Bulsho Lagu Gumaysto Khuraafaad

0
340

Dalka Hindiya waa dalka ay ka jiraan dhaqamo iyo caadooyin yaab leh oo qaarkood aan qofku rumaysan Karin. Waa dal lo’ada lagu caabudo oo aan hilibkeeda lagu cuni Karin, waana dal haddana  kaadida lagu cabu iyadoo loo arka caafimaad iyo in xanuunada lagaga bogsanayo sida kansarka iyo xanuuno kale oo halis ah.

Hindiya waxa ku nool bulsho aaminsan dhaqan diimeed wax ay ugu yeedhaan “ Naga Sadhus” , Bulshadaasi ragoodu dhar ma xidhaan, mana maydhaan isla markaana dhamaan timaha ka baxa jidhkooda ma ogola in wax yarna laga jaro. Waxa kale oo raggu ay dhib ku hayaan xubinta taranka ee jidhkooda iyagoo doonaya in aanu dareen yeelan,taasi oo ay u arkaan denbi.   Naga Sadhu qofku kuma noqdo wakhti kooban waxa uu maraa dariiq dheer oo ay ugu horayso in marka hore uu noqdo raahib dunida iska tegay oo go’doon kaga jira.

Waxa ay aaminsan yihiin in dadka qaarkood ka awood badan yihiin kuwa kale sidaa awgeed waa dhaqan adoonsi  ah, wadaadka awoodda badan leh isla markaana barakaysan ayaa si weyn loogu sheqeeyo loogana barakaystaa. Dumarkooda waxa ay magaalooyinka yimaadaan marka ay xaflado dhiganayaan iyagoo aan dhar xidhnayn. Dumarkooda ayaa waxa  keliya ee ay xidhaan maro liimi ah oo ah tan ay Hinduusku xidhaan.  Waxa ay degan yihiin Himilaya, waxaana ay aaminsan yihiin in webi ku yaalla dalkaasi oo lagu magacaabo Gang uu yahay mid biyihiisu barako leeyihiin. Wakhtiyada ay iidaha samaystaan ayay tagaan webiga iyagoo biyihiisa ku dhex dabaasha.  Dhaqamada diin ku sheegga ee ah ee la isku adoonsado waa mid dunida ka  jirta meelo kala duwan iyadoo qofka sheekha sheeganaya uu u muuqdo mid karaamo iyo awood ka badan dadka kale leeyahay oo qofka qaadan waaya amaradiisa ay masiibo ku dhici doonto.

Islaamku waxa uu dodka ka xoreeyay adoonsiga caqiido isagoo ku xidhay Allah (Sw) iyo in uu keligii ka cabsado, isla markaana aanay jirin qof  dadka ku cabsi gelin kara awoodo dheeraad ah kaasi oo u muuqanaya in isaga la caabudayo oo hadba arinka uu ku amro la qaadanayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here