Cadadkii 46aad ee Wargeyska Warsugan halkan ka Akhri

0
362

Xuseen Axmed Caydiid Oo Ka Hadlay Kulan Isbahaysiga Dimuqraadiyad Doonka Kulmiye Yeeshay iyo Aayahooda Siyaasadeed

“ Doorashadii Sanad iyo Dheeraad Baa Ka Hadhay, markaa wax na dedejiya ayaanan arkayn, Walina Kulmiye Ayaanu Nahay,” Xuseen Axmed Caydiid

Hargeysa(Warsugan) Isbahaysiga dimuqraadiyad doonka Kulmiye ayaa shalay isugu yimid kulan gaar ah, kaasi oo ka mid ahaa kulamo ay kaga arrinsanayeen aayahooda siyaasadeed, kadib markii todobaadadii la soo dhaafay la isla dhexmarayay in awoodoodu wiiqantay islamarkaana qaarkood wada hadallo la leeyihiin xisbiyada Kulmiye iyo Waddani. Kulanka ay Hargeysa ku yeesheen ayay ka dhex muuqdeen badiba siyaasiyiintii iska casilay xukumadda.

Kulanka isbahaysiga waxaa ka dhex muuqday wasiirkii arrimaha dibadda iska casilay ahaana musharax madaxweyne Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Nuur Kijaandhe oo isna sharaxnaa, wasiirkii madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, wasiirkii caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, wasiirkii hawlaha guud Cabdirisaaq Khaliif Axmed, wasiir xigeenkii shaqada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, wasiir xigeenkii ganacsiga Bashiir Cabdi Xariir, Xildhibaan Waabeeye, Xildhibaan Talyanle iyo siyaasiyiin kale oo isbahaysiga ka tirsan.

Kulankan oo ujeedkiisu ahaa in isbahaysigu midayntooda ku muujiyaan ayaa ujeedkiisa lagu sheegay mid hawlahooda gaarka ah ay ku wateen. Wasiirkii caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, ahna Afhayeenka isbahaysiga Kulmiye ayaa wargeyska warsugan uga waramay waxa kulankaasi daarnaa, wuxuuna sheegay inuu qayb ka ahaa kulamadooda gaarka ah “ Intaa hawlo ayaanu ku jirnaa, markaa hawlahayagii uun baanu wadannaa, markaa shirarkii aanu qabsan jirnay ayuu kulankanna ka mid ahaa,” ayuu yidhi Mudane Xuseen Axmed Caydiid.

Afhayeenku wuxuu meesha ka saaray inay ilaa hadda wax wada hadal ah la yeesheen asxaabta qaranka. Waxa uu beeniyay sheegashooyin xisbiyada qaar ka soo baxay oo ku saabsan inay wada hadal la leeyihiin “ Wax na dedejinaya ayaanan arkaynba. Doorashadiina sanad iyo dheeraad baa ka hadhay, markaa wax allaale wax na dedejinaya ayaanan arkayn ba, markaa ilaa imika hawlahayaga ayaanu wadanaa, marka hawlahayagu noo dhammaadaan ayay noqonaysaa inaanu dhinac u dhaqaaqno,” ayuu yidhi Mudane Xuseen.

Afhayeenka oo sii hadlaya ayaa intaasi raaciyay “Ilaa imika Kulmiye ayaanu nahay. Kulmiyaha magaca goonida ah la baxay ayaanu nahay, Kulmiyahaa diiday sidii musharaxnimadii xaaraanta ahayd la isugu cumaamaday, halkii baanu taaganahay, mamnuucna nagama aha inaanu indho indhayno halkaanu umadda wax uga tari lahayn, markaa inaanu halkii aanu umadda wax uga tari lahayn ka shaqaynaana wax noo furan weeye, markaa haddii isbedel yimaado wax umaddu wadaagi doonto ayuu noqon,” ayuu yidhi Afhayeenka isbahaysigu.

