Bogaadin Ku Aadan Khudbadii Madaxweynaha Ee Labada Gole, Qaybtii Sicir Bararka Oo Tallooyin Badan Oo Aan U Gudbiyay Uu Ku Soo Qaatay‏

0
381

Bogaadin Ku Aadan Khudbadii Madaxweynaha Ee Labada Gole, Qaybtii Sicir Bararka Oo Tallooyin Badan Oo Aan U Gudbiyay Uu Ku Soo Qaatay‏

Sida aynu ka war qabno waqtiyadan dambe arrinta sicir bararku waxay ahayd mid cirka isku sii shareeraysay, sidaa darteed dhawaaqa iyo talaabada xukuumaddu qaaddaaba wuxuu ahaa mid ay bulshadu guud ahaanteed u dhag taagaysay. Inkasta oo uu madaxweynuhu guddi u saaray isla markaana aan wali gudidaasi tallo bixinteedii u soo gudbinin si muuqata, haddana marka aragtiyaha dhaqaalaha laga hadlayo waxa aynu ogsoonahay in aan waddankeena aanay shaqaynin siyaasadihii xakamayn lahaa sicir bararka isla markaana horseedi lahaa horumar dhaqaale. Anniga oo haddaba ka duulaya baylahdaas jirta iyo goddolooyinkaas ee aynu baahida weyn u qabno buuxintooda ayaan isu xil qaamay in dhaweydaba inaan tilmaamo ka bixiyo, sidaa darteed waxaan Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaalilaan, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uga mahad celinayaa sida odaytinimada leh ee uu u qaatay talooyinkii iyo tusmooyinkii aan uga gudbiyay arrintaas sicir bararka iyo baahida loo qabo in baanka dhexe laga dhigo mid gudata waajibaadkiisa, waxaanan madaxweynaha ku boorinayaa inuu ku dhiirrado in ay hirgalaan dhawrkii qodob ee ku soo qaatay qudbaddisii dastuuriga ahayd ee uu u jeediyay labada gole 11/01/2016, kuwaasi oo haddii uu si xooggan uga shaqeeyo muddo xileedkiisa noqon doona talaabo wanaagsan oo halkaas laga sii ambo qaado. Waxaanan leeyahay madaxweyne waad ku mahadsan tahay tix-galinta iyo weellaynta aad ku samaysay tallooyinkii aan warbaahinta iyo siyaabaha kale aan qaranka ugu soo gudbiyey, waxa kaliya ee aan kugu boorinayaa waa in aad sii ambo qaaddo isla markaana aad diwaankaaga ku darto.
Qormooyin taxane ahaa ayeynu hore ugu soo gudbinay warbaahinta, kuwaas oo ciwaanadoodu ay ahaayeen sicixir Bararka Maxaa Sal u ah, Mihiimadda Ay Nidaam Siyaasadeedka Lacagtu U Leedahay Horumarinta Dhaqaalaha iyo Siyaasadda Maaliyadda Kaalinta Ay Ka qaadato Horumarka Dhaqaalaha oo si faahfaahsan iyo talloba leh warbaahinta siyaabaha kaleba aan ugu mariyey xukuumadda iyo bankiga ba, runtii waa rajo weyn in madaxweynuhu qormooyinkaa farriintii ay gudbinayeen uu higsiga wax lagu saxayo uu ka dhigay, isaga oo qudbad sannadedkiisii ku soo qaatay una dhigay sidan hoos ku xusan:
4. Qiima Dhaca Iyo Isticmaalka Shillinka Somaliland
Mudanayaal iyo Marwooyin,
Dalkasta oo dunida ku yaal wuxuu leeyahay calan iyo cumlad u gaar ah. Lacagta Qarankani uu leeyahay waa Shillinka Somaliland. Waxaa hubaal ah in lacagteenii uu ku yimi qiimo dhac, ka dib markii ay suuqa iyo seyladda ganacsiga ku cidhiidhyeen lacago qalaadi. Taasi waxay keentay in lacagteenii ay soo ururto isticmaalkeedu. Haddaba, si aynu uga badbaadno dhibaatooyin siyaasadeed, dhaqaale iyo lacagteena oo sii qiima beesha. Waxaa xukuumadayda ka go’an in ay xaqiijiso arrimahan:
1) Waxaannu suurto gelinaynaa in lacagta Shillinka Somaliland noqoto cumlada rasmiga ah ee wax lagu kala iibsado.
Waxaa waajib ah in bulshadu wax ku kala iibsato ama wax isku weydaarsato lacagteena, dhamaan Goobaha Ganacsiga sida Huteelada, Dugsiyada Waxbarashada, Suuqyada kala duduwan, Seyladaha Xoolaha iyo wixii la mida.
2) Waxaa bartilmaameed inoo ah in qiimaha sarifka dollarka ee Shillinka Somaliland la gaadhsiiyo 6,000 oo Shillin.
3) Waxaannu xoojinaynaa isla markaana dardar gelinaynaa Awoodaha Baanka Dhexe ee Qaranka, si uu u xakameeyo sicir bararka iyo sarifka lacagaha.
4) Waxaannu ku gudo jirnaa diyaarinta iyo daah furka daraasad qotodheer oo lagu xaqiijinayo in adeega Zaad-ka iyo E-Dahabka ku shaqeeya lacagta dollar ka ah ay qayb ka yihiin qiimo dhaca Shillinka Somaliland.
5) Sidoo kale, waxaa daraasadaa lagaga gun gaadhi doonaa in lacagta sarifka Shillinka Somaliland ee gacanta u gashay Ganacsatada Waaweyn ee Bangiyada, Xawaaladaha iyo Jaadwalayaasha ay saamayn ku leeyihiin ama qayb ka yihiin qiima dhaca Shillinka Somaliland. Arimahan aan kor ku soo sheegnay haddii cilmi baadhistaasi si dhab ah u xaqiijiso, waxaa lagama maarmaan ah in aanu go’aamo adag ka qaadano si loo helo xal waara.
6) Waxaannu Shirkadaha iyo Shacbi Weynaha Somaliland ku dhiiri-galinaynaa in ay lacagta dalkooda ku isticmaalaan adeegyada casriga ah ee Zaadka iyo E-dahabka.
7) Waxaannu dhiiri gelinaynaa in dalka ay yimaadaan Maal-gashadayaal, Shirkado Ganacsi iyo Bangiyo Caalami ah, si dhaqaaleheenu u kobco.
8) Si aynu u helno lacag adag oo dalka ku soo noqota, isla markaana loo yareeyo wax yaalaha la inoo soo dhoofiyo, waxaan ku dhiiri-gelinayaa shacbigayga in ay xooga saaraan Wax Soo Saarka, Dalaga Beeraha, Shaqa Abuurka, Xoolaha Nool, Beeyada, Kalluunka iyo wixii la mid ah, kuwaas oo ah khayraad alle inagu manaystay bad iyo berrina dhulkeena buuxiyey.
9) Waxaan Shacbiga Somaliland u damaanad qaadayaa in aanay is dhex geli doonin hantida Qaranka keyd ka u ah ee Bangiga Dhexe ka mas’uulka yahay, iyo hantida ay xukuumadaydu isticmaasho.
Arrintani waxay ka hortag iyo xal waara u tahay in aanay suuqyada hafin lacago dheeraad ku ah Shillinka Somaliland, taas oo aan dawladda dakhli ahaan u soo gelin ama aanay xoogsan.

Qalinkii: Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com.