaday laakiin, wax inta la isku raacay ka badan aanay yeeli doonin “Haddii Saleebaan iyo colkiisa, asxaabtiisa iyo xukumadda in ka mid ahi ay damcaan inay fursadda ka faa’iidaystaan oo ay si kale u dhigaan oo muddo aan loo baahnayn kordhiyaan, waxaanu diyaar u nahay inaanu mudaharaad galno kana hornimaadno,” ayuu yidhi mudane Uurcadde.

Muddooyinkii u dambeeyay waxaa rayi-caamka Somaliland haystay Saldhiga Militari ee Berbera waxaana si qabow u socotay dadaalka muddo kordhinta laakiin, waxay u muuqata in xaraaradeedu hadda kor u kacayso, iyadoo durba bulshadu baraha bulshada ku muujisay in guddida Guurtidu magacowday astaan u tahay inay ka tallaabsadeen muddadii la isku raacay, islamarkaana ay suuro gal tahay inay muddo dheer kordhiyaan.

Guddoomiye kuxigeenka golaha guurtida Somaliland ayaa mudane Siciid Jaamac Cali ayaa Guddoomiye u ah Guddida tala bixinta muddo kordhinta, sidoo kale waxaa xog haye u ah xoghayaha guud ee golaha mudane Cabdinaasir Aadan Beegsi

Xubnaha Guddida

  1.  Xildhibaan Suldaan Ismaaciil Sul Cabdiraxmaan
  2.  Xil. Maxamuud Xareed Rooble
  3.  Xil. Cawil Cismaan Maxamuud
  4.  Xil. Axmed-nuur Aw Cali Aadan
  5.  Xil.  Cabdiqaadir Maxamed Xasan
  6.  Xil.  Cabdiraxmaan Qadhwan Maxamed
  7.  Xil. Dayib Xasan Axmed
  8.  Xil.  Siciid Cabdillaahi Yaasir
  9.  Xil.  Xirsi Ciise Jaamac
  10.  Xil.  Cabdicasiis Maxamd Gaaxnuug
  11.  Xil.  Siciid Xaaji Xuseen Hurruusi
  12.  Xil.  Muxumed Aw Axmed Xaaji Aadan
  13.   Xil.  Muuse Xaaji Cabdi Ducaale
  14.  Xil.  Muuse Ibraahin Aw Nuur
  15.  Xil.  Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf
  16.  Xil. Nuur Riyaale Khayre
  17.  Xil. Cawl Xuseen Axmed
  18.  Xil. Axmed Daahir Jirde
  19.  Xil.  Xaaji Cabdiraxmaan Cismaan Jaamac
  20.  Xil.  Yuusuf Cabdillaahi Cawaale

 

“Madaxweynuhu Codsi Buu Geeyay Baarlamanka, Heshiis Ma Gayn, Wada Hadalkiina Wali Muu Bilaamin,” Wasiirka Arrimaha Dibada

Hargeysa(Warsugan) Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa sheegay in heshiiskii Baarlamaanku ansixiyay ee Saldhiga Imaaraadku ahaa codsi Madaxweyne oo ay ka dhex muuqdan qodobada heshiiska ku jiri doona. Wasiirka oo hore looga dareemay in aanu heshiiska ogolayn ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil ka bixiyo aragtidiisa Saldhiga Militari ee Berbera faa’iido iyo khasaare mida uu Somaliland u leeyahay.

Wasiirka oo shalay u warramayay telefishanka Saabtv waxa uu sheegay in mudaharaadka London ka dhacay ee lagaga soo horjeeday Saldhiga Berbera ahaa mid dadku xaq u leeyihiin “Qofka muwaadinka ahi wixii uu xaq u leeyahay inuu sameeyo cidina u diidi mayso laakiin, wax walba nidaam bay leeyihiin, waxana fiican in wax walba nidaamkeeda loo maro oo laga fikiro marka hore muxuu faa’iido keeni karaa muxuu khasaare keeni karaa? In la miisaamo ayaa wanaagsan, muwaadinka laftiisu wuxuu leeyahay meelo badan iyo albaabo badan oo uu ku cabiri karo fikirkiisa,” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Geesta kale waxa uu si waadax ah u sheegay in wada hadalka Saldhiga Militari yahay mid hadda uun bilaamaya “Horta wax male ahba maaha, Madaxweynuhu codsi buu geeyay Baarlamaanka, heshiis ma gayn, madaxweynuhu codsi buu geeyay iyo qodobada la doonayo heshiiska inay ku jiraan oo lagala hadlayo cidda Saldhiga ina soo waydiisatay oo ah dawladda Imaaraadka wada hadalkiina wali muu bilaamin,” ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Hadalka Wasiir Sacad Cali Shire ayaa u muuqda mid ka hor imanaya sida xukumadda Madaxweyne Siilaanyo u difaacdo Saldhiga Militari. Dawladda ayaa hore u sheegtay in heshiiska Imaaraadka iyo Somaliland ay ansixiyeen 144 mudane oo baarlamaanka ah, islamarkaana uu sharci yahay. Sidoo kale mudaharaadka London ayay xukumaddu ku eedaysay in dawladda Soomaaliya iyo xisbi mucaaradka Waddani wada jir u abaabuleen kana soo horjeedan horumarka dalka.

