Buuhoodle: Somaliland Oo Dedaallo Nabadeed Ka Wada Iyo Farmaajo Oo Dab Isugu Dhiibay

0
643

Buuhoodle: Somaliland Oo Dedaallo Nabadeed Ka Wada Iyo Farmaajo Oo Dab Isugu Dhiibay

 

Ceegaag, 11 June 2020 (Warsugan)-Degmooyinka Ceegaag iyo Horufadhi oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, waxa ku soo qulqulaya ergooyin nabadeed oo ka yimi gobolada Sool, Sanaag iyo deegaamo kale oo kamida dhulka Soomaalida, ergooyinkaasi oo ka qaybqaadanaya daminta shaqaaqo beelo walaalo ah ku dhex martay duleedka magaalada Buuhoodle todobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa shalay magaalada Ceegaag lagu soo dhaweeyey wufuud ka yimi deegaamo ka tirsan gobolka Sool, kuwaasoo isugu jiray isimo dhaqan iyo waxgaradka, kana mid yihiin Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo Boqor Cabdilaahi Axmed Cali, waxaana halkaasi ku qaabilay maamulka Degmada Ceegaag iyo isimo hore halkaasi u sii joogay.

Guddoomiyaha Degmada Ceegaag Axmed Ciise Cawad iyo Garaad Maxamed Xaaji Xirsi Ducaale oo kamida Madaxdhaqameedka gobolka Buuhoodle ee waan-waanta nabaddeed halkaasi u joogay, ayaa wufuudda uga mahad celiyey sida ay isugu soo xilqaameen daminta shaqaaqada dhex martay labada beelood ee walaalaha ah, waxaanay intaasi ku dareen in howsha nabadeyntu meel fiican marayso.

Geestooda, Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale iyo Boqor Cabdilaahi Axmed Cali oo u hadlay weftiga la soo dhaweeyey, ayaa yihdiddiilo fiican ka bixiyey in ay howsha nabadeyntu si fiican u dhamaato, waxaanay labada dhinac ee dhibtu kala gaadhay ugu baaqeen in dhinac waliba wixii kagaga xidhan xadhiga nabadda fududeeyo “Waxaan rejjaynaynaa ilaahayna aynu ka baryeynaa in nabada si fiican loo wada qaato oo cidii wax ku maqan yihiina wanaajiso , cidii wax ka maqan yihiina la wanaajiyo”ayuu yidhi Boqor Cabdilaahi Axmed.

Dhinaca kale, waxa Ardaaga nabadeynta labada beelood ee Buuhoodle maalmihii la soo dhaafay gaadhay Wufuud culus oo ka socda Xukuumadda Somaliland, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan Wasiirka howlaha guud Cabdirashiid Ducaale Qambi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.

Weftigan Xukuumadda Somaliland ka socda, ayaa qayb ka ah kulamo loogu kala dabqaadayo labada Beelood ee dilalku dhex mareen, kuwaasoo laga shaqaynayo sidii heshiis rasmi ah looga dhex dhalin lahaa.

Dhanka kale, ciidan milateri ah oo ka tirsan guutada 7aad ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo horaantii todobaadkan la kala dhex dhigay maleeshiyaadka labada beelood, ayaa wali ku sugan halkaasi, kuwaasoo ka qayb-qaadanaya sugida nabad-gelyada deegaamada howsha nabadeyntu ka socoto.

Dhinaca kale, iyadoo deegaamo kamida gobolka loo fadhiyo xalinta dhibaato nabad-gelyo darro oo ka dhalatay dilal dhex maray dad walaalo ah iyo in laga hortago colaad ehli ahi ka dhex qaraxda bushada halkaasi wada degen oo dhiig ku kala daadto , ayaa waxa ay dawladda taagta daran ee soomaliya durbaan siyaasaddeed oo ay ka soo xawishay Xamar ka dhex bilowday magaalada Buuhoodle, halkaasoo dhalinyaro la abaabulay ka furteen xafiis la sheegay in uu leeyahay Xisbiga uu hogaamiyo Madaxweynaha dalkaasi Maxamed Cabdilaahi Farmaajo.

Xafiiskan oo laga furay Mid kamida Xaafadaha magaalada, ayaa qorshihiisa waxa hogaaminaya Koox Dhalinyaro ah sida la sheegay ku xidhan Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo xilkasnimo la’aantoodu ka muuqato xilliga ay ku soo beegeen xafladaysiga doollaalada ah ee laga soo abaabulay Xamar.

Ma jiro wax war ah oo ay Maamulka Gobolka Buuhoodle iyo Xukuumadda Somaliland ka soo saareen arrintan, iyadoo masuuliyiintii Dawladda ee Gobolku ay ku mashquulsan yihiin waan-waanta nabaddeed ee loo jooggo Horufadhi iyo Ceegaag.

Si kastaba ha ahaatee, talaabadan ay madaxda Soomaaliya durbaanka Siyaasaddeed uga dul bilaabeen dedaallada nabadeed ee ay shacabka Buuhoodle ku fooggan yihiin, ayaa loo arkaa in ay la mid tahay cuqubooyinka ka socda Muqdisho ee aanay dhaadanayn Ragga madaxda sheeganayaa wax ka qabashada xasilooni-darada la degtay dadka shacabka maalin walba le’da qaraxyada iyo dilalka qorsheysan.

Wargeyska Warsugan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here