Ciidamada Dowladda Puntland oo dib u Qabsaday degmada Qandala ee gobolka Bari

0
417

{QANDALA .} WAR SUGAN

Ciidamada Dowladda Puntland ayaa maanta dib u qabsaday deegaanka Qandala ee gobolka Bari kaddib muddo ay ka talinayeen maleeshiyaadka taabacsan ururka Daacish.

Col. Cabdirisaaq Caynab Cali(Xaayow) oo hoggaaminaya ciidamada Badda Puntland ee dhinaca Badda ka hawlgalaya ayaa u sheegay BBC-da laanteeda Af-Soomaaliga in afartii subaxnimo ay gaareen magaalada Qandala iyagoon wax iska caabin ah la kulmin.

Shalay afartii saac ee subaxnimo ayaan tegay, waxaa iska hor imaad oo ka dhacay ma jiro, saaka ayaan meel dhaqdhaqaaq ka dareemay, rasaas ayay soo rideen, islamarkiiba rasaas ayaan ku jawaabnay, magaaladana, dhinaca buuraha ayay uga baxeen””ayuu yiri

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadka Daacish ee haystay magaalada ay dhanka buuraha u baxsadeen xiligana ay ciidamadiisu ku sugan yihiin cirifka magaalada oo ay wax dhaqdhaqaaq ah ka jirin Qandala.

Annigu ciidanka badda ayaan watay, ciidankuna magaalada afkeeda ayuu ku sugan yahay oo dhinaca badda ah, wax dagaal ah oo ka socdaana ma jiraan, ciidamadana kalena kor ayay joogaan oo waa la heli doonaa warkooda”ayuu yiri

Wuxuu sheegay in dhawaan ciidamada dhanka dhulka ah ay soo gaari doonaan magaalada Qandala isla markaana ka sifeyn doonaan dhamaan deegcanada ay ku sugan yihiin.

Si kastaba maalintii shaley ayaa dagaal u dhaxeeyey ciidamada Puntland iyo Daacish uu ka dhacay deegaanka Af-Bashaashin oo degmada Qandala u jirta 50 km sida uu sheegayna Guddoomiye Dhado ku aileen 7 ka tirsan Daacish dhankoodna saddex askari ka dhaawacmeen.