Burco: Dhalinyaro Agab Wax-barsho Gaadhsiisay Degmada Go’da weyn Ee Gobolka Saaxil + Sawirro

0
456
Burco: Dhalinyaro Agab Wax-barsho Gaadhsiisay Degmada Go’da weyn Ee Gobolka Saaxil + Sawirro
Burco (WSN) Dhalinyaro is xil qaantay  ku nool magaalada Burco kana soo jeeda deegaanka degmada Go’da weyn ee gobolka saaxil, ayaa deeqo kala duwan gaadhsiiyey iskuulada degmadaasi iyo madarasdaha kala duwan ee degmadaasi ku yaaala.
Dhalinayarada oo ka socdaasha magaalada Burco ayaa ayaa agabka wax barashada gaadhsiiyey dugsiga  sare ee  Muujaaihid Lixle  ee ku yaala degmada Go’da weyn, taas oo ka koobnayd manhajka cusub ee wax-barshada Somaliland oo dhammaystiran iyo agabyada kale ee wax-barshada iyadoo deeqdaasi ay si wadda jir ah ugu wareejiyeen guddoomiyaha wax-barshada degmada Go’da weyn Mr C/laahi Bulxan iyo xoghayaha dowlada hoose ee degmadaasi Deeq Cabdi Warsame.
Dhanka kalena dhaliyaradan ayaa waxay gaadhsiiyeen maderasadaha Qur’aanka kariimka ah lagu barto ee ku yaalada degmada Go’da weyn deeqo kala duwan oo ka koobnayd kitaabo xadiisyo ah iyo musxafyo Qur’aanka kariimka ah, waxaanay ka guddoomiyey maamulayaasha madarasadaasi iyadoo ay goobjoog ka ahayeen  xafladaasi guddoomiyaha wax-barshada degmada Go’da weyn iyo xoghayaha dowlada hoose ee degmadaas.
Geesta kalena Guddoomiyaha wax-barshada degmada Go’da weyn Mr C/laahi Bulxan iyo xoghayaha dowlada hoose ee degmadaasi ayaa si isku mid ah ugu mahadnqaya dhalinyaradaasi deeqdaa wax-barasho soo gaadhsiisay degmada, iyadoo dhalinyaradan Burco ka jarmaada ay iyaguna dhankooda ballan-qadeen in baahiya degmada wixii karaankooda ah ay wax ka qaban doonaan, isla markaana ay ka shaqayn doonaan horumarka degeenka .
Isku soo wadda xoorriyoo dhalinyaro iskood isku xil qaamay oo ku nool magaalada Burco kana soo jeeda degmada Go’da weyn ayaa deeqo wax-barsho gaadhsiiyey iskuulada iyo maderesadaha diinteena suubana lagu barto lagu barto ee ku yaala degmada Go’da weyn.