Badhasaabka Gobolka Saaxil Iyo Xoghayaha Fulinta Degmada Berbera Ayaa Kormeer Ku Tagay Halka Uu Marayo Dhismaha Xarunta Library Berbera

0
562

Badhasaabka Gobolka Saaxil Iyo Xoghayaha Fulinta Degmada Berbera Ayaa Kormeer Ku Tagay Halka Uu Marayo Dhismaha Xarunta Library Berbera

Gudoomiyaha Gobolka Saaxil oo uu wehelinaayo Xoghayaha fulinta Dawlada hoose ee Degmada Berbera ayaa kormeer ku tagay Xarunta Akhriska iyo kaydka buugaagta ee laga wado Magaalada Berbera ee xarunta gobolka saaxil, masuuliyiintan ayaa kormeerkoodan kusoo indha indheeyey halka uu maraayo dhismaha xaruntaasi iyo sida u u socdo.

Ugu horayn waxaa warbixin ku siiyey masuuliyiinta shirkada tawfiiq oo gacanta ku haya dhismahaasi kuwaasi oo warbixin waafiya siiyey masuuliyiinta qaranka sidoo kalena waxa ay waraysiyo kala duwan la yeesheen Engineerada ku hawlan dhimahaasi.

Xogaha Fulinta Dawlada Hoose ee Degmada Berbera Cabdikariim Aadan Cade ayaa xusay inay makhtati ka yihiin islamarkaana farxd ugu filan inay arkaan soo booqdaan Public library berbera oo dhamaad ku dhaw kaasi oo dhismihisu hal dabaq yahay, waxaana uu xoghayuhu guul ku tilmaamay inuu dhawaan dhamaanayo dhismahaasi.

Jaamac Yuusuf Axmed Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ” Waxaan u mahad naqayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Library-gaa maanta gobolka saaxil u dhamaaday gacanta uu ka geystay isaga iyo Wasiirka Maaliyadda Marwo Samsam aad iyo aad baan iyana ugu mahad naqayaa insha allaah waa dhamaad qeybtii ugu danbaysay buu marayaa”

Si Kastaba ha ahaate dhismaha Xaruntan oo uu qeybta ugu weyn ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md: Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa noqonaya Library-gii ugu horeeyey ee noociisa ah ismarkaana ay dawladu leedahay.