Akhriso “Aasaasaha Shabakadda Wikileaks Oo Beeniyey Inuu Ruushku Jabsaday Emailada Xisbiga Dimuqraadiga Ah.

0
350

Moscow)-Aasaasaha ururka soo bandhiga siraha qarsoon WIKILEAKS Julian Assange ayaa sheegay in uu hubo in qoraaladii laga xaday xisbiga Dimuqraadiga aysan ka dambayn dowlada Ruushka.
Assange ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha dalka Maraykanka Obama inuu doonayo in uu sharci darro ka dhigo maamulka Trump isagoo ku andacoonaya in Ruushku uu jabsaday emailada musharaxa xisbiga Dimuqraadiga ah ee Hillary Clinton xilligii doorashada dalka Maraykanka.Julian Assange oo ku jira muddo afar sano ah safaarada dowlada Ecuador ay ku leedahay dalka Ingiriiska isagoo lagu eedeeyay kufsi ayaa warkan ka sheegay wareysi uu la yeeshay taleefishinka Fox News.
Taleefishinka ayuu u sheegay in boqolkiiba kun uu ku kalsoon yahay in dowlada Ruushka aysan mas’uul ka ahayn emailada laga xaday guddiga qaranka ee xisbiga Dimuqraadiga iyo guddoomiyihii Ololeynta John Podesta.
Wikileaks ayaa soo daabacday Emailada la jabsaday bilowgii doorashada November 8 ee dalka Maraykanka waxaana lagu macneeyay in lagu doonayay in lagu taageero Donald Trump.
Emailada laga jabsaday xisbiga Dimuqraadiga dalka Maraykanka ayaa khilaaf ka dhex dhalisay dowlada Maraykanka iyo Ruushka, waxayna arrintaasi sababtay in Madaxweynaha Maraykanka uu ka soo eryo dalkiisa 35 diblumaasi.