Saddexda xisbi qaran ee Ucid, Waddani iyo Kulmiye ayaa si aada indhaha ugu haya siyaasiyiinta ku midaysan isbahaysiga dimuqraadiyad doonka ah ee Kulmiye, kuwaasi oo ka biyo diiday sidii loo doortay musharaxiinta xisbiga Kulmiye ee kala ah Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici. Siyaasiyiintan oo miisaan ku lahaa Kulmiye ayaa looga gacan haadinayaa saddexda xisbi. Haddallo ka soo yeedhay masuuliyiinta xisbiyada ayaa mid waliba ugu baaqayaa inay cududooda ku soo biiriyaan, halka qaarkoodna isku dayayaan sidii loo kala jiidan lahaa ee badhkood ugu biiri lahaa.

 

 

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Kulan La Qaatay Qeybaha Kala Duwan Ee Wasaaradda Guddina U Saaray Ka soo Talo Bixinta Dib U Habaynta Shaqada Iyo Shaqaalaha

“ Waxaana weeye inaynu abuurno jawi shaqo iyo shaqaale wanaagsan oo cadaaladd aynu ugu xaqsoorno”

Hargeysa (Warsugan) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse ayaa ka warbixiyey  shir ay isugu yimaadeen badiba masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta  Somaliland kulankaas oo lagaga arinsanaayey qorshaha dib u habaynta, dar dar gelinta iyo   shaqada iyo shaqaalaha ka hawl gala Wasaaradaasi

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse  isagoo kulankaasi faah faahiynaya waxa uu yidhi “ Kulankan oo ay joogaan ama goob joog ka yihiin waayeelkii waxgaradkii odayadii Wasaaradda Warfaafintu lahayd badankoodii joogaan iyo masuuliyiintiiba waxa ay ujeedadiisu daaran tahay inaynu furdaamino Barnaamijka dib u habaynta shaqaalaha iyo shaqada Wasaaradda Warfaafinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka, muddo laba sano iyo dheeraada saddex sano ku dhow baynu ku cel celinaynay laakiin wixii marwalba caqabada inagu ahaa waynu naqaanaa maanta marba waji cusub bay lahayd caqabadahaasi Alxamdulillaah Rabil Caalamiin imika ma nihin kuwo ay caqabadahaasi celin karayaan waxaynu helnay xalkii ugu macaanaa ee lagu furdaamin lahaa furihiisii kaasoo ah kulankan aynu maanta qabanay oo kasoo talin doona sida aynu xal uga gaadhi doono arrintaasi waxaanan ilaahay ka baryayaa inuu inagu asturo xilkaasi  gudigaasi aad ka kooban tihiin, Agaasimaha Guud, Maareeyaha TV-ga iyo Wasiir ku xigeenka oo madax idiinku ah ayaana idinku hagi doona Barnaamijkaa wixii xoga aad u baahataana wasaaradaba awalba madaxdeedii baad ahaydeen Aqoonyahanadiina waad ahaydeen Xafiisyadiina intoodii badnayd idinkaaba masuul ka ah, Waxaana weeye inaynu abuurno jawi shaqo iyo shaqaale wanaagsan oo cadaaladd aynu ugu xaqsoorno”.

Gudigan uu saaray Wasiirku islamarkaana ay Wasiir ku xigeenku Madaxda u tahay ayaa noqon doona gudi  kasoo talo bixiya sidii samayn lahaa shaqo ku  dhisan hufnaan iyo shaqaale tayeysan iyadoo la garanaayo kaalinta ay Wasaaradda Warfaafintu kaga jirto Qaranka Somaliland, waxaana  hore usoo noqday muran xoogan ka jira dhanka shaqaalaha iyo shaqada Wasaaradaasi iyadoo ay Wasaaradda Warfaafintu ka mid ahay Wasaaradaha dalka ugu shaqaalaha badan.

