telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Bile Rafle: Tirtirihii Taariikhdii Soomaalilaan. W/Q: Cali Cabdi Coomay

Mudadii uu badhasaabka ka ahaa gobolladii waqooyi wakhtigii dawladii kacaankii Maxamed Siyaad wuxuu gacan bir ah ku xukumi jiray shacabkii dhulkaasi deganaa

Bile Rafle Guuleed wuxuu badhasaab ka ahaa gobolladii waqooyi ee Soomaalilaan-ta maanta wakhti ku siman sannadihii 1975 ilaa 1978. Wuxuu ahaa nin watay dhib iyo dheef is-huwan. Hasayeeshee dhibtiisa ayaa badnayd dheeftiisa. Wakhtiyadaasi wuxuu hirgeliyey dhismayaal ay ka mid yihiin, guriga xisbiga, tiyaatarka Hargaysa IWM. Sidoo kale wuxuu banneeyey waddooyin halbowle u ahaa isu socodka xaafadaha Hargaysa. Sababta uu sallaanka siyaasaddii kacaankii Maxamed Siyaad ku fuulay ayaa ahayd inay Maxamed Siyaad dhashay Bile Rafle Guuleed indeertii oo ahayd Shaqlan Warfaa Guuleed. Xeer abtinnimo ayuu Maxamed Siyaad ku siiyey derejada” Sareeye Guuto”.  Wuxuu adeege daacad ah u ahaa abtigii Maxamed Siyaad iyo siyaasaddii daarood derejeyntii kacaankii Afweyne. Si aynu

qodobo uga dhigno qormadan, waxa aynu dul-istaagi doonaa dhibtii iyo dagaalkii ku salaysnaa taariikh masaxidii uu kula kacay shacabka Soomaalilaan mudadii uu badhasaabka ka ahaa Soomaalilaan oo ku suntanayd 1975 ilaa 1978.

Baabi’intii Taariikhdii Soomaalilaan

Mudadii uu badhasaabka ka ahaa gobolladii waqooyi wakhtigii dawladii kacaankii Maxamed Siyaad wuxuu gacan bir ah ku xukumi jiray shacabkii dhulkaasi deganaa. Wuxuu caan ku ahaa inuu xidida u siibo dhammaan taariikhdii ay lahaayeen shacabka Soomaalilaan. Dagaalkiisii qaboobaa iyo taariikh la dagaalkiisii waxa ugu weynaa inuu amar ku bixiyey in hadh cad dab la sudho bakhaaradii Ingiriisku ku keydin jiray diiwaannadii taariikhihii Ingiriiska iyo shacabka Soomaalilaan dhexmari jiray (Somaliland Protectorate stores), oo ku yaalay dhinaca koonfureed ee dhismaha Wasaaradda gaadiidka qaybta baabuurta ee wakhtigan.

Waxa dhacdadan goob jooge u ahaa Yuusuf Cilmi Gaagaab oo haatan nool kana mid ahaa shaqaalihii dawladii hoose ee amarka gubitaanka ku shaqaynayey. Yuusuf wuxuu ii sheegay in gawaadhi is-jiidyo ah dabada loo gelin jiray diiwaannadaasi oo dhammaantoona dab la qabadsiiyey. Sidoo kale Cali Nuux oo wakhtigaasi taariikhda la gubay ka helay Joornaal ka badbaaday gubitaankii oo uu akhrisan jiray ayaa ii xaqiijiyey gubitaanka taariikhdaasi. Wax isna buugiisa Tiirka Colaadda ku qoray taariikh-gubistaasi qoraagga Cabdiqaadir Aroma AHN.  Amarkii Bile Rafle ee taariikhda lagu gubayey, wuxuu saameeyey in dab la sudho iyada oo aan loo  aabo yeelin wixii Ingiriisku Soomaalilaan kala kulmay 75 sanno ee uu deganaa dhulka Soomaalilaan oo aan maanta waxba laga haynin. Macluumaadka uu Bile Rafle dabka sudhay waxa ugu mihiimsanaa heshiisyadii dhexmaray Ingiriiska iyo odayaashii Soomaalilaan ee la odhan jiray HESHIISYADII SAAMAHA ee dhacay intii u dhexaysay 1884 ilaa 1888. Sidoo kale waxa ku jiray halgankii waxbarasho ee uu horkacayey Maxamuud Axmed Cali iyo afartii nin ee halganka kula jiray ee kala ahaa: Yuusuf X. Aadan Qabile, Yuusuf Ismaaciil Samatar “Gaandi”, Maxamed Shire Maxamed iyo Cabdisalaan Xasan Mursal.

