AKHRISO WARBIXIN:- Duulaankii Ciraaq ay ku qabsatay Kuwait

0
447

Madaxweynihii hore ee Ciraaq, Saddam Hussein, ayaa ku khasbay Danjirihii Mareykanka ee Magaalada Baqdaad in hoos loo dhigo heerkeeda diblomaasiyadda

April Catherine Glaspie, waxa ay aheyd haweeneydii ugu horeysay ee Mareykanka danjire uga noqota dal carbeed, sanadkii 1989 ayaa waxaa safiir loogu magacaabay Iraq kadib sanado badan oo ay diblomaasi ka aheyd dalalka Kuwait, Syria iyo Masar “Egypt”, waxa ay si qoto dheer wax uga baratay siyaasadda khalafsan ee ka jirta bariga dhexe iyo dhaqanka dadka carbeed.

Glaspie oo gaartay darajo heer safiir ayaa hoos loo dhigay heerkeeda diblomaasiyadeed markii ay ku dhacday gef taariikhi ah, kuna xadgudubtay siyaasadda arrimaha dibadda Mareykanka.

July 25, 1990, waxa ay la kulantay Madaxweynihii Iraq ee Xilligaasi Saddam Hussein oo kulan ugu yeeray.

Saddam ayaa yiri ” Iraq waxa ay go’aansatay in ay Kuwait dib ugu celiso Soohdinteeda asalka ee – Almidlaac- Almitllae “Mutla Ridge” sababo ku aadan xadgudubyo soo noq noqday iyo xatooyada shidaalka Iraq”.

Danjire April Catherine Glaspie ayaanan muujin wax diidmo ah , waxa ayna tiri “waa xaqqa aad leedihiin ee qaanuuniga ah, iyagu waa Carab walaalihiina ah, annagu wax ra’yi ah kuma lihin murannada u dhaxeeya Carabta, arrinta Kuwait kuma xirna Mareykanka ee arrinkan oo kale ma faragelin karno”.

July 31, 1990 waxaa kulan seddex geesood ah ku yeeshay Saudi Arabia wafdi ka socday xilligaasi dowladda Iraq oo uu hogaaminayay Kuxigeenka Madaxa hogaanka Kacaanka Izzat Ibrahim al-Douri , dhanka Kuwait waxaa hogaaminayay Sheikh Saad Al-Abdullah Al-Salim Al-Sabah oo xilligaasi ahaa Dhaxal sugaha Kuwait.

Kulankaasi oo aan wax is afgarad ah laga gaarin ayaa Sheikh Saad Al-Abdullah waxa uu aflagaadeeyay, bahdilay haweenka Iraq kadib hadallo adag oo ay is weydaarsadeen isaga iyo Izzat al-Douri.

Wafdiga Iraq ayaa isla maalinkaasi waxa ay dib ugu laabteen Baghdaad , waxa ayna la kulmeen Madaxweyne Saddam Hussein, waxa ay gaarsiiyeen hadalladii uu ka dhawaajiyay Saad Al-Abdullah ee lagu qiima ridayay dumarka Iraq.

Saddam oo lagu sheego inuu talada la wadaagi jiray dad aan ehel iyo aqoon u laheyn siyaasadda iyo ammaanka oo ay ka mid ahaayeen dad qaraabo la ah, ayaa xilligii hadalkaasi gefka ku ah haweenka Iraq loo sheegay uu aad u carooday , waxa uu isla maalintaasi la kulmay koox la go’aamin jirtay go’aannada siyaasadeed oo darajooyin ciidan oo khibrad iyo aqoon aan huwaneen loogu tixay oo kulankaasi ka qeyb gashay, waxaana ka mid ahaa Kuxigeenka abaanduulaha Ciidamada qalabka sida Lt Gen, Izzat Ibrahim, Wasiirkii Arrimaha Gudaha Lt Gen, Ali Hassan al-Majid, Lt Gen, Hussein Kamel al-Majid Wasiirkii Shidaalka, Lt Gen, Abid Al-Hamid Mahmud al-Tikriti Xogheyntii gaarka ee Saddam iyo Qusay Saddam Hussein.

Kooxdaasi kulantay waxa ay go’aamiyeen in gebi ahaan lala wareego oo awood lagu qabsado dalka Kuwait, waxa uu ahaa xadgudub lagu sameeyay sharciyada iyo qawaaniinta dowliga, waxa ayna ka tallaabeen xeerka diblomaasiyadda, taasina waxa ay horseeday in dunida ay is barbar taagto Kuwait oo la taageero.