Dr Cabdi Aw Daahir Oo Soo Jeediyey In Meel Looga Soo Wada Jeesto Xiisada Soomaaliya Ee Soo Cusboonaatay

 

Hargeysa (Warsugan) Wasiirkii Hore ee Shaqada Iyo arimaha bulshada somaliland Dr Cabdi Aw Daahir ayaa soo jeediyay in dawlada Somaliya loola dhaqmo sidii laba dal oo kala madax banaan.

 

Dr. Cabdi Aw Daahir waxaa kael oo uu tilmaamay in dawlada Somaliland ay ka go’day Somaliya islamarkaana ay tahay inuu u jawaabo wasiirka arrimaha dibada Somaliland marka ay hadalo ka yimaadaan dawlada somaliya ama loo baahdo cid u jawaabta.

 

Hadaba Dr Cabdi Aw Daahir oo barta uu ku leeyahay aalada facebook soo dhigay qoraalkan ayaa u dhignaa sida tan.

 

1)“Waxaanse soo jeedin lahaa qodobadan soo socda:1. Marka ay noqoto arrimaha qadiyadda Gooni isutaaga Somaliland waa in ay noqoto mid aan gorgortan lahayn sidaynu yeelnay.

 

2)In luqadda aynu kula hadlaynaa ay mawqif ahaan iyo siyaasad ahaan tahay mid adag, balse ay ku dheehantahay asluubta diblomaasiyadeed ee xidhiidhka caalamiga ah. Inaguna noqon mid firkanax ah.

 

3)Bacdamaa aynu nahay laba dal oo kala madaxbanaan Xidhiidhkeena wada hadal (channel of communication ) ee Dawladda Somalia waa inuu noqdaa WASAARADDA ARRIMAHA DEBADDA oo KELIYA. Kolba heerka ay joogto Agaasime , afhayeenka Wasaaradda arrimaha debedda , amaba Wasiirka Arrimaha debedda marka loo baahdo.”

 

Dr Cabdi Aw Daahir Wasiirkii hore ee wasaarada shaqa iyo arimaha bulshada waxaa  kale oo uu bogaadiyey mawqifka xukuumadu ka qaadatay qadiyada Somaliland waxaana uu yidhi.

 

“Waxaan ku bogaadinayaa Xukuumadda ,Axsaabta iyo Shacabka Somaliland mawqifka ay iska taageen arrinka qadiyadda Somaliland, gaar ahaan Doodihii adkaa ee maalmahan dambe ina Dhexmaraayay inaga iyo dawladda dalka aynu jaarka nahay ee Somalia.”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay Dr cabdi Aw Dahir.

Mudaharaad Sababay Isku Dhac Dadweyne Gadoodsan Iyo Ciidamadda Amaanka Oo Ka Dhacay Magaalada Saylac

 

Hargeysa (Warsugan) Magaalada Saylac ee Xarunta Gobolka salal waxaa mudo laba cisho ah ka socday Mudaharaad kaasi oo ka dhashay  dhul la doonayey in dayr loogu xidhi Wasaaradda Maaliyada Somaliland qeybteeda Magaalada saylac waxaana dhulkaasi uu dhaliyey muran ka dib markii ay sheegteen Kuluumasatada ku dhaqan Saylac.

Dadweynaha mudaharaadakn dhigayey ayaa sheegay inay dhulkaasi leeyihiin islamarkaan ay diidan yihiin in la dhiso sidoo kalena waxaa ay eedayn usoo jeediyeen Maamulaha kastamka Saylac oo ay sheegeen inuu dhulkaasi dhisaayo,

Mudaharaadkan ayaa  sababay isku dhac dhex mara ciidamada amaanka iyo dadweynaha  waxaana dhawaaqa rasaasta laga maqlaayey magaalada saylac ka dib markii dadkii magaalaadasi ku noolaa ay sameeyeen kacdoon balaadhan oo ay isgu soo baxeen jidadka sidoo kalena waxaa ka hortegay ciidanka amaanka iyadoo isku dayey inay dejiyaan xaalada balse ay u suurtoobi wayday waxaaana ay markii danbe adeegsaden rasaas ay xaga sare u ridayeen si ay dadku u kala dareeraan ilaa hadana mar jirto cid wax ku noqotay rasaastaasi.