Macluumaadka kale ee uu Bile Rafle dabka sudhay waxa ku jiray heshiisyadii dhexmaray Ingiriiska iyo Itoobiya. Dagaalkaasi taariikh tirtirada ah ee Bile Rafle Guuleed kula kacay shacabka Soomaalilaan waa godob weyn oo uu dadkan iyo dalka ka galay, markaasay maanta dad wax magarato ahi daba-yaacayaan oo ay ku qiimaynayaan shaqadiisii u qabsanayey ee dhismihii guriga xisbsiga iyo goobo kale oo Hargaysa ku yaallay, hasayeeshee waxa ka culus gefka weyn ee uu ummaddan taariikhdii oo dhan gubay.

Burburintii Xabaalihii Hargaysa

Bile Rafle mudadii uu badhasaabka ahaa wuxuu caan ku ahaa inuu waddooyinka ka banneeyo gudaha xaafadaha Hargaysa iyo goobaha isku raranta ah. Dabadeed wuxuu cagaf gelin jiray xabaalo ay ku dad ku aasan yihiin, cagaftuna waxa ay isku simi jirtay dhammaan dhulka xabaalaha ah, markaasuu dad dejin jiray iyada oo lafihii xabaaluhu meel kasta daadsan yihiin, waxa aynu tusaale u soo qaadan karnaa dhawr jiho oo Hargaysa ku taala oo uu xabaalo ka burburiyey, sida, xabaalihii ku aasnaa dhulka uu imika ka dhisan yahay dugsiga Gacan Libaax, xabaalihii ku aasnaa galbeedka deyrka idaacada Radhyow Hargaysa, xabaalihii ku aasnaaa agagaarka masaajidka Xasan Rakuub iyo xabaalihii ku aasnaa  waqooyiga cisbitaalka Aadna Aadan. Dhacdooyinkaasi waxa ii xaqiijiyey dadkii deganaa ee la jaarka ahaa xabaalahaasi.  Dhammaan xabaalahaasi waxa ku aasnaa odayaal karaamo iyo qadarin ku lahaa shacabka Soomaalilaan. Afkaarta kacaankii Afweyne oo saldhigeedu ahaa Alle ka cabsi la’aan ayaa keentay inuu Bile Rafle ku kaco ficilkan, iyada oo aynu ognahay inay diinta Islaamku diiday in xabaal la dul-dago.

 

Qorshihii Deegaameyntii Daaroodkii Itoobiya

Markii uu bilaabmay dagaalkii 1977 ee dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa dagaalkaasi ku soo barakacay inta badan Daaroodkii Itoobiya deganaa oo u badnaa Absame. Bile Rafle wuxuu dejiyey qorshe daaroodkaasi lagu deegaameynayo dhulka Isaaqa, si ay aanay dib ugu laaban deegaanadoodii. Deegaameyntu waxa ay u dhacday sidan: Xeryihii daaroodku waxa ay ka koobnaayeen 14 Xero, waxa xagga jabuuti ugu xigtay xerada Caga Gub oo u dhaw deegaanka Cabdiqaadir, xerada Janeefa oo u dhaw Wajaale, xero kale oo u dhaw Arabsiyo oo Dhagax Madoobe la odhan jiray, Hargeysa waxa ku taalay xero u dhawayd dhaamka iyo xeedho, xeradii Laas Dhuure, xero kale waxa ay ku taalay Agabar, halka tu kalena ay ku taalay Sabacad, mid kale waxa ay ku taalay Dacarbudhuq oo xerada Adhicadeeye ayaa la odhan jiray, mid kalena waxa ay ku taalay Cadaadlay iyo laba xero oo ku kala yaalay dhaymoole iyo Mijacaseeye.

Xerada Agabar ku taalay ayuu Maxamed Cilmi Galaan ii sheegay inay  ku noolaayeen 26,000 oo qaxooti ah, qaxootiga waxa laga dhex sameeyay ciidan Hubaysan oo haysta ilaa 300 oo qori, waxa aanay amar ku  qabeen in dadka ay deegaanka ugu yimaadaan beeraha ka qaadaan, sidoo kale markay xoolo yeeshaan inay guuraan oo ay sida reer guuraaga oo kale kolba meel degaan si ay dhulka u yeeshaan. carruurtooda waxa iskuulo looga dhisay xeryaha qaxoontiga, markay carruurtoodu dugsiyada dhexe iyo ka saraba gaadhaana waxa loo soo beddeli jirey magaalooyinka si ay deegaan ugu noqdo magaalada. Wuxuu daaroodka u deegaameynayey sida Yuhuuda wakhtigan loogu deegaameeyo dhulka Falastiin.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan 

Calicoomay@hotmail.com

 

423 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins