Banaanbaxyo lagu diiddan yahay madaxweynaha la doortay Donald Trump

0
523

waaxan yaasira br

Mudaaharaadyo ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla Maraykanka, kuwaasoo lagu diiddan yahay doorashada Donald Trump loo doortay inuu noqdo madaxweynaha Maraykanka.
Kumanaan qof ayaa hor dhoobtay dhismaha Trump Tower ee New York, kuwaasoo diiddan siyaasadaha Trump ee dhanka soo galootiga, xuquuqda nimow naagga, iyo xuquuqda dhalmada.
Muxuu Trump qaban doonaa marka ugu horaysa?
Kumanaan kale ayaa isugu soo baxay magaalooyinka Chicago, Philadelphia iyo San Francisco. Portland, Oregon, dad mudaaharaadayey ayaa muddo yar waxay xireen waddo weyn oo gawaaridu marto.Dadka mudaaharaadayey waxay ku dhawaaqayeen ‘ma aha madaxweynahayga’, kalmadaasoo aad looga isticmaalayo baraha bulshada gudaha Maraykanka.
Khudbad uu jeediyay ka dib markii la doortay ayaa Trump waxa uu wacad ku maray in dhayi doono dhaawacyadii iyo kala qeybsanaatii ka dhashay doorashadan, islamarkaana uu madaxweyne u noqon doono ”dhammaan dadweynaha Maraykanka”
Trump wuxu galinka dambe ee maanta la kulmi doonaa Madaxweyne Obama.Kulankan ayaa ka dhici doono Aqalka Cad. Waxay ka wada hadli doonaan kala guurka iyo qaabka ay u dhici doonto xil wareejinta.
Arbacadii ayaa Obama wuxuu sheegay in uu ka shaqeyn doono hubinta sidii xil wareejintaasi ay ugu dhici lahayd si guul ah.
Mr Trump iyo ku xigeenkiisa Mike Pence ayaa hadda billaabi doono dhismaha maamulkooda.