Ciidamada dalka Ciraaq oo gudaha u galay magaalada Moosil

0
653

 

 

qore yaasir BR

Xoogagga dowladda Ciraaq waxa ay daafaha magaalada Moosil dagaal culus kula galeen dagaallama yaasha daacish.
Waxa ay ciidamadan isku deyayaan inay markii ugu horeysay galaan magaalada, tan iyo markii ururka la baxay Khilaafada Islaamka uu qabsaday, in ka badan laba sano ka hor.
Waxaa jiro isku dhac aad u xoog badnaa oo shalay illaa xalay oo dhan ka socday xaafadaha hareeraha magaalada Moosil ku yaalla.
Qaramada Midoobeey ayaa dhankeeda sheegeysa in daacish ay shacabka isugu geyneyso goobaha istaraatiijiga ah ee Moosil.
Ururka la baxay Khilaafada Islaamka ayaa 25 kun oo qof oo shacab ah u adeegsanaya sida difaac ama gabaad oo kale, sida uu sheegayo Ravina Shadasani, oo ah afhayeenka arrimaha xuquuqda aadanaha ee UN.Ciidamada xulafada ah ee ku sii durkaya magaalada waxaa logu weeraray madaafiic, hub kaloo culus iyo qoryaha darandooriga u dhaca.
Dagaal yahanada toogashada ku xeelka dheer ee daacish ayaa halis geliyay ciidamo ku sugnaa cirifka magaalada.
Balse afhayeenka ciidamada la dagaallanka waxa loogu yeeray argagixisada ee dalka Ciraaq, Sabax Al-Numcan, waxa uu BBC-da u sheegay in xoogagga dowladda ay gaareen guulo ayadoo qofna uusan ka dhiman.
Qaar ka mid ah ciidamadaasi waxayba galeen xaafadaha magaalada, waxayna qabsadeen xarunta telefishinka qaranka oo cirifka bari ee Moosil ku yaalla.
Illaa 40 qof oo ka mid ahaan jiray ciidamada xoogga dalka Ciraaq ayaa la sheegay in sabtidii la dilay.
Ciidamada xulafada ah waxa ay jebinayaan go’doominta magaalada, ayagoo la kulmaya dagaal guri-guri ah.
Moosil oo daacish ay qabsatay sanadkii 2014, waxaa u badan Sunniyiin Carab ah.