Maayirka Degmada Saylac iyo qaar kamida xildhibaanada golaah deegaanka ee degmadaasi oo markii danbe u yimi dadweynaha  ayaa kula hadlay goob faraage ah oo ay dadweynuhu isugu soo urureen iyadoo halkaasina dadweynaha ugu sheegay inay is dejiyaan maadaama aanay buuqa xaalad abuurku dhib mooyee aanay dheef laahyn  sidoo kalena waxaa ay bulshada u balan qaadeen inay  arrintaasi ka hawl gelayaan ka maamul ahaan  lana dhamayn doono.

Isku  soo wada duu duuboo mudaharaadkan ka dhacay magaalada saylac ayaan sababin wax khasaare ah  waana mudaharaad la xidhiidha  muran dhuleed ka dib markii ay diideen  kaluumatsada  in dawr la doonaysyey in qeybta wasaaradda maaliyada ku leedahay magaaladaasi lagu soo wareejiyo xayndaab ay dhulkaasi sheegteen kaluumaysatadu.

 

Madax Dhaqameedka Koonfurta iyo Bariga Hargeysa Oo Ka Hadlay Xadhiga Mulkiilaha Tiyaatarka Hargeysa iyo Qurbe Joog Baaq Ka Soo Saaray

Hargeysa (Warsugan) Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda degaanada koonfurta Hargeysa iyo bariga magaaladda ayaa ka hadlay xadhiga loo gaystay ganacsade Cumar Caydiid Axmed oo labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku xidhan caasimada Hargeysa ayey xukuumadda u soo jeediyeen inay dib ugu soo celiyaan xoriyadiisa.

Odayaasha oo saxaafadda shalay kula hadlaayey magaaladda Hargeysa ayaa ka xukuumadda u soo jeediyey in dib loo eego xadhiga Cumar Caydiid, iyagoo hadalo kulul saxaafadda u mariyey. Waxaa sidoo kale baaq si adag loo qoray arrinta xadhiga Cumar ka soo saaray qurba jooga koonfurta Hargeysa ee ku dhaqan wadanka UK. Waxaanay baaqaas ku socod siiyeen madaxweynaha Somaliland, madaxweynaha Jabuuti, asxaabta qaranka iyo taliyaha ciidanka bilayska ee Somaliland.

Baaqa Qurba Jooga

Bismillaahi Arramanirraxeem. Shacabka reer Somaliland ee nabadda jecel waxaanu idin leenahay Asalaamu calaykum wa raxma tullaah wa barakaatuh.Allah ayaa mahad mudan,rasuulkiisa Muxamed naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaato.

Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland.                                                                                                            Ku: Madaxwaynaha Dawladda jamhuuriyadda Jabuuti madaxwayne Ismaaciil Cumar Geelle
Ku: Axsaabta Qaranka Somaliland.
Ku: Cidkasta oo daneenaysa nabada Iyo Horumarka Somaliland

Ku:Ciidanaka qaranka Somaliland,Ciidanka bilayska qaranka Somaliland
Og: Wasaarada Arrimaha Gudaha

Ujeeddo:Canbaarayn iyo digniin xadhigga ay dawladda Somaliland kula kacday ganacsade Cumar Caydiid oo ah muwaadin reer jabuuti ah dhalasho ahaanna ka soo jeeda beesha Daa,uud Ismaaciil(ciidagale)

Taariikh:3 /2/2016

Annaga oo ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku dhaqan qurbaha kana soo jeeda Caasimada Hargaysa gaarahaan beesha Daa,uud Ismacil (Ciidagale)

Waxaanu si buuxda uga soo hor jeednaa xadhigga sida sharci darrada ah xukuumadda nabadgelyada dalka loo doortay haddana fidnada iyo dabka dalka Somaliland ka dhex hurinaysa ugu taxaabtay muwaadinka reer Jabuuti ee dalka maalgashiga ka hir geliyey.

Cumar Caydiid waa muwaadin reer Jabuuti ah dhalasho ahaanna ka soo jeeda beesha Daa,uud Ismaaciil(ciidagale) waxaa uu maalgashi balladhan ka wadaa dalka Somaliland waxaana ka mid ah:waddada Cad ee ay tahli waayeen dawladihii dalka soo maray in ku hiilaan iskuna xidhaysa Hargaysa ilaa Magaalada Ina Guuxaa ee xuduudka Somaliland iyo dawladda Itoobiya taas oo waxtar muuqda ka tari doonta xidhiidhka labada dal iyo ganacsigooda iyo Tiyaatarkii maamulkii  kaligii taliskii Siyaad Barre dumiyey dhulkana la simay, kaas oo isna bilic ku soo kordhin doona caasimadda  dalka Somaliland Hargaysa.

Waxaa dalka ceeb ku ah ganacsadaha maaligashiga baaxaddaas leh  waddanka Somaliland ka wada in sifo sharciga dalka baal marsan gurigii nabadgelyadiisa lagu ilaalin lahaa lagala baxo oo si foolxun loo qafaasho.

Haddaba annaga oo arrintaa ka tiiraanyaysa shaacabka reer Somaliland oo dhaamina nala qabo waxaanu tilmaamayna sidan.

Dawladda Somaliland,in ay ka dheeraato iska horkeen shacabka reer Somaliland iyo shaacabka walaalaha ee reer Jabuuti oo ay ilaaliso xuquuda maalgashadayaasha dalka ku sugan.

Haddii iska horyimaad Allaha kuma keenee dalka ka dhaco kurisiga idiin macaani wuu qadhaadhaan doonaa dhulkuna qiima yeelan maayo,idinkuna waxaa noqon doontaan dagaal oogayaan haad geedwaayey ku dambeeya shacabka aad moodaysaan in hurdaan way soo jeedaan,waxaa la socotaan, beesha Daa,uud Ismaaciil(ciidagale)marka aad qas ka dhex abaabushaan dalka in aad u qayshataan beeshan si ay u qaboojiso qaska aad dalka  u horsseeddaan, sihaantaas isku heli maysaan in aad beesha gargaar waydiisataan markaad kursigiina u baqataan iyo inaad dulmi kula soo noqotaan.

Dawladda Jamhuuriydda Jabuuti, waxaa la gudboon in ay ka warhayso muwaadiniinteeda lana xisaabtanto cidda ku xadgudubta.

Beelaha reer Somaliland,dalka ilaahay ayaa idin siiyey oo idinku beeray cidda aad u doorataan haddii ay ka soo bixi waydo wixii aad ka doonayseen waa inaad iska qabataan, hana ku raacina danayste daalina dulmiga uu shacabkiisa u gaysanayo, oo sumcadda beesha ka nijaasaynaya.

Jaalliyaddu waxay isla qaateen qodobbadan,

  1. Sida ugu dhakhsaha badan dawladdu in ay xorriyaddiisa ugu soo celiyo ganacsade Cumar Caydiid si aanay shaqooyinkiisu hakad u galin tixna geliso shuruucda caalamiga ah.
  2.  waxaanu ugu baaqaynaa In ay soo farageliso arrintan dawladda jamhuuriyadda Jabuuti.
  3. In ay ka digtoonaadaan beelaha reer Somaliland cid kasta oo isku dayda in ay iska horkeento iskudhacna sababa aan dalka u dan ahayn.
  4. In ay ka feejignaadaan hay’adaha nabadgelyadu amarrada qalloocan ee ay fulinayaan kana fiirsdaan cawaaqibka ka iman kara.
  5. Dalka Somaliland in nabadgelyadiisa meel looga wada jeedo.
  6. In wax kasta caqli iyo aqoon lagu dhammeeyo taas oo Somaliland caan ku tahay.
  7. beesha Daa’uud Ismaaciil in ay nabadgelyada dalka horseed u ahaato wax kasta qalloocana aanay qaadan.
  8. In ay beelaha reer Somaliland arrintan dalka foolxumada ku ah meel uga soo wada jeestaan kana hortgaan dhibaato ka dhacda dalka.
  9. In la badiyo Allaah ka cabsiga.

