Boqor Buurmadaw Oo Tacsi U Diray Qoyska Chief Caaqil Cawl Cabdulle Nuur‏

0
395

Boqor Buurmadaw Oo Tacsi U Diray Qoyska Chief Caaqil Cawl Cabdulle Nuur‏

Hargeysa(Warsugannews)Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadaw) Oo ka mid ah madax-dhaqameedka waaweyn ee Somaliland ayaa tacsi u diray Qoyska Caaqil Cawl Cabdulle Nuur oo 14kii May 2016 ku geeriyooday magaalada Hargeysa, isaga oo xusay in uu ka mid ahaa tiiraraka dhaqanka, halganka iyo nabadda Somaliland. Sidaasna wuxuu Boqor Buurmadaw ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Facebook oo u dhignaa sidan

“Inaalilaahi wa inaa ileyhi raajicuun. Runtii waa geeri xanuun badan Ilaahay hawnaxariisto Chief Caaqil Cawl Cabdulle Nuur.

Abidkii rag waa go i jiree, tanise waa gawe,

Lix hal oo uwada gaar ahaa, gocanayee mooyi

waxaan ku sifayn karaa aqoontii fara-ku-tiriska ahayd ee ka hadhsanayd waxgaradkii iyo halgamayaashii Qaranka Somaaliland. Marka hore waxaan ugatacsiyadaynayaa Qaranka Somaliland iyo bulshadii uu hoggaan ka u ahaa, gaar ahaan ubadkiisii iyo duriyadii uu kategey qabriga Alle ha unuuro”

© 2016 Microsoft Terms Privacy & cookies Developers English (United States)