Beesha Caalamka Oo Doorashada Soomaaliya U Cayintay Xilli Aan La Dhaafi Karrin iyo Cabashada Siyaasiyiinta Somaliland Oo Loo Joojin Waayay

0
580

Beesha Caalamka Oo Doorashada Soomaaliya U Cayintay Xilli Aan La Dhaafi Karrin iyo Cabashada Siyaasiyiinta Somaliland Oo Loo Joojin Waayay

Muqdisho(Warsugan) Kooxda Siyaasiyiinta iyo madaxda dhaqanka ah sheegata inay Somaliland ku metelaan Somalia ayaa bayaan ay shalay soo saareen ku sheegay inay ka fiirsanayaan doorashooyinka Somalia haddii aan wax laga qaban cabashadooda ku aadan Aqalka sare ee Somalia loo dhisayo kadib markii kuraastooda badh uu qaatay maamulka Puntland. Kooxdan iska cumaamadda Soomaaliya, islamarkaana sheegta inay metelayaan beelaha Somaliland ayaa quus ka taagan ka sii mid ahaanshaha dawladda shisheeyuhu bineeyo ee Somalia.

Cabashadoodan u dambeysay ayaa imanaysa xilli dalalka isku magacaaba beesha caalamka ee Somalia wax u yeedhiyaa sheegeen inaan la aqbali Karin dib u dhac doorasho oo dhaafa 10ka bishan ee labada cisho inaga xigto. Cabashada kooxdan ayaa wakhti dheer soo jiitamaysa balse wali cid dheg u dhigtay ma jirto haddii ay ahaan lahayd beesha caalamka ama madaxda Somalia.

Suldaan Siciid Diiriye Maxamed oo saxaafadda u akhriyay warsaxaafadeed ay wada jir u soo saareen madax dhaqameedka iyo siyaasiyiinta Somaliland u dhashay ee Xamar jooga ayaa sheegay inay doonayaan in la siiyo wakhti lagu xalliyo tabashadooda. Waxay sidoo kale deedafeeyeen wakhtiga doorashada loo cayimay.
“Guddida doorashadu waxay tidhi waa in xal laga gaadho habka loo soo xulayo xubnaha Somaliland laakiin, xaqiiqdu waxa weeye in marka hore xal rasmi ah laga gaadho saami qaybsiga aqalka sare, haddii aan xal laga gaadhin saami qaybsigaas waxay madaxdhaqameedka, siyaasiyiinta iyo guud ahaan bulshada Somaliland ka soo jeeda inay dib uga fiirsan doonaan ka qayb galka doorashooyinka 2016-ka, haddii aan tabashadayada wax laga qaban,” ayuu yidhi suldaanka u hadlay.

Geesta kale dalalka Somalia taageera ayaa kulamo ay maalmihii u dambeeyay lahaayeen ku sheegay inay ka xun yihiin dib u dhaca doorashada aqalka sare ee Somalia ku yimid mar labaad maadaama ay ku mudaysnayd 5-tii bishan. Qaramada midoobay, Midawga Afrika, Midawga Yurub, Itoobiya, Ururka IGAD, Talyaaniga, Sweden, Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa bayaankooda ku sheegay inaan la aqbali Karin dib u dhac ka dambeeya 10-ka bishan.

Michael Keatingergayga gaarka ah ee Qaramada midoobay u qaabilsan Somalia ayaa sheegay in kalsoonida lagala laabanayo Somalia haddii doorashadu qabsoomi waydo “Dib u dhac dambe ma jiri doono, haddii doorashadu ku bilaami waydo wakhtiga oo qabtay ee ah bishan 10-keeda waxaa Somalia lagala noqonayaa kalsoonida ku aadan hannaanka doorashada.Soomaalida waxaa looga baahan yahay inay doorashada ku qabtaan wakhtigaas kama dambeysta ah, wixii dib u dhac ahi wuxuu sababayaa war xun,” ayuu yidhi Michael Keating.
Xigasho Wargeyska Warsugan