“Biden Waxa Uu Ku Fashilmay Bishii U Horreysay Xukunkiisa….” Trump Oo Si Weyn U Dhaliilay Madaxweynihii Xilka Kala Wareegay

0
263

Donald Trump oo jeediyay khudbaddii u horreysay tan iyo markii uu ka baxay Aqalka Cad ayaa sheegay in aanu sameyn doonin xisbi cusub oo siyaasadeed, isagoo u sheegay shir ay Florida ku leeyihiin conservative-ka in tallaabadaas ay kala dhantaali doonto codadka xisbiga Jamhuuriga.

Khudbadda oo ahayd tii u horreysay ee uu Trump jeediyo tan iyo markii uu xukunka la wareegay Madaxweyne Joe Biden, ayaa waxa uu dadka dareensiiyay in madaxtinnimada uu markale u tartami karo doorashada 2024.

Trump ayaa si weyn u dhaliilay ninka xilka kala wareegay, isagoo sheegay in uusan mudnaanta siin siyaasadaha danta u ah Maraykanka.

“Joe Biden waxaa soo martay bishii ugu fashilka badneyd ee uu waajaho madaxweyne ka taliya Maraykanka taariikhda casriga ah. Durbadiiba maamulkiisa waxa uu muujiyay inuu ka horjeedo shaqooyinka, qoysaska, xuduudda, tamarta, dumarka iyo weliba sayniska,” ayuu yidhi Trump.

Khudbaddiisa ayaa ku soo beegantay todobaadyo kadib markii lagu waayay dacwad ahayd inuu kiciyay dadkii weeraray xarunta baarlamaanka Maraykanka.

Saameynta siyaasadeed ee Trump

Khudbadda uu ka jeediyay kulanka Orlando ayaa muujinaysa in weli uu galaangal weyn ku dhex leeyahay xisbiga Jamhuuriga.

Shirka ayaa waxaa door muhiim ah ku lahaa taageerayaasha Trump oo ay ugu cadcad yihiin senator-ka gobolka Texas, Ted Cruz iyo wiilka uu dhalay madaxweynaha hoe ee Donald Trump Jr.

Trump waxaa weli saaran xayiraad ay ku soo rogeen baraha bulshada ee Twitter iyo Facebook, kuwaas oo dhaliilay qaabkii uu uga falceliyay weerarkii hubaysnaa ee January ka dhacay xarunta Capitol.

Tan iyo markii uu xilka ka degay waxa uu ku noolaa hoygiisa Mar-a-Lago ee gobolka Florida.

Muxuu sheegay Trump?

74 jirka ayaa aad loo soo dhaweeyay markii uu soo fuulay masraxa shirka oo ka socda huteelka Hyatt Regency. Inta badan dadka goobta ku sugnaa ayaan xidhneyn maaskaraha la isaga difaaco Fayraska Korona.

“Waxaan halkan u joognaa inaan ka hadalno mustaqbalka xisbigeena iyo mustaqbalka dalkeena aan jecelnahay,” ayuu yidhi Trump.

Waxa uu meesha ka saaray in uu xisbi cusub sameyn doono, isagoo sheegay in warkaas yahay “been abuur”.

“Waxaan haysanaa xisbiga Jamhuuriga. Waxaan ka shaqeyn doonaa midnimadeena iyo in aan xoojinno xisbiga si ka wanaagsan sidii hore.”

Inkastoo lagaga guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dhacay November, si weyna loogu dhaliilay rabshaddii xarunta baarlamaanka ee January, ayaa hadda waxaa muuqata in Trump uu weli haysto shacbiyad badan.

Todobaadkii la soo dhaafay, ra’iyi ururin laga sameeyay Maraykanka ayaa tilmaantay in 46% dadkii su’aalaha la weydiiyay ay sheegeen inay Trump u codeyn lahaayeen haddii uu sameysto xisbi cusub.

Xildhibaannada Jamhuuriga ayaa intooda badan weli daacad u ah Trump. Taasi ayaa sabab u ahayd inuu ka badbaado dacwaddii looga soo oogay Congress-ka.

Shirka uu khudbadda ka jeediyay Trump oo soo bilowday 1974 ayaa loo arkaa kulanka ugu muhiimsan ay lagu jiheeyo mustaqbalka xisbiga Jamhuuriga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here