CANADA: Soomaali qoxooti ku ahaa dalka Canada oo loo magacaabay wasiirka socdaalka iyo qoxootiga

0
312

Isku-shaadheyn lagu sameeyay xukuumadda dalka Canada ayaa waxaa Ahmed Hussen oo ah nin asalkiisu soomaali yay ayaa loogu magacaabay inuu noqdo wasiirka socdaalka, qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalka Canada.

Isku shaan-dheyn uu shalay golahiisa wasiirada ku sameeyey ra’isul wasaaraha dalka Canada, Justin Trudeau ayuu Ahmed Hussen ku badalay wasiirki hore ee socdaalka John McCallum, kaasi oo loo magacaabay safiirka Canada u fadhin doona dalka Shiinaha.

Ahmed, ayaa noqday qofki ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadki 2015-kii, wuxuuna markaasi kasoo galay baarlamanka xaafada York South-Weston ee magaalada Toronto

Hadda wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah dowladaha waaweyn ee caalamka.

Mr. Ahmed ayaa qoxooti ahaan ku galay dalkaasi Canada horraantii sagaashameeyada xilligaasi oo uu jiray da`da 15-16, waxaana uu dhaq-dhaqaaqiisa siyaasadeed uu bilaabay kaddib iskuulka sare, isagoona ku bilaabay u adeegga arrimaha bulshada.