CIA: – Ruushka faragelin ayuu ku sameeyay doorashadii Mareykanka si uu usoo boxo Donald Trump

0
294

Hay`adda sirdoonka Mareykanka ee CIA-da ayaa rumaysan in ruushka uu u howlgalay si qarsoodi ah si uu u xoojiyo Donald Trump tartankii doorashada ee dalka, waxaa sidaa qoray wargeyso caan ah oo soo xigtay saraakiil Mareykan ah.

Warbixin lagu qoray wargeyska New York Times ayaa sheegaysa in wakaaladaha sirdoonku ay “kalsooni sare ku qabaan” in Ruushku uu ku lug lahaa weerrar dhanka internetka ah.

Qoraal ka soo baxay CIA-da oo uu daabacay wargeyska Washington Post ayaa sidaas oo kale lagu sheegay.
Hasayeeshee kooxda Mr Trump ayaa beenisay hadalka CIA, waxa ayna yiraahdeen: “Kuwan waa dadkii yiri Sadaam Xuseen waxa uu haystaa hubka wax baabi’iya.”

Saraakiisha Ruushka ayaa lagu soo warramayaa inay iska fogeeyeen eedaha ah inay u dhaceen computerrada.

Jimcihii, Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa amray in la baaro weerraro taxana ah oo dhanka internetka ah, oo lagu eedeeyay Ruushka intii ay socdeen doorashooyinkii Mareykanka.

Dadka u dhaca computerrada ayaa waxa ay bartilmaameedsadeen emaillada Xisbiga Dimuqraadiga iyo kaaliye sare oo ka tirsanaa kooxdii Hillary Clintion.

Bishii Oktoobar, saraakiisha dowladda Mareykanka ayaa eed dusha kaga tuuray Ruushka iyagoo ku dhaleeceeyay in ay faragelin ku hayaan ololaha doorashada.