Bulshada Hargeysa Oo Loogu Baaqay Inay Soo Dhaweeyaan Ciyaaraha Gobollada Ee Maanta Furmaya

0
363

Bulshada Hargeysa Oo Loogu Baaqay Inay Soo Dhaweeyaan Ciyaaraha Gobollada Ee Maanta Furmaya

Hargeysa(Warsugan) Ciyaaraha gobollada Somaliland ayaa qorshaysan in maanta ay ka furmaan garoonka kubadda cagta ee Hargeysa istaadyom, waxaana lagu furayaa xulalka gobolka Saaxil iyo Xaysimo. Maamulka gobolka Maroodijeex iyo waxgarad kale ayaa bulshada reer Hargeysa ugu baaqay in la soo dhaweeyo gobollada ka kala imanaya dalka iyo taageerayaashooda, iyadoo si gaar ah farriin loogu diray bulshada degmada Axmed Dhagax ee garoonku ku yaallo.

Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Maxamuud Ismaaciil Cilmi Dheeg, ayaa shir jaraa’id ku sheegay in bulshada caasimadda looga baahan yahay soo dhaweynta ciyaartoyga “Waxaa furmaya ciyaaraha gobollada, sidaas awgeed waxaan bulshada caasimadda ku boorrinayaa inay ilaaliyaan ammaanka, gaar ahaana bulshada reer Axmed Dhagax oo ciyaaruhu ka soconayaan. Waxaan bulshada leeyahay ammaanka xil ha la iska saaro, gaar ahaanna garoonka oo ha la soo dhaweeyo dadka martida inoo ah,” ayuu yidhi Badhasaabku.

Sidoo kalena kulan dhalinyarada Madasha Daalo oo fadhigeedu yahay Hargeysa soo qabanqaabisay oo lagu qabtay garoonka kubadda Cagta Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay wacyi galin ku saabsan sidii loo wada ilaalin lahaa habsami u socodka ciyaaraha gobollada “Gobollada inoo imanaya ciyaartoygooda, taageerayaashooda iyo cid walba oo la socota waxay marti u noqonayaan Hargeysa, gaar ahaan degmada Axmed Dhagax, markaa waxaanu bulshada reer Axmed Dhagax ku waaninaynaa in si sharaf leh loo soo dhaweeyo dadkaas, walaalnimo iyo waji furan la tuso, arrintaas ayaanu dadka ku wacyi galinaynaa,” ayuu yidhi Biixi Maxamed oo ka mid ah maamulka ururka qabanqaabiyay kulankaasi.

Sidoo kalena guddoomiyaha degmada Axmed Dhagax Naasir Caydiid, xoghayaha gobolka Maroodijeex Xamse Ciise iyo guddoomiye xigeenka Maroodijeex Rashiid Axmed Maxamed iyo madax wasaaradda ciyaaraha ka tirsan oo madasha ka hadlay ayaa bulshada ugu baaqay inay si fiican u qaabilaan dadweynaha ciyaaraha ka qayb qaadanaya iyo ciyaartoyga “Reer Axmed Dhagax imika lama baranayo ee waxaa la bartay 1988-kii markii la qaxay ee Baligubadle xarunta noqday, markaas baa la bartay marti galintooda, imikana waa inay ciyaartoyga u marti galiyaan sidii looga bartay,” ayuu sheegay guddoomiye xigeenka gobolku.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office