Odayaasha Berbera Oo Faysal Cali Waraabe Uga Digay Dacwadda Ka Dhanka Ah Maayar Cabdishakuur Ciddin

Berbera(Warsugan) Odayaal iyo waxgarad magaalada Berbera shalay ku qabtay shir jaraa’id ayaa difaacay maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin. Waxa ka soo horjeesteen dacwadda xisbiga UCID ka gudbiyay lix xildhibaan oo Maayar Ciddin ka mid yahay, kuwaasi oo ku eedaysan inay si sharci darro ah uga baxeen xisbiga UCID una galeen xisbiga Kulmiye. Dacwadda oo markii hore loo gudbiyay Komishanka doorashada ayaa loo baahday tafsiir sharci waxaana la gudbinaya Maxkamadda oo go’aan ka soo saaraysa muranka mudaneyaasha iyo UCID.

Odayaasha Berbera ayaa sheegay in ay godob hore ka tirsanayaan Faysal Cali Waraabe maaddaama uu jagada musharraxa ka tuuray Jamaal Cali Xuseen, haddana aanay aqbalayn faro faraynta kursiga Maayarka “Haddaanu nahay odayaasha gobolka Saaxil waxaanu leenahay waa gardarro dacwadda uu Faysal Cali Waraabe ka keenay xubnaha ka baxay, haddii uu adiga xeerku ku qaban waayay dee cid kalena qaban maayo,”  Caaqil Jaamac Maygaag Muxumed ayaa sidaas yidhi.

“Faysal Cali Waraabe wuxuu samaynaya waxyaabo badan oo mundarro ah oo aanu gobol Saaxil ahaan ka tirsanayno, Maayarka Berbera wuxuu ku soo baxay codkii Saaxil.Waxaanu halkan ka cadaynayan arrimaha gardarrada ah ee uu wado guddoomiye Faysal Cali Waraabe isagoo daba socda xildhibaannadii New UCID, waxaanu leenahay markii horeba waxba iskuguma keen jirin, waynu shuraakownay shuraakadiina ku kala baxnay,” Suldaan Shabcaan Jirbiil Jaamac ayaa sidaasi yidhi.

Xisbiga UCID ayaa qorsheeyay in mudanihii xagga codka ku soo xigay Berbera doorashadii 2012 lagu bedelo Maayar Cabdishakuur Ciddin. Sidoo kale maayarka Gabiley iyo mudaneyaal kale ayaa ku jira xildhibaannada sharciga wajahaya, kuwaasi oo ku eedaysan in aanu xildhibaannada xisbiguu ka soo baxay iskaga bixi Karin.

 

Wasiirka Qorshaynta Oo Sharraxay Qodobo Ka Soo Baxay Kulan Guddida Horumarinta Qaranku Yeelatay

Hargeysa(Warsugan) Guddida Horumarinta Qaranka Somaliland ayaa shalay kulan ku yeeshay xarunta wasaaradda Qorshaynta Qaranka waxaana laga soo saaray qodobo lagu dardar gelinayo mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda oo ay ka mid yihiin doorashooyinka iyo kuwa kale ee hay’addaha dawladda wadaan.

Wasiirka Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka Maxamed Ibraahin Aadan(Qabyotire) ayaa markii kulanku dhammaaday faahfaahin ka bixiyay arrmaha lagu soo qaaday “Shirkii guddida horumarinta Qaranka oo ka kooban 14 wasiir ayaanu ku qabanay wasaaradda, guddidu afartii biloodba mar bay fadhiistan waxaanay ka wada hadlaan waxyaabaha ugu badan ee Horumarka Qaranka ah, iyagoo xoogga saara Sanduuqa Horumarinta Somaliland(SDF) iyo Qorshaha horumarinta Qaranka,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sharraxay go’aannada ka soo baxay kulankooda “ Falanqayn dheer kadib waxaanu isla qaadanay in aanay Deeq bixiyayaasha la qaadanay go’aanno ay soo saareen oo ah in laba loo kala saaro mashaariicda; in wixii qabsoomayana la sii wado, wixii aan qabsoomayna dib loogu dhigo 2018-ka, mashaariicda SDF inta badan way fuleen wixii aan fulina in la dardar geliyo ayaanu isla qaadanay, mashaariicda iyo doorashooyinkaba maaddaama wasaaradda Qorshayntu tahay mucda la isugu yimaaddo,” ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa intaasi raaciyay in la isla fahmay in wax ka bedel lagu sameeyo mashaariicdu habka ay u socoto, islamarkaana dib loo eego dhinacyda fulinta leh si loo dedejiyo wakhtiyada mashaariicdu soconayaan oo horu-dhaqaqaaq loo sameeyo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Oo Beesha Caalamka Kala Hadlay Sidii Dib U Habaynta Garsoorka Loo Taakulayn Lahaa

