Aqoonyahan Reer Somaliland ah Oo Dhawaan Safar Ku Tegay Muqdisho Ayaa Dareen Kiisa Ku Cabiray Maanso La Magac Baxaday Xamar Yaa Ku Dhawaaqay Xumbo Yaa Biyo Mooday

0
438
????????????????????????????????????

Aqoonyahan Reer Somaliland ah Oo Dhawaan Safar Ku Tegay Muqdisho Ayaa Dareen Kiisa Ku Cabiray Maanso La Magac Baxaday Xamar Yaa Ku Dhawaaqay Xumbo Yaa Biyo Mooday

“Ninka Xeebta banaadir xiiso uu ka hayow, ee xilka raadinayow xubnahaaga dhamaan hunguraa xukumee, xisaabtaada ku siisay xamarbay ku gudhaa iyo xiisaha dhawe, horaa laygu xadee marlabaad innan xiirto haw quwaysan xujooy”

Hargeysa(Warsugan) Aqoonyahan Xasan Daa’uud Xuseen oo ah muwaadin reer Somaliland ah oo dhawaan safar ku tegay magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya una tegay hawlo isaga u gaara, balse ka waramay waxa uu la kulmay ayaa yidhi waxan arkay arrimo dhawra oo aanay naftaydu ka raalinoqon anigoo soo xasuusanaya duruufihii adkaa ee soo kala gaadhay labada dal ee Somaliland iyo Soomaaliya oo mar la isku odhan jiray Soomaali weyn, hadase ah laba dal oo jaar ah, midna nabadgelyo iyo xasilooni haysto midna aynu Alle uga baryeyno inuu ka dhigo dal xasiloon sideena oo ay muwaadiniintiisu helaan amni iyo degenaansho ay ku waaraan, si aynu inaguna u helno dal nabdeen oo jaarkeena ah sida Itoobiya iyo Jabuuti oo kale.

hadaan intaasi kaga soo gudbo aragtidaasi waxa igu dhalatay arrin fajac iyo amakaag igu riday waxana maskaxdayda ku soo dhacday maansadan oon ugu jawaabayey kuwa ku cel celiya midnimadii soomaali weyn ee weli rajada ka qaba koonfur una xilal doonat iyagoo ku hadlaya afka shacabka Somaliland oo aynu ogsoonahya halka ay ka taagan yihiin midnimada Soomaali weyn la guclaynayso ee ay iyadu hore u lumisay.
Waxaanay Maansadaasi Odhanaysaa Sidan:-

Xamar yaa ku dhawaaqay xumbo yaa biyo mooday
xidigtaa cirka saaran yaa xamaamta u qaatay
Bal xisaabtan xisaabtan halgankii ku xisaabtan
Somaliland ku xisaabtan
Yuusufoow tallo xoogan dhiigu miyuu xamilaa
Bal xasuuso dhibtii xinjirtii bururaysay
Xasuuqaagii jasiira maydkii laysku xidhaayey
waxa geesi xijaabtay ee Xabaalahan tuulan iyo
Hooyo xanuufa xabad aan ubad hayn
dhaawaca xaglinaaya een xejinaynin tallaabo (waa SNM tiiye)
Kuwa maanku xisbeelay ee magaalada xaaba
xabbadii ku jiraan kaadida aan xejinaynin
xamaantii dhulka taaliyo ardaydii la xidhaayey
Dekeda xoolaha yaala hebelo loo xukumaayey
taarkii laynagu xeeriyo gawaadhidii la xaraystay
dadka fiid la xareeyey dhulkaagii la xaraashay ee xaalka loo bixinaayey
xumahaa dhibka sheegtay markuu xeer walba dhaafay
sowtii layska xoreeyey xabad layskaga saaray
Waa Ilaah xamdigiiye xoogagii S-ta weeyi kuwa guusha xambaartay
shicibkiina xoreeyey iyagoon xaqba sheegan hubkii aayar xareeyey
xigmad weeyi layaab leh sharaf aan ku xasuusto
Xisaab baase ku laaban xilkastu garanaayo
Xuduntaas iyo Awdal, Selel xeebta ku beegan
Somaliland Xundhurteeda iyo Laas iyo Xoorka
Badhan xaajiga jooga xeer beegti looguma yeedhin
Burco xeedhada taalla markii aan xaq u qaybshay
Xumaantii kala maydhay xaqdigiina ilaaway
Gunni way xintantaaye xalaal-xalaal may ku dhawaaqay
Dawlad aan xigto sheegan xadhigeeda u jiiday
Somaliland xidid weeyi, xigaal iyo abti weeyi
Xigto aan kala maarmin xuduudkaa ku dhex yaala Ingiriis innagu xeeray
Xukuumadayda la doortay xildhibaanada geeska
guurti xeerba-ba dhaafin shicibkaa xididaystay iyo xooga dalkayga
Ninkii soo xasaradaysta xaqiisay mariyaane xisaabtaada ku biirso
Ninka Xeebta banaadir xiiso uu ka hayow
xilka raadinayow xubnahaaga dhamaan hunguraa xukumee
xisaabtaada ku siisay xamarbay ku gudhaa iyo xiisaha dhawe
horaa laygu xadee marlabaad innan xiirto haw quwaysan xujooy
xabad baan ka xigaa iyo xoolo madawe hay xasuusin dhibkii geeridaan ka xorownay