Beesha Tol-jecle Oo Shir Ay Yeesheen Ku Doortay Guddi Cusub

0
571

Beesha Tol-jecle Oo Shir Ay Yeesheen Ku Doortay Guddi Cusub.

Hargeysa (Warsugan) waxaa shir ku qabsaday beelaha Toljecle, shirkan oo magaciisu yahay “Talo-same”kana soo qaybgaleen dhamaan beel weynta Axmed Sh. Isaxaaq oo kala ahaa cuqaal, salaadiin, aqoonyahan, dhalinyaro, siyaasiyiin, xildhibaano iyo ganacsato. Tirada ka soo qaybgalyaasha oo dhamayd 120 xubnood oo ka soo kala jeeda beel weynta.

Ujdeeda shirka oo ahayd in lagu lafoguro dhamaan talooyinka beesha oo ay ka kow tahay midnimada beesha, nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland oo dhan, xoojinta jiritaanka qaranimada Somaliland, ka hawlgalka iyo fulinta danaha beel weynta kuwo gaara iyo kuwo guudba, sida:-

  1. Waxbarashada,La dagaalanka jahliga iyo faqriga, la dagaalanka kala qoqobnaanta, ilaalinta iyo sugida nabadgelyada beesha gudaheeda iyo gabi ahaan dalkaba, iska xilsaarida horumarka iyo dhamaan danaha beesha iyo ta Somalilandba
  2. Shirka waxaa lagu magacaabay laguna ansixiyay gudiga musdanbeedka beesha oo ka kooban 15 xubnood.
  3. Xubnaha farha badan ee halkaa waxaa ka mid ahaa Caaqil Maxamed Aw Cismaan, Axmed Xuseen Fure, Sh. Cabdillahi Ibrahim Yuusuf, Sheikh Abdillahi Abu Macaali Pro.Mustafe Maxamuud Al Khaliili, Caaqil Axmed Ibrahim Bookh, Suldaan Axmed Daahir Cilmi, Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa,Xildhibaan Abdirisaq haybe , Pro Maxamuud Xusseen Farah Salin, C/xakiim Gadhcase, H. Axmed Yaasiin Abusite, Dr C/raxmaan Ismaciil Maxamed iyo Eng Axmed Cabdi Ibrahim oo go’aamadii shirka halkaa ka akhriyay.

Dhaman xubnahaas waxay iska daba mareen in beeshu baahi wayn u qabto shirar noocana si looga tashado aayaha iyo mustaqbalka horumarineed ee toljecle. Waxayna iftiimiyeen in gudida loo shameeyay beeshu isla meeshana lagu ansixiayay ay noqon doonan gudi ka shaqaysa horumarinta reerka dhinac kastooy ahaataba.  Waxa kale oo lagu balan qaaday in sida ugu dhakhsaha badan la qaban qaabiyo shirwayne ay beeshu iskugu wada timaado kana dhici doona deegaanada beeshu dagto.Waxaa shirka lagu goaamiyay godoban soo socda

Go’aamada shirka

Wuxuu shirku go’aamiyay :-

  1. In ay muqadas tahay nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland dhamaantoon
  2. In guddiga Talosame ay masuul ka yihiin hawlaha beesha khuseeya dhamaantood
  3. In Guddiga shirka Talosame ay dhexdhexaad u yihiin dhamaan beesha Axmed Sh.Isxaaq
  4. In ku dhaqanka diinta islaamku yahay mid waajib ah
  5. In midnimada Beeshu tahay muqadas
  6. In Jiritaanka qaranimada Somaliland yahay muqadas lama taabtaana yahay

Guddiga Beesha ee la doortay:-

  1. Axmed X.Cabdillahi Abusite                                   : Guddoomiye
  2. Axmed Xusseen Fure                                                :  Guddoomiye Ku xigeen
  3. Prof Mustafe Maxamuud Cabdillahi : Xoghaye
  4. Ismaaciil Cabdillahi                                                  : Khasnaji
  5. Maxamed Muxumed Muuse                                   : Afhayeen
  6. Xuseen Macalin Axmed                                           : Xubin
  7. Axmed Xassan Ciroole                                             : Xubin
  8. Caydaruus Cabdisamad                                           : Xubin
  9. Cabdisamad Bare                                                      : Xubin
  10. Caydiid Ibraahim Nuux                                          : Xubin
  11. Xassan Maxamed X.Maxamuud                           : Xubin
  12. Cabdillahi Ibrahim Yuusuf : Xubin
  13. Xassan Maxamed Cawad : Xubin
  14. Cabdixakiim Muxumed Gadhcase                       : Xubin
  15. Maxamuud Xusseen Faarax Salin                       Xubin