Guddida Jaalliyadda beesha ee reer UK

  1. Deeq Cabdi Digale…..Guddoomiye.
  2. Mustafe Cabdulahi Ismacil….Guddoomiye ku xigeen.
  3. Cabdkariim Jamac Dagaal…..Xoghaye.
  4. Cabdi Cabdulahi Mooge…xubin.
  5. Maxamed Cabdi Omaar…xubin.
  6. Cabdi Cali Xusen….xubin.
  7. Adan Farax Geedi….Xubin.
  8. Fuaad Cisman Muxumed….xubin.
  9. Cabddulahi Xasan Maxamed….xubin.

Garabka haweenka.

Guddida marjaca ama musdambeedka.

  1. Adan Mooge Xirsi (Adan ingiriis)
  2. Maxamed  Xasan Jafal.
  3. Maxamed Yusuf Diirqadhaadh
  4. Xasan Macalin.
  5. Abokor M.Shukri.
  6. Sheekh Ibrahim.
  7. Ismacil A.Xaawa.

Diyaaraddaha Caalamiga Ah Oo Ka Maagay Muqdisho iyo Qaraxii Diyaaradda Oo Wali La Baadhayo

Qof La Socday Diyaaradda Qaraxday Oo Saxaafadda Uga Waramay Siday Wax U Dhaceen

 

Muqdisho(Warsugan) Diyaaraddaha caalamiga ah ayaa joojiyay duulimaadyadii ay ku tagi jireen magaalada Muqdisho, maalin uun kadib markii diyaaradda Daalo Airline qaraxday iyadoo ilaa 10 mirir hawada ku jirtay, islamarkiina ay madaarka dib ugu soo noqotay. Ilaa hadda diyaaraddaha joojiyay duulimaadyadoodu ma sheegin sababta, hase ahaatee waxaa la rumaysan yahay inay walaac ka qabaan ammaankooda, maadaama dhibaato soo gaadhay diyaaradda Daalo.

Diyaaradda Turkiga laga leeyahay ee Turkish airline, oo maalin ka hor qaraxa Daallo joojisay duulimaadkeeda ayaan ilaa hadda Muqdisho iman. Saraakiisha dawladda Somalia ayaa saxaafadda u sheegay inaanay wali shirkadda Turkish Airline u sheegin sababta ay duulimaadka u joojisay. Sidoo kale diyaaraddaha Jubba airline, Daalo airline iyo duulimaadyada caalamiga ah ayaan maalintii shalay tagin Muqdisho.

Laamaha ammaanka ee xukumadda Muqdisho ayaa wali ku hawlan baadhista sababta qaraxa diyaaradda. 74 rakaab ah iyo toddoba qof oo shaqaalaha diyaaradda ah ayaa la sheegya inay la socdeen diyaaradda, kuwaasi oo badbaaday marka laga reebo qof la sheegay inuu ka dhacay diyaaradda kadibna geeriyooday iyo laba dhaawac soo gaadhay.

“Hal mar ayaanu maqalay dhawaaq, dhawaaqaasi bam weyna ma ahayn laakiin, dhawaaq dareenkii dadka soo wada jeediyay ayuu ahaa, qiiq aan u malaynayo inaanu dab ka kicinna aanu aragnay oo aan ogsojiintii u malaynayo ayaa meesha is qabsaday, waxaana markii dhawaaqa aanu maqalay markiiba soo daaday balahilihii Ogsojiinta. Waa la isku wada dhexyaacay, sawaxan yarna wuu dhacay oo hadal iyo ashahaado la isku daray, oo Laa Ilaaha Illalaah iyo Allahu Akbar ayaanu maqlaynay, markaa dadkii inna meeshii ayay aadeen, qaarna dib ayay uga baxeen,” ayuu yidhi  Axmed Cilmi Muxumed oo VOA la hadlay, lana socday diyaaraddaasi.

