Baligubadle Caasimadii Dib U Duugoowday iyo 25 sano kahor W/q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

0
804

Baligubadle Caasimadii Dib U Duugoowday iyo 25 sano kahor W/q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare)

Maanta oo kale 25 sanno ka hor, dagaal gaadmo ah oo labba saacadood socday, ayaa Ciidamadii Dawladdii Somaliya ku qabsadeen, Xaruntii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee (SNM).oo ahayd Magaalada Baligubadle. Waxay gubeen magaaladdii, waxayna dagaalka ku qabsadeen gaadhigii Gudoomiyihii SNM. Muj:Cabdiraxman Axmed Cali.(Tuur).

Subaxnimadii 30.12.1990, ayaa Guuto ka mida Guutooyinkii SNM, oo ahayd Guutada Koodbuur, oo uu Hogaaminaayey Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey). iyo Ciidan deegaanka ahi, ay labba jiho ka soo galeen magaalada Baligubadle, iyagoo ku guuleystey Ciidankii Somaliya, ee magaalada Qabsaday inay, debeda uga saaraan. Waxaana dagaalkaas ku dhintay Mujaahidiin shan iyo tobban gaadheysa, oo uu ku jiro Muj.Maxamed AW Ismaciil oo ahaa Gudoomiyihii Magaalada Baligubadle.

Haddaba Maanta Waa sidee Magaladii Baligubadleh 25 Sanno kadib? Su’aashan oo aan u banadhigay Qaar kamid ah Dadkii intaas oo dhan ku noolaa magalada ayaa ka muujiyey walaacyo aad u darran, iyo maamul la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan gobolka Hawd gaar ahaan Magalada Baligubadle.

Dadka aan weydiiyey waxay ii sheegeen in Kabayaashii dawladu uu meesha kamaqanyahay, isla markaana waxay cadeyeen in Dawladu Hal saldhig, laba dugsi iyo hal MCH oo caafimaadka ah ka hirgelisay, laakiin ay iska ilowday dhamaan daruuriyaadkii kale ee Nolosha oo ay ugu Muhiimsanyihiin Biyaha iyo Daaqa oo Dadka degaanku Badi ay u badanyihii Beeralay iyo Xoolo dhaqato.

Dadka degaanka ayaa ku dhawaaqay Muddo sanaddo laga joogo in ay dhisaan waddada u dhaxaysa Baligubadleh iyo Caasimada Somaliland Ee Hargeysa, Laakiin Intii Taaktooda ah markii ay ku guulaysteen ayaa meesha waxaa ka baxay Balanqaadyo dhowr ah oo Dawlada iyo Madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ay kaga dhawaaqeen baligubadle dhexdiisa.

Ilaa Hadda Baligubadle Kama muuqato Astaan sheegaysa In Xukumada Axmed Siilaanyo Maamusho, Waxaa kajira Khilaafyo Baahsan oo Badiba soo kala dhex gala, Qaybaha sar sare ee Dawlada ka jooga oo u badan dad iska shaqaysato ah, oo ku kala baahsan gobolada kale ee Somaliland.

Baligubadle waxaa kuyaaley Kastam ay kasoo Xaroodaan dhaqaalaha iyo Takhliga gobolka hawd ku shaqeeyo, Laakiin Muddo sanado laga joogaba ma shaqaynin Kadib markii Xukumaddan Talada Haysaa U wareejisay Kastamkii Gobolo kale, Isla markaana kala dirtay Shaqaalihii joogay.

Magaaladan Taariikhda iyo Ilbaxnimada weyn kuleh dib u Xorayntii Somaliland, Isla markaana ahayd 25 sanno kohor maanta oo kale magaalo la aqoonsanyahay wakhtigaasna lagaga sheekaysan jiray Villa Somaliya ayaan Maanta lugu soo Hadal qaadin Madaxtoyada Somaliland.

Dad da’a ah oo Afgaradnews la kulmay ayaa sheegay in Caruurtoodii oo Xiligaas ahaa kuwo Mudakiriin caqli wanaag lasoo barbaaraya ay ku waayeen dagaladii ka dhacay baligubadle, kuwaas oo ku Cataabay In dawlada Axmed siilaanyo aanay waxba ka qaban baahiyahooda oo si weyn ugu baahay gobolka, Halka gobolku uu ka hadhay goboladii kale ee la faca iyo taarikhda ahaa.

LASOCO QAYBTA XIGTA

Mr.Hamse Bashe Wiyeer

E-mail: Wiyeeryare@gmail.com

www.Facebook.com/wiyeeer

www.wiyeeryare.blogspot.com