August 2, 1990 waxa ay Iraq duulaan ku qaaday dalka Kuwait.

Duullaanka Iraq ay kula wareegtay Kuwait waxa uu walaac geliyay Madax carbeed oo isbaheysi la aheyd Mareykanka.

Saddam Hussein waxa uu u fasirtay hadalka danjiraha Mareykanka ogolaansho rasmi ah oo dowladdiisu u heshay duulaankeeda ka dhanka ahaa Kuwait.

April 1991, Danjire Glaspie waxaa ay hor tagtay Guddiga xiriirka dibadda ee Aqalka Odayaasha (Senate) , waxaa su’aalo laga weydiiyay warbixintii ay u dirtay Waaxda Arrimaha Dibadda kadib kulankii dhexmaray iyada iyo Saddam Hussein, waxa ay ku mar marsiyootay in Saddam uu been u sheegay , kuna qaaday duullaan milatari dalka Kuwait , waxa ay kale oo ay sheegtay in su’aallo ay weydiisay aanu uga jawaabin, kuna mashquulay la hadalka Madaxweynihii dowladda Masar Muhammad Hosni El Sayed Mubarak oo teleefoonka ku soo wacay, kalana tashanayay xal u raadinta khilaafka Iraq iyo Kuwait.

Marar is xig xiga ayaa April Glaspie looga yeeray Guddigaasi si ay u cadeyso hadallada sal fudeydka ah ee ay kula hadashay Madaxweynihii hore ee Iraq.

Wixii waqtigaasi ka dambeeyay , dowladda Mareykanka waxa ay go’aamisay in hoos loo dhigo darajadeeda diblomaasiyadeed.

Kadib Iraq, waxa ay ka mid noqotay diblomaasiyiinta Ergada dowladda Mareykanka ee Qaramada Midoobey , Xarunta New York , kadib waxaa loo magacaabay Qunsul guud ee Qunsuliyadda Mareykanka ee Magaalada Cape Town ee South Africa , xilkaasi ayey heysay illaa ay howlgab ka noqotay sanadkii 2002 .

August 4, 1990 laba maalmood kadib dagaalka, Iraq waxa ay la wareegtay guud ahaan dhulka Kuwait, waxa ayna u magacowday Xukuumad uu hogaaminayay Alaa Hussein Ali oo ahaa sarkaal hore oo ka tirsanaa ciidanka Kuwait, xukuumaddaasi waxa ay shaqeysay August 4 – 8 , 1990 , isla maalintii xigtay August 9, 1990 dowladda Iraq waxa ay ku dhawaaqday in Kuwait lagu daray Iraq , lana laalay sharciyadda ay safaaradaha shisheeye ku sii joogi karaan , waxa ay kale ku dhawaaqday in Kuwait ay tahay gobolka 19,aad ee Iraq, waxaana magacyada ay ka badashay waddooyinka iyo xarumihii dowladda.

Xilligaasi , Magaalada Ta’if ee dalka Boqortooyada Saudi Arabia waxaa lagu dhisay Xukuumadda Kuwait ee dibad joogga aheyd , waxaa saldhigtay Magaaladaasi Sheikh Jaber al-Ahmad al-Sabah, oo ahaa Amiirka seddexaad ee Kuwait , Dhaxal sugihiisii Sheikh Saad Al-Abdullah Al-Salim Al-Sabah,tiro wasiirro, saraakiil milatari iyo ciidamo kooban .

Iraq waxa ay awood militari ku heysatay Kuwait muddo dhan todobo “7” bilood , waxaana Kuwait la xorreeyay February 26, 1991 kadib dagaalkii labaad ee Gacanka “The Second Gulf War”.

Dagaalkii labaad ee Khaliijka waxaa loogu yeerayay howlgalkii duufaanta saxaraha ama dagaalka xoreynta Kuwait, waxa uu socday intii u dhaxeysay January 17 – February 28, 1991 , waxa uu ahaa dagaal ay qaadeen xoogag isbaheystay oo ka koobnaa 34 dowladood oo dowladda Mareykanka ay hogaamineysay, kana dhan ahaa dowladda Iraq .

Dagaalkani ayaa waxaa ogolaaday Qaramada Midoobey si loo xoreeyo Kuwait oo Iraq ay awood milatari ku qabsatay.