Cajiib: Sterling Oo Markale Lagu Arkay Isaga Oo Shiishad Cabaya..!

0
647

Cajiib: Sterling Oo Markale Lagu Arkay Isaga Oo Shiishad Cabaya..!

Hargeysa(Warsugannews)Laacibka qiimaha qaaliga ah ugu fadhiya kooxda Man City ee Raheem Sterling ayaa lagu arkay markale isaga oo shiishad ama badeecad ku dhuuqaya mid ka mid ah meelaha lagu caweeyo Sabtidii.
The Sun oo soo xiganaysay maamulkii meeshii uu ka cabayay Raheem Sterling shiishadan ayaa sheegay inay lama filaan ku noqotay inuu arko laacib weyn oo shiishad cabaya.Raheem Sterling ayaa caways u baxay Sabtidii kadib kulankii uu xulka qaranka Ingiriisku 2-0 kaga adkaaday xulka qaranka Estonia kulan ka tirsanaa is reeb-reebka koobka qaramada qaarada Yurub.

“Waa lama filaan inaad arragto laacib weyn oo sida Sterling oo kale ah isla markaana dhuuqaya shiishad, wuxuu la socday asxaabtiisa wuxuuna ku raaxaysanayay wakhtigiisa” ayuu yidhi qof u hadlay wargeyska The Sun.

Hore ayaa laacibkan loo eedeeyay ka dib markii lagu arkay isaga oo cabaya shiishad mana jiro war ka soo baxay kooxda Manchester City oo lagaga hadlayo arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here