Beesha Caalamka Oo Si Dhaw Ula Socota Dhaq-dhaqaaqyadda Dhiig-baxa Ku Ah Doorashadii Dalka Dhacday Ee Ay Waddo Xukuumadda Muuse Biixi

0
246

Beesha Caalamka ayaa si dhaw ula socota arrimaha dhaawac ku ah dimuqraadiyadda Somaliland ee ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi ku doonayso iyada oo aan haysan aqlabiyadda Golaha Wakiillada Somaliland inay ku hantido shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland .

Doorashadii Golaha Wakiilllada ee dalka ka dhacday ayaa Xisbiga KULMIYE uu helay 30 Xildhibaan ,halka ay labada Xisbi Mucaarad heleen aqlabiyadda Golaha ah in shir guddoonka Golaha ay iyagu xaq u leeyihiin haddii la tixgelinayo dimuqraadiyadda,balse Xukuumadda KULMIYE ayaa wadda ciddiyo ku dagaalan iyo fallal dhiig-bax ku ah dimuqraadiyadda curdinka ah ee Somaliland,kuwaas oo ah qaar ay doonnayso inay ku iibsato Xildhibaanadda ka soo baxay Xisbiyadda mucaaradka si ay u hesho tirada ay rabto oo ay u gaadho aqlabiyadda ay raadinayso “Waxay ku odhanayaan Xukumadda waxay u baahantay laba iyo toban 12 Xildhibaan oo ay soo iibsato,marka sidaa la leeyahay sharraftii Xildhibaanada la soo doortay ayaa meel lagaga dhacayaa,waxa aan leeyahay arrinkaa Xukuumaddu haka joogsato, cidda ay u doorranayaa shir guddoonka iyaga ayaa xor u ah, Madaxweynaha waxa aan leeyahay tacab baddan ayaad gelisay doorshada ee dib haka xumayn sharrafta iyo karraamada Xildhibaanada dhawr,Xildhibaanadu waa Xildhibaano la soo doortay oo huwan sharraf iyo karraamo marka ay Golaha galaan cidda ay dan u arkaan ayey u doorranayaan shir guddoonka.”Xildhibaan Khadar Cali Xakiin.

Geesta kalena tallaabooyinkaa iyo qaar kale oo ay waddo Xukuumadda KULMIYE,kuwaas oo ay ku doonnayso inay ku hantido shir guddoonka Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxa si dhaw ula socda daneeyayaasha iyo Saaxiibada Somaliland ka taageera arrimaha doorashooyinka iyo kobcinta dimuqraadiyadda Somaliland,kuwaas oo ay qaarkood hadda dalka joogaan

Beesha caalamka ayaa hore bayaan ay u soo saareen ku amaamay Somaliland doorashooyinkii dalka ka dhacay ee Golayaasha Degaanka iyo Wakiillada,iyagoo si gaar ah uga hadlay doorashada Golaha Barlamaanka Somaliland “Saaxiibada caalamku waxay ugu hambalyeynayaan shacabka reer Somaliland, xisbiyada siyaasadeed, Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo hay’adaha kale ee dawlada sida wanaagsan ee ay u dhacday qabsoomida doorashooyinka baarlamaanka iyo goleyaasha deegaanka ee 2021 iyo habsami u socodka doorashada.”ayey ayaa lagu sheegay war-muriyeed ay sooo saareen Midowga Yurub, Beljam, Danmark, Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Nederland, Norway, Sweden, Switzerland, Ingiriiska”

Dhanka kalena qaar kamid ah goob-joogayaashii caalamiga ahaa ee doorshooyinkii isku sidkanaa ee Somaliland ka dhacay,ayaa iyagu hadda joga Magaalada Hargeysa,balse xoggo kale oo soo baxaya ayaa sheegay in Wufuud ka socota Beesha Caalamka gaar ahaana dalalka Somaliland ka taarra doorashooyinka iyo geedi socodka dimuqraadiyadda in la filaayo inay dalka soo gaadhaan dhawaan,kuwaas oo kullamo la yeellan doonna Madaxweynaha iyo Xisbiyadda Qaranka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here