Baarlamaanka Dutchka oo u codeeyay in laga mamnuuco indho shareerka qaar ka mid ah goobaha dadweynaha

0
424

WAAXA DIYERAIYA YAASIR BR
Baarlamaanka Dutchka ayaa u codeeyay talaadadii, in la mamnuuco indho shareerka qaar ka mid ah meelaha dadweynaha, iyada oo sharcigaas dawladda ay ku sheegtay inuu yahay lagama maarmaan dhanka ammaanka, laakiin kuwa ka soo soo horjeeda ayaa sheegay inuu yahay sharci lagu bartilmaameedsanayo Muslimiinta.
Sharciga ayaa waxa meel mariyay aqalka hoose laakiin weli u baahan ansixinta golaha guurtida inuu soo maro.
Sharcigan ayaa mamnuucaya xirashada waxyaabaha qarinaya wejiga sida indhashareerka iyo koofiyadaha helmetka, ee meelaha loo arkaa muhiim inay tahay in la aqoonsado qofka , oo ay ku jiraan dhismayaasha dawladda, gaadiidka dadweynaha, dugsiyada iyo isbitaalada.
Haween yar oo Nederland ayaa xirtaan indho shareerka, laakiin ganaaxa ayaa muddo dheer ahaa dalabka ninka xagjirka ah Geert Wilders ‘ee xisbiga mucaaradka kasoo horjeeda muslimiinta islamarkaana ku horeeya doorashooyinka lagu wado inay ka dhacaan dalkaasi bisha March.
indho shareerka buuxa ,sida burqas iyo niqaabka ayay ku kala qaybsanyihiin fikradaha iyo aragtida ay ka qabaan dawlada Yurub, taasoo keentay dooda xoriyadda diinta ka dhan ah iyada oo kuwa kasoo horjeeda odhanayaan dharka waa dhaqan shisheeye ama calaamad u ah Dulmiga Haweenka