Berbera: Qaar Ka Mid Ah Haamaha Kaydka Shiidaalka Oo La Sheegay In Ay Fadhiisteen Oo Aanay Shaqaynin Muddo Bil ah

0
331

Wararka Laga Helayo Magaaladda Berbera ee Caasimadda Gobolka Saaxil ayaa tibaaxaya in Haamihii Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera ay muddooyinkii ugu dambaysay qaar kamid ahi fadhiiyeen,kuwaas oo hadda aan muddo bilo ah shaqayn,isla markaana aan wax dayac tir ah lagu samayn.

Xoggahan oo Wargeyska Foore ka helay illo wareedyo ku sugan Hargeysa iyo Berbera ayaa tibaaxay in Haamaha Shidaalka Berbera ee Dowladda oo tiradoodu dhantahay 10 hamood ah, haseyeeshee ay qaar kamid ahi fadhiisteen,isla markaana aanay shaqayn dhawrkii bilood ee ugu dambeeyey.

Dhanka kalene Xogga ayaa sheegay in saddex kamid ah Haamaha Shidaalka Berbera ay fadhiyaan, kuwaas oo keliya la sheegay inay u baahan yihiin dayac tir kooban,haseyeeshee weli ma jirto cid u dhaqaaqday inay daca tirto si ay u shaqeeyaan,waxaana hadda si rasmi ah u shaqaynayey bilihii ugu dambeeyey toddoba 7 hamood oo qudha,kuwaas oo la sheegay inay iyaga qaarkood u baahan yihiin dayac tir deg deg ah, ma jiro war rasmi ah oo amuurta la xidhiidha oo kasoo baxay maamulka Haamaha iyo masuuliyiinta Xukuumadda,marka laga yimaado Xoggahaas.

Warkan waxa baahiyay Wargeyska Foore oo Ka soo Baxa Hargeysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here