Arsenal oo u dhaqaaqaysa saxiixa Dimitri Payet bisha janaayo

0
352

Kooxda Arsenal ayaa u dhaqaaqi doonta soo xerogalinta kubadd sameeyaha kooxda West Ham iyo xulka France ee Dimitri Payet.

Tababare Wenger ayaa isku diyaarinaya inuu dalab qaali ah ka gudbiyo 29 jirka reer France suuqa kala iibsiga ee janaayo sida ay baahisay The Sun.

Dimitri Payet ayaa qalinka ugu duugay kooxdiisa West Ham heshiis waqti dheer ah bilooyin ka hor, wuxuuna mushaar ahaan u qaataa 125 kun oo Ginni isbuucii.

Xiddigaan ayaa lala xiriiriyay inuu qorshaynayo ka tagista kooxda West Ham oo ku jirta xaalad xun xiliciyaareedkan, laacibka ayaa lagu eedeeyay inuu iska agtaagnaa arbacadii Martial oo gool ka dhalinaya kooxdiisa kulankii League Cup-ka.

Arsenal ayaa doonaysa inay ka faa’idaysato mugdiga soo kala dhexgalay kooxda West Ham iyo Dimitri Payet, Wenger ayaana diyaar u ah inuu kooxdiisa keeno laacibka reer France.