Al-Shabaab oo war yaab leh ka soo saartay xil la wareegista MD Farmaajo

0
464

Kooxda Alshabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadashay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo mowqifkiisa ku saabsan AMISOM iyo ciidamada Soomaaliya.

Idaacadda kooxda Alshabaab ayaa sheegtay in qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee ah in dib loo dhisayo ciidamada Soomaaliya uu yahay mid fashil ah oo muddo dheer ahaa mashruuc socon waayay, isla markaana aanay hor istaagi karin mujaahidiinta sida ay sheegtay.

Waxay kaloo idaacadda Alshabaab eedeyn ba’an u jeedisay madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo u mahadceliyay gaalada AMISOM ee ku soo duushay Soomaaliya.

Alshabaab ayaa sheegatay inay ka dambeysay weerarkii hoobiyeyaasha ee lagu qaaday madaxtooyada oo lagu dilay dad shacab ah, weerarkaas oo dhacay saacad ka yar markii uu xilka la wareegay madaxweyne Farmaajo.