Caashaqu ciyaar iyo khiyaal ma gayo, in la galiyaana waa gunnimo iyo gabood fal xun oon xayo , xishood iyo xeerin toona ku xardhanayn

0
632

Caashaqu ciyaar iyo khiyaal ma gayo, in la galiyaana waa gunnimo iyo gabood fal xun oon xayo , xishood iyo xeerin toona ku xardhanayn.
Xad-gudubyada caashaqa laga galo ciqaabtooda waa la mutaa ha dhawaato hana dheeraato waayo shay lagu xad-gudbo oon ciqaab lahayn ma jiro ha daah-furnaato ama ha dah-soonaato `e . Caashaqu waa cawo iyo ayaan mar lagu la daadahaynayo , waana cadaab mar ka been iyo jilid aan jirin lagu gu jahawareeriyo se dano kale laga leeyahay. Sida dhacda dhawaanahan. Hadalka hablaha been iyo borobogaando uma arko, judha uu bishimahooda ka soo baxuu I beddalaa igu na biimeeyaa belo aan laga soo waaqsan Karin, bal ka waran ta
busaylbaan kuu qabaa igu tidhaa na? goor horaaban boqrayaa. Sidaa darteed muddooyinkan waan ka maagay, ma na iman maqaaxiyihii iyo goobihii kulanka labada gallin ba waxan dhex kuududaa farmasi , haddana ma ihi dhakhtar iyo kalkaaliya toona` e iibka dawooyinka sida dareen la`aanta loo daldashaan ka adagahay.wax na I maxaafsaday oo maankayga qaaday, miyirkayga doorshay, maskaxdayda miiray, muuqaygana madoobeeyay , caashaqa cabbirka iyo cadadka aan laheyn ee BAXSAN BEER-LULA jeerooy saas tahay na waan u booyaa, una bukaa mana banbaaniyo oo billo farmasigan. waayo beryahaan imi wuu buuxay hadda se khaanad waliba waa baabah iyo bannaan. Aduu madhisayaana mooyi! Madhay uun, muldhukh na yidhi. Looga mana horreyn maalintaan Baxsan bartay eey beer-nugayl iyo beenta caashaqa igu ballaysintay. Waan kuu bukaa……. Ku boqrayaa…… baarri kuu noqonayaaa……. Kuu basaasay iyo belaayo badan igu beer-raqday. Ana waabad og tahoo hadalka debecsan ee hablaha waaban ku doorsoomaa/ gedoomaa iyadoo intaa subax walba la igu bariidin jiray na ka warran? Ma war bay leedahay dee waa waran caashaq`e. Eebadda caashaq waxay igu mudnaataba barashadii billnayd intay badatay oo biirtay……biirtay sow imay baddelin, Baxsan mooyee aduunyada inay bilis kale ku nooshay been ka ma` aan dhigin. In ta aan baylahshay dawooyinkii sow iyada uun kuma mashquulin, iyadna waa borofiseerad beer-laxawsiga iyo baabiinta ragga balaayo iyo baas ku qabtee soo basbaaska jaceylka igu may ballaadhin. Markay ogaatay in aan ahay dulin ku dul nool dusheeda iyo daymadeeda oon doc kale daymooneyn , la`aanteed na dumaya , tahli Karin na kali istaaga ayay aayar oo dhalatay tahriib inay tagayso igu tiraabtay anna tawstiyo tawaawaca sow:
Ha tahriibin maan odhan , tab kalaa haboone Ha tagin maan odhan ,tanaad baa dambayne Ha tabcaanin maan odhan, waynu taagi reere.
May tix-galin tawaawacayga iyo taahaygee teeday ku tuntuusatay. Tagtay oo tahriibtay anna dhib iyo dhalan-dhool , la igu dhag sii dhuunigiina ka go`ay waxa kaliya een dhawraa meelahaana ka dhego-dhegeeya warkeeda iyo wacaasheeda. Markaan maqlo maggafe ayaa haysta ma masuugee qoyskeedaan la kaashada horena ka diraa dirhamka. hadda lacagtan aan dirayo uma daalin umana dibad-bixine waatii dadka iyo daawooyinka. Baxday badbaaday na, barraday u booyaysayna beegsatay oo gaadhay. Isla dharaartay lugaha dhulka saartay iyadoon diiftii iyo diihaalkii iska reebin bay Dalmar oon daar wada degenaan jirnay , dad horena isku ahayn dibadahana aaday waayo hore, la aqal gashay dermo qudhana kula ledday anna waa jabkaygoo waan jabanahee; adigu haddaad goysay, ood garan weyday abaalkii, anigu waan goconaya ayaan ku ciishoodaa. Kolba heesaha laxawga, beer-nugaylka iyo barisamaadka ku soo xasuusinayaan ku tuurtaa, si tiiraanyo leh ayuu afkaygu u tiraabaa tudducan:
Intaan kaa dhursugayaa aduunyadii I dhaaftee Aday dhaliilee aan dhawroo nabsaa xaqa dhammeeyee.
W/Q : Jibriil Jirde Cabdi
Email: jirde40@gmail.com
Facebook: jibriil jirde

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here