Hargeysa(Warsugan)  Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Prof Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa magaalada Nayroobi ee Kenya kulamo kula qaatay waddamada reer Galbeedka iyo hay’addaha caawimada bixiya, isagoo olole ugu jira sidii Garsoorka Somaliland u heli lahaa taageero dhaqaale oo dib loogu habeeyo laguna balaadhiyo.

Guddoomiyaha oo shalay saxaafadda kula hadlay safaaradda Somaliland ee Nairobi ayaa sheegay inuu wakiillada dalal badan kula kulmay Nayroobi “Intii aan halkan(Nairobi) jooga waxaan la kulmay oo qaarna I casuumeen qaarna aan anigu la kulmay safaarado badan. Waxaan la kulmay safiiradda guud ee Midawga Yurub halkan u fadhida, waxa kale oo aan arkay safiiradda Denmark oo afar dal qaabilsan (Kenya, Eriteriya, Jasiirad kale, Somaliland iyo Somalia), waxa aan arkay safiir kuxigeenka Jarmalka, waxaan la kulmay safaaradda Maraykanka oo aan koox badan kala kulmay iyo hay’addooda deeqda bixisa ee USAID-ka, waxa aan arkay hay’adda mucaawimada dibada u qaabilan Ingiriiska ee DFID, waxa kale oo aan arkay hay’addo yaryar oo badan oo NGOs ah oo deeqda bixiya,” ayuu yidhi guddoomiyuhu.

Waxa uu sheegay in ujeedka socdaalkiisu ahaa taageero u raadinta Garsoorka Somaliland “Waxaan olole ugu jiray sidii wax loola qaban lahaa bahda Garsoorka, iyo Caddaaladda, waxaanay hay’adda musaacadada bixiya sheegeen inay garab istaagayaan oo sanadada soo socda dhaqaale galin doonan,” ayuu yidhi Prof Aadan.

Isagoo sii hadlaya waxa uu yidhi “Ujeedka ugu weyn een u socday waxa weeye dib u habayn weyn baa ku socda Caddaaladda iyo Garsoorka, markaa dib u habaynta inay garab istaagan. Arrinka labaadna waxa weeye waxaanu doonayna inaanu hay’addaha garsoorka ku balaadhino meelaha dalka aanay gaadhin ee ka fogfog magaalooyinka waaweyn oo aad loogu baahan yahay in garsoorku gaadho, in boolisku gaadho iyo in hay’addaha kale ee sharciga fuliyaa gaadhan.”

Cabdillaahi Cabdi Cali danjiraha Somaliland u jooga Nayroobi ayaa guddoomiyaha uga warbixiyay xaaladda safaaradda waxaanu sheegay in hadda ay dadku barteen una soo doontan fiisaha iyo waxyaabaha kale ee ay uga baahdan.

 

Maamulka Gobolka Sanaag Oo Ka Digay Mudaharaaddo Ka Dhan Ah Saldhiga Berbera

Ceerigaabo(Warsugan) Badhasaabka Sanaag Axmed Cabdi Falaay iyo Taliyaha booliska gobolka Sanaag Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Cumar ayaa shalay shir jaraa’id ku sheegay in aanay aqbali doonin mudaharaado xisbiga Waddani hadal hayo. Masuuliyiinta ayaa bulshada ugu baaqay ilaalinta ammaanka xilligan oo lagu jiro abaaro ba’an oo guud ahaan dalka gaar ahaana gobolka Sanaag aafeeyay.

Guddoomiye Falaay ayaa ku hanjabay in ah talaabo ka qaadi doonaan cidda ku kacda falal ammaan darro “Waxa jirta hadallo xisbiga Waddani kaga hadlayay Saldhiga Berbera iyaga oo aad moodo inay meelo kale xidhiidh la leeyihiin, waxaan leeyahay Gobolka Sanaag dadweynaha jooga waa dadweyne nabada jecel, waa in nabad gelyada la ilaaliyo oo cid aan sharci u haysan mudaharaad aanay samayn Karin, si nabada loo ilaaliyo lama ogola, tallaabo ayaanu ka qaadayna cidda isku dayda, Saldhiga Berbera waxaan leeyahay waan taageersanahay in la keeno,” ayuu yidhi mudane Falaay.

