Atariishada 69 jirka ah ee lagu fowdeeyay “sawirradeeda quruxda badan”

0
310

Markii Rajini Chandy ay dhowaan sawirro soo dhigtay barta Facebook, ma aysan filaneyn in sawirardeeda aad la iskula wadaagi doono ayna ka dhaxli karto fowdo.

Sawirrada ayaa muujinaya atariishadan 69 jirka ah ee guri joogto ahaan jirtay, oo ku lebisan saari qurux badan, dhar dhaadheer, jeemis, iyo jeemis daba gaab ah. Sawirrada qaar waxay ku lebisan tahay saako ka sameysan ubaxyo laga soo guray beerteeda.

Haweeneydan oo ay warbaahintu gobolka Kerala ee koofurta Hindiya oo ah halka ay ku nooshahay ku tilmaameen “quruxley”, ayaa waxay sawirradeedu dhaliyeen hadal heyn ka dhex dhaliyeen dad badan oo gobolkaas asal raaca ah ku nool, halkaas oo inta badan haweenka ay weli ku lebistaan saari amaba goonno dheer.

Mrs Chandy ayaa BBC-da u sheegtay, in fakradda ay lahayd Athira Joy, oo ah 29 jir lagu yaqaanno shaqadeeda aan caadiga ahayn.

Ms Joyayaa sheegtay in waxa ay atariishadu ku soo jiidatay ay tahay inay ka duwaneed hooyadeed.

“Haweenka Hindida ah,” ayay sheegtay, “inay noloshooda ku dhammeystaan guur iyo dhaqid qoys. Intooda badan nolosha way gabaan marka ay 60 sano gaaraan. Waxay xannaaneeyaan carruurta ay ayeeyada u yihiin.

Hooyadeed oo 65 sano jir ah, ayay sheegtay, inay la mid tahay “haweenka Hindi ah oo ay heystaan dhammaan dhibaatooyinka caafimaad ee ay wajahaan haweenka ka weyn da’da 60 sano”.

“Balse Rajini way ka duwan tahay – way is daryeeshaa, jirkeedu wuu dhisan yahay, way qurux badan tahay, waa qof ilbax ah. Waa 69 jir, balse waxay isku heysataa 29 jir. Sideyda oo kale.”

Presentational white space
Rajini Chandy
 

Presentational white space

Iyadoo ku dhex nool bulshada dhaqanka aadka ugu dheggan ee Kerala, Mrs Chandy mar walba dadka way ka dhex muuqatay. Markii ay ku laabatay Kerala sanadkii 1995 kaddib markii ay tobnaan sano ku nooleyd Mumbai oo uu seygeedu la shaqeynayay banki ajnabi ah, waxay isku soo jeedisay dadka markii ay ku lebisatay jeemis ayna marsatay xamuurad. Waxay sheegtay in mar lagu dacaayadeeyay xirashada funaanad gacmaha ka go’an.

Sanadihii la soo dhaafay, waxay warbaahinta ku soo jiidatay “ikhtiyaarkeeda aan caadiga ahayn” – sanadkii 2016, oo ay 65 jir ahayd, waxay jilaa ka ahayd barnaamij ruwaayad ah oo ku baxayay afka Malayalam, laguna magacaabi jiray Oru Muthassi Gadha.

Wixii intaas ka dambeeyay, waxay ka soo muuqatay labo filin waxayna sanadkii la soo dhaafay dhowr jeer ka qeyb gashay wareeggii labaad ee barnaamijka Bigg Boss.

Mrs Chandy ayaa sheegtay inay sawirrada isaga qaadday si ay u dhiirrigeliso dadka da’da ah si ay u aaminaan inay weli nolosha ku raaxeysan karaan.

“Inta badan lammaanayaasha da’da yar waxay dhalinyaranimadooda ku qaataan korinta carruurta. Noloshooda way ilaabaan haddana waxay ogaadaan inay ka weyn yihiin cayrsashada riyadooda sababtoo ah waxay ka walwalaan maxay bulshadu i oran doontaa. Waxaan aaminsanahay inay caadi tahay inaad sameyso wax walba oo aad dooneyso haddii aadanba cidna dhib u geysaneyn,” ayay tiri.

“Waan fuliyay wixii ay igu lahaayeen qoyskeyga iyo bulshada haddana waxaan sameynayaa waxa i farxad gelinaya.” Ayay tiri.

Rajini Chandy with photographer Athira Joy
Soo jeedinta Athira waxay u aragtay mid xiiso leh- xilli ay safarro ku mareysay dibadda, ayay tiri, waxay sheegtay inay weligeedba jecleyd haweenka da’da ah ee is daryeela.

“Balse waxaan u sheegay inaan sameyn doono marka uu ninkeygu oggolaado. Sidaas darteed, oggolaasho ayay weydiisatay ninkeyga wuxuuna ku yiri: ‘Waa nolosheeda. Haddii ay dooneyso, wax dhib ah kuma qabo.”

Mrs Chandy ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ee ay aragtay dharka Athira ay uga soo kireysay dukaan halkaas ku yaalla, ay aad “ula yaabtay”.

“In muddo ah sidaas uma lebisan. Balse markii aan xirtay, caadi ayay ila ahaayeen.”

Presentational white space
Rajini Chandy
Presentational white space

Kumannaan qof ayaa markii hore ka helay sawirrada haweeneydan – dadka qaar ayaa lahaa “waxaad xaqiijisay in da’du ay keliya tahay tiro”; kuwo badan ayaa ku tilmaamay inay aad u qurux badan tahay.

Balse durba, cambaareyn ayaa bilaabatay – oo ilaa iyo hadda socota.

Waxay sheegtay in dad badan ay magacyo xun ugu yeereen, una sheegeen inay iska cibaadeysato oo aysan mudneyn inay jirkeeda soo bandhigto. Dadka qaar ayay sheegtay inay ku yiraahdee “Waxaad tahay da’ haddii xitaa laguu geliyo dhar cusub weli duq baad tahay”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here