Axmed Muumin Seed Muxuu ka Qabanayaa Burco Oo Uu Bil Badhkeed Ku Sugnaa Iyo Ollalaha Uu Kujiro Ee Qarsoon

0
472

Axmed Muumin Seed Muxuu ka Qabanayaa Burco Oo Uu Bil Badhkeed Ku Sugnaa Iyo Ollalaha Uu Kujiro Ee Qarsoon.

Gudoomiye Kuxigeenka Sadexaad Ee Xisbiga Mucaaradka Ah Ee Waddani Axmed Muumin Seed Oo Mudo 16 Maalmood Ku Sugnaa magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer ayaan ilaa haatan Cadayn ujeedada Safarkiisa Daba dheeraaday ee uu ku joogo burco.

Habeen kasta iyo galabkastaba intii uu joogay axmed muumin Seed ayaa waxa lagu arkaayay isagoo kulamo kula qaadanaya Hotelada iyo goobaha shaaha lagu cabo qaybaha kala duwan ee bulshada burco.

Inkasta oo aanu sheegin sababta dhabta ah ee Muumin Seed ku Jooga Magaalada Burco in kabadan Bil Badhkeed (16Maalmood) ayaa hadana sida ay sheegeen ilo xogogaal ahi,

Axmed Muumin Seed ayaa ujeedada uu ujooga Burco waxay ay Salka Ku haysaa Olole balaadhan oo uu ugu jiro xisbiga Waddani dhexdiisa kaas oo uu ku doonayo inuu ku hantiyo kursiga Murashaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga waddani oo ay kula tartamayaan Rag ay isku deegaan yihiin,

Waxaana Muumin Seed uu maalmihii udanbeeyay kulamo gooni gooni ah la yeelanayay Xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga wadani ugu jira beelaha gobolka Togdheer kuwaas oo codsiga udhiibanaya ay ahayd in cirro ka sokow Codka ay siiyaan si uu ugu guulaysto kursigaasi oo ay cidhiidhi galiyeen murashaxiin kale oo ay isku deegaan yihiin.

Waxaana uu gudoomiye axmed muumin Seed uu si xooga awooda u saarayay xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga waddani uga qaybgalaya Beelaha Gobolka Togdheer sidii ay ugu codayn lahaayeen,

Inkasta oo aanay jirin warar rasmiya oo kazoo baxayay shirarkaasi inay xubnuha iyo odayaasha beelaha uu la shiray ay ka aqbaleen codsigaas iyo in kale, hadana wali axmed muumin Seed kama rajo laaban inuu ka tago magaalada burco isagoo Rajaynaya inuu Kalsooni buuxda ka qaato xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga Waddani.

Si kastaba Xaalku ha ahaadee xisbiga Mucaaradka ah ee waddani ayaa Shaaciyay In bisha Tobnaad ee sanadkan uu qabsan doona shir weynihii golaha dhexe ee xisbiga kaas oo lagu dooranayo murashaxiinta madaxweyne iyo kuxigeen ee xisbigaasi uga qaybgalaaya doorashada la filaayo in bilowga sanadka cusub(2017) Ka dhacdo dalka,

Waxaana tan iyo xiligii la cayimay shirweynahaasi laga dhex dareemayay xisbigaasi olole iyo guux balaadhan oo loogu jiro kuraasta ugu sareysa xisibiga, In kastoo uu gegi Cad uyaala xisbiga Murashaxa Madaxweyne inuu noqdo Gudoomiye Ciro Hadana waxa Gorgortan iyo Cidhiidhi Galay Murashaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi oo ay ku tartamayaan Rag Miisaan Culus Kuleh Gobolka Awdal oo uu kazoo Bixi Doono Murashaxa Madaxweyne Kuxigeen ee xisbiga Waddani.