Geesta kale taliyaha booliska qaybta Gobolka Sanaag, ayaa bulshada ugu baaqay ilaalinta ammaanka “Gobol ahaan diyaar uma aha dadkayagu shaqaaqooyin hor leh oo dadku ku kala fogaado oo bulshadu ku kala dheeraato oo daasado been ah loo tumo diyaar uma nihin, waxaanu diyaar u nahay in nabad galyada la adkeeyo, in danaha bulshada laga shaqeeyo anagana gacan nalaga siiyo maaddaama aanu habeen walba idinka idin soo jeedno,” ayuu yidhi Taliyuhu.

Masuuliyiinta gobolka Sanaag ayaa geesta kale sheegay in xaaladda abaaraha gobolku ka sii darayso, islamarkaana xooluhu si ba’an u dhinteen. Waxay sheegeen in haatan laga warwarsan yahay nolosha dadka oo laga cabsi qabo inay u dhintaan cunno iyo biyo la’aanta ku baahday Gobolka. Waxay ku baaqeen in ciddii bulshada wax tari kartaaba u soo gargaarto.

 

Xukumadda Oo Guddoomiye Cirro Ku Eedaysay Qaran Dumisnimo Kana Digtay Mudaharaado Dalka Ka Dhaca

Hargeysa(Warsugan) Xukumadda Somaliland ayaa guddoomiyaha Xisbiga Waddani mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ku eedaysay inuu la mawqif yahay Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo ka soo horjeeda heshiiska Imaaraadku la galay Somaliland. Xukumadda ayaa sheegtay inay ka midaysnaayeen mudaharaadkii London, haddana aanay suuro gal ahayn mudaharaado dalka gudihiisa ka dhaca.

Wasiirru-dawlaha arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa wariyeyaasha u sheegay inay xukumad ahaan aamminsan yihiin in Mudane Cabdiraxmaan Cirro qaran dumis yahay “Arrintaasi(Mudaharaadkii London) wixii aanu sheegaynay ayuun bay caddaysay in uu arrintaas la qabo nimankaa iyaga ah (Soomaaliya) oo ay wada wadaan oo uu wakiil ka yahay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayuu caddaystay,” ayuu yidhi Wasiirru-dawluhu.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye ayaa sheegay in ay xukumad ahaan mudaharaadkii London u diwaangashadeen mid Soomaaliya ka dambeysay “Waxaa ka dambeeyay Soomaaliweyn, way caddahay oo waxa amarka bixiyay Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, wuu diidana, muu ogolayn, olole ayuu ka galay, dawladdo ayuu u tagay si hawsha loo joojiyo, Ninkii caynkaas ahaa ninka reer Somaliland ah ee xisbi hoggaaminaya ama siyaasi ah ee arrintaas taabta waa nin la qaba nimankaas(Soomaaliya), waa nin ay isku koox yihiin, waa nin ay isku hadaf yihiin,” ayuu yidhi Mudane Maxamed Muuse Diiriye.

Waxa uu intaasi raaciyay “Dee kaasi (Farmaajo) wuu inaga soo horjeeda oo waynu is naqaana, waana is hayna laakiin, keena halkan waxaan u aqoonsanahay inuu Qaran Dumis yahay oo ka soo horjeedo umaddani go’aankii ay qaadatay 1991, hadduu guddoomiyaha xisbiga Waddani yahay iyo hadduu cid kale noqdaba,” ayuu yidhi wasiirru dawluhu.

Geesta kale waxa uu sheegay in aanay ogolaan doonin mudaharaad umadda lagu duminayo inuu dalka gudihiisa ka dhaco “Mudaharaad aan umaddu ogolaan oo aan ruqsad haysan la ogolaan maayo, mudaharaad Qaranka lagu duminayo la ogolaan maayo,” ayuu yidhi Mudane Diiriye.

Xisbiga Waddani ayaa bogaadiyay dadkii Khamiistii ku mudaharaaday safaaradda Imaaraadka ee London. Mudaharaadka ayay xukumaddu ku eedaysay in Soomaaliya ku lug leedahay, waxaana ka dhexmuuqday dad sita calanka Soomaaliya, taas oo ka dhigtay markii u horaysay ee calanka Somaliland iyo Soomaaliya mudaharaad ku kulmaan.