Carlos Bacca oo xalay ku dhaqaaqay fal ay ka xumaadeen taageerayaasha AC Milan

0
397

waaxa qorey yaasir br

Ma wax ku saabsan suuqaa mise saaxiibo ayuu soo salaamayay? Si kastaba Carlos Bacca xalay wuxuu seexday Sevilla, wuxuuna Colombian-kani waloow uu dhaawac ahaa misna u gooyey kulankii ay Milan ugu safartay Empoli, isagoo biddaalkeeda door biday inuu tago Sanchez-Pizjuan stadium si uu u daawado kulankii Sevilla vs Valencia.

Kooxdiisii hore ee Sevilla waxay ka mid tahay kooxo dhowr ah oo doonaya qannaaskan marka uu furmo suuq-jiilaalka Jannaayo.

Macallinka Milan ee Montella ayaa saxaafadda u sheegay inuu isagu fasaxay laacibka, balse taageerayaasha Milan ayaa aad u dhaleeceeyay laacibka oo ay u arkaan mid aan xushmad u muujinin kooxdiisa.

Bacca ayaa xagaagii suuqa yaalley, balse isla isaga ayaa diidey kooxihii soo dalbaday si uu Milan usii joogo, balse haatan jiilaalka gool la’aaneed ee haysta, hab-dhaqankiisa xirfadlenimo oo aan ahayn sidii la rabey iyo soo bixitaanka Lapadula ayaa soo dedejinaysa inuu ka tago Milan.