Carlos Tevez oo ku fikiraya inuu ka fariisto ciyaaraha

0
331

Weerar yahanka reer Argentina ee Tevez ayaa ku fikiraya inuu ka fariisto ciyaaraha gaar ahaan marka uu go’aansado inuu ka tago kooxdiisa Boca Juniors.

Carlos Tevez ayaa ka dhawaajiyay suurogalnimada uu ugatagi doono kooxdiisa Boca Juniors isla markaana uu ku fikirayo inuu ka fariisto kubadda cagta.

Laacib kaan ayaa dalab qaali ah uga yimid dhanka horyaalka shiinaha laakiin wuxuu soo muujiyay inuusan diyaar u ahayn u dhaqaaqida halkaas.

“Ka tagida Boca Juniors waa arin suurogal ah, laakiin ma ahan waxa kaliya ee dhici doona” ayuu yiri laacibkii hore ee Juventus.

“Waxaan joojin doonaa ciyaarista kubadda cagta, taas ayaa ah xaqiiqda, haatan ayaan ka fikirayaa mustaqbalkeyga, marka aan gaaro go’aanka waan u sheegi doonaa taageerayaasha”.

“Waxaan qaadan doonaa go’aan u fiican aniga, qoyskeyga iyo kooxda, waqtigaan kuma haboona in la gaaro go’aankaas, marka aan galo fasaxa ayaan sifiican uga fikiri doonaa”.

“Marka aan gaaro go’aanka waxaan dib ugu soo laaban doonaa kooxda si aan ula fariisto, jacaylka aan u qabo kooxdaan waa waxa kaliya ee igadhigaya inaan sii joogo halkaan”.