Diyaaradda oo uu soo gaadhay dalool u muuqda in qarax ka baxay  ayaa la dhigay qaybta dhinaca afisyoone ee garoonka diyaaradaha, waxaana gacanta ku haya baadhayaasha. Waa shilkii saddexaad ee noociisa ah ee ka dhaca Soomaaliya afartii bilood ee lasoo dhaafay.

Zuma oo bixinaya lacagtii muranka dhalisay

Madaxweyne Jacob Zuma ayaa waxa uu sheegay in uu doonayo in uu dib u bixiyo lacagta uu muranka badan ka dhashay ee uu ku casriyeeyay ammaanka guriga uu gaarka u leeyahay ee ku yaal tuulada Nkandla ee baadiyaha gobolka KwaZulu Natal.

Waxa uu ku sheegay bayaan uu soo saaray xilli dambe oo maalintii Talaadada aheyd in uu qorshahan u diray diiwan hayaha Maxkamadda Dastuuriga.

Baaritaan musuq maasuq oo ay horkacaysay dacwad ooge Thuli Madonsela ayaa 2014-kii lagu sheegay in madaxweynuhu uu si xad dhaaf ah uga faa’iidaystay lacagta qaranka.

Waxa ay ku eedaysay Mr Zuma inuu ku kacay hab dhaqan aan wanaagsaneyn.

Warbixinteeda ayaa waxaa lagu ogaaday in barkad lagu dabaasho, goob digaaga lagu hayo, xero lo’aad iyo masrax ay ka mid ahaayeen goobaha qurxinta lagu sameeyay.

Waxa ay ku talisay in uu madaxweynuhu dib u bixiyo qeyb ka mid ah lacagaha loo isticmaalay waxyaabaha aanan ammaanka la xiriirin.

Wadarta guud ee kharashka lagu casriyeeyay ammaanka ayaa lagu qiyaasay in ay gaarayso 10 milyan oo doolar.

 

 

Kenya Oo Cunto Loo Wado Somalia Joojisay

Baabuurta WFP oo cunto u wada Soomaaliya ayaa Kenya waxay ku xanibtay xadka, ayaga oo ka cabsi qaba inay Al-Shabaab u gacan gasho.

Mas’uuliyiinta dalka Kenya ayaa saddex baabuur oo xamuul ah oo sida cuntada WFP waxa ay ku hayaan xuduudda Soomaaliya, ayaga oo tuhun ka qaba in cuntadaas ay u gacan geli karto Al-Shabaab, sida uu sheegay sarkaal sare.

WFP waxa ay sheegtay in baabuurtan ay mas’uuliyiinta Kenya ka haystaan dhammaan warqadihii u fasaxayey inay cuntada qaadaan, islamarkaana ay si dhow ula socon doonto arrintan, si loo xaqiijiyo in cunnada ay gaarto halkii loogu tala-galay.

Maxamuud Saalax oo ah isku xiraha amniga ee gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegay in baabuurtaan lagu hayo magaalada Mandheera, ayada oo WFP laga sugayo inay xaqiijiso in cuntadan aysan u gacan geli doonin Al-Shabaab.

“Wxaaan ka shaki qabnaa halka cuntada ay u socoto, sababta oo ah markii ugu dambeysay ee cunto ay ka gudubto xadka, waxa ay ku dhammaatay gacmaha Al-Shabaab” ayuu u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.

Challiss McDonough, oo ah afhayeenka WFP ee gobolka ayaa ayada oo ku sugan Nairobi waxa ay sheegtay inay mas’uuliyiinta Kenya kala shaqyenayaan in la xaliyo is-fahamwaagan.

Waxa ay sheegtay in WFP ay xaqiijineyso in cuntada ay ku dhacdo kaliya gacmaha dadka dhiban ee u baahan. Al-Shabaab ayaa deegaanda ay maamusho ka mamnuucday WFP, sanaddii 2010, sida ay sheegtay.