Cabdiraxmaan Baadiyoow: “Somaliland Israel Baa Dabadda Ka Riixaysa Oo Soomaaliya Ka Goynaysa?

0
573

Cabdiraxmaan Baadiyoow: “Somaliland Israel Baa Dabadda Ka Riixaysa Oo Soomaaliya Ka Goynaysa?

Muqdisho, (Warsugan)-Cabdiraxmaan Baadiyoow oo ka mid ah Guddida Madaxweynaha Soomaaliya u soo xushay guddida wadahadaladda Somaliland iyo Soomaaliya, sidoo kalenna ah La-taliyaha Ra’isalwasaaraha Xasan Cali Khayre ee dhanka arrimaha siyaasadda iyo Dib u heshiisinta ayaa qoraal uu soo saaray 19 bishii May 1991-kii ku sheegay in dawladda Isra’iil ka dambaysay gooni-isu-taaga iyo Madaxbannaanidda Somaliland, waxaa uu sheegay in caqliga Somaliland ku goosatay aannu iyadda ka iman ee ay lahayd dawladda Isra’iil.

 

Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa toddobaadkii la soo dhaafay wuxuu markale ku celiyey hadalkii uu horre igu eedeeyey dawladda Isra’iil inay ka dambaysay burburkii dalka Soomaaliya. Isaga oo sheegay inuu wali rumaysanyey in dalka isra’iil dhiiri-geliyey kala go’a dalka Soomaaliya.

 

Cabdiraxmaan Baadiyoow ayaa warqadaasi tobanaan sanno ka hor, wuxuu u diray jaamacadda carabta. Waxaannu qoraalkaasi u dhignaa sidan hoos ku xusan:-

 

“Bayaanka dhaq-dhaqaaqa islaamiga ah ee Soomaaliya ee ku saabsanna kala qaybinta waddanka. Maalintii bishu ahayd 17-kii bishii May 1991-kii oo ku beegan 3.11.1411 ee hijriyadda. Waxay ku dhawaaqday xarakadda gooni-goosadka ah ee loo yaqaanno ururka dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM, in goboladda waqooyi laga go’o dhulka kale ee Soomaaliya. Waxay ku dhawaaqeen dowlad yar oo madax-bannaan oo waafaqsan qaybintii wasakhda ahayd ee gumaysta reer Yurub qaybsaddeen Soomaalidda, Kaas oo waddanka ku celiyey 1960-kii ka hor, waxayna ku magacaabeen Somaliland oo ahaa magacii Ingiriisku goboladda u bixiyey.”Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Dr Baadiyoow . Xigasho Warsugan

 

Wargeyska Warsugan Media Group

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here