AKHRISO: Gaas iyo Guuleed oo Heshiis ku gaaray Gaalkacyo

0
404

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in goordhaw garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay heshiis ku gaareen Madaxweynayaasha Maamulka Galmudug iyo Puntland Cabdikariin Guuleed iyo Cabdweli Gaas.
Kulanka waxaa dhax dhaxaadinayay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid iyo Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, waxaana labaa dhinac dhax maray kulamo albaabada ay u xirnaayeen oo looga hadlayay dagaalka Gaalkacyo.
Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay in Xabada la joojiyo lana adkeeyo Heshiiskii dhawaan ay ku gaareen dalka Imaaraatka Carabta, waxaana labada dhinac isku afgarteen adkeeynta heshiiskan manata la gaaray.