Baafin: Lacagtii Boqolka Shilin Iyo Kontanka Shilin Ee Somaliland Oo Suuqyada Laga Raadinayo:By Ganacsade Cali Nuur Xuseen Gahayr “Cali Dareen”

0
612

Baafin: Lacagtii Boqolka Shilin Iyo Kontanka Shilin Ee Somaliland Oo Suuqyada Laga Raadinayo:By Ganacsade Cali Nuur Xuseen Gahayr “Cali Dareen”

Suuqayada magaalooyinka kala duwan ee Somaliland ayaa wax aka dabar go’ada oo la baafinayaan noodhadhkii lacagta Somaliland ee kala ahaa boqolka shilin iyo kontanka shilin ee Somaliland, iyadoo loo aananynayo in ay suuqa ay ka saartay lacagta cusub .

Waxaan lawada soconaa in dhammaanba umada reer somaliland ay ku khalkhaleen isku badelka lacagaha qalaad iyo lacata Somaliland , taasi oo saacad saacad isku badelaysa isla markaan aan lahayn sicir go’an , iyadoo hadda dalka ay ka jiraan abaar illaahay keenay iyo mid sicir barar
Geesta kalena abaartii sicir bararka ayaa hadda wax laga qabatay iyadoo aanay weli jabin maceeshadii , waxaana xusid mudan in Madaxweyne Siilaanyo uu go’aamo ka soo saaray sicir barark , isagoo sidoo kalena u magacaabay guddi la dagaalkan sicir bararka, iyadoo dowladau u cayintay in lagu sarifo $1 doollar lacag dhan 6800sh/oo Somaliland shilin ah.

Haddaba waxa jirta weli dhibaato kale oo dhanka isku badelka lacagaha, ka haysata sariflayaasha iyo ganacsatada, taasi oo ah lacagtii sir-sirka ahayd oo aan lahayn, iyadoo haddii aad $1 aad ka sarifato oo aad iga rabto lacag dhan 6800sh/sh, aanan kuu helayn, 100boqolshilin iyo 50shilin, waayo suuqa mataalo, markaa waa caqabad culus.
Gunaandkii waxaan dowlada ugu baaqayaa in ay la soo saaro noodhadhkii lacagta Somaliland ee boqolka shilin iyo kontka shilin, si loo helo lacag sir sir ah.

Qalinkii Cali Nuur Xuseen “Cali Dareen”