Arsene Wenger Oo Si Buuxda U Niyadjabiyay Jamaahiirta Arsenal Ee Ka Careysnaa Joogitaankiisa Gunners

0
411

Macalinka kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa niyad jabiyay taageerayaasha kooxdiisa oo baryahaan dhawaa ka codsanayay inuu is casilo wuxuuna sheegay inuu sanadka danbe kasii shaqeyn doono garoonka Emirates.

67 jirkaan ayaa maamulayay Gunners mudo 21 sano wuxuuna qandaraaskiisa haatan dhacayaa dhamaadka xili ciyaareedkaan, inkastoo aanan la xaqiijiin inuu qandaraaska u krdhiyay kooxdiisa, hadana wuxuu sheegay inuusan ciyaaraha ka fariisan doonin ee uu sii joogi doono London sanad kale.

Warar badan oo xan ah ayaa jiray oo sheegayay in macalinkaan uu isaga tagayo kooxdiisa maadaama uu ku fashilmay hanashada horyaalka Premier League sidoo kalena uu ceeb aan loo meel dayin uu kala kulmay Champions League iyadoo Bayern Munich ay ku garaacday 5-1 si ay ciqaabta ugu sii kordhiso macalinkaan.