Boorama iyo Laas-caanood ma xasuuq bay ka gaysteen Jabhaddii SNM?

0
142

Boorama iyo Laas-caanood ma xasuuq bay ka gaysteen Jabhaddii SNM?

Aqoon ilaahayoow hanagu cadaabin, eexna hanooga tagin.
Qoraalkan kooban waxa igu kallifay, waxan arkay dad ka fal celiyey qoraalo iyo qudbado an ku beegsaday inaan ku iftiimiyo sida aan u arko in ummada soomaaliyeed markale laysugu soo dhaweyn karo, anigoo qaarkood isku dul taagay waxyaabaha keenay inay somaliya burburto iyo in somaliland ku dhawaaqdo inay dib ula soo noqdaan madax-bannaanidoodii ay ka heleen gumaysigii ingiriiska.

Shaki kuma jiro in udub-dhexaadka dhaqdhaqaaqii SNM uu ahaa beesha isaaq walow ay jireen dad tiro yar oo kasoo jeeda beelaha kale ee soomaaliyeed oo la afkaar ahaa sida madaxweyne-ku-xigeenkii hore ee Somaliland Cabdiraxmaan aw Cali Faarax oo ahaa mid kamid ah saraakiishii SNM kuwa ugu cad cad.

 

Sidaa daraadeed wax deelqaaf ah uma arko in dusha laga saaro beesha reer sheekh isaxaaq wixii dhibaato SNM gaysatay, si lamid ah, waxan sax u arkaa in beel ahaan iyo SNM ahaanba ay isaga difaaci karaan wixii ay u arkaan in aanu qaban ama been abuur lagu sameeyo wixii ka dhacay soomaaliya. Jabhadii SNM ee dagaalka hubaysan kula jirtay ciidamadii xoogga badnaa ee daacadda u ahaa Siyaad Barre suuragal umay ahayn inay ka dagaalamaan aagag ka baxsan deeganada beeshoodu degen tahay sababo badan awgood haba ugu waynaato awoodooda ciidan iyo logistics ka ay haysteen oon u saamaxayn inay isku fidiyaan dhul ka balaadhan intii ay ka dagaalamyeen ee la ogaa. Jabhadda umay suuro galin inay xataa hal mar dagaal ku galaan gudaha Boorama iyo Laas-caanood ka hor jabitaankii ciidamadii Siyaad Barre dabayaaqadii bishii January iyo horraantii February sannadkii 1991. Marka laga yimaado xurgufaha iyo aanooyinka qabiil ee aalaaba dhex mara beelaha jaarka ah ee soomalidu caanka ku tahay, waxaynu kawada dharagsanahay in beelaha Sool iyo Awdal si toosa ula safnaayeen xukuumadii Siyaad Barre sida beelo kale oo badan oo soomaaliyeed, laakiin faraqa udhexeeya iyaga iyo beelahaa kale uu yahay kan ah inay jaar la yihiin beesha isaaq ee dagaalka iyo isir xasuuqa lagu hayay.

 

Markii cagta la mariyey ciidamadii kacaanka ee goboladii woqooyi gacanta u galeen jabhadii SNM, dagaalkii u dabeeyey ee SNM kula gasho gudaha goboladaas waxa uu ahaa kii ka dhacay Borama 4tii February 1991. Haddaad aaminsan tahay in dagaalkaa SNM la gashay beesha degta gobolkaa, waad qaldan tahay xaalkuna sidaa muu ahayne wuxuu ahaa sidan; dagaal qadhaadh oo faraha lagaga gubtay oo hal wiig oon kala go’ lahayn ka socday gudaha magaalada Berbera iyo inta u dhaxaysa Berbera iyo hargeysa badhtamihii bishii January + dagaalkii xoogagii USC ku galeen gudaha magaalada Muqdisho waxa lumay kala amar qaadashadii iyo kala danbayntii ciidamadii soomaaliya, waxaanay bilaabeen inay kala firxadaan. Hagaag, ciidamadii ku sugnaa Burco agagaarkeeda iyo wixii koonfur ka xiga waxay u baxsadeen xagaa iyo koonfur, Berbera iyo galbeed wixii ka xiga ciidamadii joogayna waxay ka baxeen wadada galbeed iyagoo mar kale isku urursaday degmada Dila ee duleedka Borama, ciidan xoog badan oo 9 taangi (kaare) iyo tikniko kale oo fara badan wata ayaa halkaa mar kale Iyaga iyo SNM dagaal ku dhexmaray waana isla 4ta February ee Boorama ciidamada SNM dagaalka ku galeen kadib markay jiidheen difaacii hore ee Dila.

 

Ciidamadii SNM waxay Isla naalintaa gudaheeda dagaal kula galeen hadhaagii ciidamadii ka firxaday Dila iyo ciidan qaab beeleed isu abaabulay oo isu diyaariyey inay magaalada Borama ka difaacaan xoogagii SNM, lakin waa laga itaal roonaaday kadib dagaal saacado galin danbe ah qaatay, magaaladiina dhamaanteed waxay ku dhacday gacanta SNM, habeenkiina halkaasay u hoydeen lakiin markii waagu baryay inyar kadib waxa bilaambay dhaq-dhaqaaq uu hormood ka yahay Cabdiraxmaan aw cali Faarax kaas oo isla maalintaaba ciidamadii SNM magaalada lagaga soo saaray qaab heshiis, waxan isku dayay marar badan inaan wax ka ogaado 24 kaas saacadood ee SNM Borama haysatay qasaaraha ay gaysteen intu leekaa, waayo waxan arkay in bilkasta iyo sannad kasta lasii kordhinayo wixii halkaa ka dhacay, iyadoo dad ka xun nabadda ay reer somaliland kuwada noolyihiin si xun oo runta ka fog wax uga sheegaan taariikhda. waa xaqiiq in maalintaa dad rayid ah ay ku dhinteen Borama balse ma jirto dad dhicib ah oo inta lasoo ururiyey la laayay sidii ka dhici jirtay magaalooyinka ay degto beesha dhexe iyo waliba xamar sida xasuuqii jasiira.
Magaalada Laascanood iyada gudaheeda xiligaa SNM mabay gaadhin.

Hadaba cidda aaminsan in ciidamadii SNM ay xasuuq ka gaysteen magaalooyinkaa iyo goboladaas aynu soo sheegnay waxa looga fadhiyaa caddaymo wakhtiyeysan, goobo markhaati leh, oo laysla ogyahay wixii ka dhacay, mana jirto taariikh la qarin karo iyo cid dadka been iyo waxaan dhicin ka dhaadhicin kartaa.
Inaanay Somaliland ka dhicin kala aar goosasho waxa kuu caddaynaysa sida ilaa imika nabad galyada loogu wada noolyahay.
Waana inta ay kaga duwan tahay koonfur. Runta oo laga fogaadaa xalkana way sii fogaysaa.

MP. Mustafe Qodax

Wa billaahi tawfiiq.