Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Waabariistay Caasimadda Hargeysa iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Oo Soo Dhaweeyay

0
580

Cali Khaliif Galaydh Oo Ku Waabariistay Caasimadda Hargeysa iyo Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumadda Oo Soo Dhaweeyay

Hargeysa (WSN)- Hogaamiyaha maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galaydh ayaa saaka subaxnimadii hore ku waa-bariistay caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha, wasiirka qorshaynta iyo Agaasimaha guud guud ee wasaaradda iyo dhaqanka Faysal Aw Jaamac Xirsi (Faysal Xawte), badhasaabka Maroodi-jeex Mr. Buraale iyo Badhasaabka gobolka Togdheer Saleebaan Cali Ramaax.

Cali Khaliif Galaydh iyo wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa saaka cagaha soo dhigay Magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland, iyaga oo xalay ka soo guureeyay magaalada Buuhoodle ee xarunta u ah maamulkiisa Khaatumo, waxaanu soo dhawayn diiran kala kulmay masuuliyiinta iyo madaxda xukuumadda Somaliland. Sidoo kale waxa iyaguna ku booqday Hoteel Ambasador oo ay isaga iyo wefigiisu ka quraacaneyeen Madaxda xisbiga WADDANI oo uu horkacayay Cabdiraxmaan Cirro iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID.

Weftigan uu hogaaminayo Cali Khaliif Galaydh oo saacado kooban ku sugnaa gudaha magaalada Hargeysa, waxa ay isla saakaba ka dhoofeen madaarka caalamiga ah ee Hargeysa (Cigaal International Arport), iyaga oo u kicitimay dalka aynu jaarka nahay ee Jabuuti, oo la filayo in shir wada xaajood ahi uga furmo maamulka khaatumo iyo Xukuumadda Somaliland.
Cali Khaliif Galaydh iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayay, waxa safarkooda Jabuuti ku wehelinayay oo ay isku diyaarad ka raaceen Hargeysa wefti kale oo ka socda Xukuumadda Somaliland, oo ka kooban xubno wasiirro ah iyo guddoomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe.

Prof. Cali Khaliif Galaydh, hogaamiyaha Kooxda Khaatumo, ayaa ka hadal ujeedada socdaalkiisa, isla markaana ka gaabsaday saxaafadda, iyada oo la filayo in marka uu gaadho dalka Jabuuti uu si faahfaahsan uga hadli doono ujeedada socdaalkiisa, waana markii ugu horraysay ee uu cagaha soo dhigo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, tan iyo wixii ka dambeeyay sannadkii 1993-kii.