Aragtida Cusub ee iskaashiga Somaliland iyo Dalka Masar oo uu ka hadlay “Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Ee Arrimaha Afrika” Maxamed Idris.

0
556

Aragtida Cusub ee iskaashiga Somaliland iyo Dalka Masar oo uu ka hadlay “Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar Ee Arrimaha Afrika” Maxamed Idris.

Qahira(Warsugannews)Booqashadii uu Waftiga Dawlada Masar ee booqday Somaliland oo u hogaaminayay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibedda Masar ee Arrimaha afrika Amb.Maxamed Idris waxay u dhigentaa albaab iyo mustaqbal cusub oo iskaashi ah oo u dhaxeeya Somaliland iyo Dalka Nasar.

Sidaa darteed xubnaha Waftiga Masar ka socdey oo Ku kulmey xarunta Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Masar si looga hadlo natiijooyinka ka soo baxay socdaalkooda iyo sidii loo fulin lahaa ayaa sheegay inay aad ula dhacsan yihiin daganaashaha iyo amaanka ka jira Somaliland iyo dadaalada laga wado ee dhinacyada Horumerka.

Kulamadii aanu la yeelaney Maddexweynaha Somaliland iyo Wasiirada iyo masuliyiinta Somaliland ba waxay ahaayeen kulamo wax Ku ool ah oo kor u qaadayaa iskaashiga iyo hirgelinta madaalixda mideysan ee labada dal.

Dalka Masar wuxuu rajeynayaa in kulamadan noocan oo kale ah ee walaalaheena Somaliland u noqdo mid joogta ah annagoo Ku muujineynaa xidhiidhkii taariikhiga ahaa ee ka dhaxeyn jirey Masar iyo Somaliland anagoo daneynayna in aanu adkeyno wadada iyo aragtida cusub ee iskaashi oo xoojin u ah nabada iyo daganaashaha iyo horumarka ee Somaliland iyo. Hirgelinta danaha mideysan ee labada dhinac.

Iyadoo aanu Ku taageereyno in aayaha iyo masiirka siyaasaded ee umada Somaliyeed u yahay mid u taala Somalilada oo ay tahay iney cadeyaan musteqbalkooda siyaasadeed.

Xigasho
Sida uu qoray Wargeyska iyo Website ka http://www.gomhuriaonline.com/main.asp?v_article_id=359525#.VxIDnPlYrDc
Ayaa lagu sheegay sidan